Abdul El-Sayed: Ninkii taariikhda qoray Ee noqday muslimkii ugu horeeya ee Senat-ka Mareykanka gala

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Doorashadii dhexe ee Talaadadii 3-da Nofeembar ka dhacday Mareykanka, Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Senatar-ka iyo Golaha Wakiilada. Hase yeeshee, doorashadan kaliya aqlabiyad kuma ekaanin, waxay sidoo kale taariikhda ku gashay dhacdooyin kale oo aan la ilaawi karin.

Natiijooyinka ka soo baxaya gobolka Michigan waxay tilmaamayaan in musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga, Abdul El-Sayed, uu noqon doono Senatar-kii Muslimka ahaa ee ugu horreeya ee abid taariikhda dalka soo mara. Inkastoo natiijooyinka rasmiga ah aysan weli si buuxda u soo bixin, El-Sayed wuxuu kalsooni ku soo istaagay minbarka, isagoo ku dhawaaqay guushiisa. Muddo kadibna, waxaa si cad oo aan shaki lahayn loo xaqiijiyay in El-Sayed uu yahay guuleystaha doorashada.

El-Sayed, oo ah dhakhtar aan horey weligiis u qaban xil dadweyne ay doorteen, wuxuu isu arkay bartamaha mid ka mid ah tartamadii doorasho ee ugu xiisaha badnaa uguna kala qaybsanaanta badnaa ee dalka.

Maalmihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, xiisaddu waxay gaartay meeshii ugu sarreysay, kadib markii Haley Stevens oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, oo uu si dirqi ah uga adkaaday doorashadii hordhaca ahayd ee xisbiga, ay si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay taageersan tahay musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Mike Rogers.

Isagoo Axaddii 1-da Nofeembar saxaafadda la hadlayay, El-Sayed wuxuu yiri:

Gobolkan waxaa ku nool 10 milyan oo qof oo mudan hoggaan aad uga wanaagsan kan hadda jira. Waxaan diiraddayda oo dhan saarayaa 9 milyan 999 kun 998 qof ee kale, ee aan ahayn labada qof ee aad wax ka weydiinaysaan.

El-Sayed wuxuu ku dhashay sanadkii 1984-tii, magaalada Rochester Hills oo ku taal duleedka Detroit. Markii uu saddex jir ahaa ayay waalidkiis kala tageen, waxaana soo koriyay aabihiis iyo hooyadii uu aabihiis ka guursaday, Jacqueline Johnson.

Wuxuu cilmiga caafimaadka ka bartay Jaamacadaha Michigan iyo Columbia, wuxuuna si gaar ah ugu takhasusay cilmiga faafidda iyo ka hortagga cudurrada.

Sanadkii 2015-kii markii loo magacaabay madaxa Waaxda Caafimaadka magaalada Detroit, magacaabistiisu waxay noqotay war laga hadal hayay dalka oo dhan.

Saddex sano kadibna, wuxuu go'aansaday inuu isu soo taago xilka Guddoomiyaha gobolka Michigan.

Doorashadii hordhaca ahayd ee Xisbiga Dimoqraadiga wuxuu ku dhammeeyay kaalinta labaad, isagoo ka dambeeyay in ka badan 20 dhibcood Gretchen Whitmer, oo markii dambe laba jeer oo isku xigta noqotay guddoomiyaha gobolka.

Whitmer waxay markii hore dhinac taagnayd Stevens, xilligii doorashadii hordhaca ahayd ee Senatar-ka 2026. Hase yeeshee, markii El-Sayed uu soo baxay oo uu noqday musharaxa rasmiga ah, waxay si kalsooni leh oo aan gabasho lahayn ugu biirtay ololihiisa.

Dhanka kale, El-Sayed waxaa garab taagan hoggaamiyeyaasha ugu magaca dheer garabka horusocodka, sida Senatar Bernie Sanders iyo Xildhibaan Alexandria Ocasio-Cortez.

Isla markaasna, waxaa sidoo kale taageeray Dimoqraadiyiinta dhexdhexaadka ah, oo uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama.

Mid ka mid ah sababaha taas loo sameeyay ayaa ah in guusha Michigan ay fure u tahay qorshaha Dimoqraadiyiinta ee ah inay dib ula wareegaan aqlabiyadda Senatar-ka.

Ololaha El-Sayed oo ku dhisan siyaasado bidix u janjeera, wuxuu soo bandhigay qodobo ay ka mid yihiin in canshuur gaar ah lagu soo rogo milyardeerrada, si qof kasta uu u helo adeeg caafimaad oo dhamaystiran, waxaana uu si adag u dhaleeceeyay taageerada milatari ee uu Mareykanku siiyo Israa'iil.

Khamiistii 29-kii Oktoobar, isagoo la hadlaya taageerayaashiisa isku soo bax doorasho, El-Sayed wuxuu yiri:

"Waa in ay fududahay in la garto in canshuurta aad bixiso loogu talagalay in lagu daryeelo adiga iyo carruurtaada, ee aan lagu bixin in bambooyin lagu dul tuuro dad kale iyo carruurtooda."

