Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS , Aqalka Cad: “Trump weli waa madaxweynahaaga” kaddib guushii weynayd ee Dimuqraadiyiinta doorashada dhexe

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa muujinaya in Xisbiga Dimuqraadigu uu ka helayo codod ka badan intii la filayay, taas oo dhabar-jab ku ah Madaxweyne Donald Trump.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sacuudi Carabiya, Riyadh.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii ciidamada Difaaca Madaniga ah ee Sacuudigu ay soo saareen digniin kooban oo ku saabsan “khatar suuragal ah” oo ka jirta agagaarka Riyadh, taas oo markii dambe la joojiyay.

    “Duqeyn lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh ayaa lagu fuliyay gantaal ballistic ah,” ayuu yiri Yahya Saree, afhayeenka milatari ee Xuutiyiinta.

    Weerarro dhimasho sababay oo ay Xuutiyiintu geysteen bishii hore ayaa sababay in garoonka la xiro muddo laba toddobaad ah, welina si buuxda uma shaqeynayo.

    Dhanka kale, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa maanta sheegay inuu markii ugu horreysay toddobaadyadii u dambeeyay gargaar caafimaad gaarsiiyay magaalada Taciz.

    Magaaladan istaraatiijiga ah ayaa toddobaadyo waxaa go’doomin ku hayay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran.

    Warar dheeraad ah

  2. Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vanc oo si toos ah uga hadlay sababaha guuldarrada doorashada

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa aaminsan in dagaalka Iran uu sababay in xisbiga Jamhuurigu lumiyo gacan ku haynta Kongareeska.

    Vance ayaa sheegay in “sababta aan u guuldarraysannay ay tahay dagaalka”, isaga oo hadalkan ku sheegay qoraal dheer oo uu kaga hadlayay natiijada doorashada dhexe, kaas oo uu si aan caadi ahayn ugu muujiyay qiimeyn daacad ah oo ku saabsan sababaha guuldarrada xisbiga.

    Wuxuu qiray in dagaalka Iran, sare u kaca qiimaha nolosha iyo arrimo kale ay sababeen in codbixiyeyaashii Jamhuuriga taageeray isaga iyo Madaxweyne Donald Trump doorashadii 2024 ay sannadkan ka jeestaan xisbiga.

    Waxa kale oo uu xusay in codbixiyeyaashu ay ka caroodeen siyaasadda socdaalka ee maamulka, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay in wax ka beddel lagu sameeyo qaybo ka mid ah siyaasaddaas.

    Vance wuxuu sheegay in Trump isaguna xalay muujiyay sida uu uga xun yahay saameynta dagaalka Iran.

    Hase yeeshee, madaxweyne ku-xigeenka ayaa si ka toos ah uga hadlay arrintan marka loo eego Trump, inkasta oo uu muddo bilo ah si cad u taageerayay dagaalka.

    Hadalkiisa ayaa durba sii xoojiyay xiisaha loo qabo qorshayaashiisa doorashada madaxtinimada ee 2028, iyadoo falanqeeyayaasha siyaasadda ay isweydiinayaan inuu fursaddan uga faa'iideystay inuu muujiyo damaciisa ku aaddan inuu u tartamo Aqalka Cad.

    Vance ilaa hadda wuu ka meermeerayay inuu ka jawaabo su'aashaas. Hase yeeshee, maadaama doorashadii dhexe ay dhammaatay, waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu saarayo inuu dhowaan shaaciyo go'aankiisa.

    Warar dheeraad ah

  3. Madaxwaynaha Xasan sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Dr. Baashe Yuusuf Axmed.

    Bayaan goor dhaw ka soo baxay aqalka madaxtooyada ayaa sidoo kale waxaa guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, loo magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.

    Bayaanka madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan "Madaxweynaha oo tix galiyay cabasho ka timid Garsoorayaasha dalka, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go'aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay'adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo"

    Warar dheeraad ah

  4. Markabka USS Theodore Roosevelt ma wuxuu ku sii jeedaa Bariga Dhexe?

    Dib-u-eegis lagu sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka Sentinel-2 ee barnaamijka Copernicus, Arbacadii 4-tii Nofeembar, ayaa muujinaysa markabka dagaalka ee diyaaradaha xambaara ee USS Theodore Roosevelt iyo maraakiibta la socda oo dhanka galbeed uga socda Badda Koonfurta Shiinaha.

