TOOS, Maraykanka oo soo saaray digniin ku socota muwaadiniintiisa booqanaya dalka Kenya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Isniintii sare u qaadday heerka digniinta dhanka safarka ee Kenya, iyadoo muwaadiniinteeda kula talisay inay dib uga fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan kenya

Kooban

Tebin toos ah

  1. Itoobiya oo uga digtay Eritrea inay taageerto kooxaha mucaaradka

    Ethiopian

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga digay Eritrea inay la kulmi doonto "jawaab adag" haddii ay sii waddo taageeridda kooxaha mucaaradka ah ee gudaha Itoobiya, isagoo dowladda Eritrea ku tilmaamay "wakiil wax burburin".

    Xiriirka labada dal ayaa si weyn u xumaaday, iyadoo xiriirkii diblomaasiyadeed uu go’ay, xiisaduna ay sii kordhayso. Itoobiya ayaa ku eedaysay Eritrea inay taageerto kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladdeeda, isla markaana ay ku lug leedahay colaadda ka socota waqooyiga Itoobiya. Eritrea ayaa beenisay eedeymahaas.

    Khilaafka diblomaasiyadeed ayaa sii xoogaystay ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday xiritaanka safaaraddeeda ku taal Asmara, oo ah caasimadda Eritrea, taariikhdu markay ahayd 1-da Oktoobar 2026, iyo inay dalkeeda ka eriday 10 diblomaasi oo u dhashay Eritrea. Eritrea ayaa iyaduna qaadday tallaabooyin la mid ah, taas oo ugu dambayntii keentay in xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Itoobiya ay gebi ahaanba u jarto.

    Wareysi uu dhawaan bixiyay, Abiy wuxuu ku sheegay in dalalka taageera Eritrea aysan awoodi doonin inay ka difaacaan cawaaqibka ka dhalan kara falalkeeda.

    "Waxa aan si adag u aaminsanahay in kuwa taageera Eritrea aysan awoodin wax ka badan inay siiyaan rasaas iyo agab ciidan, mana xallin karaan dhibaatooyinka Eritrea," ayuu yiri, isagoon magacaabin dalka ama dhinacyada uu ula jeeday.

    Abiy ayaa sidoo kale ku eedeeyay Eritrea inay dooratay inay noqoto "goob ay ku ciyaaraan cadawga," halkii ay ka noqon lahayd lamaane ka qayb qaata horumarinta gobolka.

    "Hase yeeshee, haddii ay sii waddo iska indho-tirka baaqyadeenna, khatartu aad bay u weynaan doontaa," ayuu uga digay.

    Ra'iisul wasaaraha ayaa sidoo kale dhaliilay xaaladda gudaha ee Eritrea, isagoo ku dooday in dowladda dalkaas ay ku guuldareysatay inay mudnaan siiso horumarinta.

    "Ka hor xorriyadda, magaalooyinka Eritrea waxay ahaayeen kuwo firfircoon oo barwaaqo ah. Maantase, waxay isu beddeleen tuulooyin," ayuu yiri.

    Abiy ayaa intaas ku daray in dad badan oo reer Eritrea ah ay waayeen fursado dhaqaale tan iyo markii dalku xorriyadda qaatay, isagoo sheegay in caqabadaha ay wajahayaan ay ka dhasheen guuldarrada dowladda ee dhanka maamulka.

    "Dadka reer Eritrea, oo ah kuwo shaqo-jecel oo deeqsi ah, ayaa noqday astaan ​​muujinaysa tahriibka iyo nolol ay ka buuxaan dhibaatooyin. Haddii la weydiiyo sababta xaaladdan u dhacday, waa dowladdu oo ka joojisay maalgelinta horumarinta iyo dhisidda hay'adaha, beddelkeedana waxay noqotay qalab ay adeegsadaan cadawga Itoobiya," ayuu yiri.

    Wararka kale ee dheeraadka

  2. Saadaasha oo tilmaamaysaa in Alberta ay si aqlabiyad leh ugu codeysay inay kasii mid ahaato Canada

    Canada
    Qoraalka sawirka, Dadkii taageersanaa in lagasii mid ahaado qayb ka mid ah Canada ayaa ku farxay natiijada, iyagoo jooga munaasabad ka dhacday Edmonton.

