Masar oo ka taageereysa Sacuudiga dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta

Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa Fox News u sheegay in “97 boqolkiiba maraakiibta isku dayay inay maraan marinka Hormuz ay si guul leh uga gudbeen marin-biyoodka, iyaga oo aan bartilmaameed u noqon gantaallada Iran”.

Kooban

  • Diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ku burburtay Sacuudiga
  • Afhayeenka CENTCOM: Inta badan weerarrada Iiraan ay ka fulisay Marinka Hormuz way fashilmeen
  • Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in uu awood u leeyahay inuu maqalo dhammaan ereyada mas'uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Tebin toos ah

  1. Dalka Canada dab khasaare geystay oo gubay saldhiga Militari

    EPA

    Dab weyn ayaa ka kacay saldhig milatari oo ku yaalla dalka Kanada, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka tobannaan kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus.

    Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Mark Carney, ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ka mid ah musiibooyinkii ugu xumaa ee xilliga nabadda ka dhacay gudaha Kanada, marka la eego taariikhda milatariga dalkaas.

    Sidee ayuu dabku ku billowday?

    Ilaa hadda, ma jiraan faahfaahin badan oo ay mas’uuliyiintu xaqiijiyeen oo ku saabsan waxa sababay dabka khasaaraha badan geystay ee ka kacay saldhigga ciidamada Kanada ee Wainwright. Dabku wuxuu billowday abaare 16:00 waqtiga maxalliga ah ee Kanada.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dabku uu ka dhashay dhuun weyn oo gaaska qaadda oo waxyeello soo gaartay xilli saldhigga ay ka socotay dhoollatus milatari oo rasaas nool la adeegsanayay.

    Ra’iisul Wasaare Carney ayaa sheegay in “dab xooggan oo si xawli ah u fiday uu ku baahay saldhigga”, isaga oo aan xaqiijin waxa sababay dabka.

  2. Wasiirka Difaaca cusub ee Iran: Hadii Maraykanku na duqeeyo askartiisa ayaa u dhiman doonto

    Iran

    Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta uga jawaabay su'aal ku saabsan suurtagalnimada in Maraykanku isticmaalo hubka loo yaqaan "hooyada bambooyinka":

    "Waxaan qaadnay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee la xiriira arrintan, waana xasilanahay. Shaqadeenna waxaan u waddannaa si kalsooni buuxda leh."

    Mudane Akhlaqi, oo baarlamaanku u ansixiyay xilka Wasiirka Difaaca, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Maraykanku "ay tahay inuu ka fikiro sidii uu ciidamadiisa si nabad ah uga saari lahaa gobolkeenna. Haddii uu bambo ku tuuro, waa inuu ogaadaa tirada ciidamadiisa ee ay qasabka noqon doonto in laga soo saaro gobolka iyagoo meyd ah."

    Sida uu sheegay Wasiirka Difaaca cusub ee Iiraan, "Tani waa isla sababta keentay in Maraykanku ilaa hadda ka waantoobo qaadista tallaabadan. Dabcan, haddii ay hanjabaadahooda ka dhigaan ficil dhab ah, waxay arki doonaan natiijada ka dhalata."

  3. Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin,
    Qoraalka sawirka, Xusuustii Vladimir Ilyich Lenin,

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii weynaa ee Ruushka, ayaa loogu dabaaldegay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

    Waxaa jira munaasabo lagu maamuuso oo la qabto kuwaas oo ay ku jiraan xus ciidan, ayadoo lagu qabto goobtiisa xasuusta.

    Mararkan oo kale waxaa meydka Lenin la soo saaraa goobta lagu ilaaliyo isaga iyo Joseph Stalin si loo maamuuso.

    Maydkiisa ayaa sanadkii 1970-kii lagu dahaaray goobta uu yaallo muraayado an xabadu karin. Halka maydkiisu yaallo ayaa mararka qaar la furaa si loogu ogolaado dadweynaha inay daawadaan.

    Markii dalkii hantiwadaaga ahaa ee Midowga Soofiyeeti uu burburay sagaashamaadkii, waxaa la codsaday in la soo saaro meydka Lenin oo la aaso.

