Nin Giriigga u dhashayay oo basaasayay suxufi Irani ah oo xabsiga la dhigay iyo arrimo xasaasi ah oo lagu eedeeyay

kaamiro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Muwaadin u dhashay dalka Giriiga ayaa lagu eedeeyay inuu basaasayay wariye u dhashay dalka Iran oo fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, sida maxkamada loo sheegay. Tuhmanuhu wuxuu ku dhex qariyay kamarad qarsoon sigisaan isaga oo u isticmaalaya ujeedkiisa gaarka ah.

Ivanis Idenidis, oo 46 jir ah, ayaa Jimcihii ka soo muuqday Maxkamadda Magistrate-ka ee Westminster.

Waxaa lagu eedeeyay inuu caawiyay hay'ad sirdoon oo ajnabi ah, oo la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay Iran.

Eedeymahan ayaa soo shaac baxay kadib baaritaan ay sameeyeen booliska la dagaalanka argagixisada ee London.

Dacwad oogaha Lee Ingham ayaa sheegay in lagu eedeeyay in Idendis uu u safray Britain labo jeer sanadkan, mar bishii April iyo mar kale bishii May, si uu ula socdo wariye ka tirsan warbaahin lagu magacaabo Iran International.

Waxaa lagu eedeeyay inuu sawiray oo duubay cinwaanada weriyaha iyo taargada baabuurta.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in intii lagu guda jiray safarkii labaad ee bishii May, Idenides "wuxuu galiyay kamarad qarsoon sigisaantiisa" iyo in kamaradu ay awood u leedahay inay macluumaadka u gudbiso "dadka aan la garanayn."

Idenidis, oo ku dhashay Georgia kuna nool Jarmalka, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu helay taageero dhaqaale si uu u fuliyo howsha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, safarkiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa 16-kii ilaa 21-kii April, waxaana safarkiisii labaad uu socday 12-kii illaa 16-kii May.

Waxaa 16-kii Maajo xiray booliiska la dagaalanka argagixisada ee London oo ku sugnaa West Sussex.

Aidanidis ayaa xaqiijiyay aqoonsigiisa isagoo kaashanaya turjumaan Ruush ah laakiin ma uusan bixin wax qiraal ah ama wax difaac ah eedeymaha.

Waxa uu xabsiga ku sii xirnaan doonaa inta laga gaarayo dhageysiga labaad ee dacwadda, waxaana loo ballansan yahay in mar kale la soo taago maxkamadda 19-ka June.

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay ka hor inta aysan billaaban dacwadda, ayaa taliyaha booliska la dagaalanka argagixisada ee London, Helen Flanagan, waxa ay tiri.

"Waan fahamsanahay in arrintani ay walaac ku hayso dad badan oo reer UK ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya warbaahinta afka Faariska."

Waxay intaas ku dartay in booliisku ay talooyin iyo taageero xagga amniga ah siiyeen hay'ado iyo shaqsiyaad dhowr ah, oo ay ku jiraan "qofka gaarka ah iyo hay'adda ku lugta leh baaritaankan."

Booliisku waxay sheegeen inaysan jirin wax muujinaya khatar baahsan oo soo wajahday shacabka.

Bishii Abriil, saddex qof ayaa lagu soo oogay isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in dab lagu qabadsiiyo xafiisyada Iran International ee waqooyi-galbeed ee London.

Koox Islaami ah (Harakat Ashab Al-Yamin Al-Islaamiya), oo laga yaabo inay xiriir la leedahay Iran, ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin weli sheegashadan lama xaqiijin.

Bishii la soo dhaafay, Iran International ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay wajaheyso olole caga-jugleyn iyo cadaadis uga imaanaya dhanka xuduudda, kaasoo looga gol leeyahay in lagu aamusiyo codka saxafiyiinta madaxa-bannaan.