Sababta uu muranka u dhaliyay qorshaha Mareykanka ee ah inuu Sacuudi Carabiya ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Tom Bateman
- Role, Weriyaha Waaxda Gobolka
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu ansixiyay iibka ku dhowaad 50 diyaaradood oo dagaal oo nooca F-35 ah oo loo iibinayo Sacuudiga, taas oo ah isbeddel siyaasadeed oo uu Maraykanku sameeyay, isla markaana walaac ka dhex abuurtay qaar ka mid ah xubnaha Kongareeska.
Sacuudiga ayaa sanado badan doonayay inuu iibsado diyaaradda dagaalka ee loo arko tan ugu horumarsan dunida, taas oo ku qalabaysan tiknoolajiyadda dhuumashada ee u saamaxaysa inay ka dhuumato ogaanshaha cadowga.
Washington ayaa hore uga soo horjeedday arrintan, qayb ahaan sababtoo ah Maraykanku diyaaradaha F-35 wuxuu siiyaa xulafadiisa Israa'iil, taas oo sharciga Maraykanku u dammaanad qaadayo inay hesho hubka casriga ah ee Maraykanka ugu tayada sarreeya marka loo eego hubka ay heli karaan dalalka kale ee gobolka.
Kongareeska ayaa haysta 30 maalmood oo uu ku baaro ama isku dayo inuu hor istaago heshiiska iibka hubkan oo qiimihiisu yahay $24 bilyan (£17.8 bilyan), iyadoo Sacuudigu yahay iibsadaha ugu weyn ee hubka Maraykanka.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Wakiilka gobolka Illinois, Raja Krishnamoorthi, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa Khamiistii ka soo horjeestay iibka hubkan.
Waxa uu ka digay in "arrintani ay keeni karto in hantida ugu qaalisan ee tiknoolajiyadda milatari ee Maraykanka ay gaarto gacanta Xisbiga Shuuciga Shiinaha".
Xildhibaanno kale oo Dimuqraadiyiin ah iyo qaar ka mid ah saraakiisha difaaca Maraykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in Sacuudiga la siiyo diyaaradaha F-35.
Waxay sheegeen in Riyadh ay tiknoolajiyadda xasaasiga ah la wadaagi karto Shiinaha, iyadoo labada dal ay leeyihiin iskaashi dhinaca amniga ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Khamiistii, markii ay ku dhawaaqaysay heshiiska, sheegtay in heshiisku uu taageerayo "ujeeddooyinka siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka" ee Maraykanka.
Waxay sheegtay in heshiisku uu xoojin doono "amniga xulafada weyn ee aan xubin ka ahayn NATO, taas oo ah awood gacan ka geysata xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee gobolka Khaliijka".
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: "Iibka la soo jeediyay ee qalabkan iyo taageerada la xiriirta ma beddeli doono isu-dheellitirka milatari ee gobolka."
Trump wuxuu xiriir dhow la leeyahay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, oo booqday Aqalka Cad bishii Nofeembar ee sannadkii hore.
Labadoodu waxay sidoo kale bishii May ee sannadkii hore ku kulmeen Riyadh, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis hub oo qiimihiisu yahay $142 bilyan – kaas oo Aqalka Cad ku tilmaamay "heshiiskii iibka difaaca ee ugu weynaa taariikhda".
Heshiiska iibka cusub ee loo soo jeediyay Sacuudiga ayaa waxaa ku jiri doona 48 diyaaradood oo F-35 ah, kuwaas oo ay soo saarto shirkadda hubka ee Lockheed Martin.
Tani waxay Sacuudiga siin doontaa tiro diyaarado F-35 ah oo la mid ah tan Israa'iil, oo hadda haysata 50 diyaaradood oo noocan ah.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa'iil ayaa bishii May ku dhawaaqday inay iibsan doonto koox kale oo diyaaradaha F-35 ah.
Heshiiskan ayaa tirada diyaaradaha F-35 ee Israa'iil laba jibbaaraya, oo ka dhigi doona 100 diyaaradood, sida uu sheegay wargeyska Jerusalem Post.
Hal diyaarad oo ka mid ah nooca F-35A ee ay soo saarto Lockheed Martin ayaa qiimaheedu ku dhow yahay $82.5 milyan.
Congress-ka ayaa horey su'aalo uga keenay heshiisyada hubka ee lala galo Riyadh, gaar ahaan kaddib dilkii 2018-kii loo geystay suxufigii Sacuudiga ahaa Jamal Khashoggi.
Maamulka madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden ayaa tixgeliyay in Sacuudiga la siiyo diyaaradaha F-35 haddii Riyadh ay caadiyeyso xiriirkeeda Israa'iil, balse dadaalkaas diblomaasiyadeed ayaa fashilmay.
Iibka la soo jeediyay ayaa ku soo beegmaya xilli Sacuudigu uu dagaal kula jiro Xuutiyiinta, oo ah koox hubaysan oo Iran ay taageerto, isla markaana gacanta ku haysa qaybo badan oo ka mid ah galbeedka Yemen.
Xuutiyiinta ayaa dhowaan la wareegay qaybo ballaaran oo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Yemen, kuwaas oo ay hore u maamuli jireen ciidamada dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero.
Laba ilo-wareed oo arrintan xog-ogaal u ah ayaa CBS News, oo ah hay'adda warbaahineed ee Maraykanka ee BBC ay wada shaqeeyaan, u sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu si shaqsi ah ugu cadaadiyay Trump inuu qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta.
Hase yeeshee, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Trump ilaa hadda uu diiday inuu ciidanka Maraykanka si toos ah ugu lug yeesho dagaalka.
Warbixinta waxaa sidoo kale gacan ka geystay Sareen Habeshian.