  4. Diddy oo loo wareejiyay xabsi kale iyadoo uu weli ka dacwoonayo xukunka lagu riday

    .

    Fanaanka caanka ah ee Mareykanka iyo ganacsade, Sean "Diddy" Combs, ayaa laga wareejiyay xabsi ku yaal gobolka New Jersey una wareejiyay xabsi ammaankiisu hooseeyo oo ku yaal Pennsylvania, isagoo sii wada dadaalkiisa uu ku doonayo inuu maxkamad ku hor istaago xukunkiisa.

    Diddy, oo 56 jir ah, ayaa ku jira xukun xabsi 50 bilood ah wuxuuna gudbiyay racfaan uu ku dalbanayo in la sii daayo oo la baabi'iyo xukunnadiisa la xiriira dambiyada dhilleysiga.

    Mas'uuliyiinta xabsiyada Mareykanka ma aysan sheegin sabab rasmi ah oo loo wareejiyay, iyagoo sheegay inay tahay arrin ku saabsan badbaadada maxaabiista iyo asturnaanta.

    Wareejinta ayaa timid toddobaadyo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Diddy uu helay daaweyn gaar ah oo xabsiga ah, oo ay ku jiraan helitaanka taleefannada gacanta iyo waxyaabaha kale ee mamnuuca ah.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad anshax marin ah, taasoo sii dheereysay taariikhda la sii deynayo.

  5. Wafti diblomaasiyiin reer Yurub ah oo lagu weeray Daanta Galbeed ee dhulka la haysto

    Daanta Galbeed ee dhulka la haysto.
    Qoraalka sawirka, Daanta Galbeed ee dhulka la haysto.

    Wefti ka kooban diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa waxaa weeraray dad wax deeggaameeya oo Israa’iiliyiin ah oo wejiyada qarsaday, kuwaas oo ku sugan Daanta Galbeed ee dhulka la haysto.

    Dowladda Belgium ayaa cambaareysay weerarka lagu qaaday qunsulka guud ee dalkaas iyo diblomaasiyiin kale, waxayna Israa’iil ugu baaqday inay sharciga hor keento dadkii ka dambeeyay weerarka.

    Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale cambaareeyay dhacdada, isaga oo ku tilmaamay “fal rabshado wata oo culus”, waxayna sheegen in baaritaan lagu hayo.

    Hase yeeshee, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa su’aal geliyay waxa dhacay, isaga oo soo jeediyay in dhacdadani ay qayb ka noqon karto “olole la isku dubbariday oo lagu sumcad-dilayo Israa’iil”.

    Weerarkan ayaa dhacay hal maalin oo keliya kaddib markii dhowr Falastiiniyiin ah iyo Heidi Levine, oo ah sawirqaade u shaqeysa wargeyska The Washington Post, ay ku dhaawacmeen weerar kale oo ay dadka deeggaamaynta wada ee Israa’iiliyiin ahi ka geysteen tuulo kale oo ku taalla Daanta Galbeed.

    Diblomaasiyiinta oo ka kala socday Belgium, Faransiiska, Poland iyo Kaniisadda Katooliga, ayaa booqday tuulada Taybeh oo u dhow Ramallah, taas oo ay ku badan yihiin dadka Masiixiyiinta ah.

    Waxay halkaas u tageen inay qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta goobta, kaddib weerarro ay ku dhowaad maalin kasta dadka deeggaamaynta wadda ee Israa’iiliyiin ahi ku qaadaan Falastiiniyiinta isku dayaya inay goostaan dalaggooda saytuunka.

    Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinayay dadka deeggaamaynta ee Israa’iiliyiin ah oo wejiyada qarsaday, kuwaas oo hor istaagaya kolonyada gaadiidka ee ay la socdeen diblomaasiyiintu. Wararka ayaa tilmaamaya in dhagxaan lagu soo tuuray kolonyada.

  6. Xaalad lagu tilaamay mid 'murugo leh' oo ka dhacday dal ay Soomaali badani ku nool yihiin

    Saldhigga Ciidamada ee Wainwright
    Qoraalka sawirka, for live-fire exercises Saldhigga Ciidamada ee Wainwright

    Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ka jawaabaya shil dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay saldhig milatari oo ku yaalla gobolka Alberta ee dalka Canada, kaddib qarax iyo dab weyn oo halkaas ka kacay.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ugu yaraan toddoba qof ay dhinteen, halka tobannaan kalena ay dhaawacmeen.