    Markabku wuxuu hadda ku sii jeedaa Marinka Makala.

    Waxaa suuragal ah in kooxda maraakiibtaasi ay ku biiraan aagga hawlgallada Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ee Bariga Dhexe. Haddii ay sidaas dhacdo, waxaa la filayaa inay aaggaas gaaraan bartamaha bisha Nofeembar.

    Toddobada markab ee ka kooban kooxda dagaalka ayaa laga garan karaa sawirrada dayax-gacmeedka.

    Waxaa ka mid ah USS Theodore Roosevelt laftiisa, markabka dagaalka ee burburiye ee ilaaliya iyo maraakiib kale oo taageero ah. Maraakiibta waxaa lagu aqoonsaday iyadoo la isbarbar dhigay dhererkooda, ballacooda iyo midabkooda.

    Imaatinka USS Theodore Roosevelt ee aagga hawlgallada ayaa tirada maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee ku sugan agagaarka Iran ka dhigi doona saddex.

    Hadda, laba markab oo noocaas ah, USS George Washington iyo USS George W. Bush, ayaa ka hawlgala aagga CENTCOM.

    Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa 20-kii October u sheegay telefishinka Fox News in Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay Bariga Dhexe u diri doonto kooxda dagaalka ee USS Theodore Roosevelt iyo qaybta 13-aad ee ciidamada badda ee Marines-ka.

    Ciidamo iyo saanad milatari oo Mareykanku ku ururinayo gobolka ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya suurtagalnimada in Mareykanku weerar kale oo milatari ku qaado Iran.

    Ruushka ayaa horay uga digay in calaamadaha muujinaya in Mareykanku mar kale qorsheynayo tallaabo milatari oo ka dhan ah Iran ay yihiin kuwo walaac leh.

    Shiinaha oo taageeraya in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xiisadda ayaa sheegay in Iran ay taageeradiisa ku haysato difaaca madax-bannaanideeda iyo amnigeeda.

    Warar dheeraad ah

  5. “Tani waa musiibo”: Jamhuuriyiinta oo Trump ku eedeeyay guuldarrada doorashada

    “Mas’uuliyadda isaga ayay saaran tahay, cid kale ma saarna. Waa diidmo buuxda oo cad oo loo muujiyay Madaxweyne Trump,” ayuu Bill Miller, oo ah ololeeye u ololeeya danaha Xisbiga Jamhuuriga, ii sheegay wax yar kaddib markii ay caddaatay natiijada doorashada dhexe.

    “Tani waa musiibo aad u weyn. Qofna ma filayn inay sidan u dhacdo,” ayuu raaciyay.

    Xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa, naxdintii ugu horreysay ee ka dhalatay natiijadii lama filaanka ahayd ee doorashadii habeenkii Talaadada ayaa si degdeg ah isu beddeshay caro loo qabo madaxweynaha Mareykanka.

    Kaddib markii Dimuqraadiyiintu guulo lama filaan ah ka gaareen gobollo si weyn loogu taageero Jamhuuriga, sida Texas, Kansas iyo South Carolina, qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta ayaa caradooda u jeediyay Trump.

    Waxay ku doodeen in ku mashquuliddiisa dhaxalka siyaasadeed ee uu ka tagayo iyo danayn la’aantiisa walaacyada codbixiyeyaasha ay xisbiga ku kalliftay inuu lumiyo gacan ku haynta Kongareeska.

    “Waxay ahayd khaladba khaladkii ka dambeeyay,” ayuu yiri Gregg Peppin, oo ah xeeldheere dhanka istaraatiijiyadda siyaasadda ah kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Minnesota.

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaa cad in gobolba gobol, dadku aysan jeclaysan siyaasadaha madaxweynaha.”

    Xulafo ka tirsan Aqalka Cad oo taageera Trump ayaa sheegay in carada loo qabo madaxweynaha ay “aad u sarreyso”, kaddib markii dagaalka Iran, canshuuraha badeecadaha dibadda laga keeno iyo tallaabooyinka adag ee maamulka ka qaaday socdaalka ay abuureen xaalad uu ku tilmaamay “duufaan isku biirsatay”.

