Israa'iil oo Qasa ka dhisaysa xayndaabyo cusub isla markaana barakicinaysa qoysas

Israa'iil
    • Author, Yolande Knell
    • Role, Wariyaha Bariga Dhexe
    • Author, Emma Pengelly
    • Author, Benedict Garman
    • Author, Malak Hassouneh
    • Author, Eve Webster
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

"'Meel ilaa meel ayaa nalaga barakiciyay, haddana meel aan aadno ma harin,' ayay tiri Umm Mohammed al-Shawish.

Waxay si quus ah u raadinaysaa meel ay degto, kaddib markii Israa'iil ay soo rartay baloogyo jaalle ah oo shub ah kuwaas oo calaamad u ahaa aagga ay ka maamusho Marinka Gaza.

Qoysaska ku nool xaafadda al-Tuffah ee waqooyiga Gaza ayaa subaxnimadii Isniinta soo toosay iyagoo arkay in baloogyada loo raray dhanka galbeed, lana geeyay bartamaha waddada Salah al-Din, oo ah waddo muhiim ah oo isku xirta waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

Meel u dhow, calanka Israa'iil ayaa ka babbanayay dusha xayndaab ciid ah oo dhererkiisu qiyaastii yahay 3 mitir (10 fiit).

Guriga qoyska al-Shawish ayaa lagu burburiyay dagaalka. Axaddii waxay mar kale qaxeen kaddib markii militariga Israa'iil uu uga digay weerar lagu qaadi doono dhisme ku dhow. Hoygii keliya ee ay haysteen wuxuu ahaa teendho, taas oo uu burburiyay weerarkaas.

'Halkan ayaan ku dhiman doonnaa,' ayuu yiri Mohammed al-Shawish. 'Geeridu way ka wanaagsan tahay dulliga. Qofna nama garab taagna.'

Sida ku cad heshiiskii xabbad-joojinta ee ay dhexdhexaadisay Maraykanku, kaas oo Israa'iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Israa'iil waxay oggolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo inta badan Gaza kuna ekaato xarriiq xudduudeed loo asteeyay oo loo yaqaan "Khadka Jaallaha ah".

Heshiiska ayaa dhigayay in Israa'iil si ku-meel-gaar ah u maamusho dhulka ka dambeeya Khadka Jaallaha ah, kaas oo u dhigma qiyaastii 53% dhulka Marinka Gaza. Si kastaba ha ahaatee, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dhawaan sheegay in Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ay gacanta ku hayaan in ka badan 60% Gaza. Bishii May ayuu sidoo kale si cad u sheegay in amarkiisu yahay in gacanta lagu dhigo 70%.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xamaas waxay ku eedaysay Israa'iil inay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta ee Oktoobar, iyadoo Khadka Jaallaha ah u riixday dhanka galbeed. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Israa'iil ayaa gebi ahaanba diiday eeddaas. Wuxuu BBC-da u sheegay:

"Meelaynta ciidamada IDF iyo khadadka amniga waa tallaabooyin hawlgal oo loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Israa'iil iyo ka hortagga in Xamaas dib u dhisato ciidamadeeda. Israa'iil waxay sii wadi doontaa inay tallaabo ka qaaddo jebinta kasta oo lagu sameeyo xabbad-joojinta."

Markii hore, ciidamada Israa'iil waxay Khadka Jaallaha ah ku calaamadeeyeen baloogyo shub ah, balse markii dambe qaar ka mid ah calaamadahaas ayaa loo sii raray gudaha Gaza. Hadda Israa'iil waxay dhistay shabakad xayndaabyo iyo carro-xireenno ah, kuwaas oo la bilaabay wax yar ka dib heshiiskii xabbad-joojinta.

Xayndaabyadan ayaa hadda dhererkoodu ka badan yahay 42 kiiloomitir (26 mayl), waxayna daboolayaan 85% Khadka Jaallaha ah ee Israa'iil, iyadoo qaybta ugu dheer ay gaartay 13.8 kiiloomitir (8.5 mayl).

Khubarro ayaa BBC-da u sheegay in dhismayaashan ciidda laga sameeyay ay muujinayaan in Israa'iil ay qorshaynayso joogitaan ama gumeysi muddo dheer ah oo ay ku sii hayso Marinka Gaza. Meelo badan, carro-xireennadan ayaa si dhab ah u riixaya waxa loo arko xuduudda dhabta ah (Khadka Jaallaha ah) oo sii galaya gudaha Gaza, taasoo sii ballaarinaysa aagagga ay halista ku tahay in dadka reer Gaza ay galaan.