    Wararka ayaa sheegaya in tababar milatari oo rasaas nool la adeegsanayay uu haleelay dhuun gaas ama ceel gaas oo ku yaalla saldhigga ciidamada Canada ee Wainwright, taasoo dhalisay dab si degdeg ah u faafay, dabaylo xoogganina ay sii huriyeen.

    Mas’uuliyiintu faahfaahin badan kama aysan bixin dhacdada.

    Isbitaallada ku yaalla Edmonton, oo ah caasimadda gobolka Alberta, ayaa dhaqan geliyay habraaca gurmadka musiibooyinka si ay ula tacaalaan tirada badan ee bukaannada iyo dhaawacyada la filayo.

    Wasiirka difaaca Canada, David McGuinty, ayaa xaaladda ku tilmaamay mid murugo leh.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dabka hadda la xakameeyay.

    Saldhiggan milatari ee baaxadda weyn ayaa hoy u ah in ka badan kun qof.

  7. Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar

    Maraykanka
    Qoraalka sawirka, Maraykanka

    Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkan baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda matasha gobolka Minnesota Ilhan Cumar, taasoo qayb ka ah waxa lagu tilmaamay "baaritaan dambiyeed heer federaal ah".

    Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in maxkamad ay ansixisay amarka lagu galay guriga. Nooca dambiga la baarayo weli si cad looma oga.

    Baaritaankani wuxuu daba socdaa hadallo dhowr ah oo ka soo yeeray mas'uuliyiin, kuwaas oo shaki gelinaya dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar, taas oo ay heshay sannadkii 2000 markii ay ka timid dalka Kenya.

    Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota matalaysay tan iyo sannadkii 2018, ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay "kororka ugu dambeeyay" ee "ololaha cabsigelinta siyaasadeed" ee uu wado Madaxweyne Donald Trump. Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay arrintan.

  8. Maraykanka oo ugu baaqay Israa'iil inay wax ka qabato fal ay ku kaceen Israa'iiliyiinta sida sharci darrada ah u deegaansada dhulka Falastiin

    .

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Washington ay ugu baaqday Israa'iil inay wax ka qabato rabshadaha dadka sida sharci darrada ah u deegaansada dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed ee la haysto.

    Mr. Rubio ayaa u sheegay wariyeyaasha in sawirrada la garaacayo weriye Mareykan ah Jimcihii ay ahaayeen kuwo dhib badan oo aan sawir wanaagsan ka bixinayn Israa'iil.

    Faalladan ayaa timid ka dib markii Safiirka Mareykanka ee Israa'iil Mike Huckabee uu weerarkii lagu qaaday Heidi Levin, oo ka warramaysay weerarrada dadka deegaansanaya dhulka Falastiiniyiinta ee sharci darradaha ay ku qaadayaan geedaha saytuunka, ku tilmaamay "fal fool xun oo argagixiso."

    Shalay, koox diblomaasiyiin Yurub ah oo u safray Daanta Galbeed ayaa lagu bartilmaameedsaday aagaas.

  9. Masar oo ka taageereysa Sacuudiga dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta

    sisi

    Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa yeelan doona kalfadhi degdeg ah ka dib markii uu weydiistay xubnaha baarlamaanka inay ansixiyaan taageerada Sacuudi Carabiya ee dalka taa oo ka dhan ah weerarrada Xuutiyiinta haddii la codsado.

    Masar waxay ku biirtay faragelinta militariga ee Sacuudigu hoggaaminayo ee Yemen sannadkii 2015, inkastoo doorkeedu uu inta badan diiradda saarayay sugidda marinnada maraakiibta ee Badda Cas halkii laga sugi lahaa hawlgallada dagaalka ee safka hore.

