Muxuu siday Markabka Iiraan ee Maraykanku qabteen

Xigashada Sawirka, US CENTCOM
Markabka Touska ee ku safarayey calanka Iiraan oo ay qabteen ciidamada Mareykanka Axadii ayay u badan tahay in uu siday wax ay Washington u aragto in ay isticmaali karaan milatariga, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka badaha ah Isniintii.
Markabkan konteenarada qaada oo qayb ka ah maraakiibta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee loo soo gaabiyo kooxda (IRISL) ee ay saaran tahay cunaqabataynta Maraykanku, ayaa Axadii lagu qabtay meel ka baxsan dekedda Iiraan ay ku leedahay gacanka cumaan ee Chabahar, waxaana xilligii ugu dambeeyay ee la sheegay halka uu taagan yahay ay ahayd 13:08 GMT (4:08 galabnimo ee saacadda Afrikada bari), sida laga soo xigtay xogta la socodka maraakiibta.
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in shaqaalihii markabka Touska ay ku guuldareysteen inay u hoggaansamaan amarrada la siiyey, ayadoo digniinaha lagu celcelinayey muddo muddo lix saacadood ah, waxay kaloo intaa ku dareen in markabka uu ku xadgudubay xayiraadda Mareykanka.
Ilaha ammaanka oo ka gaabsaday in haybtooda la sheego ayaa sheegay in qiimayntoodii ugu horreysay ay ahayd in markabku ay u badan tahay in uu sido alaab loo isticmaali karo ujeeddooyin milateri iyo kuwo rayod ka dib markii uu safar kaga yimid Aasiya.
Markabka ayaa horay u qaaday alaabo loo arkay inay yihiin kuwo siyaabo kala duwan loo isticmaali karo sida uu sheegay mid ka mid ah ilaha.
Ilaha ayaan tafaasiil ka bixin alaabta nooceeda. Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa liis gareeyey biraha, tuubooyinka iyo qaybaha elegtarooniga ah ee ka mid ah alaabooyinka kale ee yeelan kara isticmaal ciidan iyo sidoo kale isticmaalka warshadaha oo la qaban karo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay Talaadadii in ciidamada Maraykanku ay weerareen markab ganacsi oo Iiraan laga leeyahay oo lagu magacaabo Touska, meel u dhow xeebteeda, iyaga oo cambaareeyey dhacdadan oo ay ku tilmaameen "mid sharci darro ah iyo xadgudub" ku ah sharciga caalamiga ah, sida ay sheegtay warbaahinta Iiraan.
Iiraan ayaa dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo markabka, badmaaxiintiisa iyo qoysaskooda, wasaaraddu waxay sheegtay, iyadoo intaas ku dartay in dhacdadani jabisay xabbad joojintii lagu heshiiyay bishan, waxayna ka digtay in Washington ay mas'uul ka noqon doonto xaalad kasta oo sii kororta.
Milateriga Iiraan ayaa sheegay in markabka uu ka yimid Shiinaha waxayna ku eedeeyeen Mareykanka "burcad-badeednimo hubeysan" sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Isniintii. Waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidamada Maraykanka "gardarradooda cad" laakiin waxaa xaddiday joogitaanka qoysaska shaqaalaha markabka.

Xigashada Sawirka, Shipspotting.com
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Washington waxay ku soo rogtay cunaqabatayn maraakiibta IRISL dabayaaqadii 2019, iyada oo ku sifaysay "khadka maraakiibta ee la doorbido ee koboca iyo wax soo iibsiga Iiraan" oo ay ku jiraan daabulida alaabta loogu talagalay barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Iiraan.
Shaqaalaha markabka Touska ayaa waxaa ku jira Kabtan u dhashay dalka Iiraan iyo shaqaale u dhashay dalka Iiraan, inkastoo aan la ogeyn in dhammaan shaqaalaha markabka ay u dhasheen dalka Iiraan sida uu sheegay mid ka mid ah ilo wareedyada.
Maraakiibta IRISL waxaa gacanta ku haya Ilaalada Kacaanka, shaqaalahooduna waxa ay inta badan ka kooban yihiin Iiraaniyiin waxaanay mararka qaarkood isticmaalaan badmaaxiinta Pakistan u dhashay sida ay sheegeen laba ilo oo kale.
Markabka ayaa markii hore la ogaaday isagoojooga dekedda Taicang ee Shiinaha oo ku taal woqooyiga Shanghai 25-kii Maarso, wuxuuna yimid dekedda koonfurta Shiinaha ee Gaolan Maarso 29-30, sida lagu sheegay falanqaynta dayax-gacmeedka ee khubarada falanqaynta xogta SynMax.
Markabku wuxuu Shiinaha ka soo qaaday konteenarro, ka dibna wuxuu joogsaday agagaarka dekedda Klang ee Malaysia Abriil 11-12 halkaas oo konteenarro kale ka qaaday, sida laga soo xigtay falanqaynta SynMax.
Markabka ayaa waxaa saarnaa konteenaro markii uu gaaray gacanka Cumaan maalintii Axadda.
Shiinaha ayaa walaac ka muujiyay "faragelinta qasabka ah" ee Mareykanka uu ku sameeyay markabka xamuulka ah ee Iiraan, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa Isniintii sheegay, isagoo ku booriyay dhinacyada ay khuseyso inay u hoggaansamaan heshiiska xabbad joojinta si mas'uuliyad leh.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay Axadii in Touska uu ku jiray dhinacyada cunaqabataynta Maraykanku ku soo rogay, isaga oo intaa ku daray in ciidamada Maraykanku "ay arkayeen waxa saaran".
Milateriga Maraykanku waxa uu balaariyey go'doominta maraakiibta ee Iiraan oo ay ku jiraan shixnado loo arko inay yihiin kuwa kontarabaan ah, maraakiib kasta oo looga shakiyo inay isku dayayaan inay gaaraan Iiraan waxay noqon doonaan "kuwo Khasab xaq loogu leeyahay in la booqdo oo la baaro" sida ay sheegeen ciidanka badda ee Maraykanka.
Kontorobaanka ayaa waxaa ku jira hub iyo rasaas.













