Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan oo loo xushay inuu dhexdhaadiyo kulan dhex mari doona PSG iyo Aston Villa

Cartan

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta kama dambeysta ah ee UEFA Super Cup 2026, kaddib markii loo diiday fursad uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka FIFA sababo la xiriira in loo diiday gelitaanka Mareykanka.

UEFA ayaa manta shaacisay in 34-jirkan uu hagi doono ciyaarta furitaanka xilli-ciyaareedka ee koobka Yurub, taasoo dhex mari doonta kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ee PSG iyo kooxda heysata UEFA Europa League ee Aston Villa, 12-ka Agoosto waxayna ka dhici doontaa magaalada Salzburg ee dalka Austria.

Magacaabistan ayaa timid kadib wadatashi dhex maray UEFA iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), waxaana ay ku soo aadaysaa xilli uu Cumar Cartan taageero ballaaran ka helayay ka dib markii si muran leh looga reebay Koobka Adduunka.

Cartan, oo tan iyo 2018 ka mid ahaa liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA, waxaa loo arkaa mid ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya Afrika. Waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee Ragga CAF 2025, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa 52 garsoore oo FIFA u xushay Koobka Adduunka 2026.

Si kastaba ha ahaatee, riyadiisii Koobka Adduunka ayaa si lama filaan ah u dhammaatay kadib markii loo diiday inuu galo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Miami, inkastoo uu watay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomalaiya iyo fiisaha Mareykanka ee hal-galitaan ah oo ansax ah.

Soomaaliya waxay ka mid tahay 12 dal oo saameeyay xayiraad safar oo uu soo rogay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, taasoo ugu dambayn ka hor istaagtay Artan inuu ka qayb galo tartanka kubadda cagta ee ugu weyn dunida.

Arrintan ayaa dhalisay taageero ballaaran oo ka timid Afrika iyo meelo kale oo dunida ah, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tilmaamay Artan "astaanta dhiirrigelinta jiilka cusub ee Soomaalida".

Inkasta oo uu niyad-jab la kulmay, Artan wuxuu muujiyay adkaysi.

"Wax walba waa qaddar hore loo qoray," ayuu yiri kadib markii uu ku laabtay Muqdisho. "FIFA si wanaagsan ayay ii taageertay waxayna ila socdeen ilaa aan gaadhay Muqdisho. Waxaan idiin ballan qaadayaa inaan garsoore ka noqon doono Koobka Adduunka ee xiga."

Farriin uu u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ayuu ku sheegay: "Calankaas annagaa leh, baasaboorkana annagaa leh—aan difaacno. Dhalinyaradu ha niyad jabin dalkooda. In kasta oo ay tani igu dhacday, haddana waan u istaagi doonaa waddankayga. Waxaan rabaa inaan safarkayga sii wato, dhalinyaradana waxaan ku boorrinayaa inay sidaas oo kale sameeyaan."

Cartan

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha UEFA Aleksander Čeferin ayaa sheegay in magacaabista Artan ay tahay aqoonsi loo sameynayo kartidiisa gaarka ah iyo kaalinta uu ka qaatay kubadda cagta.

"Cumar Cartan waa garsoore dhalinyaro ah oo aad u wanaagsan balse khibrad leh, wuxuuna isku muujiyay heerarka ugu sarreeya ee tartamada CAF," ayuu yiri Čeferin.

"Kubadda cagtu waxay u jirtaa inay dadka isku xirto, UEFA-na waxay rabtaa inay muujiso ixtiraamka ay u hayso Omar iyo xirfaddiisa garsoor ee heerka sare ah. Waxaan uga mahadcelinayaa saaxiibkey CAF Madaxweynaha Patrice Motsepe oo si weyn u taageeray hindisahan."

Madaxweynaha CAF Patrice Motsepe ayaa isna sheegay in magacaabistan ay tahay sharaf u soo hoyatay Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

"Cartan wuxuu Soomaaliya iyo Afrika oo dhan ka dhigay kuwo aad u faani kara," ayuu yiri Motsepe. "Abaalmarintiisa CAF 2025 iyo xulashadiisa Koobka Adduunka 2026 waa aqoonsi muujinaya heerkiisa caalami ah."

Wuxuu intaas ku daray in doorkiisa UEFA Super Cup uu yahay "sharaf weyn oo u soo hoyatay Omar iyo garsoorayaasha Afrika," isla markaana uu muujinayo awoodda kubadda cagta ee isku xirka dadka qaaradaha kala duwan.

Magacaabistan ayaa lagu sameeyay heshiis is-afgarad ah oo dhowaan ay kala saxiixdeen UEFA iyo CAF, kaasoo ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga dhinacyo badan oo kubadda cagta ah, gaar ahaan horumarinta garsoorayaasha.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sii wadday inay muujiso niyad-jab ku saabsan sida loola dhaqmay Artan gudaha Mareykanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Muqdisho ayaa lagu sheegay in Artan uu yahay "shaqsiga ugu guulaha badan ee isboortiga Soomaaliya iyo astaan sharaf qaran," iyadoo la xaqiijiyay in dadaallo diblomaasiyadeed lagu doonayay in loo fududeeyo gelitaankiisa Mareykanka ka hor Koobka Adduunka.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaallo diblomaasiyadeed la sameysay mas'uuliyiinta ay khuseyso si loo taageero safarka Mr Artan," ayaa lagu yiri bayaanka. "Nasiib darro, dadaalladaas ma keenin natiijo la rabo."

Wasaaraddu waxay sidoo kale ammaantay adkaysiga Artan, iyadoo sheegtay in guushiisu muujinayso in "hibo, dadaal iyo adkaysi ay horseedi karaan heer caalami."

Bayaanka ayaa ku soo gebogebeeyay fariin taageero ah: "Ku soo dhowow guriga, Mudane Omar Cabdikariin Artan. Shacabka Soomaaliyeed si sharaf leh ayay kuu garab taagan yihiin, waxayna la wadaagayaan guulahaaga cajiibka ah."

Cartan, magacaabista UEFA Super Cup, waxay u tahay isbeddel weyn oo noloshiisa ah. Kadib markii riyadiisii Koobka Adduunka ay ku dhammaatay duruufo ka baxsan gacantiisa, garsoorahan Soomaaliyeed wuxuu hadda hagi doonaa mid ka mid ah ciyaaraha ugu caansan kubadda cagta Yurub—taasoo ah aqoonsi weyn oo ka yimid UEFA iyo taariikh muhiim ah oo u soo hoyatay garsoorayaasha Afrika.