Istaraatijiyadda cusub ee Maraykanku ma baabi'in doontaa 'kooxaha argagixisada Afrika'?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisay faafitaanka kooxaha mintidiinta ah ee xagjirka ah ee ka jira Galbeedka Afrika, gaar ahaan gobolka Saaxil iyo hareeraha Harada Chad.
Maamulka Donald Trump ayaa ka digay in kooxahan mintidiinta ahi ay ku xoogeysanayaan Galbeedka Afrika, kadib markii ay sheegteen inay hore ugu guuleysteen la dagaallanka kooxahan ka hawlgala Ciraaq iyo Suuriya.
Maraykanku wuxuu bayaankan ku sheegay warbixin uu soo saaray oo ku saabsan istaraatiijiyaddiisa cusub ee la dagaallanka argagixisada ee sanadka 2026.
Warbixintaas, maamulka Trump wuxuu Galbeedka Afrika, gaar ahaan gobolka Saaxil iyo Harada Chad ee xadka la leh waqooyiga Nigeria, ku tilmaamay meel ay ku urursan yihiin dagaalyahanno xagjir ah, kuwaas oo – sida ay Maraykanku sheegtay – markii lagu jabiyay Bariga Dhexe kadib u wareegay Afrika.
Qaaradda Afrika ayaa la sheegay inay la tacaalayso dhibaatooyin la xiriira kooxaha kacdoonka sameeya, taas oo lagu sababeeyay wax uu Maraykanku ku tilmaamay daciifnimada dowladaha Afrika.
Khabiirada amniga sida Dr. Kabiru Adamu ayaa sheegay in warbixintu ay ka hor imanayso habraacyo hore loo dejiyay:

Xigashada Sawirka, AFP
"Waxay ka kooban tahay hadallo siyaasadeed oo badan. Tusaale ahaan, waxaa ku jira in madaxweynaha hadda uu sheegay in markii uu markii ugu horreysay xukunka yimid uu burburiyay kooxaha IS iyo Al-Qaeda ee Ciraaq iyo Suuriya."
"Kadibna, waxay dib ugu soo laabteen Afrika, sida uu ku sheegay qorshaha dowladda uu kala wareegay (maamulka Biden), taasoo ogolaatay in taasi dhacdo."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Donald Trump ayaa aqoonsaday lix meelood oo Afrika ah oo uu sheegay in kooxahan ay dib ugu soo laabteen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Galbeedka Afrika, gobolka Saaxil, Harada Chad, Mozambique, Sudan, iyo Soomaaliya," ayuu yiri.
Mid ka mid ah ujeeddooyinka istaraatiijiyadda cusub ee la dagaallanka argagixisada ee Maraykanku ku dhawaaqay ayaa ah in laga hortago faafitaanka kooxaha argagixisada ee ujeeddadoodu tahay inay weeraraan Maraykanka, isla markaana la xoojiyo ilaalinta Masiixiyiinta, kuwaas oo sida la sheegay wajahaya "khataro," gaar ahaan Nigeria.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Kabiru Adamu ayaa sheegay in tani aysan horseedi doonin in Maraykanku dhiso saldhigyo militari.
"Sida qorshahan ku qoran, Maraykanku ma dhisi doono saldhigyo, balse wuxuu diri doonaa kooxo yaryar oo ujeeddadoodu tahay inay caawiyaan dowladaha Afrika inay isdifaacaan."
"Arrintu waxay tahay in Maraykanku uusan si buuxda mas'uuliyadda u qaadan doonin, balse dalalka Afrika ay iyagu qaadan doonaan mas'uuliyadda, iyadoo Maraykanku ka caawinayo."
"Arrinta labaad waa in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya amniga iyo ganacsiga, taas oo micnaheedu yahay in meel kasta oo caawimaad laga bixiyo ay sidoo kale jiri doonto danaha ganacsi ee Maraykanka."
"Sida aan fahamno, waddan kasta waa inuu go'aamiyaa waxa uu danihiisa yahay iyo waxa uu doonayo inuu ka gaaro xiriirka amni iyo la-dagaallanka argagixisada ee u dhexeeya isaga iyo dalalka gobolladan," ayuu yiri.
Dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay sii wadi doonto wada shaqaynta ay la leedahay dowladaha Afrika ee wajahaya khataraha kooxaha ku xiran IS iyo Al-Qaeda ee sidoo kale halista ku haya Maraykanka, balse sida ay sheegtay, tani waxay socon doontaa ilaa dalalku ay xaqiijiyaan amniga xuduudahooda oo ay gebi ahaanba xiraan marin kasta oo ay argagixisadu ka soo geli karto.










