Jabuuti: 'Ma oggolaan doonno in dhulkeenna loo adeegsado weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen'

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay in aanay oggolaan doonin in dhulkeeda loo isticmaalo hawlgallo militari oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale.

Dawaale wuxuu sheegay in mowqifka Jabuuti aanu isbeddelin, isaga oo ka jawaabayay su'aal la weyddiiyayoo ahayd in dawladdu dib uga fiirsatay diidmadii hore ee codsi uga yimid Maraykanka oo ahaa in ciidammada Maraykanku isticmaalaan xarumaha millitari ee Jabuuti si ay u weeraraan Xuutiyiinta.

"Uma malaynayo in su'aashaasi xilligan taagan tahay. Ciddii wax weerari jirtay ama naga dalban jirtay, waxaan filayaa iyaga ayaan xitaa diyaar u ahayn. " ayuu yidhi Dawaale.

Wuxuu sheegay in Jabuuti aanay doonayn in ay si millitari ah ugu lug yeelato colaadda, isla markaana ay rabto in dagaalka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee Yemen uu ku ekaado gudaha Yemen.

"Ma doonayno cid, gaar ahaan deriskeenna, in ay millatari ahaan noogu timaaddo," ayuu yidhi.

Jabuuti waxay ku taallaa dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed, iyadoo Yemen ka xigta, waxayna aad ugu dhowdahay marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibtu isticmaalaan, iskuna xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dawaale wuxuu sheegay in furfurnaanta iyo amniga Bab al-Mandab ay udub-dhexaad u yihiin siyaasadda Jabuuti.

"Bab al-Mandab waa in uu furnaadaa," ayuu yidhi, isaga oo dhowr jeer ku celceliyay hadalkaas.

Wuxuu sheegay in Jabuuti ay doonayso in dhinacyada ku lugta leh dagaalka Yemen ay helaan xal nabadeed. Wuxuuna ku tilmaamay Jabuuti dal deggan oo aan doonayn in qalalaasaha Yemen uu uga soo gudbo badda oo uu saameeyo Jabuuti.

Qaxootiga Yemen oo soo gaadhaya Jabuuti

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in dagaallada cusub ee Yemen ay Jabuuti ku keenayaan culays bani'aadamnimo oo sii kordhaya, iyadoo dadku ay ka soo cararayaan Yemen oo ay Gacanka Cadmeed ka soo gudbayaan.

Wuxuu sheegay in dadka badan ee imanaya ay u badan yihiin haween iyo carruur lagu qasbay in ay guryahooda ka cararaan sababo la xidhiidha dagaalka.

Dawaale wuxuu sheegay in Jabuuti ay dhaqan ahaan albaabadeeda u furto dadka ka soo cararaya colaadaha, inkasta oo dalku uu baaxad ahaan yar yahay kheyraadkiisuna xaddidan yahay.

"Mar walba waxaan u furnaa qalbiyadeenna iyo gacmaheenna, inta Alle iyo awooddeennu noo saamaxayso," ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in dadka cusub ee ka imanaya Yemen ay sii biirinayaan culaysyo hore uga jiray Jabuuti oo ay sababaan qulqulka kale ee muhaajiriinta iyo qaxootiga ah.

Dad ka imanaya meelo kale oo gobolka ah oo u socda dalalka Carabta ayaa inta badan Jabuuti ku hakada, taas oo dalka ku keenta culays dhaqaale iyo mid bulsho.

Laakiin wuxuu sheegay in dadka Yemen ka imanaya ay xaaladdoodu ka duwan tahay, sababtoo ah iyaga dagaalka Yemen ayaa ku qasbaya in ay dalkooda ka cararaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in juqraafi ahaan Jabuuti ay si gaar ah ugu nugushahay xaaladda Yemen.

Wuxuu sheegay in masaafada u dhexeysa labada dal ay tahay qiyaastii 70 ilaa 80 km, halka meelaha qaarkood ee xeebuhu isku dhow yihiin ay u dhexeeyaan kaliya 22 ilaa 23 km.

Wuxuu sheegay in doonyaha yaryar ay safarka Yemen ilaa Jabuuti qaadan karaan wax ka yar hal saac, taasoo dadka dagaalka ka cararaya u sahlaysa in ay Jabuuti gaadhaan.

Saamaynta dhaqaale

Ilyaas Muuse Dawaale

Xigashada Sawirka, VOA

Dawaale, oo masuul ka ah dhaqaalaha iyo maaliyadda Jabuuti, wuxuu sheegay in colaadda gobolka ay sidoo kale si weyn u saameynayso dhaqaalaha dalka.

Wuxuu sheegay in ganacsigii lala lahaa dalalka Khaliijka uu hoos u dhacay, isla markaana carqaladaha ku yimaadda maraakiibta iyo gaadiidka badda ay saamaynayaan dakhliga Jabuuti.

"Wax kasta oo ku dhaca ganacsiga waxay saameeyaan dakhligayaga," ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale ka digay in kharashka gaadiidka oo kordha uu sare u qaadi karo qiimaha badeecadaha muhiimka ah, taasna ay culays dheeraad ah saari karto bulshada.

Wuxuu tusaale u soo qaatay qiimaha lagu keeno konteenarrada Jabuuti.

Wuxuu sheegay in kharashka hal konteenar uu hore u ahaa qiyaastii 200,000 ilaa 250,000 oo lacagata faranka Jabuuti ah, balse hadda uu gaadhay inta u dhexeysa 1 milyan iyo 1.4 milyan oo faran Jabuuti ah.

Wuxuu sheegay in dadka ku tiirsan ganacsiga yaryar iyo wax-is-dhaafsiga ay si gaar ah ugu nugul yihiin korodhka kharashaadka.

Dawaale wuxuu sheegay in dawladdu si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana ay isku dayayso in ay shacabka ka ilaaliso saamaynta dhaqaale ee ka dhalanaysa qalalaasaha gobolka.

Arrimaha amniga

Dhanka amniga, Dawaale wuxuu sheegay in mas'uuliyadda ugu weyn ee dawladdu tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Jabuuti.

Wuxuu sheegay in dawladda ay feejigan tahay oo ay ka warqabto suurtagalnimada in xaaladda Yemen ay saameyn ku yeelato Jabuuti, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dawladdu aanay doonayn in dagaalku kusoo faafo dhulka Jabuuti.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Jabuuti diyaar u tahay in ay gargaar bani'aadamnimo siiso dadka ka soo cararaya dagaalka, isagoo isla markaana dalbaday taageero caalami ah oo dheeraad ah.

"Waxaan hore uga codsanay adduunka," ayuu yidhi, isaga oo sheegay in dadka dagaalka ka soo cararay ee Jabuuti yimaada aan lagu dayn karin dalka iyagoo aan helin taageero ku filan.

Dawaale wuxuu sheegay in Jabuuti ay doonayso in dalalka deriska ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka, ay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka Yemen.

Wuxuu diiday fikradda ah in Jabuuti laga dhigo saldhig ama goob laga abaabulo hawlgallo militari oo ay isticmaalaan quwadaha gobolka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada furfurnaanta iyo amniga marin-biyoodka Bab al-Mandab, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka in ay is-xakameeyaan oo ay raadiyaan xal nabadeed.