Waxyaabihii aan ka bartay faalugii( istaroogga) i haleelay anigoo 26 jir ah

Niamh Foster ayaa la kulantay istroogga nooca ischaemic-ga ah iyadoo 26 jir ah, waxayna sheegtay inuu ku dhici karo "da' kasta".

Xigashada Sawirka, Personal archives

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Niamh Foster oo 26 jir ahayd xilligaas, marnaba ma aysan malaynayn inay ku dhici karto faalig.

Iyadoo aan qoyskeeda hore looga diiwaangelin cudurkan, haweeneydan oo ahayd orodyahanad firfircoon isla markaana hore uga qayb qaadan jirtay dabaasha, waxay madax-xanuun iyo daal muddo bil ah hayay u aanaysay culayska ka dhashay guuritaanka iyo diyaar-garowga shaqadeeda mashquulka badan ee Toddobaadka Fashion-ka London.

Laakiin 28-kii August 2024, kadib habeen hurdo aan wanaagsanayn, ayay isku eegtay muraayadda musqusha, waxayna ogaatay in qayb ka mid ah wejigeedu hoos u dhacday.

"Waxaan lahaa dhammaan calaamadihii faalugga," ayay tiri haweeneydan oo hadda 28 jir ah.

Markii dambe, dhakhaatiirtu waxay u sheegeen inay ku dhuftay faalug nooca iskemik, isla markaana toddobaadyadii ka horreeyay ay ku dhaceen 10 jeer oo ay ay weerartay muddo kooban oo maskaxda ku dhaca, kuwaas oo sidoo kale loo yaqaan faalugyo yaryar ama TIA.

Foster, oo ku nool xaafad ku taalla koonfurta London, ayaa sheegtay in isbitaalka la dhigay muddo 10 maalmood ah, iyadoo ay garab taagnaayeen waalidkeed iyo saaxiibkeed Reece.

"Waxay dhammaanteen noo ahayd waayo-aragnimo wax badan na bartay," ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay: "Ka soo kabashada faalugga waxay leedahay saameynno badan oo qarsoon."

"Weli waxaan la kulmaa daal, dhibaato xagga xusuusta ah, taas oo saameyn ku yeelata awoodda qofka ee hadalka iyo fahamka luqadda."

Afasiyadu (Aphasia) waa cillad saameysa awoodda qofka ee isticmaalka iyo fahamka luqadda iyo isgaarsiinta. Waxay ka dhalan kartaa dhaawac ku yimaada qaybaha maskaxda ee qaabilsan luqadda.

Waxa sababi kara faalugga, dhaawac madaxa ah, buro maskaxda ku taalla iyo cudurro kale oo ku dhaca hab-dhiska neerfaha.

Foster wuxuu sheegayaa in ka soo kabashada istaroogga aysan ahayn uun "in qofku uu muuqaal ahaan u ekaado mid fiican".

Xigashada Sawirka, Personal archives

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Foster waxay sheegtay in maalmihii iyo bilihii xigay ay dib u baratay sida loo socdo, sida loogu hadlo sidii hore, ugu dambayntiina ay mar kale u oroddo.

Waxaa la ogaaday in sababta faaligga ay ahayd dalool ku jiray wadnaheeda, waxaana qiyaastii toddobo bilood kadib lagu sameeyay qalliin wadnaha ah.

Siddeed bilood kadib markii uu faaluggu ku dhacay, isla markaana dhowr toddobaad kadib qalliinkii, ayay iyadoo heshay oggolaansho caafimaad ka qayb gashay Marathon-ka Manchester, iyadoo taageero ka helaysay walaasheed.

Sannadka dambe, waxay qorshaynaysaa inay ka qayb gasho Marathon-ka London, iyadoo saaxiibkeed uu noqon doono qofka la ordaya ee taageeraya.

Foster hadda kama shaqeyso waaxyaha naqshadeynta. Kadib muddo sannad ah oo ay ku qaadatay soo kabashada faalugga, waxay shaqo ka bilowday Ururka Dadka uu Faaluggu Saameeyay.

"Faaluggu wuxuu i siiyay ujeeddo nololeed," ayay tiri.

"Hadda waxaan aad uga taxaddaraa waxyaabaha muhiimka ah, waxaana si ka yar uga welwelaa waxyaabaha aan muhiimka ahayn."

"Hadda waxaan la shaqeeyaa dad uu faalug ku dhacay oo ay ku adag tahay hadlka."

Baaritaanada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay yihiin Calaamadaha lagu garto Faaligga (Stroke)

Faaliggu (Stroke) wuxuu dhacaa marka qulqulka dhiigga ee qayb ka mid ah maskaxda uu istaago.

Calaamadaha ugu horreeya waxaa ka mid noqon kara:

  • Wejiga oo daciifa – qofku waxaa ku adkaan karta inuu dhoola-caddeeyo, waxaana laga yaabaa in hal dhinac oo wejigiisa ah uu hoos u dhaco.
  • Gacanta oo daciifta – qofku waxaa laga yaabaa inuusan awoodin inuu labada gacmood si buuxda kor ugu qaado oo uu halkaas ku hayo, sababo la xiriira daciifnimo ama kabuubyo ku dhaca mid ka mid ah gacmaha.
  • Hadalka oo kuga dhaga – hadalku wuxuu noqon karaa mid qalloocan ama qofku wuxuu u muuqan karaa mid wareersan.
  • Daciifnimo ama kabuubyo degdeg ah oo ku dhaca hal dhinac oo jirka ah, oo ay lugtu ku jirto.
  • Aragga oo si kedis ah u yaraada ama daciifa, ama aragga oo isku dhex yaaca hal il ama labada indhood.
  • Hadalka ama fikirka erayada oo si kedis ah u adkaada.
  • Xusuusta oo si kedis ah u lunta ama wareer.
  • Madax-xanuun aad u daran oo si kedis ah ku bilowda.
  • Dawakhaad, dheellitir la'aan ama dhicitaan kedis ah, gaar ahaan haddii ay la socdaan calaamadaha kale.