    Dadka ku nool Alberta ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay inay qayb ka sii ahaadaan Canada, sida laga soo xigtay natiijooyinka la saadaaliyay, ka dib markii dadka deggan gobolka galbeed lagu weydiiyay codbixin dadweyne inay rabaan afti taariikh dambe la qabto oo ku saabsan madaxbannaanida iyo in kale.

    Iyadoo la tiriyay inta badan codadka, in ka badan saddex-meelood laba meelood oo ka mid ah codbixiyayaasha ayaa doortay inay sii ahaadaan qayb ka mid ah dalka, halkii ay raadin lahaayeen afti, sida ay sheegtay hay'adda Elections Alberta.

    Ra’iisul Wasaare Mark Carney ayaa natiijada ku tilmaamay "doorasho cad" oo ay sameeyeen dadka reer Alberta.

    Munaasabad ay isugu soo baxeen taageerayaasha gooni-goosadka oo ka dhacaysay magaalada Edmonton, ayaa hadalkii iyo buuqii farxadda lahaa uu si degdeg ah u aamusay markii dadkii goobta joogay ay arkeen natiijooyinka la soo bandhigay. Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha gooni-goosadka ayaa ku adkaystay in ololihiisu uusan weli dhammaan.

    Codbixintan waxaa horraantii sannadkan ku baaqday hoggaamiyaha gobolka, Danielle Smith, iyadoo ka jawaabaysa codsi dadweyne. Waxaa loo arkayay inay tahay imtixaan weyn oo ku wajahan midnimada qaranka.

    Wararka kale ee dheeraadka

  3. Taliyaha awoodda bdan ee militariga Pakistaan Asim Munir oo gaaray Tehran

    ,Asim Munir,
    Qoraalka sawirka, Asim Munir,

    Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Pakistan, Asim Munir, ayaa gaaray magaalada Tehran ee caasimadda Iran.

    Munir ayaa ah dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee dadaallada lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Tani waa booqashadiisii shanaad ee rasmiga ahayd ee uu ku tago Tehran tan iyo markii la dhaqan geliyay heshiiska xabbad-joojinta.

    Booqashadiisii hore ee 2-dii Sebtember, wuxuu kulamo la yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka, Mohsen Rezaei, guddoomiyaha baarlamaanka, Mohammad Baqer Qalibaf, wasiirka arrimaha dibadda, Abbas Araghchi, iyo wasiirka arrimaha gudaha, Eskandar Momeni.

    Wararka kale ee dheeraadka

  4. Iran oo Mareykanka uga digtay cawaaqibka ka dhalan kara haddii uu adeegsado bamka “Hooyada Dhammaan Bambooyinka”

    Hub culus
    Qoraalka sawirka, Hub culus

    Xilli baarlamaanka Iran uu ansixiyay wasiirro cusub, wasiirka cusub ee gaashaandhigga, Mehrdad Akhlaqi, ayaa sheegay in dalkiisu isu diyaarinayo inuu ka jawaabo haddii Mareykanku adeegsado waxa loogu yeero “Hooyada Dhammaan Bambooyinka”.

    Akhlaqi ayaa wariyeyaasha u sheegay in arrintan laga yeeshay wada-hadallo muhiim ah, balse Iran ay xaaladda si deggan u wajahayso.

    “Waxaan arrintan ka yeelannay wada-hadallo muhiim ah, waana deggannahay. Waxaan shaqadeenna sii wadi doonnaa annaga oo aan cabsi qabin, isla markaana ku kalsoon awooddeena,” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in madaxweynaha Mareykanka ay habboon tahay inuu ka fikiro sidii uu ciidamadiisa si nabad ah ugala bixi lahaa gobolka, halkii uu weerar ka qaadi lahaa.

    “Marka uu bamka tuuro, wuxuu arki doonaa inta askari ee meydadkooda uu halkaas kala bixi doono,” ayuu yiri wasiirku.

    Akhlaqi ayaa sheegay in tani ay tahay sababta Mareykanku uusan weli u qaadin tallaabooyin gaarsiisan heerka hanjabaadihiisa.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu uga digay Mareykanka in haddii uu hanjabaadaha afka ah u beddelo ficil, uu la kulmi doono cawaaqibka ka dhalanaya tallaabadaas.