    Warar dheeraad ah

  6. Aqalka Cad: Trump weli waa madaxweynahaaga

    Falcelintii ugu horreysay ee Aqalka Cad uu ka bixiyo guusha weyn ee Dimuqraadiyiintu ka gaareen doorashada dhexe, ayaa baraha bulshada lagu baahiyay sawirka Madaxweyne Donald Trump oo fadhiya miiska caanka ah ee “Roosevelt” ee Aqalka Cad.

    Qoraalka sawirka la socday ayaa ahaa: “Trump weli waa madaxweynahaaga.”

    Horaantii maanta, Trump ayaa qiray guuldarrada xisbiga Jamhuuriga ee doorashada, isaga oo yiri: “Dimuqraadiyiintu si wanaagsan ayay u tartameen.”

    Warar dheeraad ah

  7. Trump: “Ma doonayo inaan laba sano wax walba diiddanahay”

    Wariyaha Aqalka Cad ee BBC-da ayaa falanqeeyay in Madaxweyne Donald Trump uu awoodi doono inuu la shaqeeyo Dimuqraadiyiinta, iyo in kale, iyo inuu ku qasbanaan doono inuu marar badan adeegsado awoodda diidmada qayaxan ee madaxweynaha.

    Madaxweynaha ayaa saaka bixiyay hadal aan si buuxda u caddayn.

    Wuxuu wargeyska Politico u sheegay inuu diyaar u yahay inuu “la shaqeeyo Dimuqraadiyiinta si loo hubiyo in arrimuhu si wanaagsan ugu socdaan dalkeenna”.

    Inkasta oo Dimuqraadiyiinta oo la wareegay gacan ku haynta Kongareeska ay saameyn ku yeelan karto hirgelinta qaar ka mid ah qorshayaashiisa, haddana Trump wuxuu xusuusiyay inuu madaxweyne ahaan awood u leeyahay inuu “wax kasta diido”.

    Hase yeeshee, mar uu la hadlayay warbaahintaas ayuu yiri:“Ma doonayo inaan halkaas iska fadhiyo muddo laba sano ah anigoo wax kasta diidaya. Waxaan sidoo kale doonayaa in hawluhu sii socdaan.”

    Trump ayaa sheegay inuu horay ula hadlay “qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Xisbiga Dimuqraadiga”, isagoo intaas ku daray inuu sidoo kale leeyahay “saaxiibo badan oo Dimuqraadiyiinta ka tirsan”, balse ma uusan magacaabin.

    Qodobka 7-aad, faqrada 1-aad ee Dastuurka Mareykanka ayaa madaxweynaha siinaya awoodda uu ku diidi karo sharciyada uu ansixiyo Kongareesku.

    Marka hindise sharciyeedka ay ansixiyaan labada aqal ee Kongareeska, oo kala ah Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka, waxaa loo gudbiyaa madaxweynaha. Wuxuu saxiixi karaa si uu sharci u noqdo, dib ugu celin karaa isagoo diidmo ka muujinaya, ama wuxuu u oggolaan karaa inuu sharci noqdo isaga oo aan saxiixin.

    Warar dheeraad ah

  8. Iran ma dheereysay wadaxaajoodyada si ay saameyn ugu yeelato doorashada dhexe ee Mareykanka?

    Mar kale, Iran ayaa door muuqda ka ciyaartay doorashooyinka Mareykanka.

    Maalintan oo kale, 47 sano ka hor, ayay arday reer Iran ahi qabsadeen safaaradda Mareykanka ee Tehran, iyagoo afduub ahaan u haystay diblomaasiyiin Mareykan ah.

    Xiisaddaas oo socotay 444 maalmood ayaa qayb ka qaadatay guuldarradii Jimmy Carter ee doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee 1980-kii, markaas oo uu kaga adkaaday Ronald Reagan.

    Hadda, dagaalka Iran, oo ay weheliyaan sare u kaca qiimaha tamarta iyo qaaliyoobidda nolosha, ayaa sababay in xisbiga Jamhuurigu uu guuldarrooyin waaweyn kala kulmo doorashada dhexe, isla markaana Dimuqraadiyiintu ay la wareegaan labada aqal ee Kongareeska.

