Haweeneey ninkeeda oo macmal ah aas u sameysay

Pam Cronrath way ogeyd waxa ay dooneysay in ay sameyso markii uu geeriyooday ninkeeda Bill

Xigashada Sawirka, George Johnsen

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Pam Cronrath way ogeyd waxa ay dooneysay in ay sameyso markii uu geeriyooday ninkeeda Bill, balse ma ogeyn sida ay u sameyneyso. Lammaanahan muddo lixdan sano ah ayey isla joogeen.

"Waxaan u ballanqaaday xaflad gaar ah," ayay u sheegtay BBC.

Ma fileynin ballaantii ay qaaday in ay la gaareyso sameynta waxa loo yaqaan Hologram oo ah muuqaal macmal ah. Waa farsamo la sameeyo munaasabadaha oo lala xiriiryo dadka caanka ah.

Pam oo 78 jir ah kuna nool magaalada Wenatchee ee Washington, waxay ka tirsan tahay bulsho beeraley ah.

Waxay Pam sheegtay in ay jeceshahay tiknoolajiyadda, waxayna ka hadashay in aragtideeda ay ka dhalatay xirfad ay lahayd tan iyo bilowgii internet-ka. Waxay sheegtay in fakarkan uu ka yimid markii ugu horeysay ee interentka ay baratay.

Dhowr sano ka hor, iyadoo ka hadlaysay shir caafimaad, waxay aragtay dhakhtar qaab Hologram ah si toos ah looga baahiyay guud ahaan Maraykanka.

"Aad ayaan ula yaabay, ilaa markaas maskaxdeyda kama bixin" ayey tiri.

Markii Bill geeriyooday, xusuustaasi way ku soo noqotay mid aan ka bixin. Pam waxay bilowday in ay is weydiiso in tiknoolajiyadan loo adeegsan karo xusuus hore.

Muddo lixdan sano ah ayey isqabeen

Xigashada Sawirka, Courtesy of Pam Cronrath

In ay hesho cid ka caawiso way adkeyd. Pam waxay dooneysay in ay degdeg u sameyso balse shirkado badan oo ay la xiriirtay qaar waxay ahaayeen qaali halka kuwa kalena aysan dooneyn in ay sameeyaan

Ugu dambeyn, waxay la xiriirtay labo shirkadood oo ka shaqeeya tiknoolajiyadaas iyadoo kala hadashay waxa ay dooneysay.

Bill waxay shirkadaha u ballanqaaday in ay siineyso 200 oo kun oo doolar si xaflad gaar ah loogu sameeyo balse kharaska intaas wuu ka batay markii la bilaabay mashruuca.

Pam waxay sheegtay in qiimaha uu ka batay 15 laab markii dambe.

Waa muuqaal macmal ah

Xigashada Sawirka, Proto Hologram

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tiknoolajiyo dhowr ah ayaa soo baxay sanadihii ugu dambeeyay kuwaas oo u oggolaanaya dadka in ay u muuqdaan kuwa hadlaya kaddib geeridooda.

Aasaasaha shirkadda Hyperreal ee sameysay muuqaalkan macmalka ah, Remington Scott, wuxuu sheegay in habka shirkaddiisu uu ka duwan yahay kuwa shirkadaha kale.

Scott waxa uu sheegay in shirkadiisu ay sameyso, "muqaal dhameystiran oo cod, dhaqdhaqaaq iyo waxqabad isugu jira". Maadama uu Bill uu dhintay cod toos looga duubay ma jiro.

"Waxaan aqaanay 60 sano, sidaas darteed waxaan u qoray sida aan aaminsannahay in uu u hadli lahaa."

Bill wuxuu ahaa nin deggan oo aamusnaan badan, hore waxaa looga duubay codad badan. Codadkiisa hore waxay ahaayeen kuwo xoog badan, kuwii dambena waxay muujinayeen caafimaadkiisa oo liitay.

Injineerada waxay iskudayeen in ay isku dheelitiraan. Waxay ka dhigeen wax ay qoyskiisa aqoonsan karaan xitaa hadii aysan si fiican u soo dhaweyneyn.

Ku dhawaad 200 ayaa ka soo qeybgashay tacsida. Intooda badan ma ogeyn in Bill imaanayo.

Markii la arkay muuqaalka macmalka ee Bill oo hadlaya, waxaa isbaddelay shucuurta dadka joogay munaasabadda.

"Inta uusan qof kasta wareerin, aniga hadda halkan ma joogi" ayuu yiri muuqaalka laga sameeyay Bill.

"Dadku way yaabeen" ayey tiri Pam oo intaas ku dartay, "dadka qaarkii ma fahami karin waxaa dhacayaya".

Muuqaalka ma aheyn mid un hadal jeedinayay ee sidoo kale wuxuu ka jawaabay su'aalo. Dhowr qof oo joogay tacsida ayaa u qaatay in waxaa socday ay yihiin wax toos ah.

Mid ka mid ah wiilasha Pam ay eedada u tahay ayaa arkay waxyaabo is dhaafsan, "Codkiisu wax yar ayuu ka duwan yahay," ayuu yiri. Pam, taasi waxay u xaqiijisay sida ay ugu dhowaadeen saxnaanta.

Pam waxay si taxaddar leh u caddeyneysaa in hologram-ku uusan beddelin ninkeeda ama murugadeeda.

Xigashada Sawirka, Proto Hologram

Pam waxay si taxaddar leh u caddeyneysaa in hologram-ku uusan beddelin ninkeeda ama murugadeeda.

"Waa sida sawirro ama fiidiyowyo hore oo kale. Ma caajisayo," ayey tiri. "Markaad dareento xanuun, waxay kaa caawineysaa sida in qofka kula jogo".

Toddobo bilood kaddib, wali waxay daawataa isagoo duuban. Waxaa jira hal wax oo aan ka bixin maskaxdeeda oo ah marka uu dhahayo "Waan ku jeclahay".

Khubaradu waxay ka hadleen walaacyo ka imaanaya dhanka anshaxa sida ka faa'ideysiga dadka murugsan.

Murugada waa in loo arkaa dhibaato u baahan xal, gaar ahan xal tiknolojiyo" ayey tiri Dr Elaine Kasket oo ka tirsan jaamacadda Bath.

"Haddii qof murugeysan uu doorto in uu nidaamka dijitaalka u isticmaalo si uu ugu xusuusto qof uu jeclaa, ma ahan in aan su'aal weydiino ama dhaliilno rabitaankooda la xiriir habka ay u soo bandhigayana murugadooda".

"Dhibaatada maanta jirta waxay tahay marka aan ka hadlo aragtideyda, waa in ganacsi loo arko dadka dhintay oo dadka murugeysan laga sameeyo dhaqaale".

Pam way dareesan tahay in fikradda muuqaalada laga sameeyo qof dhintay ay dadka qaar ku noqon karto mid aan xanuun leh.

Iyadoo tiknoolajiyadu sii beddelayso sida aan u wada xiriirno ayey sheekada Pam waxay keentay su'aalo ku saabsan waxa suurtagal ah iyo waxa saxda ah ee u muuqda.