    Wararka kale ee dheeraadka

  5. Sida ay u sameysmaan iyo sida looga hortago dhagaxyada ku beerma kilyaha

    dhagxaan laga soo saaray bukaano ku sugan muqdisho
    Qoraalka sawirka, dhagxaan laga soo saaray bukaano ku sugan muqdisho

    Mid kamid ah awoodaha layaabka leh ee uu leeyahay jirka bini’aadamka ayaa ah in uu ku beermo oo uu soo saaro dhagxaan

    Waxaana jirta goobo badan oo uu ku beermo dhagaxa waxaana kamid ah kiliyaha, tubbooyinka kaadi mareenka, iyo kaadiheysta waxaa sidoo kale jira goobo jirka kamid ah oo uu ku beermo sida xameytida inkasta oo ay kala duwan yihiin qaabka ay ugu kala beermaan.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  6. Iran oo sheegtay inay jawaab ka bixin doonto weerar kasta oo lagu soo qaado

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ka digay in dalkiisu uusan ka hari doonin wax weerar ah oo lagu qaado, isaga oo sheegay in Iran ay ka jawaabi doonto weerar kasta oo lagu soo qaado.

    Isagoo ka jawaabayay su’aal shir jaraa’id lagu weydiiyay oo ku saabsan in Mareykanku farriin u diray Iran, kana codsaday inaysan ka jawaabin haddii uu weeraro xarunta Buurta Kalang ilaa xaaladdu ka degayso, ayuu Ismaaciil Baaqaei sheegay in dalkiisu hore u muujiyay inuusan weerar aan jawaab laga bixin ku dhaafi doonin.

    “Ficil ahaan, waxaan muujinnay inaanan ka hari doonin weerar kasta oo nagula soo qaado. Haddii jawaabtayadu aysan ka xoog badnaan weerarka nalagu soo qaaday, waxay hubaal ahaan ula kulmi doonaan awood la mid ah tii ay adeegsadeen,” ayuu yiri.

    Waxa uu intaas ku daray in sheegashada ah in Mareykanku weeraray xarunta Buurta Kalang, Iran-na aysan wax jawaab ah ka bixin, ay tahay mala-awaal iyo eedeyn aan sal lahayn.

    “Waqtigii albaabka la garaaci jiray waa dhammaaday,” ayuu yiri afhayeenku.

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa dhowaan mar kale ku hanjabay inuu weerari karo xarunta Koh Kalang ee Iran.

    Koh Kalang waa xarun ku taalla meel u dhow xarunta nukliyeerka ee Natanz. Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegaya in xaruntaasi loo adeegsado soo saarista iyo isku-geynta qalabka casriga ah ee lagu kobciyo uranium-ka, kuwaas oo loo yaqaan centrifuges.

    Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah oo reer Galbeed ah ayaa aaminsan in Iran laga yaabo inay isku dayayso inay dhisto xarun kobcinta uranium-ka ah oo aan si rasmi ah loo shaacin.

    Wararka kale ee dheeraadka

  7. Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay in kulan saddex geesood ah uu la yeesho madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyo madaxweynaha Shiinaha, si looga wada hadlo hubka nukliyeerka, balse waxa uu caddeeyay in dagaalka Ukraine uusan noqon doonin qodobka ugu weyn ee kulanka.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegtay in Putin uu soo jeediyay kulan ay saddexda hoggaamiye kaga arrinsanayaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.

    Trump ayaa sheegay in mowqifka Ruushka ee ku aaddan Ukraine uu yahay mid “la aqbali karo”.

    Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal oo ku saabsan soo jeedinta Putin ayaa walaac ka abuurtay dalalka Yurub, waxaana cambaareeyay dowladda Ukraine.

    Trump ayaa sidoo kale mar kale dhaliilay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, isaga oo sheegay in laga yaabo inay tahay waqtigii qof kale uu wadaxaajoodka ugu matali lahaa Kyiv.

    Wararka kale ee dheeraadka

  8. Dadka ku nool Riyaad oo loogu digay khatar dhanka cirka ah

    Dadka ku nool caasimadda Sacuudiga ee Riyaad ayaa telefoon loogu diray digniino ku saabsan khatar dhanka cirka ah, xilli ay sii socdaan weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga.

    Ilaa hadda, lama soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur ka dhashay khatartaas.

