Nin lagu eedeeyay inuu ku qasbay xaaskiisa inay galmo la sameyso 120 nin oo maxkamad lagu soo taagay Sweden

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Laura Gozzi
- Author, Aleks Phillips
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Nin 61 jir ah oo u dhashay Sweden ayaa la soo taagay maxkamad, isagoo lagu eedeeyay inuu ku qasbay xaaskiisa inay adeegyo galmo siiso in ka badan 120 nin.
Waxaa la sheegay inuu ka faa'iideystay meel gees ah oo beertooda ku taalla meel u dhow Kramfors ee waqooyiga Sweden, isla markaana uu isticmaalay kaamirooyin kormeer ah iyo daroogo si uu ugu qasbo inay falal galmo la sameyso rag uu ka bartay internet-ka.
Isagu wuu beeniyay eedahaas, wuxuuna sheegay in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo ay labada dhinac ku heshiiyeen, isla markaana uu kaliya ka caawiyay abaabulkooda.
Dacwaddan ayaa horey u soo jiidatay indhaha caalamka, waxaana dadka qaar ay barbar dhigayaan kiiskii Faransiiska ee Dominique Pelicot, oo lagu helay dambiga ah inuu daroogo siiyay xaaskiisii hore Gisèle isla markaana u oggolaaday rag kale inay kufsadaan muddo sagaal sano ah.
Dacwaddu waxay Jimcihii ka bilaabatay Härnösand, oo ah magaalo yar oo ku taalla xeebta bari ee Sweden, iyadoo la sheegay in eedaysanuhu si buuxda u aamusnaa oo qof aan dhaqdhaqaaq lahayn uu ahaa intii eedaha loo akhrinayay.
Maxkamaddu kadib waxay u gudubtay dhageysi albaabbadu u xiran yihiin si loo ilaaliyo aqoonsiga haweeneyda la sheegay in dhibaatadu gaartay, taas oo aan la magacaabin isla markaana hadda aysan is qabin ninkeeda.
Ninkii hore sidoo kale lama shaacin magaciisa, marka laga reebo da'diisa.
Sida ku cad eedeymaha, wuxuu bilaabay inuu ku qasbo xaaskiisa inay galmo la sameyso rag ka imanayay meelo kala duwan oo dalka ah, isagoo lacag ku beddelanaya, sanadkii 2022—waxayna arrintani socotay ilaa ay ka gudbisay dacwad booliska bishii Oktoobar 2025.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Horraantii sanadkan, waxaa lagu soo oogay dacwado badan oo ay ka mid yihiin kufsi dhowr jeer ah, isku day kufsi iyo weerar.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay isku dayi doonaan inay maxkamadda ku caddeeyaan inuu siiyay haweeneyda daroogo, isla markaana uu ka faa'iideystay gurigooda go'doonsan iyo xiriirkeeda bulsho ee xaddidan si uu u xakameeyo.
Ka hor bilaabashada dacwadda, xeer-ilaaliye Ida Annerstedt ayaa u sheegtay wargeyska Sweden ee Expressen in ninkii hore uu "ka faa'iideystay xaaladdeeda nugul" iyo "cabsida ay ka qabtay" si uu caadi uga dhigo dabeecaddiisa qasabka ah.
Ninka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu isticmaalay kaamirooyin kormeer oo ku rakiban gurigooda si uu u xakameeyo, kuwaas oo mararka qaar duubi jiray falalka galmada—muuqaaladaasna waxaa loo gudbin doonaa caddeyn ahaan maxkamadda.
Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu ku hanjabay inuu dili doono xaaskiisa, ku shubi doono shidaal, gubi doono, isla markaana ka jari doono faraha, sida ay sheegtay warbaahinta dadweynaha ee SVT iyadoo tixraacaysa eedeymaha xeer-ilaaliyeyaasha.
Inkasta oo 120 nin ay aqoonsadeen hay'adaha Sweden, ilaa hadda kaliya 28 ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira kiiskan. Intooda badan ayaa beeniyay eedaha, iyagoo sheegay inaysan galmo la sameyn haweeneyda ama aysan lacag siin.
Wadahadallo internet ah, lacag-bixinno iyo qoraallo ayaa la sheegay inay ka mid yihiin caddeymaha ay xeer-ilaaliyeyaashu adeegsan doonaan.
Qareenka difaaca, Martina Michaelsdotter Olsson, ayaa sheegtay billowga dacwadda in macmiilkeedu uusan aqoonsanayn "sawirka ay xeer-ilaaliyuhu soo bandhigtay".
Dacwadda ayaa la filayaa inay socoto muddo 14 maalmood ah.













