Maxaad ka taqaan guddoomiyeyaashii soo maray baarlamaanka Soomaaliya wixii ka dambeeyey xilligii KMG

- Author, Mohamud Abdiasis
- Role, Weriye BBC
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dhawaan waxaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya baneeyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo hayey tan iyo 2021. Wuxuu ahaa guddoomiyihii seddexaad ee baraalamaanka (aqalka hoose). Qormadan ayaannu ku eegeynaa guddoomiyeyaashii soo maray baarlamaanka Soomaaliya tan iyo markii uu dalku ka baxay nidaamka ku-meel-gaarka.
Prof Jawaari
Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaankii sagaalaad. Jawaari ayaa muddo xileedkiisii dhameystay waloow xiligaas baarlamaanka uu riday labo Ra'iisulwasaare.

Xigashada Sawirka, Social media
11 Jan 2017kii ayaa mar kale loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaankii 10aad.
Bisha maarso 2018 ayey xildhibaano ka soo gudbiyeen mooshin kaas oo uu wakhtigaas ku eedeyay In xukuumada ay gadaal ka riixeyso.
Ka dib isqabqabsi ka dhashay mooshinkaasi, ayaa 9 kii bishii April ee 2018 waxaa jawaari isaga oo uu garab taagan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhawaaqay in uu is casilay.
Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 28kii June 2024 ku geeriyooday Muqdisho.
Danjire Maxamed Mursal

Xigashada Sawirka, Social media
30ka bishii Abril ee sanadkii 2018 dii ayaa Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa loo doortay gudoomiyaha Golaha shacabka ee baarlamaanka.
Dabayaaqadii 2018 kii waxa uu khilaaf soo kala dhexgalay gudoomiye Mursal iyo Xukuumadda ka dib markii la sheegay in uu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo balse markii dambe xal ayaa laga gaaray.
25 kii Luulyo ee sanadkii 2020 kii ayuu baarlamaanka kalsoonida kala laabtay Ra'iisulwasaare Xasann Cali kheyre ka dib mooshin iyo codeyn degdeg u dhacay.
Baarlamaankii 10-aad ee uu gudoomiyaha ka ahaa Maxamed Mursal 12kii bishii Abriil 2021-kii ayaa u codeeyay muddo kordhin labo sano ah taa oo ay ka dhalatay in iska hor-imaadyo ay ka dhacaan magaalada iyadoo markii dambe laga laabtay muddo kordhinta.
Waxaa xusid mudan in Maxamed Mursal uu hore u soo noqday danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga ka hor intii aan loo dooran guddoonka Baarlamaanka.
Sheekh Aadan madoobe

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
28kii bishii Abril ayaa loo doortay Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11aad.
Muddadii 4 ta sano eheyd ee uu Aadan Madoobe joogay Baarlamaanka ayaa ansxiyay shuruuc badan oo ay xukuumada soo gudbisay.
Aadan madoobe ayey dadka qaar ugu yeerayeen Aadan Ansax sida isagaba uu sheegay.
Dadka taageera dowladda ayaa u arkaya xasilooni siyaasadeed iyo wada shaqeyn wanaagsan muddadii uu xilka hayey, halka mucaaradkana ay ku eedeyeen in gudoonka baarlamaanka uu ku milmay golaha fulinta, meeshana ay ka baxday isla xisaabtankii loo baahnaa.
Aadan madoobe ayaa mararka qaar isagoo kulanka fadhiya ay xildhaabo ka hor imaanayeen, balse gudoomiye Aadan ayaa ahaa mar waliba mid hawshiisa sii watay.
Dhanka Kalena, xildhibaanadii ugu badnaa ayaa laga ganaaxay kulamada baarlamaanka muddadii uu Aadan madoobe ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka.
Ugu dambeyntii 4tii bishii Maarso ee 2026 kii ayuu baarlamaanka u codeeyay dhameystirka Dastuurka taa oo Aadan madoobe ka dhigtay gudoomiyihii golaha shacabka ee qabya tiray dastuurka.
Aadan Madoobe ayaa dhawaan loo doortay hogaamiyaha Koonfur Galbeed, ka dib muran siyaasadeed oo awood la isu adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baydhabo. Sidaa darteed waxa uu baneeyay xilka gudoomiyaha.
Guddoomiyaha 4aad ee xigaya Aadan Madoobe ayaa xilka si rasmi u hayn doona muddada sannadka ah ee ka dhalatay dhamaystirka qabya-tirka dastuurka.
Waxaa xusid mudan in dhamaan mas'uuliyiinta soo qabtay xilka guddoomiyaha golaha shacabka (aqalka hoose) tan iyo wixii ka dambeeyey wakhtigii Soomaaliya ay ka baxday ku-meel-gaarka ay ka soo jeedaan hal deegaan doorasho.