    Isniintii, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inay ka baaqanayaan ka qaybgalka fool-ka-foolka ah ee shirka maalgashiga kaddib markii uu sii xoogaystay dagaalka ay kula jiraan Xuutiyiinta.

    Shirkaas maalgashiga ayaa la qorsheeyay inuu qabsoomo 26-ka ilaa 29-ka October.

    Dhanka kale, dagaalka Yemen ayaa isna sii xoogaystay. In ka badan 50 askari ayaa la dilay, halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen xero milatari oo ay leeyihiin ciidamada dowladda Yemen, kuwaas oo taageero ka hela Sacuudiga.

    Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday askar dhowaan la qoray oo ku sugan koonfurta Yemen.

    Wararka kale ee dheeraadka

  9. JD Vance oo diiday inuu taageero Netanyahu ka hor doorashada Israa’iil

    JD Vance
    Qoraalka sawirka, JD Vance

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, ayaa ka gaabsaday inuu taageero Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ka hor doorashada dalkaas, xilli Madaxweyne Donald Trump uu taageeray Netanyahu.

    Wareysi uu siiyay warbaahinta dhijitaalka ah ee Towi, ayuu Vance ku sheegay inuusan doonayn inuu faragelin ku sameeyo doorashada Israa’iil.

    Vance, oo horay u booqday Budapest xilligii doorashada Hungary, halkaas oo uu ku taageeray Viktor Orbán, ayaa sheegay inuu taageero musharraxiinta Mareykanka, isla markaana uu diiradda saarayo doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka.

    “Ma diidani in dib loo doorto Netanyahu, balse sidoo kale ma taageersani in dib loo doorto. Faragelin kuma sameeyo doorashada Israa’iil,” ayuu yiri Vance.

    Doorashada Israa’iil ayaa la filayaa inay dhacdo toddobaadka soo socda. Waxay noqon doontaa doorashadii ugu horreysay ee dalkaas ka dhacda tan iyo weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

    Wararka kale ee dheeraadka

  10. Christiane Amanpour oo ka tagaysa CNN sannadka soo socda kaddib 43 sano oo ay ka shaqaynaysay

    Weriyaha caalamiga ah ee telefishinka CNN, Christiane Amanpour,
    Qoraalka sawirka, Weriyaha caalamiga ah ee telefishinka CNN, Christiane Amanpour,

    Weriyaha caalamiga ah ee telefishinka CNN, Christiane Amanpour, ayaa ku dhawaaqday inay sannadka soo socda ka tagi doonto telefishinka, kaddib in ka badan 40 sano oo ay u shaqaynaysay.

    “Ka dib bilo aan arrintan ka fikirayay iyo habeenno badan oo aan hurdo la’aan ahaa, waxaan go’aansaday inaan ka tago CNN, oo aan 43 sano oo cajiib ah ka soo shaqaynayay,” ayay Ms Amanpour ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

    Suxufiyaddan oo 68 jir ah, asal ahaanna British-Iiraani ah, ayaa sheegtay inay rajaynayso inay mustaqbalka ka shaqayso mashaariic cusub oo xiiso leh, isla markaana ay mar walba taageeri doonto CNN.

    Madaxweynaha CNN, Mark Thompson, ayaa Christiane Amanpour ku tilmaamay “mid ka mid ah suxufiyiinta ugu ixtiraamka iyo jacaylka badan dunida”.

    Waxa uu sheegay in telefishinku ka faa’iidaysan doono muddada ka harsan inta aysan shaqada ka tegin sannadka soo socda, si loo aqoonsado loona xuso shaqadii ay u soo qabatay.

    Christiane Amanpour waxay shaqadeeda CNN ka bilowday sannadkii 1983-kii, iyadoo ahayd kaaliye ka tirsan waaxda wararka caalamiga ah. Waxay si tartiib tartiib ah u noqotay mid ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan telefishinka.

    Intii ay ku jirtay mihnadda saxaafadda, waxay marar badan warar ka soo tabisay goobaha dagaalladu ka socdaan iyo meelaha ay colaadaha saameeyeen. Waxa kale oo ay wareysiyo la yeelatay tobannaan hoggaamiye oo caalami ah iyo shakhsiyaad magac ku leh dunida.

    Tan iyo sannadkii 2009-kii, waxay CNN International ka soo jeedinaysay barnaamijkeeda habeenlaha ah ee wareysiyada iyo doodaha.