    Tan iyo markii dagaalka Yemen uu dib u qarxay bishii July, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada bartilmaameedyada Sacuudiga, oo ay ku jiraan xarumaha tamarta iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Riyadh, halkaas oo 13 qof lagu dilay weerar toddobaadkii hore. Xuutiyiintu waxay sheegeen in duqeymaha cirka ee Sacuudigu ka geysto meelaha ay maamulaan ay dileen oo ay dhaawaceen tiro badan oo rayid ah.

  10. War deg deg ah, Diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ku burburtay Sacuudiga

    BBC
    Qoraalka sawirka, BBC

    Isbahaysiga milatari ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in laba qof oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaaradda helicopter-ka ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Najran.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa bayaan uu soo saaray Axadda maanta ah ku sheegay in diyaarada oo ahayd noocaa qumaatig u kaca ee helicopter-ka Sacuudiga ay ku burburay gobolka Najran ee dalkaas, kaddib cilad farsamo, taas oo sababtay dhimashada labada qof ee shaqaalaha diyaaradda.

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradu helicopter-ku ay ku burburtay goob hoos timaadda maamulka wasaaradda Ilaalada Qaranka ee Sacuudiga.

  11. Maraykanka oo war ka soo saaray marinka Hormuz

    Marinka Hormuz
    Qoraalka sawirka, Marinka Hormuz

    Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in “inta ugu badan” weerarrada Iran ay ku qaaday maraakiibta marinka Hormuz ay “fashilmeen”.

    Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa Fox News u sheegay in “97 boqolkiiba maraakiibta isku dayay inay maraan marinka Hormuz ay si guul leh uga gudbeen marin-biyoodka, iyaga oo aan bartilmaameed u noqon gantaallada Iran”.

    Waxa uu intaas ku daray in “milatariga Mareykanku uu gacan ka geystay isku-dubaridka ilaalinta kumannaan markab oo si nabad ah uga gudbay marinkan”.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay kordheen weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka qaada ee marinka Hormuz.

    Xarunta Hawlgallada Badda ee Ganacsiga ee UK ayaa sheegtay in 12 markab ay soo sheegeen in weerarro lagu qaaday agagaarka marinka Hormuz toddobaadkii la soo dhaafay.

  12. Wiil 16 jir iyo nin 80 jir ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ingiriiska

    .

    Wiil 16 jir ah iyo nin 80 jir ah ayaa dhintay ka dib markii diyaarad yar ay ku burburtay meel u dhow Loch Lomond.

    Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa looga yeeray goobta shilku ka dhacay abaaro 16:45-kii maalintii Jimcaha.

    Booliisku waxay sheegeen in la xaqiijiyay geerida wiilka iyo ninka, isla markaana la wargeliyay qoysaskooda.

    Xaddidaadyo ku meel gaar ah oo dhanka hawada ah ayaa hadda lagu soo rogay aaggaas, iyadoo ay socdaan baaritaan ay waddo Waaxda Baarista Shilalka Diyaaradaha.

    Diyaaradda nooca Piper Tomahawk II ah ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Glasgow galabnimadii Jimcaha, saacadda markay ahayd 16:17.

    Waxay joojisay gudbinta xogta saacadda markay ahayd 16:37, iyadoo ku sugan meel dhawr mayl u jirta dhanka waqooyi-bari ee Drymen, oo ka tirsan Stirling.

    Ka hor intaas, diyaaraddu waxay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Cumbernauld subaxnimadii Jimcaha, saacadda markay ahayd 11:46, waxayna duulimaad 15 daqiiqo ah ku tagtay Garoonka Diyaaradaha ee Glasgow.

    Waxay halkaas joogtay ilaa qiyaastii saacadda 13:00, ka hor inta aysan sameyn duulimaad laba saacadood qaatay oo u jeeday dhanka waqooyi-bari, kuna socday Newport-on-Tay, kadibna ay soo jeesatay oo ay dib ugu laabatay Glasgow.

    Waxay garoonka diyaaradaha ku sugnayd muddo wax yar ka badan saacad, ka hor inta aysan mar kale kicin oo aysan bilaabin duulimaadkeedii ugu dambeeyay.

    Gavin Birch-Williams, oo ah agaasimaha guud ee Garoonka Diyaaradaha Glasgow, ayaa yiri: "Waxaan ka warqabnaa dhacdo ku lug leh diyaarad yar oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Glasgow.

