BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
UEFA oo diyaarinaysa dacwad dambiyeed ka dhan ah Infantino
Dukumiintiyo ay aragtay BBC Sport ayaa muujinaya in UEFA ay gudbisay codsi ay ku doonayso in loo oggolaado helitaanka caddaymo iyo dukumiintiyo loo adeegsan doono dacwadda
TOOS, Tirada dhimashada Nepal oo gaartay 469 qof, iyadoo "dhoobadu waxkasta qarisay"
Dad gaaraya 475 qof ayaa ku dhintay daadadka dhoobata wata ee Arbacadi ku dhuftay dalka Nepal halka tiro ku dhow 500 oo qof sidoo kale la la'ayahay. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in webi kale uu qarka jabsaday
'Kawaanlihii Bosnia' ninkii xasuuqay muslimiinta Bosnia oo xabsi ku dhex geeriyooday
Intii uu dagaalku socday, ciidamadiisu waxay geysteen falal loo yaqaanay "isirtir qowmiyadeed" gudaha Bosnia-Herzegovina, iyagoo isku dayayey inay xoog ku barakiciyaan dadka aan Seerbiyiinta ahayn. Waxay go'doomiyeen magaalada ugu weyn ee Sarajevo, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 10,000 oo qof
Cod, Muxuu Laftagareen ka yiri eedeynta ah in ciidamadiisa iyo al-Shabaab ay isku milmeen?
Qoraal uu soo dhigay barta Facebook ayuu dhowaan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen wuxuu ku sheegay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo.
Maxaa sababay daadadkii ay dadka badan ku dhinteen ee Nepal, maxayse saynisyahanadu ka yiraahdeen
Sida laga soo xigtay xogta USGS iyo saynisyahannada falanqeeyay dhacdada, saameynta baraf weyn oo ku dhacay dooxada waxay la mid ahayd dhulgariir cabirkiisu yahay 5.2.
Maxaynu ka ognahay safarkii qarsoodiga ahaa ee madaxa CIA uu ku tegay Ruushka?
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in kulanka Ratcliffe uu qayb ahaan daarnaa digniin loo dirayay Ruushka, si uusan tallaabo militari uga qaadin dalalka Baltic-ga.
Meta oo ku dhowaad $18 bilyan ku bixinaysa heshiis lagu xallinayo eedeymo loo heysto
Heshiiska waxaa la gaaray intii lagu guda jiray dacwad ka socotay maxkamad federaal ah oo ku taal California, taas oo ku saabsanayd eedeymo ay soo gudbiyeen gobollo ka tirsan Mareykanka.
Maxaa magaalada Miami ee Maraykanka ka dhigay hoyga bilyaneerrada?
Mark Zuckerberg oo ah aasaasaha Facebook, ayaa bishii Maarso iibsaday hantidii ugu qaalisanayd ee abid lagu kala iibsado Miami. Wuxuuna $170 milyan ka bixiyey guri weyn oo weli dhismihiisu socdo
Waa kuma Khaalid Maxamed, ninkii "qorsheeyay" weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Maraykanka?
Ninka lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarradii 11-kii Sebtembar 2001 ka dhacay Maraykanka, Khalid Sheekh Maxamed, ayaa maxkamad la horgeyn doonaa bisha June 2028.
Kaneeco diyaarad soo raacday oo dad ku dishay Jarmalka
Sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka dadweynaha ee Jarmalka, waxaa la rumeysan yahay in kaneecadu ay diyaarad ku timid garoonka diyaaradaha ee ugu mashquulka badan dalka Jarmalka.
Qalliinkii ugu horreeyay ee maskaxda oo garaadka macmalka ah (AI) ku lug lahaa oo lagu guuleystay
Qalliinka dhexdiisa ayaa qalab AI ah wuxuu si toos ah u falanqeynayay muuqaalka kamaradda qalliinka. Wuxuu dhakhaatiirta ka caawinayay inay aqoonsadaan xididdada dhiigga iyo neerfayaasha muhiimka ah ee maskaxda
Puntland oo Turkiga ku eedeysay duqeymaha ka socda xeebaheeda
Puntland ayaa Turkiga ku eedeeysay inuu ka dambeeyo duqeymo aan weli cidina sheegan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal, kaddib markii burcad-badeed Soomaali ahi afduubteen markabka M/V Lutuf.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Fan iyo Dhaqan
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran
Arrintan ayaa soo shaac-baxday ka dib markii la soo wariyay in Trump uu raacay diyaaradda Air Force One 8-dii July iyadoo ay arkayaan kamaradaha telefishinka, ka hor inta uusan ku dhuuman gaari cuntada qaada si loogu wareejiyo diyaarad milatari.
Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?
Waxaan sawirro ka qaadnay bog kasta oo ka mid ah buug-xusuustii laga helay guriga Hussam Luka, markii aan London ku soo laabannayna, waxaan bilownay inaan hubinno dhammaan 155-ka lambar ee taleefan ee ku qornaa.
Warar sheegaya in Trump uu ku dhex dhuuntay gaariga cuntada ee gudaha diyaarad sir ah cabsi laga qabay hanjabaadda Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka laga wareejiyay diyaaraddii hore ee Air Force One oo la saaray diyaarad ciidan, xilli uu ka soo baxayay shir madaxeedka NATO oo bishii hore ka dhacay Turkiga.
Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
Il wareed ku dhow dowladda Sacuudiga, oo xogta siiyay AFP, ayaa xaqiijiyay in heshiiska lagu saxiixi doono maalinta Jimcaha ee magaalada Jeddah oo ku taal xeebta Badda Cas.
Muxuu Sacuudigu ka faa'iidayaa dagaalka Iran?
Shirkadaha shidaalka ee Sacuudiga ayaa helay faa’iidooyin ka dhashay kor u kaca qiimaha saliidda intii uu socday dagaalka Iran, inkastoo wax-soo-saarku hoos u dhacay. Haddaba maxay faa’iidooyinkan uga dhigan yihiin Sacuudiga, ma sii jiri doonaan muddo dheer?
Nafaqo-darrada carruurta Baydhabo oo aad looga dayrinayo
Sida laga soo xigtay falanqayntii ugu dambeysay ee IPC, qiyaastii lix milyan oo qof, taasoo ah mid ka mid ah saddexdii qof ee Soomaalida ah, ayaa wajahaya cunto yaraan, iyadoo ku dhawaad 1.9 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?
Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inuu la shaqeynayay militariga dalka sannado badan, inkastoo la'aanta xaqiijinta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 28 Agoosto 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 28 Agoosto 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 27 Agoosto 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 27 Agoosto 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.














































