    Wararka kale ee dheeraadka

  11. TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

    Madaxa TPLF
    Qoraalka sawirka, Madaxa TPLF

    Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn hadalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ee weerarrada lagu qaado xarumaha milatariga ku tilmaamay falal argagixisanimo.

    War-saxaafadeed ay TPLF soo saartay 9-kii Sebtembar 2019 ayay ku muujisay sida ay uga xun tahay hadalka Rubio, kaas oo uu ku sheegay in diidmada Tigray ee gooni-u-goosadka iyo weerarrada lagu qaado xarumaha milatariga ay yihiin falal argagixisanimo.

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Sabtidii, isagoo ka hadlayay xaaladda Itoobiya, sheegay in ay dalka ka jiraan kooxo gooni-u-goosad ah oo weerarro fulinaya, isla markaana dowladda Itoobiya ay ka jawaabayso weerarradaas.

    Waxa uu sidoo kale weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn oo ka dhacay Addis Ababa la xiriiriyay argagixisanimo.

    TPLF ayaa sheegtay in hadalka Rubio uu iska indho-tirayo sababaha dib u soo cusboonaaday dagaalka, gaar ahaan sida ay sheegtay, in dowladda federaalku ay fulin weyday heshiiskii xabbad-joojinta ee lagu saxiixay Pretoria, taas oo ku qasabtay shacabka Tigray inay is-difaacaan.

    Jabhaddu waxay sheegtay inaysan aqbalayn hadalka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

    TPLF ayaa xusuusisay inay marar badan ku baaqday in wada-hadallo nabadeed la bilaabo ka hor inta uusan dagaalku dib u qarxin.

    Waxay sidoo kale Mareykanka iyo quwadaha kale ku dhaliishay inay qaadi waayeen tallaabo wax ku ool ah oo lagu joojinayo dagaalka.

    “Waxaa nalagu qasbay inaan dadkeenna ka difaacno dilka iyo burburka markii dowladda federaalku ay ku dhawaaqday dagaal ballaaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Jabhaddu waxay intaas ku dartay inay Mareykanka ka filaysay inuu gacan ka geysto soo afjaridda dagaalka iyo fududeynta wada-hadallo wax-ku-ool ah.

    TPLF ayaa ku tilmaantay arrin “aad looga xumaado” in tallaabooyinka ay ku sheegtay is-difaac lagu tilmaamo falal gooni-u-goosad ah.

    Waxay sheegtay in hadalka Rubio uu “qalloocinayo taariikhda iyo ujeeddada halganka shacabka ee nabadda, sinnaanta iyo jiritaankooda,” isla markaana uu mugdi gelinayo doorka ay dowladda talada haysa ku leedahay hor istaagga xal nabadeed.

    Ugu dambeyn, TPLF ayaa Mareykanka ugu baaqday inuu dib u eego mowqifkiisa, isla markaana uu door muhiim ah ka qaato xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Itoobiya.

    Wararka kale ee dheeraadka

  12. Xog ku saabsan kulan qarsoodi ah oo dhexmaray Netanyahu iyo xoghayaha Difaaca Maraykanka

    Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth oo al hadlay ciidamada Mareykanka
    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth oo al hadlay ciidamada Mareykanka

    Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa xaqiijiyay inuu booqasho ku tagay Bariga Dhexe, saacado kaddib markii warbaahinta Axios ay sheegtay inuu kulan aan hore loo shaacin la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

    Hegseth ayaa bartiisa X ku baahiyay sawir isaga oo la jooga askar Maraykan ah, isaga oo sheegay inay sharaf u ahayd inuu la kulmo ciidamada Maraykanka ee hoos taga taliska dhexe ee milatariga Maraykanka, CENTCOM.

    Warbaahinta Axios iyo Walla ayaa, iyaga oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah, sheegay in kulanka qarsoodiga ahi ka dhacay garoonka diyaaradaha Ovda ee magaalada Eilat ee Israa’iil.

    Wargeyska Jerusalem Post ayaa isaguna qoray in saraakiil Imaaraati ah ay ka mid ahaayeen dadkii kulanka joogay.

    Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaan weli faahfaahin ka bixin kulanka la sheegay.

