Faylal cusub oo maqluuqaadka aan la aqoon ah oo lagu arkay bariga dhexe

.

Xigashada Sawirka, US government

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Pentagon-ka ayaa soo saaray dufcad cusub oo faylal maqluuqaadka UFO ah oo shaaca laga qaaday, iyadoo ay ku jiraan muuqaallo aan hore loo arag, sawirro, iyo dukumeentiyo muujinaya walxaha qarsoon.

Fiidiyowyo ayaa muujinaya shey aan la fahmi Karin oo ku dul wareegaya aag la deggan yahay oo ku yaal Bariga Dhexe, iyo muuqaallo ah saxan madow oo dul heehaabaya Badweynta Baasifigga, oo u muuqda inuu baaba'ayo muddo yar ka hor inta uusan dib u soo muuqan.

Shaacintaan ugu dambeysay waxay ka kooban tahay 41 faylal guud ahaan: in ka badan darsin fiidiyowyo, saddex sawir, iyo tiro dukumeentiyo PDF ah. Dukumentiga ugu da'da weyn waxaa la kaydiyay 1953, kan ugu dambeeyayna waa sanadkan.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa qaybtii ugu horreysay ee 161 fayl ku soo daabacday boggooda internetka 8-dii Maajo, iyadoo ballanqaadyo badan ay soo socdaan.

Qoraalka Muuqaalka, Faylal cusub oo maqluuqaadka aan la aqoon ah oo lagu arkay bariga dhexe

Ka dib markii Madaxweyne Trump uu ku baaqay in dukumeentiyada lagu sii daayo amar fulineed horraantii sanadkan, Pentagon-ka wuxuu qarsoodidii ka saaray boqolaal faylal taxane ah.

Kuwan ayaa ka mid ah waxyaabihii ku jiray qaybta hadda la sii daayay:

Muuqaallo laga duubay Gacanka Cumaan sanadkii 2021 ayaa u muuqda inay muujinayaan "shay qabow" mugdi ah oo ku socda qaabab aan caadi ahayn. Wax marka hore ee la eego u eg guri sabeynaya hawada ayaa la sheegay inuu yahay Shey Aan La Aqoon (UAP) oo cabbirkiisu yahay qiyaastii 1.2 mitir marka la mitiriyo dhexroorkiisa.

Shaygan Aan La Aqoon, waa ereyga rasmiga ah ee ay dawladda Mareykanka iyo saynisyahannadu u isticmaalaan inay ku qeexaan walxaha noocaas ah. Marka laga soo tago Walxaha Duulaya ee Aan La Aqoon, UAP-yada waxaa laga heli karaa dhulka iyo biyaha hoostooda, iyo sidoo kale hawada sare.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Muuqaal kale, oo ay qabatay kamarada militariga Mareykanka oo ku sugan meel aan la shaacin oo ku taal Bariga Dhexe sannadkii 2025, ayaa muujinaya shey wareegsan oo ku socda xariiq toosan oo dul saaran wax u eg deegaan magaalo.

Mid ka mid ah dukumentiga FBI-da ee dadwaynaha shaaca looga qaaday, duuliye hore oo milatari ah ayaa sharraxaya inuu arkay nalal cirka ku socda bishii Oktoobar 2023 isagoo ku jira duulimaad u dhexeeya Boston iyo Dublin. Wuxuu sheegay in duuliyeyaal kale oo badan ay arkeen dhacdooyin la mid ah taa intii u dhaxaysa saqda dhexe iyo 3 subaxnimo.

Nalalka cadcad ayaa bilaabaya inay mugdi galaan, iyagoo si tartiib tartiib ah u iftiimaya ka hor inta aysan si toos ah u soo wada bixin. Qaar ka mid ah nalalka ayaa hal goob taagnaa, halka kuwa kalena ay ku socdeen xariiqyo toosan, mararka qaarna ay beddelayeen jihooyinka, ayuu yiri duuliyaha. Wuxuu arkay kala duwanaansho nalalkan ugu yaraan toban jeer tan iyo markii uu arkay nalalka markii ugu horreysay sannadkii 2023.