    Falanqeeyayaal xiriir dhow la leh xukuumadda Iran, oo ka hadlay telefishinka dowladda, ayaa si cad uga hadlay in wadaxaajoodyada Washington la dheereeyo, isla markaana cadaadiska lagu hayo sahayda shidaalka la sii wado.

    Waxay rajaynayeen in saameynta dhaqaale ee arrintaasi ay wiiqi doonto taageerada siyaasadeed ee Madaxweyne Trump, isla markaana ay dhaawici doonto fursadaha xisbiga Jamhuuriga ee doorashada.

    Ku dhowaad nus qarni ka hor, Iran waxay sii daysay la-haystayaashii Mareykanka daqiiqado uun kaddib markii Ronald Reagan loo dhaariyay xilka madaxweynaha, 20-kii Janaayo 1981-kii.

    Hadda, Tehran waxay rajayn kartaa in Kongareeska oo ay Dimuqraadiyiintu maamulaan uu xaddido awoodda Trump ee uu ku qaadi karo weerar milatari oo kale oo ballaaran oo ka dhan ah Iran.

    Hase yeeshee, inkasta oo Kongareesku xaddidi karo dhaqaalaha loo qoondeeyo hawlgallada milatari, isla markaana uu su'aal gelin karo go'aannada madaxweynaha, Trump oo ah taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ayaa weli leh awood ballaaran oo ku saabsan hawlgallada milatari iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

    Warar dheeraad ah

  9. Doorashada Mareykanka: Qaabka ay uga fal-celiyeen qaar ka mid ah madaxda caalamka

    Dalalka uu Madaxweyne Donald Trump marar badan hanjabaado ama dhaleeceyn u jeediyay ayaa soo dhoweeyay natiijada doorashada dhexe ee Mareykanka.

    Koonfur Afrika, oo Trump ku eedeeyo in ay xasuuq ka geysanayso dadka caddaanka ah, ayaa sheegtay in doorashadu horseedi doonto waa cusub oo ku saabsan xiriirka caalamka.

    Ra’iisul Wasaaraha garabka bidix ee Spain, Pedro Sanchez, ayaa sheegay in shacabka Mareykanku ay codkooda ku diideen nacaybka, diidmada isbeddelka cimilada iyo dadka dabaqadda sare ee mudnaanta gaarka ah la siiyo.

    Dhanka kale, afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku uu rajaynayo in Trump uu sii wado dadaallada nabadeed ee Ukraine kaddib doorashada.

    Shiinaha ayaan ilaa hadda si faahfaahsan uga hadlin natiijada, isaga oo doorashada dhexe ku tilmaamay arrin gudaha Mareykanka u taal.

    Warar dheeraad ah

  10. Trump oo aan meesha ka saarin suurtagalnimada weerarro cusub oo ka dhan ah Iran

    Ka hor doorashada dhexe, xisbiga Dimuqraadiga iyo qaar ka mid ah Jamhuuriga ayaa muujiyay walaac laga qabo in Mareykanku uu dhowaan weerarro milatari oo cusub ku qaado Iran.

    Natiijada doorashada dhexe ayaa dhabar-jab weyn ku noqotay siyaasadda Trump ee ku aaddan Iran. Xitaa Trump ayaa qiray in walaaca laga qabo qiimaha shidaalka baatroolka oo sarreeya uu door ku yeelan karay natiijada, inkastoo uusan ilaa hadda wax mas'uuliyad ah iska saarin guuldarrada musharraxiinta Jamhuuriga ee tartamada kala duwan.

    Trump ayaa marar badan meesha ka saari waayay suurtagalnimada weerarro kale oo ka dhan ah Iran, kuwaas oo laga yaabo in lagu qaado buurta “Pickaxe Mountain”, oo ka mid ah goobaha yar ee la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran ee aan la duqeyn intii uu socday howlgalkii milatari ee loo bixiyay “Epic Fury” horaantii sannadkan.

    Wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Politico, ayuu Trump mar kale tilmaamay in tallaabo kale ay suuragal tahay.

    Wuxuu yiri: “Waan eegi doonnaa xaaladda, haddii aan aragno fursad aan tallaabo u qaadi karno dhinac ama dhinac kale, waxaan sameyn doonnaa waxa dalkan u wanaagsan.”

    Dib ugu laabashada howlgallo milatari oo ballaaran oo ka dhan ah Iran ayaa ah tallaabo aysan inta badan dadka Mareykanku taageersanayn.

