Tiknoolajiyadda cusub ee ay isla samaynayaan Ingiriiska, Maraykanka iyo Australia si loo ilaaliyo xarkaha internetka ee badda hoos mara

John Healey, Richard Marles iyo Pete Hegseth.

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Tessa Wong
    • Role, Asia Digital Reporter
    • Reporting from, Shangri-la Dialogue, Singapore
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maraykanka, UK iyo Australia ayaa sheegay inay horumarin doonaan tignoolajiyada drone ah oo biyaha hoostooda marta si ay u ilaaliyaan xarkaha badda hoostooda mara ee internetka, isla markaana ay xoojiyaan difaaca, iyagoo hoos imanaya isbahaysigooda milatari ee loo yaqaan Aukus.

Tiknoolajiyada drone-ka badda hoosteeda mara (UUV) ee aan xirnayn ayaa la filayaa inay diyaar noqoto sanadka soo socda. Inkastoo aan la sheegin wadarta kharashka mashruuca, xoghayaha difaaca Ingiriiska, John Healey ayaa sheegay in UK ay ku deeqi doonto £150m ($201m).

Warkan oo ay wasiiradda difaaca ee dalalkaasi ka sheegeen shir-madaxeedka amniga ee Singapore, ayaa daba socday sheegashada gaabiska horumarka ee mashaariicda Aukus.

Healey oo qiratay dhaleeceynta, ayaa yiri "muddo dheer Aukus aad ayaan u wada hadalnay waxna ma aanan soo gudbin", isaga oo intaa ku daray "Taasi hadda waa ay is beddeshay dhexdeena saddexda dowladoodba".

Heshiiska difaaca Aukus, oo bilaabmay 2021, wuxuu ayaa u jeedkiisu yahay saddexda waddan in ay horumariyaan maraakiibta Nukliyeerka iyo wadaaga khibradaha milatari.

Waxaa loo arkaa in ay tahay hab looga hortagayo joogitaanka badda Shiinaha ee sii kordhaya ee aagga Indo-Pacific iyo doorka uu ku leeyahay kor u kaca xiisadaha ka taagan dhulalka lagu muransan yahay sida Koonfurta Shiinaha.

Tiknoolajiyada UUV waa mashruucii saxeexa ugu horeeyay ee hoos yimaada Aukus's Pillar Two, halkaas oo wadamada shuraakada ahi ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan "awoodaha horumarsan" ee meelaha ay ka midka yihiin gantaalada riddada dheer, robotyada badda hoosteeda iyo AI-da.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in mashruucan cusub uu qayb ka noqon doono " dhimista culeyska mushaaraadka iyo nidaamyada awood siinta" ee loo sameeyay UUV-da kuwaas oo ilaalin kara kaabayaasha badda, gantaalo ridi kara, samayn kara kormeer iyo sahamin, iyo sidoo kale hawlgallo saad.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Healey waxa kale oo uu sheegay in dareemayaasha iyo nidaamyada hubka loo samayn doono UUV-yada, kuwaas oo "si degdeg ah u siin doona ciidamadeena tignoolajiyada dagaal oo horumarsan".

Ku dhawaaqista ayaa timid hal bil kadib markii Healey uu ku eedeysay Ruushka inuu wado howlgal qarsoodi ah oo ku saabsan fiilooyinka iyo dhuumaha biyaha ee waqooyiga UK. Moscow ayaa beenisay eedeymahaas.

Bishii Disembar, UK iyo Norway waxay saxiixeen heshiis lagu ugaarsanayo maraakiibta quusta ee Ruushka ee Waqooyiga Atlantic si loo ilaaliyo fiilooyinka badda hoosteeda.

Ingiriiska waxa ku xirta ilaa 60 xabbo oo xarkaha badda hoosteeda mara ah, kuwaas oo saraakiisha Ingiriisku sheegeen in ay sii kordhayso khatarta Moscow, iyada oo 30% kor u kaca maraakiibta Ruushka ee lagu arkay biyaha UK dhawrkii sano ee la soo dhaafay.

Geesta kale, maraakiibta Shiinaha ayaa looga shakisan yahay inay waxyeeleeyeen xarkaha badda hoosteeda mara biyaha ku hareeraysan Taiwan iyo dhulka Sweden.

Waxaa sidoo kale jira warbixino badan oo sheegaya in fiilooyinka ay waxyeelleeyeen badda Baltic.

Sabtidii saddexda wasiir ee gaashaandhigga kama aysan jawaabin su'aal ay BBC-du weydiisay oo ku saabsan in mashruuca tignoolajiyada ee UUV looga golleeyahay ka hortagga dhaqdhaqaaqyada badda hoosteeda ee Ruushka iyo Shiinaha.

Sidoo kale kama aysan jawaabin su'aal ah in horumarka laga gaaray mashaariicda Aukus uu aad gaabis u yahay iyo in kale.

Maraakiibta quusta ee waawayn ee isbahaysiga Aukus waxa loo qorsheeyay kaliya inay diyaar noqdaan 2040-nada. Dhanka kale, Maraykanka iyo UK waxay midba mar ilaalin doontaa fiilooyinka badda hoosteeda mara iyaga oo isticmaalaya marakiibtooda quusta ee ku shaqeeya nukliyeerka iyagoo sii maraya Australia, halka 2030-nada la filayo in Australiya ay iibsan doonto mid ka mid ah maraakiibta Nukliyeerka ee Maraykanka.

Maalmo ka hor inta uusan Singapore u imaan wadahadalka Shangri-la, wasiirka difaaca Australia Richard Marles ayaa ka hadlay dhaleeceyntan isagoo sheegay inay ku qasbanaadeen inay sii wadaan mashruuca Aukus ee badda hoosteeda maadaama aysan jirin "qorshe B".

Sabtidii, xoghayaha difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in qorshaha ay ku miiltaysanayaan maraakiibta Nukliyeerka ah ee Maraykanka iyo UK iyada oo la marayo Australia uu "wali socdo", iyadoo ciidamadii ugu horeeyay ee ciidamada badda ee Maraykanka ay imaanayaan dabayaaqada sanadkan.

Wasiirka difaaca Australia Richard Marles ayaa sheegay in saldhiga ciidamada badda ee HMAS Stirling ee Galbeedka Australiya uu diyaar u yahay inuu martigeliyo ciidamada badda hoosteeda, dhamaadka 2027, iyo in "shaqadu ay ku socoto xawli" si loo dhiso barxad dhisme oo ku taal Koonfurta Australia taas oo ay dhisi doonto Aukus.