Trump: "Dadka gobolka Minnesota waa inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, dowladdu gacan ayay idinku siinaysaa"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalka Mareykanka gaarahaan gobolka Minnesota.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ugu baaqay dadka gobolka Minnesota inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, isagoo ballanqaaday in dowladda federaalku ay caawin doonto haddii gobolku u baahdo.
"Gobolka Minnesota oo mar ahaan jiray gobol weyn ayaa waxaa la wareegaya soogalootiga Soomaalida. Rabshado, dilal iyo fowdo ayaa ka jira guud ahaan gobolka. Dadka Minnesota waa inay iska caabiyaan. Dowladda gobolkiinna ayaa idin dhacay oo idin dayacay," ayuu Trump qoray, ka hor inta uusan dhaliilin guddoomiyaha gobolka, Tim Walz.
Trump ayaa guddoomiyaha ku tilmaamay mid aan karti lahayn, isagoo ku eedeeyay inuusan doonayn inuu arrimahaas faraha la galo.
"Wuxuu doonayaa oo keliya inuu gobolka ka tago isagoo xaday wixii uu awooday, kaddibna nolol deggan ku noolaado. Soomaalida waa inaan loo oggolaan inay ka baxsadaan waxa ay samaynayaan. Waxay idiin arkaan dad daciif ah oo aan waxba fahmin. Iska caabiya, dadka Minnesota, iska caabiya! Haddii aad u baahataan, dowladda federaalku way idiin iman doontaa si ay idiin caawiso," ayuu Trump yiri.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay guddoomiye Walz iyo duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey, inay si degdeg ah u codsadaan caawimaad dowladda federaalka, isagoo yiri: "Inta kale annaga noo daaya."
Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waa gobolka Soomaalida ugu badan ay ku nooshay marka barbardhigo goboollada kale.
Marar badan ayuu Soomaalida weeraray Trump
Ma ahan markii ugu horreysay oo Trump uu weerar afka ah ku qaado Soomaalida dalkaasi ku dhaqan iyo dalka Soomaalliyaba, oo dhowr mar ayuu meelo fagaara ah iyo shirarba ku soo hadal qaaday isagoo mar walba xiriiriya Xildhibaanad Ilhaan iyo dowladnimada Soomaaliya.
Soomaalida Mareykanka wuxuu ku tilmaamay, in ay ka yimaadeen "Jahannama", waxaa kale oo uu ku sheegay in ay yihiin "qashin"
Mar kale waxaa uu ugu yeeray Soomaalida kuwa aan looga "baahneyn" gudaha Mareykanka, oo ma shaqeystayaal ah.
Trump kuma uusan ekaan Soomaalida ku nool Minesota, ee wuxuu sidoo kale soo mar kale weerar afka ah ku qaaday dalka Soomaaliya, isagoo yiri: "Soomaalida Minnesota waxey ka yimaadeen dal aan dowladi ka jirin, sharci ka jirin, biyo la'aan ah, milatari laheyn oo aan waxba ka jirin,".
Hadallada Trump ee joogtada noqday ee ka dhanka ah bulshada Soomaalida iyo guudahaan dalkooda, waxaa ay Soomaalida Mareykanka ku keenen culeys fara badan, waxaana ay wajaheen dhibaatooyin ka abuurmay howgal lagu beegsanayay dadka soo galootiga ah oo ciidamada ICE, la yiraahdo ay ka sameeyn qaybo ka mid ah Mareykanka.