    Wararkan ayaa imanaya xilli madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, la sheegay inuu taageerayo Netanyahu ka hor doorashooyinka guud ee Israa’iil, halka saraakiisha milatariga Iiraan ay ka digeen suurtagalnimada dagaal cusub oo dhex mara Iiraan iyo Maraykanka.

    Wararka kale ee dheeraadka

  13. Iiraan oo sheegatay inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay

    Diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9
    Qoraalka sawirka, Diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9

    Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 ah, taas oo ay sheegeen inay ku burburiyeen hawada marin-biyoodka Hormuz.

    War-saxaafadeed ay soo saareen Talaadadii, 19-ka Oktoobar, ayay ku sheegeen in diyaaradda lagu soo riday nidaam cusub oo difaaca hawada ah, kaas oo ay maamusho shabakadda isku-dhafan ee difaaca cirka ee dalka.

    Ilaa hadda, sheegashadaas ma jiraan xog madax-bannaan oo halkan lagu xaqiijiyey.

    Wararka kale ee dheeraadka

  14. Maraykanka oo muwaadiniintiisa kula taliyay inay ka fiirsadaan u safarkooda Kenya

    wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka
    Qoraalka sawirka, wasaaradda arrimaha dibadda mAREYKANKA

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Isniintii sare u qaadday heerka digniinta dhanka safarka ee Kenya, iyadoo muwaadiniinteeda kula talisay inay dib uga fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan dalkaas sababo la xiriira khataro caafimaad iyo amni.

    Digniinta ayaa laga soo qaaday heerka labaad, oo dadka kula talinayay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, waxaana la gaarsiiyay heerka saddexaad.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in khataraha jira ay ka mid yihiin cudurrada, dambiyada, afduubka, argagixisada, rabshadaha iyo badbaadada waddooyinka.

    Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Kenya ay Axaddii xaqiijisay kiis cusub oo Ebola ah, taasoo tirada dadka cudurka laga helay dalka ka dhigaysa siddeed.

    Wararka kale ee dheeraadka

  15. Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo kulan aan la shaacin la yeeshay Netanyahu

    Pete Hegsett
    Qoraalka sawirka, Pete Hegsett

    Wakaaladda wararka Axios ayaa soo xigatay laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaas oo sheegay in Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, uu Isniintii kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, intii uu booqasho aan horay loo shaacin ku joogay dalkaas.

    Hase yeeshee, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan weli si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada. Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ka gaabsatay inay arrintan ka hadasho, halka safaaradda Israel ee Washington aysan ka jawaabin codsi ay Reuters u dirtay oo ku saabsanaa booqashada.

    Warkan ayaa soo baxay maalin kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Netanyahu, xilli doorashada baarlamaanka Israel ay dhici doonto toddobaadka soo socda.

    Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee guud ahaan Israel ka dhacda tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay dalka, isla markaana Bariga Dhexe geliyay marxalad qalalaase ah. Tan iyo xilligaas, Israel waxay dagaallo ka gashay Gaza, Lubnaan iyo Iran.

    Iran ayaa uga digtay Mareykanka iyo Israel inaysan marmarsiinyo uga dhigan doorashooyinka soo socda ee dalalkaas si ay weerar cusub ugu qaadaan Iran.

    Saraakiisha milatariga Iran ayaa maalmihii la soo dhaafay marar badan sheegay inay diyaar u yihiin iska horimaad milatari oo cusub oo ay la galaan Mareykanka.

    Waxay sidoo kale sheegeen in haddii uu dib u bilowdo dagaal u dhexeeya Iran, Mareykanka iyo Israel, ay tixgelin karaan “bartilmaameedyo milatari oo cusub iyo hub noocyo kala duwan ah”.

    Wararka kale ee dheeraadka

  16. Shiinaha iyo Jarmalka ayaa u digay muwaadiniintooda booqanaya Faransiiska

    Rabshadaha Faransiiska

    Raysalwasaaraha Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa siiyay magaalooyinka Faransiiska awood ay Bandow ku soo rogaan si looga hortago in ay wadooyinka ka dhacaan rabshado kale.

    Magaalada Marseille ayaa durba mamnuucday isu-imaatinnada dadweynaha iyo bannaanbaxyada. Mr. Lecornu ayaa sheegay in uusan aaminsanayn in loo baahan yahay in xaalad degdeg ah lagu dhawaaqo, inkastoo wasiirka arrimaha gudaha, Laurent Nonyes, uu qiray in ciidamada ammaanku ay “lumiyeen xakamaynta xaaladda magaalooyinka qaarkood intii rabshaduhu socdeen Sabtigii.

