Trump waa inuu "maya" ku dhahaa Netanyahu - Wargeyska The Independent

Xigashada Sawirka, AFP
Waxa aan maanta warbixinteena ku bilaabaynaa wargeyska kasoo baxao dalka Ingiriiska ee The Independent, iyo tifaftir cinwaankiisu yahay "Iyada oo xabbad-joojintii jilicsanayd ay burburayso, Trump waa inuu ugu dambeyntii caddeeyaa inuu awood u leeyahay inuu 'maya' ku yiraahdo Netanyahu."
Wargeysku wuxuu aaminsan yahay in xitaa iyadoo ay jirto suurtagalnimada wadahadallo dhexmara Israa'iil iyo Lubnaan, xabad joojinta u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan ee lagu dhawaaqay toddobaadkan, sida uu ku tilmaamay Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance, ay tahay "xabad joojin jilicsan".
Sii socoshada Gantaalada ee gobolka, marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz-na waa mid weli ka xiran inta badan socodka mraakiibta. "Laakiin weerrada Israa'iil ee ka dhanka ah ciidamada Hezbollah ee Lubnaan, khasaaraha nolosha dadka aan waxba galabsan, iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha rayidka ee dalkan jilicsan ee Lubnaan ayaa ka dhigaysa hawsha adag ee lagu sugayo nabadda Khaliijka mid aan macquul ahayn."
Wargeysku wuxuu sheegay in wararku ay tilmaamayaan in wadahadallada Israa'iil iyo Lubnaan ay ka bilaaban doonaan toddobaadka soo socda Wasaardda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka magaalad Washington, taas oo ku beegan imaatinka wufuud ka socota Mareykanka iyo Iiraan ee Pakistan si ay u yeeshaan wadahadallo u gaar ah.
"Laakiin waxa jiri doonta fursad yar oo lagu gaari karo is afgarad iyadoo dowladda Benjamin Netanyahu ay ololaheeda milatari ee fowdada ah u qaadayso Beirut, iyo xitaa meelo kasoo fog."
Wargeysku wuxuu aaminsan yahay in kaliya Mareykanka uu awood u leeyahay inuu Israa'iil ku qasbo inay ku biirto xabad joojinta, "laakiin waxay u muuqataa in Donald Trump, sidii caadiga ahayd, uusan diyaar u ahayn inuu cadaadis badan saaro saaxiibkiis Bibi (Netanyahu). Si kastaba ha ahaatee, waa inuu sidaas sameeyaa si uu u badbaadiyo rajada nabadda ee Iiraan, una sugo amniga dalalka Khaliijka - xulafada Mareykanka - iyo inuu siiyo xisbigiisa Jamhuuriga fursad uu ku sii haysto maamulka Kongareeska doorashooyinka bisha Nofeembar."
Wargeysku waxa uu qoray: "Ma aha wax adag in la fahmo sababta Netanyahu uu ugu dhaqmayo si madax adag oo caadi ah. Si ula kac ah oo aan loo baahnayn si u u sii dheereyo dagaalka, sababo la mid ah kuwa ku kalifay inuu Mareykanka ku riixo inay galaan markii hore. Waxay danta Israa'iil ku jirtaa in la wiiqo Iiraan iyo wakiilladeeda 'argagixisada' iyo la-hawlgalayaasheeda, si kasta oo suurtagal ah iyo fursad kasta oo suurtagal ah - iyadoo meelaha fursadaha noocaas ah aysan ka jirin, ay tahay in ay ka abuuraan. Marka la eego aragtida Israa'iil, habkani waa mid macquul ah."
Isagoo sii wada weerarka Lubnaan, Netanyahu wuxuu aaminsan yahay inuu sidoo kale wiiqo Iiraan iyo Hezbollah. Si kastaba ha ahaatee, inuu doorbido ficilka militari ee tooska ah ayaa caqabad ku ah helitaanka nabad ballaaran oo ka dhacda Bariga Dhexe, sida uu wargeysku sheegay.
Wargeysku wuxuu tilmaamayaa "in aanau jirin " xal milatari oo loo helo khilaafaadka Bariga Dhexe. Tani waxay ka dhigan tahay "xabad joojin, joojinta ololaha Israa'iil ee Lubnaan - iyo xitaa joojinta dhaqdhaqaaqa sharci darrada ah ee deegaamaynta ee Daanta Galbeed."
