Midowga Yurub oo Soomaalida kusoo rogay xayiraad fiisaha ah

Visa

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Midowga Yurub ayaa soo rogay xayiraado ku meelgaar ah oo adkaynaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fiisaha Schengen, iyagoo ku sababeeyay in Soomaaliya aysan si ku filan ula shaqaynin aqbalidda dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee si sharci darro ah ugu nool waddamada Midowga Yurub.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan si ku filan uga qayb qaadan dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu amray inay ka baxaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Iyadoo la raacayo tallaabooyinka cusub, muwaadiniinta Soomaaliyeed ma heli doonaan fiisaha Schengen ee dal kusoo‑gal badan (multiple‑entry), kuwaas oo u oggolaanaya haystayaasha inay dhowr jeer galaan aagga Schengen inta uu fiisaha shaqaynayo.

Midowga Yurub wuxuu sidoo kale kordhiyay waqtiga caadiga ah ee lagu farsameeyo codsiyada fiisaha Soomaalida laga bilaabo 15 maalmood ilaa 45 maalmood. Isbeddelkan wuxuu saameyn doonaa Soomaalida doonaysa inay u safraan Yurub shaqo, waxbarasho, booqasho qoys ama dalxiis.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale joojiyay habraacyadii fudud ee dukumentiyada taageerada ee loo baahnaa codsiyada fiisaha, wuxuuna soo celiyay khidmadaha fiisaha ee loogu talagalay haystayaasha baasaboorrada diblomaasiyadeed iyo adeeg ee Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Midowga Yurub ayaa sheegay in xayiraadahan ay yihiin kuwo ku meelgaar ah oo la qaadi karo haddii Soomaaliya ay horumar muuqda ka samayso iskaashiga ku saabsan aqbalidda iyo dib‑u‑celinta muwaadiniinteeda.

Jarmalka

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Go'aankan wuxuu ka dambeeyay qiimeyn rasmi ah oo Midowga Yurub ku sameeyay iskaashiga Soomaaliya ee dib‑u‑celinta. Heshiisyada dib‑u‑celinta ee Midowga Yurub waxay dhigayaan waajibaadyo dalalka la‑shaqeeya si ay u aqoonsadaan, u aqbalaan, uguna fududeeyaan dib‑u‑celinta ammaan ee muhaajiriinta sharci darrada ah, oo ay ku jiraan muwaadiniintooda iyo mararka qaarkood muwaadiniinta dal saddexaad ee dhulkooda soo maray.

Tallaabadani waxay qayb ka tahay cadaadis ballaaran oo Yurub ku saaraysa dalalka asal ahaan muhaajiriinta si ay si dhow uga wada shaqeeyaan dib‑u‑celinta iyo habraacyada masaafurinta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2024, Madaxweynaha Sooomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay dalka Jarmalka ayaa halkaas kula kulmay hogaamiyaha Jarmalka Olf Scholz, oo ay arrimo dhowr ah ka wada hadleen.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay hoggaamiye Scholz.

Sida lagu daabacay bogga Facebook ee Villa Soomaaliya labada hoggaamiye ayaa kulankoodii diiradda ku saaray arimo ay ka mid yihiin qaxootiga iyo magangalyo-doonka.

Waxay ka wada hadleen arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka oo uu Jarmalka ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu soo dhaweeyo dadka ka soo haajira duruufaha colaadeed iyo kuwa nololeed ee ka jira meela dunida ka mid ah.

Hoggaamiye Scholz ayaa sheegay in Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.

Dhanka kale waxaa uu Olaf xusay in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed oo sharci darro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in ay soo celinayaan dhammaan qaxootiga Soomaalida ah ee halkaas sharci darada ku jooga, sida ay qortay warbaahinta gudaha ee Jarmalka.

Visaha Schengen

Visa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tilmaamaha ugu muhiimsan waa abuurista hal xuduud dibadda ah, iyo hal xeer oo ah ilaalinta xuduudaha, laakiin waxaa jira tallaabooyin kale oo ay ka mid yihiin:

Xeerarka guud ee magangalyada;

  • Daba-galka kulul - booliisku waxay xaq u leeyihiin inay ka daba-tagaan dembiilayaasha looga shakisan yahay xuduudaha;
  • Liiska guud ee wadamada muwaadiniintoodu u baahan yihiin fiisaha;
  • Nidaamka Macluumaadka Schengen (SIS), dibadda, kaas oo u oggolaanaya saldhigyada booliiska iyo qunsuliyadaha inay galaan xogta la wadaago ee dadka la doonayo ama aan loo baahnayn iyo walxaha la xado;
  • Dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo dembiyada daroogada la xiriira