BBC oo ogaatay in jabka Ruushka ka soo gaaray Ukrayn uu ku dhow yahay Nus-malyan dhimasho ah

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Ugu yaraan 490,334 askari oo Ruush ah ayaa dhintay tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine sanadkii 2022, sida laga soo xigtay tirakoobka dowladda Ruushka oo ay falanqeyn ku samaysa BBC.
Xogta Rosstat ee la dusiyey ayaa muujineysa sida duullaanka buuxa ee Ukraine uu si weyn ugu beddelay qaababka dhimashada ee Ruushka, wuxuuna muujinayaa khasaaraha badan ee nolosha aadanaha ee dagaalka uu Vladimir Putin u maleynayay inuu socon doono maalmo oo keliya laakiin hadda ku dhow shan sano.
BBC Russian ayaa heshay in ka badan 11 milyan oo diiwaan dhimasho ah laga bilaabo 2021 ilaa Sebtembar 2026, ka dib markii ay kooxaha Belarusian Cyber Partisans BY iyo Silent Crow ee Ukraine xogta jabsadeen.
Hay'adda tirakoobka Ruushka ee Rosstat ayaa qiratay weerar internetka, laakiin waxay beenisay in macluumaad la ilaaliyo la dusiyey.
Afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa Arbacadii sheegay in wasaaradda difaaca Ruushka oo keliya ay si rasmi ah u sheegi karto xogta khasaaraha: "Waxaan soo jeedinayaa in aan la tixgelin xog kale" ayuu yiri. Wasaaradda difaaca ma aysan soo saarin tirooyin rasmi ah oo dhimasho ah dhowr sano.
Iyada oo ay weheliso warbaahinta madaxa bannaan ee Ruushka ee Mediazona, BBC laanteeda Ruushka waxay isbarbar dhigtay xogta Rosstat iyo liiskeeda dhimashada militariga ee la xaqiijiyay, oo laga soo qaatay ilo furan tan iyo bilowgii duullaanka, waxayna heshay tiro isku mid ah 90% diiwaannada.
Khubarada militariga ayaa qiyaasaya in liiska BBC ee dhimashada 290,012, oo laga soo ururiyay warbixinnada rasmiga ah, baraha bulshada, iyo qabuuro cusub ay noqon karaan 45-55% tirada dhabta ah ee dhimashada, taas oo u dhaxaysa 527,295 ilaa 644,471.
Diiwaannadu waxay muujinayaan in 65% dadka da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 24 sano ee Ruushka, kuwaas oo naftooda ku waayay sannadkii 2025, ay ku dhinteen dagaalka. Dadka da'doodu u dhaxayso 25 ilaa 34 sano, tiradu waxay ahayd 59%. Kaliya dadka da'doodu u dhaxayso 45 ilaa 54 sano ayay cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiiggu sababaan dhimasho ka badan tan ka dhalata colaadda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xogtu waxay sidoo kale daaha ka qaadaysaa baaxadda khasaaraha ka dhacay meelo gaar ah oo ka tirsan Ukraine. Qiyaastii 20,000 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay iyagoo u dagaallamaya qabsashada 10 tuulo oo Yukrayn ah, kuwaas oo dadka ku noolaa ka hor dagaalka ay wadartooda guud ahaan ahayd 12,000 oo qof.
Intii uu socday dagaalkii loogu jiray tuulo yar oo la yiraahdo Andriivka, oo ku taal koonfurta magaalada Bakhmut ee gobolka Donetsk, 1,122 Ruush ah ayaa naftooda ku waayay. Ka hor dagaalka, waxaa halkaas ku noolaa 74 qof.
Ruushku ma shaacin tirooyinka rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii Febraayo 2022. Sidoo kale, laba sano ka hor, hay'adda Rosstat waxay joojisay daabacaadda xogta ku saabsan dhimashada ay sababaan waxyaabo dibadda ka yimaada (external causes), taas oo hore loogu isticmaali jiray in lagu qiyaaso baaxadda khasaaraha ciidamada.
Tusaale ahaan, kaliya 70% dhimashada askarta ka soo jeedda gobollada la haysto ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine, kuwaas oo u dagaallamayay ciidanka Ruushka, ayaa lagu diiwaangeliyay xogta Rosstat.
Guud ahaan, xogta ay soo saartay Rosstat waxay xaqiijinaysaa isbeddellada aan annaguna ku aragnay tirakoobkayaga gaarka ah.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa bishii Luulyo 2026 sheegay in khasaaraha dhanka Ukraine uu gaarayo qiyaastii 50,000 oo qof, hase yeeshee liis kale oo ay diyaarisay mareegta qarsoodiga ah ee "UA Losses", taas oo ku salaysan xog laga helay ilo furan, ayaa tiradaas ku sheegaysa inay tahay 115,952.
Sidee ku ogaannay tiradan nus-malyanka ku dhow?
Xog ururinta Rosstat kuma jiraan magacyo, balse waxaa ku jira da'da, goobaha deegaanka, goobaha dhimashada iyo sidoo kale duruufaha dhimashada.