Wargeyska The Independent wuxuu soo gabagabeeyay tifaftirkiisa isagoo Netanyahu ku tilmaamay nin go'aan adag leh, laakiin inta uu Trump u naxariisanayo oo uu doonayo inuu siiyo xornimo uu ku weeraro Lubnaan, waa in marka hore ay timaadaa badbaadada siyaasadeed ee Trump ka dib doorashooyinka muddada dhexe. Waa inuu "maya" ku dhahaa Netanyahu hal mar: "Lubnaan waxa soo gaaray dhibatao ku filan."
Wadaxaajoodka Trump ma noqon doonaa mid guuleeysta

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa aan markan eegeeynaa wargeyska Mareykanka ee "USA Today" iyo qoraal ra'yi ah oo cinwaankiisu yahay "Xeeladaha adag ee Trump waxay horseedeen xabad joojin, mana awoodi karo inuu fursaddan lumiyo," sida ay qortay Nicole Russell.
Qoraagu wuxuu tilmaamayaa guusha Madaxweyne Trump uu ka gaaray heshiis xabad joojin ah oo uu la gaaray Iiraan, saacado yar ka hor waqtigii loo qabtay ee uu dejiyay, iyo ka dib markii uu ka digay suurtagalnimada in la tirtiro "ilbaxnimo dhan," isagoo tixraacaya ilbaxnimada Iiraan.
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in hanjabaadani aysan ahayn mid afka baarkiisa ah, balse ay ahayd xeelad gorgortan oo uu ku guulaystay, ugu yaraan muddada gaaban. Inkasta oo xabbad-joojintu ay jilicsan tahay, haddana fursadda ay ku heli karto heshiis waara ayaa weli jirta.
Jariidadu waxay qortay: "Hadallada Trump waxay kiciyeen caro degdeg ah. Qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta ayaa hanjabaaddiisa ku tilmaamay mid aad u xag jirta. Wakiilka Dimuqraadiga ee California Ro Khanna ayaa ku boorriyay in la adeegsado qododbka 25-aad, isagoo ku qoray barta X.com: 'Hanjabaadda ah in la galo dambiyo dagaal waa xadgudub cad oo ka dhan ah Dastuurkeenna iyo Heshiisyada Geneva.'"
Trump uma gorgortamo sida siyaasiyiintii hore; taa beddelkeeda, wuxuu adeegsadaa cadaadis—hadallo cadowtinimo leh, dalabyo aan tanaasul lahayn, iyo xiisad—si uu ugu qasbo tanaasul. Si isdaba joog ah ayuu u isticmaalay habkan, sida uu sheegay qoraagu.
Qoraagu wuxuu soo xiganayaa dhacdooyin la mid ah oo uu Trump u adeegsaday habkan oo uu ku guuleystay inuu gaaro yoolkiisa.
"Sannadkii 2025, madaxweynuhu wuxuu ku guuleystay inuu canshuur dhimis la sameeyo Shiinaha, ka dib bilo badan oo uu ku jiray howl adag, wuxuuna heshiisyo ganacsi oo cusub la galay Japan iyo Vietnam isagoo adeegsanaya xeelado cadaadis oo la mid ah... Intii uu xilka hayay, Trump wuxuu ku cadaadiyay xulafada NATO inay kordhiyaan kharashka difaaca, mararka qaarna wuxuu ku hanjabay inuu la noqon doono taageerada Mareykanka. Kharashka difaaca ayaa kor u kacay guud ahaan isbahaysiga, xoghayaha guud ee NATO ayaa markii dambe ku ammaanay Trump doorkiisa uu ku qasbay dalalka Yurub inay kordhiyaan taageeradooda."
Qoraagu wuxuu aaminsan yahay in xeeladdan cadaadiska ah ee isku midka ah ay horseeday xabbad joojin lala galo Iiraan, laakiin "caqabadda hadda jirta ayaa ah in habkani uu sii socon doono. Xabbad joojintu waa muhiim, laakiin u beddelidda heshiis hubinaya in Marinka Hormuz uu sii furnaado iyo in la xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan waa muhiim."
Xoojinta awoodda Britain si ay ugu adkeysato duufaannada"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu dambeyntii, waxa aan ku soo gabagabeyneynaa warbixinteena wargeyska The Guardian, iyo maqaal uu qoray Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, oo cinwaan looga dhigay "Dagaalka Iiraan waa digniin: Britain waa inay dhistaa awooddeeda adkeysi - gudaha iyo xulafadeeda Yurub."