    Mr. Lecornu ayaa mar kale sheegay muhiimadda ay leedahay in caddaaladda la horkeeno dadka mas’uulka ka ah rabshadaha. Wuxuu sheegay in la qaadi doono tallaabooyin amni oo dheeraad ah si looga hortago faragelinta kooxaha garabka bidix.

    Hay’adaha sirdoonka Faransiiska ayaa warbixin ku sheegtay in kooxaha garabka bidix ee xagjirka ah, sida uu raysalwasaaruhu ugu yeeray, ay doonayaan in ay abuuraan qalalaase inta lagu jiro muddada ka horraysa doorashada.

    Dalallka Shiinaha iyo Jarmalka ayaa u digay muwaadiniintooda booqanaya Faransiiska. Beijing ayaa u sheegtay muwaadiniinteeda in ay taxadaraan.

    Sida ay sheegeen warbaahinta Shiinaha, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa dadka booqanaya Faransiiska ka codsatay in ay si dhow ula socdaan xaaladaha, ayna ka fogaadaan goobaha ay ka dhacayaan dibadbaxyada iyo rabshadaha.

    Acled oo ah ururka madaxa-bannaan oo ururiya xogaha ku saabsan rabshadaha siyaasadeed iyo dibadbaxyada ka dhacaya daafaha dunida ayaa sheegay in ay diwaangeliyeen 66 dibadbax oo maalinii ka dhaca Faransiiska. Tiradan ayaa saddex jeer ka badan celceliska oo ahaa in ka badan 20 dibadbax maalintii xilliyadii ay rabshaduhu jireen shantii sano ee la soo dhaafay.

    Wararka kale ee dheeraadka

  17. AFP: 50 qof ayaa ku dhimatay weerarka Shabwa ee Yemen

    Xuutiyiinta Yemen

    In ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay, ugu yaraan laba boqolna way ku dhaawcmeen kaddib markii gantaalada meelaha fog gaara lagu duqeeyay xero ciidamada Yemen ku tababaranyeen ee gobolka Shawba sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.

    Wakaaladda kale ee Reuters ayaa saacad ka hor soo xigatay afar ilo wareed oo isugu jira dowaladda iyo kuwa caafimaadka kuwaas oo sheegay tirada dadka ku dhintay weerarka.

    Sida ay sheegeen ilo-wareedyada, Xuutiyiinta ayaa barltimaameed ka dhigtay xerada Alam ee ku taal gobolka Shabwa.

    Afhayeenka ciidamada dowladda Yemen, Majid Nazili, ayaa ku qortay barta X in “maleeshiyada Xuutiyiintu ay ku weerareen Shabwa saddex gantaal”.

    Sida uu sheegay waxay bartilmaameed ka dhigteen xarunta tababarka ciidamada ammaanka iyo booliska.

    Xuutiyiintu waxay in ka badan toban sano la dagaallamayaan isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee taageera dowladda Yemen ee ay beesha caalamku aqoonsan tahay.

    Wararka kale ee dheeraadka

  18. Iran ayaa sheegtay tallaabo kasta oo Mareykanku qaado in ay keeneyso dhibaato dhanka tamarta ah

    Afhayeen u hadlay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in Mareykanka uusan laheyn awood “Militari iyo mid farsamo” uuku fuliyo howlgal cusub.

    Sida ay sheegeen warbaahinta Iran oo soo xiganeysa Hossein Mohebi, “ Mareykanka ma bilaabi karo dagaal cusub oo guullo hor leh u keeni kara”.

    "Inta badan saldhigyada Maraykanka ee gobolka waa la burburiyay," ciidamadooduna, marka laga soo tago in ay daalanyihiin, waxay "u guureen boqollaal kiiloomitir meel ka fog Iran," waxaana laga soo wareejiyay saldhigyo u dhowaa oo loo raray kuwo "fog".

    Wuxuu sheegay in maraakiibta Maraykanku ay sidoo kale in ka badan 700 oo kiiloomitir u jiraan Gacanka Beershiya.