Mid ka mid ah qaybaha carro-xireenka ee u dhow xerada al-Mawasi ayaa ka durugsan in ka badan 1.5 kiiloomitir halkii markii hore lagu asteeyay Khadka Jaallaha ah. Qayb kale oo ku taalla Khan Yuunis ayaa iyaduna ka gudubtay xarriiqdaas in ka badan 500 mitir.

Qoraalka Muuqaalka, Buur ciid ah oo aad u weyn iyo god dheer oo u dhow al-Mawasi, oo ku taal koonfurta Gaza

Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan "in si cad oo muuqata dhulka loogu calaamadeeyo halka uu marayo Khadka Jaallaha ah", si "loo yareeyo isku dhacyada." Waxay hore sidoo kale u beeniyeen "dhammaan sheegashooyinka ah in Khadka Jaallaha ah la raray ama ay ciidamadoodu ka gudbeen."

Bilihii u dambeeyay waxaa Gaza laga soo sheegay dhacdooyin kale oo barakicin ah, kaddib markii ciidamada Israa'iil ay baloogyada jaallaha ah u sii rareen gudaha dhulka Gaza, gaar ahaan meelaha ay Falastiiniyiintu degganaayeen muddadii xabbad-joojintu socotay.

18-kii Luulyo, tobnaan qoys ayaa si degdeg ah ugu raray mootooyin furaashyo iyo wixii agab ah ee ay qaadi kareen, iyagoo ka qaxayay deegaanka Zeitoun, oo dhanka bari kaga beegan magaalada Gaza. IDF ayaa soo saartay amar lagu baneynayo aaggaas, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay u qaateen inay tani calaamad u tahay in Khadka Jaallaha ah mar kale la sii rarayo. Qaar badan ayaa xitaa gacmo madhan ku baxay, iyagoo ku degdegaya inay baxsadaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay jireen rasaas ay ridayeen gaadiidka ciidamada Israa'iil, diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic culus.

"Dagaalku ma dhammaan. Taasi waa been weyn. Maalin kasta waxaa jira duqeymo, barakicin iyo dadka oo guryahooda laga saarayo," ayuu yiri Ismaaciil Kashko.

Wuxuu sheegay in qoyskiisu ay ka baqayeen inay ku dhacdo rasaasta Israa'iil markii ciidamadu soo dhowaadeen.

"Waxaan ku nool nahay teendhooyin, ma ahan guryo. Ma jiro shub ama gidaar naga difaaci kara."

Sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani'aadannimada (OCHA), qiyaastii 30 qoys ayaa waayay teendhooyinkoodii deegaanka Zeitoun, waxaana loo baahday in la siiyo gargaar ay ka mid yihiin agabka aasaasiga ah. Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in tobannaan hoy oo ku-meel-gaar ah ay deegaankaas ka lumeen bishii Luulyo.

Dadka deegaanka ee Zeitoun ayaa sidoo kale sheegay inay dhinaca bari ku arkeen cagaf-cagafyo iyo qalab culus oo ay leeyihiin ciidamada Israa'iil, halkaas oo ay ka dhisayeen saldhig cusub iyo carro-xireenno.

Ciidamada Israa'iil ayaa BBC-da u sheegay in "qaabka difaaca" ee ay adeegsadaan uu ka kooban yahay aag amni, xayndaab jireed, awood sirdoon, qalab tiknoolajiyadeed, iyo hawlgallo ay fuliyaan ciidamada IDF.

Israa'iil

IDF ayaa sheegtay: "Tallaabooyinkan waxaa loogu talagalay in looga hortago wax soo-gelin iyo falal cadowtinimo, isla markaana lagu ilaaliyo ciidamada iyo bulshooyinka ku hareeraysan. Sababo la xiriira amniga hawlgallada, ma bixin doonno faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaybaha qorshahan, halka uu marayo xayndaabku ama baaxaddiisa."

Dhanka bari ee magaalada dhexe ee Deir al-Balah, qoysas ku noolaa dhul beereed ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Israa'iil ay siiyeen laba maalmood oo ogeysiis ah ka hor inta aan deegaanka gebi ahaanba la burburin.

Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya raadadka taangiyada iyo dhismayaal la dumiyey, halka beer saytuun ah oo ku taalla in ka badan 500 mitir meel ka baxsan Khadka Jaallaha ah ay u muuqato in la baabi'iyey. Muuqaallo la xaqiijiyey ayaa sidoo kale muujinaya saddex baloog oo jaalle ah oo dhowaan halkaas la dhigay, iyadoo kii ugu fogaa uu ka badan yahay 300 mitir meel ka baxsan Khadka Jaallaha ah ee lagu asteeyey heshiiskii xabbad-joojinta ka dib.