Starmer wuxuu leeyahay Britain waxay la ildarnayd dhibaatooyin isdaba joog ah muddo ku dhow labaatan sano. Laga soo bilaabo dhibaatadii dhaqaale ee 2008, iyada lasoo maray dhaqaale xumo, ilaa Brexit, masiibada Covid-19, iyo dagaalkii Yukrayn, "falcelinta dawladdu had iyo jeer waxa ay ahay mid isku mid ah: maaraynta dhibaatooyinka, xal ku meel gaar ah, ka dibna isku day quus ah oo lagu soo celinayo xaaladdu sida ay ahayd."
Laakiin markan, way ka duwanaan doontaa. Dagaalka Iiraan hadda waa inuu noqdaa mid tijaabo ah, sababtoo ah sida aan uga soo baxno dhibaatadan ayaa go'aamin doonta masiirka dhammaan dadka Ingiriiska ah ee jiilal dhan , sida uu sheegay Starmer.
Starmer wuxuu qoray: "Halkii aan dib u eegi lahayn adduunka 2008, waxa aan u qorsheyn doonnaa waddo cusub oo Britain ah - mid xoojinaysa qaybtayada tamarta, difaacayaga iyo amniga dhaqaaleheenna xilli cusub. Sababtoo ah xaqiiqadu waxay tahay in adduunku isbeddelay: kuma sii noolaanayno xaaladaha wanaagsan ee jiray bilowgii qarnigan. Adduunku maanta waa mid jahwareersan oo ka khatar badan sidii hore ee nolosheena."
Starmer wuxuu muujiyay diidmadiisa ah in lagu jiido tallaabo militari oo ka dhan ah Iiraan, laakiin wuxuu tilmaamayaa markii Iiraan ay weerartay deriskeeda, "waxa aan sameynay waxa saxda ah." Britain waxay ka hor tagtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxay soo riday gantaallo, waxayna "ilaalisay nolosha iyo danaha Ingiriiska, waxayna taageertay saaxibada , sida kuwa an rabin dagaalkan."
Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska wuxuu xoogga saarayaa xiriirka ka dhexeeya siyaasadihiisa arrimaha dibadda iyo danaha dhaqaale ee muwaadiniintiisa gudaha, "sababtoo ah cadaadiska dadku ku dareemaan nolol maalmeedkooda ma aha mid ka baxsan dhacdooyinkan oo kale, laakiin si dhow ayay ula xiriiraan. Isla xasillooni darradaas oo halis gelinaysa amniga adduunka waxay horseedday qiimaha tamarta oo sare u kacay, waxay carqaladeysaa isku xirka sahayda, waxayna culeys saartay qoysaska halkan ku nool Britain."
Starmer wuxuu soo hadal qaaday dhowr tallaabo oo dhaqaale oo uu qaaday gudaha dalka, sida xaddididda qimaha tamarta iyo maalgelinta wax soo saarka tamarta maxalliga ah, isagoo xusay in tallaabooyinkani ay u suurtogelinayaan isaga iyo dowladdiisa "inay ka xoroobaan kaligii-taliyayaasha maamula qiimaha gaaska."
"Sababtan awgeed, iyo sidoo kale ballanqaadkeenna dhexdhexaadnimada ee colaadda, waxa aan dib u dhisnay xulafadeenna Yurub waxa aanan xoojinnay awooddeenna difaaca iyadoo la adeegsanayo maalgashigii ugu weynaa ee la sii waday tan iyo Dagaalkii Qaboobaa."
Starmer wuxuu tilmaamay in tallaabooyinkani aysan ahayn oo keliya wax ka qabashada hal dhibaato oo gooni ah, laakiin ay yihiin wax ka beddelka habka iyo dib u dhiska Britain si ay ugu diyaargaroobaan duni ay ku soo noqnoqdaan naxdinta noocan ah.
Waxa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: "Kani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo waddan caddaalad ah: waddan aan dadka lagu haysan afduub ay sameeyaan dhacdooyinka dibadda... Markaa, waxa aan ka shaqayn doonnaa oo keliya in aan ka hortagno duufaantan, laakiin sidoo kale in aan xoojinno Britain si ay ugu adkaysato duufaannada aan aragno inay soo socdaan."