    Hase yeeshee, Trump ayaa iska fogeeyay in go'aankiisii ahaa inuu Iran weeraro uu ahaa mid khaldan.

    Wuxuu yiri: “Waxaan si buuxda ugu qanacsanahay in go'aankaygii ku saabsanaa Iran uu ahaa mid sax ah, marka la eego danta fog ee dalkeenna iyo xitaa tan dunida. Weli sidaas ayaan aaminsanahay.”

    Warar dheeraad ah

  11. Khamenei: Haddii Mareykanku mar kale weeraro Iran, jawaabtayadu way ka ballaarnaan doontaa tii hore

    Bogga internetka ee hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa lagu daabacay farriin uu Mojtaba Khamenei soo saaray, munaasabadda “Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Isla-weynaanta”, taas oo uu ku sheegay in haddii Iran mar kale la weeraro, jawaabteedu ay yeelan doonto “baaxad ka sii weyn”.

    Khamenei ayaa sheegay in tallaabooyinkii ugu horreeyay ee Iran ay kaga jawaabtay weerarkii Mareykanka ee dagaalkii socday 40-ka maalmood ay ahaayeen “maamulka Iran ee Marinka Hormuz iyo burburinta saldhigyada milatari ee Mareykanka ee ku yaalla dalalka gobolka”.

    Wuxuu tallaabooyinkaas ku tilmaamay bilowga dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray isla-weynaanta Mareykanka ee heer gobol, isagoo ka digay in haddii gardarrada dib loo soo celiyo, jawaabta Iran ay yeelan doonto baaxad aad uga weyn.

    Farriinta ayaa sidoo kale ka digtay in dadka weli rajo ka qaba in dowladda Iran ay beddesho mowqifkeeda ama ay sameyso tanaasul siyaasadeed, iyagoo aaminsan in tanaasulka Mareykanka uu ka joojin karo cadaawadda uu u qabo shacabka Iran, ay “si weyn u khaldan yihiin”.

    Farriinta ayaa intaas ku dartay in “sida keliya ee lagu gaari karo awood buuxda oo looga hortago weerarro ay tahay in Iran ay sida ugu xooggan u sii waddo istaraatiijiyaddeeda horumar dhinac kasta ah”.

    Farriintan ayaa la baahiyay munaasabadda sannad-guurada qabsashadii safaaradda Mareykanka ee Tehran. Waxaa lagu yiri: “13-ka November ee sannadkan, shacabka Iran waxay waajibaadkooda ku aaddan Mareykanka dambiilaha ah u fahmayaan si ka cad oo ka muuqata sannadihii hore oo dhan.”

    Warar dheeraad ah

  12. Madaxweynaha Israel oo bilaabaya wadatashiyo ku saabsan dhismaha xukuumad cusub

    Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa lagu wadaa inuu bilaabo wadatashiyo socon doona laba maalmood, kuwaas oo lagu go'aaminayo cidda fursadda koowaad la siinayo ee soo dhisi karta dowladda cusub.

    Herzog ayaa go'aamin doona hoggaamiyaha xisbiga uu marka hore u xilsaari doono dhismaha xukuumadda.

    Doorashadii baarlamaanka Israel ee toddobaadkii hore, xisbiga midigta fog ee Likud ee uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot midkoodna ma helin aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka, oo loo yaqaan Knesset.

    Isbahaysiga Netanyahu, oo ka kooban xisbiyo midigta iyo midigta fog ah iyo kooxo Yuhuud ah oo diimeed, ayaa ku guuleystay 53 kursi, halka isbahaysiga mucaaradka ee Gadi Eisenkot uu helay 48 kursi.

    Hase yeeshee, natiijada aan hore loo arag waxaa gaaray xisbiyada Carabta iyo Falastiiniyiinta ee Israel, kuwaas oo helay 19 kursi, iyadoo codbixintoodu aad u sarreysay.

    Xafiiska Isaac Herzog ayaa sheegay inuu marka hore la kulmi doono xisbiyada yaryar, halka uu hoggaamiyeyaasha labada isbahaysi ee waaweyn la kulmi doono berri oo Khamiis ah.

    Marka Herzog uu doorto qofka loo xilsaari doono dhismaha dowladda, qofkaasi wuxuu heli doonaa 28 maalmood oo uu ku soo dhiso xukuumadda.