Dhanka koonfureed, agagaarka al-Mawasi, Falastiiniyiintu waxay sheegeen in baloogyo kale oo calaamad u ah Khadka Jaallaha ah loo soo raray meel u dhow xeryahooda. Waxay sidoo kale sheegeen inay maalin kasta arkaan dhaq-dhaqaaqyada taangiyada Israa'iil, rasaas soo noqnoqota, iyo dhismaha carro-xireenno dhaadheer.

Aasaasaha shirkadda falanqaynta sirdoonka ee MAIAR, Tony Reeves, ayaa falanqeeyey sawirrada dayax-gacmeedka, wuxuuna qiyaasay in qaar ka mid ah carro-xireennada Gaza ay gaaraan ilaa 7 mitir oo dherer ah.

Muuqaallo iyo sawirro dayax-gacmeed oo la xaqiijiyey ayaa muujinaya in dhul iyo waddooyin la qoday ama la rogrogay, isla markaana dhismayaal la simay si loogu banneeyo dhismaha carro-xireennada. Intaas waxaa dheer, Israa'iil waxay sii wadday ololaheeda burburinta dhismayaasha ee guud ahaan Gaza tan iyo markii la gaaray heshiiska xabbad-joojinta.

Bishii Juun, maalmo yar ka hor inta aan la bilaabin dhismaha xayndaabka u dhow magaalada koonfureed ee Rafah, ciidamada Israa'iil waxay burburiyeen dhismayaal iyo dhul-beereed oo ku yaallay jidka xayndaabka, sida ay muujinayaan sawirrada dayax-gacmeedka.

Meel u dhow Khan Yuunis, muuqaal ay duubtay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee IDF ayaa muujiyey burburin si qorshaysan loo fuliyey oo lagu sameeyey koox dhismayaal ah oo ka baxsan Khadka Jaallaha ah. Markii la gaaray bishii Luulyo, waxaa halkaas laga dhisay carro-xireen cusub, iyadoo dhismayaal kale oo badanna la burburiyey.

Bishii Luulyo oo keliya, sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in dhismayaal badan oo kale lagu burburiyey meelaha ka baxsan Khadka Jaallaha ah ee Khan Yuunis, Deir al-Balah, Zeitoun, iyo magaalooyinka waqooyiga ee Jabalia iyo Beit Lahia.

Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale dhisay tobannaan saldhigyo ciidan, fariisimo iyo goobo ay ciidamada isugu diyaariyaan hawlgallada, kuwaas oo ku yaalla gadaasha xayndaabka ee ku teedsan Khadka Jaallaha ah. Tan iyo heshiiskii xabbad-joojinta ee bishii Oktoobar, waxaa la dhisay 14 goobood oo cusub, kuwaas oo laba ka mid ahi weli dhismayaal yihiin. Sidoo kale, 7 goobood oo jiray ka hor heshiiska ayaa la ballaariyey ama lagu sameeyey horumarin.

Markii BBC-du waydiisay burburinta dhismayaasha ka baxsan Khadka Jaallaha ah, IDF si toos ah ugama jawaabin arrintaas. Waxay sheegtay: "Ciidamada IDF ee hoos yimaada Taliska Koonfureed waxay ku sugan yihiin aagga Khadka Jaallaha ah si waafaqsan heshiiska xabbad-joojinta."

Assaf Orion, oo ah janaraal hore oo Israa'iili ah isla markaana cilmi-baare sare ka ah Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Israa'iil (INSS), ayaa sheegay in dhismaha xayndaabyada iyo saldhigyada cusub uu muujinayo in: "IDF ay isu diyaarinayso joogitaan muddo dheer ah oo ku teedsan Khadka Jaallaha ah, maadaama aan horumar weyn laga samayn, haddiiba uu jiro, hub ka dhigista Xamaas."

Dr. Andreas Krieg, oo ah khabiir dhanka amniga ah kana tirsan King's College London, ayaa BBC-da u sheegay in xogta ay ururisay ay muujinayso in: "Israa'iil ay Khadka Jaallaha ah ka beddelayso xudduud ku-meel-gaar ah oo ciidamada looga qaadayay, una rogaysa xuduud gudaha ah oo dhab ahaan u shaqaynaysa."

Dadka ku nool Gaza ayaa sheegay in Khadka Jaallaha ah uu durba saameyn aad u daran ku yeeshay noloshooda, isagoo ku cadaadinaya in ka badan laba milyan oo qof inay ku noolaadaan dhul sii yaraanaya, iyadoo xaaladda bani'aadannimo ay aad u liidato.

"Khadka Jaallaha ah maalin kasta ayuu sii dhaqaaqayaa," ayuu yiri Abu Kamel Hamami, oo ku barakacay magaalada Gaza.

"Mar walba waxaan ka guureynaa waddo una guureynaa waddo kale. Meel kasta waxaa buux dhaafiyey dad, teendhooyin iyo xeryo barakacayaal."