El-Sayed wuxuu hawlgalka Israa'iil ay ka waddo Gaza ku tilmaamay xasuuq. Israa'iil ayaa eedeyntan si xooggan u beenisay.

El-Sayed wuxuu sidoo kale sheegay in Israa'iil ay Daanta Galbeed ee la haysto ka hirgelisay nidaam midab-takoor oo loo yaqaan apartheid.

Diidmadiisa gargaarka milatari ee El-Sayed oo 42 jir ah, kuma koobna Israa'iil oo keliya. Wuxuu marar badan ku celceliyaa inuu doonayo in canshuurta laga qaado shacabka Mareykanka loo adeegsado dhisidda dugsiyada iyo abuurista fursado, halkii dibadda loogu diri lahaa oo bambooyin loogu dul tuuri lahaa dadka kale.

Arbacadii 28-kii Oktoobar, El-Sayed wuxuu yiri, Anigu mab qabo in aan lacag ku bixinno ciidamada dalalka kale. Taas waxaa ku jira Israa'iil, Masar, Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo dhan.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku eedeeyay El-Sayed, oo ah wiil uu dhalay qoys ka soo haajiray Masar, inuu garab taagan yahay argagixisada.

Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance oo 15-kii Oktoobar ka hadlayay isku soo bax doorasho oo uu Rogers leeyahay, wuxuu yiri:

Waxaad mudan tihiin wax ka wanaagsan nin yar oo khiyaano badan, oo afkiisa xiran, oo aan wax mahadnaq ah u muujin dalka wax walba siiyay.

Rogers, inkastoo uu iska fogeeyay hadallada Trump, wuxuu ku eedeeyay ololaha El-Sayed inuu aqbalay lacag taageero ah oo ka timid deeq-bixiyeyaal xiriir la leh ururo xagjir ah oo aad u daran.

Jamhuuriyiintu waxay sidoo kale ku eedeeyeen El-Sayed inuu xiriir la leeyahay Ikhwaanul Muslimiin, oo ah ururka Islaamiga ah ee ugu weyn uguna faca weyn Masar.

Ururkaas wuxuu muddo gaaban xukunka dalka hayay, kadib kacdoonkii Guga Carabta ee 2011.

El-Sayed wuxuu beeniyay inuu wax xiriir ah la leeyahay ururkaas.

Hase yeeshee, kuwa ka soo horjeeda waxay soo bandhigeen inuu sanadkii 2012-kii saxiixay warqad furan oo ku baaqaysay in Madaxweynihii Islaamiga ahaa ee Masar, Mohamed Morsi, uu si degdeg ah u nadiifiyo warbaahinta iyo booliiska.

El-Sayed waxaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay xiriirka uu la leeyahay faallo-bixiyaha bidixda, Hasan Piker, oo sheegay in Mareykanku uu u qalmi lahaa weerarradii 11-kii Sebteembar.

Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, wuxuu raaligelin ka bixiyay bulshada Yahuudda ee Michigan, kadib hadallo uu ka yiri sababaha ka dambeeyay weerar rabshad leh oo uu nin Mareykan ah oo asalkiisu Carab yahay ku qaaday sinagoog ku taal Detroit.

Sida lagu sheegay qiimeyn ay sameysay Jewish Insider, musharaxnimada El-Sayed waxay kala qaybisay codbixiyeyaasha Yahuudda ee Michigan, oo caadiyan taageera Xisbiga Dimoqraadiga.

Boggaas wararka oo soo bandhigay aragtiyada dadka caanka ah ee bulshada, wuxuu saadaaliyay in qayb ka mid ah codadkooda ay u wareegi doonaan musharaxa Jamhuuriga.

Intii uu ololuhu socday oo dhan, El-Sayed wuxuu ku adkeystay inuu si buuxda ugu xiran yahay Dastuurka Mareykanka, wuxuuna ka codsaday codbixiyeyaasha inay ku qiimeeyaan siyaasadihiisa, ee aysan ku qiimeyn asalkiisa iyo magaciisa.

El-Sayed wuxuu intii uu ololuhu socday yiri, Waxaa laga yaabaa inaan u cibaadeysto si wax yar uga duwan tan uu u cibaadeysto Mareykan caadi ah, laakiin waxaan u duceyneynaa isla waxyaabahaas

Wuxuu yiri, Sababta dadku aysan u awoodin inay bixiyaan kharashka shidaalka ama cuntada, inay aadaan dhakhtar, ama ay uga walwalaan hawada ay neefsadaan iyo biyaha ay cabbaan, ma ahan magacayga ama iimaankayga.

Waxaa laga yaabaa in cibaadadaydu ay wax yar ka duwan tahay tan uu Mareykan caadi ah u cibaadeysto, laakiin waxaan Alle ka baryeynaa isla waxyaabahaas.