    Dhanka kale, Talaadadii, xeer ilaaliyaha guud ee Israel ayaa hay'adaha sirdoonka dalka ka dalbaday inay keenaan caddeymo lagu taageerayo baaritaan la xiriira faragelin ay suuragal tahay in xisbiyada Carabta ee Israel ku sameeyeen doorashada.

    Gali Bharao-Mayara ayaa sheegtay inaan ilaa hadda wax caddeymo ah arrintaas laga soo bandhigin.

    Warar dheeraad ah

  13. Iiraan oo ku jeesjeestay Trump kaddib markii Jamhuuriyiintu guuldarro kala kulmeen doorashooyinka xilliga dhexe

    Safaaradda Iiraan ee Mareykanka ayaa dowladda Madaxweyne Donald Trump ku dhaliishay qoraal jeesjees ah oo ay ku baahisay baraha bulshada, xilli Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan yahay Trump uu wajahayo natiijooyin liita ee doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka.

    Qoraalka ay safaaraddu baahisay waxaa la socday sawir muujinaya dad qashin-qub ku ridaya shay uu ku qoran yahay magaca Trump, iyadoo weelka qashinka lagu qoray in uu yahay mid loogu talagalay qashinka halista ah.

    Qoraalkan ayaa soo baxay xilli Xisbiga Dimuqraadiga uu sii kordhinayo guulihiisa doorashooyinka, taas oo fursad cusub siisay Tehran si ay u dhaliisho Washington.

    Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in natiijooyinka doorashadaasi muujinayaan in shacabka Mareykanku ay diideen dagaalka.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu Qalibaf ku sheegay in Mareykanku ay diideen dagaalka, ha ahaato sababo damiir awgood ama culayska dhaqaale ee uu ku hayo noloshooda, isaga oo sheegay in Iiraan ay taageersan tahay farriintaas.

    Waxa uu ka digay in haddii hoggaamiyeyaasha Mareykanku ay iska dhega-tiraan farriinta shacabka, diidmada dagaalka ay la imaan karto waxa uu ku tilmaamay riyooyin cabsi leh.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qiray in qiimaha shidaalka oo sare u kacay uu door ka ciyaaray guuldarrooyinka xisbiga Jamhuuriga ka soo gaaray doorashooyinkii dhexe.

    Trump oo wax yar ka hor la hadlayay telefishinka Fox News ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu weeraro qaybo ka mid ah dalka Iran.

  14. Trump: Waxaan diyaar u ahay inaan la shaqeeyo Dimuqraadiyi

    Iyadoo musharraxiinta Xisbiga Dimuqraadiga ay sii wadaan guulaha ay ka gaarayaan doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada.

    Wareysi uu siiyay wargeyska New York Times, Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu "aqbalo natiijadan", isla markaana uu la shaqeyn doono xisbiga mucaaradka ah.

    "Run ahaantii, waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno," ayuu yiri.

    "Waxaa laga yaabaa inaan si wadajir ah heshiis u gaari karno.", ayuu intaas raaciyay.

  15. Cabdi Daysane oo ku guuleystay doorashada Aqalka Wakiilada Minnesota

    Cabdi Daysane ayaa ku guuleystay tartanka doorashada kursiga Degmada 14A ee Aqalka Wakiillada - oo matalaysa qaybo ka mid ah magaalada St. Cloud - ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

    Daysane oo bishii Agoosto ka soo gudbay doorashada guud ayaa helay 2,262 cod, oo u dhiganta 62.52%, isagoo ka adkaaday Paul R. F. Schumacher, oo helay 1,356 cod, ama 37.48%.

    Daysane, oo ah ganacsade iyo hoggaamiye bulshada ah oo ku nool magaalada St. Cloud, ayaa doorashada hordhaca ah galay xiligaas, isagoo haysta taageerada iyo ansixinta xisbiga DFL. Guushiisa ayaa siisay magacaabista xisbiga, taasoo u horseeday inuu u tartamo doorashada guud.

    "Waa kursigii ugu horreeyay ee qof Soomaali ah amaba xitaa qof madow ah uu ku guuleysanayo. Badanaa ma aha kuraasta ay Dimuqraadiyiintu kusoo baxaan, oo Jamhuuriyiinta ayaa u badan," ayuu yiri Deysane ooh ore ugu warramay BBC-da.

