Dood ka taagan Israel iyo Netanyahu oo hanjabay

Dood adag ayaa ka taagan arrintaan

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Dood xooggan ayaa Israel ka taagan qorshayaal la soo jeediyay oo ah in dhalashada Israel lagala noqdo dadka lagu helo inay sumcad dil u geysteen ciidamada dalka, iyadoo muranku ka dhashay filimka dokumentariga ahaa ee "NAZA".

Filimkan oo toddobaadkan abaalmarin ka helay Bandhigga Filimada Venice ayaa ku andacoonaya in ciidamada Israel ay Gaza ka adeegsadeen nidaamyo sirdoon macmal ah si ay u fuliyaan weerarro, kuwaas oo sababay khasaaro ballaaran oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Ra'iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu doonayo inuu soo bandhigo laba sharci oo lagu ciqaabayo dadka sumcad-xumo u geysta ciidamada Israel.

Sida uu sheegay, sharciga koowaad wuxuu oggolaanayaa in dhalashada Israel lagala noqdo qofka lagu helo falkaas, halka kan labaad uu kordhinayo ganaaxyada lagu ridayo dadka lagu helo sumcad-dilid.

Netanyahu wuxuu sheegay in dadka laga yaabo in tallaabooyinkan lagu qaado ay ka mid yihiin agaasimayaasha filimka, Yuval Abraham iyo Rachel Shor, hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa garabka bidix ee "Democrats", Yair Golan, iyo Yifat Tomer-Yerushalmi oo hore u ahayd qareenka guud ee militariga Israel.

Netanyahu ayaa yiri dadkaas "meel kuma laha halkan", isagoo sheegay inuu filayo in dhammaan xisbiyada garabka midig ay taageeraan hindisayaasha.

Wasiirka Dhaqanka Israel, Miki Zohar, ayaa isna hore u soo jeediyay in Abraham iyo Shor lagala noqdo dhalashada Israel, isla maalintii filimku abaalmarinta ka helay Venice.

Hase yeeshee, Madaxweynaha Israel Isaac Herzog ayaa Khamiistii sheegay in qorshaha dhalashada lagala noqonayo dadkaasi "uusan fursad u lahayn inuu hirgalo."

Fursad malahan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sharciga Israel ayaa oggolaanaya in qof dhalashada lagala noqdo, inkastoo tallaabadan si dhif ah loo adeegsado. Sannadkii 2022, Maxkamadda Sare ee Israel ayaa xukuntay in dowladda ay awood u leedahay inay dhalashada kala noqoto dadka lagu helo falal argagixiso ama dambiyo lagu tilmaamay khiyaano qaran.

Hannaanka ayaa dhigaya in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu maxkamadda u gudbiyo codsi arrintan ku saabsan, kadibna Wasiirka Caddaaladdu uu ansixiyo, ugu dambayntiina maxkamaddu ay go'aanka xaqiijiso.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ayaa Arbacadii telefishinka Channel 12 u sheegay in qorshaha dhalashada lagala noqonayo agaasimayaasha filimka, Abraham iyo Shor, "aaney muuqan fursad lagu hirgelin karo ."

Hase yeeshee, Herzog ayaa filimka laftiisa ku tilmaamay mid "ceeb ah", isagoo sheegay in mas'uuliyadda ugu weyn ay dusha ka saaran tahay dadka filimka lagu wareystay, oo ah 24 qof oo la sheegay inay yihiin saraakiil hore ama hadda ka tirsan ciidamada iyo sirdoonka Israel, kuwaas oo wareysiyada bixiyay iyagoo aan magacyadooda la shaacin.

Herzog wuxuu sheegay in Israel ay leedahay hay'ado badan, oo ay ku jirto waax gaar ah oo ka tirsan ciidamada Israel, kuwaas oo loo gudbin karo cabasho ama tuhun ku saabsan sharci-darro.

Laakiin, sida uu sheegay, dadka filimka lagu wareystay ayaa halkii ay adeegsan lahaayeen fursadahaas, waxay doorteen inay "sumcadda wanaagsan ee dalkeenna meel kasta oo dunida ah ku dhaawacaan."

Isbeddelka diiradda

Waxaa la aaminsanyahay in arrimo kale ku hoos jiraan dooddan

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Dhanka kale, inkastoo siyaasiyiinta Israel ay si isku mid ah uga soo horjeesteen filimka, qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda ayaa ku baaqaya in la yareeyo hadallada rasmiga ah ee ku saabsan.

Sida ku cad qoraal gudaha ah oo ay heshay Channel 12, qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa aaminsan in filimku uusan dibadda ka dhalin dareen badan, balse jawaabta adag ee Israel ay keentay in si weyn loo hadal hayo.

Ilo-wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in hadallada mas'uuliyiinta Israel, gaar ahaan Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ay dhaawici karaan danaha dalka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Israel oo la socda falcelinta dadweynaha ee filimka ayaa Channel 12 u sheegay: "Jawaabta adag ee Israel waxay hadda doodda ka weecinaysaa nuxurka filimka, waxayna u wareejinaysaa eedeymaha ah in Israel ay xaddidayso xorriyadda hadalka."

Sarkaalka ayaa sheegay in taas darteed la go'aansaday in la yareeyo hadallada iyo dhaqdhaqaaqa warbaahinta ee arrintan.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo aan magacyadooda la shaacin ayaa aaminsan in xukuumadda Netanyahu ay sii adkeyn doonto hadalladeeda ku saabsan filimka, iyadoo la filayo doorashada 27-ka October, si ay taageero uga hesho cod-bixiyeyaasha.

Xadka u dhexeeya xorriyadda hadalka iyo xannibaadda

Filimkan ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Agaasimayaasha filimka "NAZA" iyo dadka lagu wareystay ayaa sheegaya in ciidamada Israel intii uu socday dagaalka Gaza ay qaadeen weerarro ay hore u ogaayeen inay sababi doonaan khasaaro badan oo rayid ah.

Mid ka mid ah dadka filimka lagu wareystay oo lagu sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Israel ayaa sheegay in bartilmaameedyada lagu dooran jiray nidaamyo sirdoon macmal ah, iyadoo la adeegsanayo xog laga helay kumannaan taleefanno gacanta ah oo la jabsaday.

Hase yeeshee, dadka dhaliilaya filimka ayaa sheegaya inaan la xaqiijin karin aqoonsiga dadka la wareystay ama inay dhab ahaan ka tirsanaayeen ciidamada Israel.

Milatariga Israel ayaa sheegay in filimku soo bandhigayo sheegashooyin ku saabsan istiraatiijiyadda milatari iyo tan dowladda oo ka baxsan xogta ay heli karaan askarta darajooyinka hoose.

Filimka ayaa sidoo kale isbarbar dhigaya nolosha caadiga ah ee Tel Aviv iyo burburka Gaza, balse ma xusin weerarradii 7-da October ee ay Israel sheegtay inay sabab u ahaayeen bilaabista dagaalka.

Cinwaanka "NAZA" ayaa isna muran dhaliyay. Waa eray Cibraani ah oo loola jeedo "khasaaraha aan tooska ahayn", balse wuxuu hal xaraf oo keliya kaga duwan yahay "Nazi", taasoo dhaleeceeyayaashu aaminsan yihiin in si ula kac ah loo doortay.

Arbacadii, tobannaan qof ayaa isugu soo baxay bannaanka guriga waalidka agaasimaha Rachel Shor, iyagoo watay boorar ay ku qornaayeen "Khiyaanada xusuusta askarta Israel ee dhimatay" iyo "Cambaarayn khaa'iniinta nagu dhex jira."

.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images