    Hossein Mohebi meesha kama saarin suurtagalnimada weerar militari, isagoo yiri: "Maraykanku ma haysto awoodda farsamo iyo tan militari ee uu ku fulin karo hawlgallo cusub, balse maadaama ay soo dhowaanayaan doorashooyinka, waxaa suurtagal ah in uu doonayo in uu helo faa'iidooyin".

    “Iskama dhaga-tireyno suurtagalnimada, diyaar ayaan u nahay in aan ka jawaabno tallaabo kasta, markaanna jawaabateenu way ka xoog badan tahay kuwii hore”, ayuu yiri afhayeenka IRGC oo ka digay in weerar kasta oo Mareykanka kaga yimaado uu keenayo dhibaato dhanka tamarta ah.

    Wararka kale ee dheeraadka

  19. Xog bixiye reer Iran ah ayaa difaacay weerar lagu qaaday xarumaha gaaska Qatar

    qatar

    La-taliyaha hoggaamiyaha Iran ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ka hortagga u ah ay tahay, haddii la weeraro xarumaha korontada iyo kuwa kiimikada batroolka, in Iran ay iyaduna weerari doonto xarumaha korontada iyo kuwa kiimikada batroolka ee sagaal dal.

    Wuxuu difaacay weerarkii lagu qaaday xarunta gaaska Ras Laffan ee Qatar intii uu socday dagaalkii 40-ka maalmood, wuxuuna sheegay in weerarkaas uu “dunida oo dhan dhibaato geliyay”. Qatar ayaa si weyn uga cabatay weerarkaas.

    Iran oo ka jawaabeysa weerarka lagu qaaday xarumaheeda shidaalka ee koonfurta ayaa beegsatay xarunta ugu weyn Qatar ee laga dhoofiyo gaaska dabiiciga ah.

    Marka laga soo tago kor u kaca qiimaha shidaalka, weerarku wuxuu dhaliyay walaac ku la xiriira sahayda tamarta caalamka.

    Qayb kale oo ka mid ah hadalkiisa ayuu Mudane Mokhbar ku sheegay, "Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in laga tanaasulo Marinka Hormuz, si loo badbaadiyo qaybaha kale ee dalka."

    Wararka kale ee dheeraadka

  20. Mareykanka ayaa ka digay in Itoobiya iyo Eritrea dagaallamaan

    Rubio

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa kula taliyay hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea in ay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan tallaabooyinka sii kordhin kara dagaalka dhanka xadka ah, wuxuuna sheegay in taasi ay keeni karto dagaal.

    Rubio wuxuu sheegay in uu si weyn uga walaacsan yahay wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militeri ee xadka labad adal. Wuxuu ka digay hadii ay sii socoto ciidamada la geynayo xadka in taasi ay sii kordhineyso khatarta dagaal halkaas ka qarxa.

    Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Tigrayga ee dhacay 2020-kii, ciidamada Eritrea waxay taageereen ciidamada dowladda federaalka, waxayna ka qayb qaateen dagaalka ka dhanka ah Tigrayga.

    Kaddib markii dagaalku ku dhammaaday heshiiskii Pretoria, waxaa soo ifbaxay khilaafaad u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.

    Dhowr mas'uul oo sare oo Itoobiyaan ah, oo uu ku jiro Raysalwasaare Abiy Axmed, ayaa si cad uga hadlay baahida dalka uu u qabo in uu helo deked. Abiy ayaa ku adkaystay in Itoobiya, oo dadkeedu gaarayaan ilaa 130 milyan, dhaqaalaheeduna sii korayo, aysan sii ahaan karin dal aan si toos ah u helin badda.

    Dhanka Itoobiya, waxaa Eritrea lagu eedeeyay in ay la kaashanayso xisbiga TPLF iyo kooxo kale oo hubeysan oo dalka ku sugan, iyadoo ujeedadu tahay in Itoobiya la kala qaybiyo.

    Rubio oo wariyayaasha la hadlayay ayaa sheegay, “ Waxaad arkaysaa ciidamo labada dhinacba ka imanaya oo u socda dhanka xuduudda. Xaalad sidan oo kale ah, marka aad aragto ciidamo labada dhinacba ka socda oo isugu ururaya xuduudda, waxaad ka walwalaysaa in xaaladdu ay isu beddeli karto iska horimaad ka sii weyn. Wuxuu intaas ku daray in dunida aysan dagaal kale u baahneyn.

    Wararka kale ee dheeraadka