    Cabdi ayaa sheegay in muddo bilooyin ah ay ku jireen olole, dadaal iyo albaab-garaac badan oo ay ku codsanayeen in loo codeeyo.

    Daysane, oo horay ugu tartamay kursigan balse looga adkaaday doorashadii dhacday sanadkii 2024-kii.

    Degmadan waxaa tan iyo 2022 matalayay xildhibaanad Bernie Perryman oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga kana soo jeedda St. Cloud.

    Degmada 14A waxaa ka mid ah St. Augusta iyo qaybo ka mid ah St. Cloud, Waite Park, iyo St. Joseph.

  16. Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay doorashada degmada 5-aad ee Kongareeska gobolka Minnesota, sida ay saadaalisay CBS News

    Xildhibaanadda xisbiga Dimuqraadiga, Ilhaan Cumar, ayaa markii shanaad ku guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaddib markii ay musharraxa xisbiga Jamhuuriga, John Nagel, kaga adkaatay doorashadii degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, fiidnimadii Talaadada, sida ay saadaalisay warbaahinta CBS News oo ay bahwadaag yihiin BBC-da.

    Ilhaan Cumar ayaa degmadaas, oo ka kooban magaalada Minneapolis iyo xaafadaha ku hareeraysan, matalaysay tan iyo sannadkii 2019-kii. Waa degmada ugu taageerada badan xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota iyo guud ahaan dalka Mareykanka.

    Waxay guul weyn ka gaartay doorashadii hordhaca ahayd ee bishii Agoosto la qabtay, halkaas oo ay kaga adkaatay Julie T. Le, Abena McKenzie, Latonya Reeves iyo Nate Schluter. Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota (DFL) ayaa sidoo kale taageeray musharraxnimadeeda shirweynihii gobolka ee bishii May dhacay.

    Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahayd hadallada Madaxweyne Donald Trump ee ka dhanka ah muhaajiriinta.

    Kadib markii markii ugu horreysay loo doortay Kongareeska, Trump ayaa sheegay inay tahay inay “ku laabato” dalkeedii hooyo. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay “qashin”, isagoo sheegay in baaritaan lagu sameeyo.

    Bishii hore, guriga Ilhaan Cumar ee magaalada Washington DC ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay saraakiil ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka, iyadoo baaritaanku u muuqday mid la xiriira dukumentiyada socdaalka ee aabbaheed ee geeriyooday uu u gudbiyay iyada oo carruur ah.

    Ilhaan Cumar ayaa baaritaanka iyo weerarka gurigeeda ku tilmaantay “ku takri-fal awoodeed oo arrin fool xun, iyo tallaabo aan hore loo arag oo muujinaysa in hay’adaha fulinta sharciga federaalka loo adeegsanayo bartilmaameedsiga dadka siyaasiyan ka soo horjeeda”.

    Dhanka kale, John Nagel oo hore uga tirsanaa ciidanka ilaalada waddooyinka ee gobolka Minnesota, ayaa telefishinka WCCO u sheegay in barnaamijkiisa doorashada uu diiradda saaray xoojinta tallaabooyinka lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, ilaalinta barnaamijyada Medicare iyo Medicaid, dib-u-habaynta sharciga daryeelka caafimaadka ee Affordable Care Act, casriyeynta amniga iyo tiknoolajiyadda xuduudaha, iyo ilaalinta awoodda difaaca qaranka Mareykanka.

  17. Trump oo qiray in dagaalka Iran uu saameyn ku yeeshay doorashooyinka mudada dhexe ee Mareykanka

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa qiray in qiimaha shidaalka oo sare u kacay uu door ka ciyaaray guuldarrooyinka xisbiga Jamhuuriga ka soo gaaray doorashooyinkii dhexe.

    Trump oo wax yar ka hor la hadlayay telefishinka Fox News ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya in Mareykanku qorsheynayo inuu weeraro qaybo ka mid ah dalka Iran.

    “Waa inaan qaadnaa tallaabo weyn,” ayuu u sheegay Fox News, isaga oo intaas ku daray in tallaabadaasi ay noqon karto “weerar culus”.