Marka hore, waxaan xogta u kala shaandheynay dhanka goobta, annagoo ka reebnay meel kasta marka laga reebo Ukraine iyo gobollada Ruushka ee xuduudka ku yaalla, kuwaas oo ay ciidamada Ukraine gudaha u galeen.
Intaas ka dib, waxaan helnay 425,174 diiwaangelinood oo si cad u tilmaamaya in sababta dhimashadu ay la xiriirto dhacdooyin militari, sida qaraxyo ama firirka hubka oo dhacay intii lagu guda jiray hawlgallada dagaalka.
Maadaama tiradan ay ku jiri karaan dad rayid ah, waxaan ka saarnay haweenka, iyo sidoo kale ragga aan ku jirin da'da u dhaxaysa 18 iyo 65 sano. Sidoo kale, haddii qof uu ku noolaa oo uu ku dhintay mid ka mid ah afarta gobol ee Ukraine ee uu Ruushku qabsaday, waxaan u aqoonsannay inay u badan tahay inuu ahaa qof rayid ah, sidaas darteedna waan ka saarnay, marka laga reebo haddii diiwaankiisa lagu xusay inuu ka tirsanaa ciidamada militariga.
Waxaa kale oo la helay 14,093 diiwaangelinood oo lagu aqoonsaday xogta shaqada, halka 51,067 qofna lagu diiwaangeliyey inay dhinteen iyadoo lagu salaynayo go'aan maxkamadeed. Tani waxay badanaa dhacdaa marka askari uu ku lumo goob dagaal muddo ka badan lix bilood, iyadoo aan la helin meydkiisa.
Mar kale, si aan u reebno dadka rayidka ah, waxaan tirinay oo keliya dhimashooyinka ka dhacay goobaha dagaalka ee ku yaalla Ukraine iyo Ruushka.
Sida lagu sheegay falanqaynta ay BBC-da qaybta Ruushku ku samaysay dukumeentiyada la dusiyey, sannadkii ugu horreeyey ee dagaalka, celceliska da'da dadka la dilay waxay ahayd 34 sano. Markii la gaaray 2025-ka, iyadoo maxaabiis iyo askar qandaraas ku shaqeeya ay ku biireen safafka ciidanka, celceliska da'du waxay kor ugu kacday 40 sano (halka liiskayaga gaarka ah uu tilmaamayo 38 sano).
Qaar ka mid ah gobollada ugu saboolsan Ruushka ee ku yaalla Bariga Siberia ayaa qayb aad u weyn oo aan u dhigmin tirada dadkooda ka qaatay khasaaraha dhimashada. Ragga ka soo jeeda Tyva, Buryatia iyo Zabaykalsky Krai ayaa 20 ilaa 25 jeer uga badan dadka deggan magaalooyinka waaweyn ee Moscow iyo St Petersburg marka loo eego suurtagalnimada ah inay ku dhintaan dagaalka.
Gobollada badankood, qaybinta dhimashada iyadoo lagu saleynayo xogta Rosstat waxay ka duwan tahay tan liiska BBC iyadoo la adeegsanayo dhowr meelood oo ka mid ah boqolleyda.
Ugu yaraan 5,017 ajaanib ah ayaa ka mid ah kuwa ku dhintay dagaalka Ruushka, sida laga soo xigtay falanqayntayada faylasha Rosstat, oo ay ku jiraan 1,031 reer Uzbekistan ah iyo 720 Tajik ah. Waxaan ka reebnay dadka reer Yukrayn tirintan si aan uga fogaano in lagu daro dadka rayidka ah.
Tani waa qiyaas muxaafid ah maadaama muwaadiniinta labada dhalasho haysta loo liis gareeyey Ruush ahaan marka la eego kaydka xogta, mana jirto wax tixraac ah oo ku saabsan dadka Kuuriyada Waqooyi ee ku dhintay ka waabinta duullaankii Yukrayn ee Ruushka sannadkii 2024.
BBC waxay aqoonsatay 2,304 askari oo Kuuriyada Waqooyi ah oo halkaas ku dhintay iyagoo falanqeynaya sawirrada dayax gacmeedka iyo sawirrada rasmiga ah ee taallada cusub ee laga dhisay Pyongyang.
Tirakoobka Ruushka ee la dusiyey waxaa laga yaabaa inuusan dhammaystirnayn laakiin in lala kaashaday laanta BBC ee Ruushka waxay ahayd arrin muhiim ah.
Marka laga hadlayo dagaal socday afar sano iyo 10 bilood, kuwani waa tiro aad u badan oo Ruush ah, marka la barbar dhigo dagaalkii Soofiyeetiga ee Afgaanistaan oo dhammaaday 1989.
Dagaalkaas 10-ka sano socday, waxaa ku dhintay qiyaastii 15,000 oo askari oo Ciidanka Cas ah, dhanka Kalena waxaa ku dhintay qiyaastii hal milyan oo rayid ah.
