    “Marna ma oggolaan doonno inay helaan hub nukliyeer ah,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

    Trump ayaa sidoo kale qiray in qiimaha shidaalka uu dhibaato ku noqday xisbiga Jamhuuriga intii ay socdeen doorashooyinkii dhexe, isaga oo sheegay in dadku aysan ku faraxsanayn marka ay khasab ku noqotay inay shidaalka lacag dheeraad ah ku iibsadaan.

    Trump ayaa hadalkiisa uu ka jeedinayay telefishinka Fox News ku soo gabagabeeyay isaga oo sheegay inuusan natiijooyinka doorashada u arkin “dhirbaaxo ku dhacday” madaxweynenimadiisa, inkasta oo la saadaalinayo in xisbigiisa uu lumin doono labada aqal ee Congress-ka Mareykanka.

    Wuxuu sheegay in Dimuqraadiyiintu ay muddo sannado badan ku taamayeen inay gaaraan guul weyn oo noocan ah, isla markaana ay ugu dambeyn ku guuleysteen.

    Trump ayaa hambalyo u diray Dimuqraadiyiinta, isaga oo sheegay inay “shaqo wanaagsan qabteen”.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka faa’iideystay fursadda si uu u xuso guulaha uu sheegay in maamulkiisu gaaray labadii sano ee la soo dhaafay, isaga oo dhaqaalaha iyo amniga xuduudda koonfureed ee Mareykanka ku tilmaamay guulihiisa ugu waaweyn.

  18. Trump oo u hambalyeeyay Dimuqraadiyiinta, isaga oo sheegay inay “shaqo wanaagsan qabteen”

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray telefishinka Fox News, si uu uga hadlo sida uu uga falceliyay natiijada doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka (Midterm Elections), taas oo xisbiga Jamhuuriga uu guuldarro weyn kala kulmay, isaga oo qiray in Dimuqraadiyiintu “shaqo wanaagsan qabteen”.

    Isaga oo la hadlayay weriyaha la yiraahdo Bret Baier, Trump ayaa sheegay in jawiga guud uu muujinayay isbeddel, isla markaana uu xoogaa yar un ay la yaab ku noqotay natiijada doorashada.

    “Waxaan qabanay isu-soo-baxyo aad u waaweyn,” ayuu yiri Trump. “xoogaa layaab ayay igu noqotay.”

    Isaga oo muujinaya dabacsanaan, Trump ayaa sheegay inay jiraan “arrimo badan oo aad u badan” oo uu kala shaqeyn karo Dimuqraadiyiinta ee Aqalka Congress-ka.

    Waxa uu meesha ka saaray in wax isbeddel ah lagu sameyn doono xubnaha golihiisa wasiirrada, sababo la xiriira natiijada doorashada xilliga dhexe.

  19. War deg deg ah, Trump oo hadda la hadlaya Fox News

    Donald Trump ayaa wareysi haatan siinaya Fox News.

    Hadalladiisa goor dhow ayaan idiinla wadaagi doonaa....

  20. War deg deg ah, Trump oo markii ugu horeysay ka hadlay guul darada uu la kulmay iyo inuu aqbalayo natiijada.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay guuldarrooyinka Xisbigiisa Jamhuuriga kala kulmay doorashooyinka xilliga dhexe, isaga oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth Social.

    Trump ayaa yiri:

    "Anigu kuma jirin musharraxiinta doorashada, haddii aan ku jiri lahaana, waxaan ku guuleysan lahayn guul aqlabiyad weyn leh!

    Trump oo dhanka kale ka hadlay doorashada ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo natiijooyinka doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka.

    Iyadoo musharraxiinta Xisbiga Dimuqraadiga ay guulo ka gaareen qaar ka mid ah deegaannada sida weyn looga taageero Xisbiga Jamhuuriga, Madaxweyne Donald Trump ayaa wargeyska New York Times siiyay waraysi uu kaga hadlay natiijooyinka doorashada.

    Trump ayaa sheegay inuu "si buuxda diyaar ugu yahay inuu aqbalo natiijooyinkaas", isla markaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo xisbiga ka soo horjeeda.

    "Waxaan rajaynaynaa inaan wada shaqayn la yeelanno," ayuu yiri.

    "Waa suuragal inaan heshiis wada gaarno," ayuu intaas ku daray.