    "Tani waa dhacdo aad u murugo badan, dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Glasgow waxay dareenkooda murugada iyo tacsidooda la wadaagayaan asxaabta iyo qoysaska ay dhibaatadani saameysay."

  13. "Shey aan la aqoonsan" oo ku dhacay markab shidaal oo marayay meel u dhow xeebta Sacuudi Carabiya

    Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegay weerar lagu qaaday markab siday shidaal, kaas oo marayay meel u dhow xeebta Jubail.

    Sida uu sheegay ururku, markabka waxaa shalay ku dhacay shay aan la aqoonsan oo la soo tuuray, iyadoo dhacdadu ka dhacday masaafo dhan 126 kiiloomitir meel u jirta Jubail, oo ku taal waqooyi-bari ee dalka Sacuudi Carabiya.

    Ururku wuxuu intaas ku daray in dhammaan shaqaalihii saarnaa markabka ay badqabaan, isla markaana laga soo daadgureeyay markabka oo la geeyay goob ammaan ah.

    Weli lama soo saarin wax warbixin ah oo ku saabsan saameynta deegaan ee ka dhalan karta dhacdadan.

  14. Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood u leeyahay inuu maqalo dhammaan ereyada mas'uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Isagoo ka hadlayay isu soo bax olole ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, Mr. Trump ayaa raaciyay, "Dabcan, tani waa mid sir ah oo qarsoodi ah, haddana waan ka saaray sirnimadii."

    Qayb kale oo khudbaddiisa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu dagaalka lala galay Iiraan ugu yeeray "dhoolatus milatari."

    Wuxuu sidoo kale sheegay sidee dalalka Carabta dareemi doonaan haddii aan magaca uga bedelo Marinka Hormuz "Marinka Trump? Si fudud ayaan taas u samayn karnaa."

    Si aad wax badan u akhrido:

  15. Qiimaha shidaalka oo gaaray $110 markii ugu horeysay

    Qiimaha saliidda ayaa gaaray $110 halkii foosto, waana markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso.

    Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha dhaqaalaha, kor u kaca qiimahan ayaa ka dhashay walaac laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.

    Maalintii Jimcaha, qiimaha saliidda cayriin ee nooca Brent ayaa kor u kacay $3.94, isagoo gaaray $109.86; waana heerka ugu sarreeya tan iyo 19-kii bishii Maajo.

    Dhanka kale, qiimaha saliidda cayriin ee Mareykanka (oo loo yaqaan WTI) ayaa isna kor u kacay $3.44, wuxuuna gaaray $101.41; taas oo ah heerka ugu sarreeya tan iyo 17-kii bishii Sebtembar.

    Si aad wax badan u akhrido:

  16. Afhayeenkii cusbaa ee Aqalka Cad oo is casishay shan maalmood uun kadib

    .

    Katie Zacharia ayaa ka tagaysa xilka afhayeenka Aqalka Cad, shan maalmood oo keliya kadib markii ay markii ugu horreysay si rasmi ah warbaahinta ula hadashay, iyadoo kulankaasi uu dhaliyey dhaleeceyn xooggan.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Zacharia kula taliyey inay xilka dib uga fiirsato haddii aysan ku qanacsanayn, isaga oo sheegay in warbaahintu si adag ula dhaqantay.

    Kulankeedii ugu horreeyay ee warbaahinta Talaadadii ayaa socday wax ka yar 15 daqiiqo, waxaana lagu weydiiyey saddex su’aalood oo keliya. Waxay sidoo kale wajahday su’aalo ku saabsan aqoontooda iyo u diyaargarowgeeda xilka.

    Muran xooggan ayaa ka dhashay shahaadooyinkeeda sharciyeed kadib markii la ogaaday inaysan ku guuleysan imtixaanka qareennimada ee Mareykanka, inkastoo Trump iyo dad kale ay hore ugu tilmaameen qareen.

    Zacharia ayaa Khamiistii qiratay inaysan imtixaankaas ka gudbin, balse waxay sheegtay inay Shiinaha kaga shaqeysay arrimaha sharciga ganacsiga caalamiga ah iyadoo haysata aqoontii iyo shahaadooyinkii ku habboonaa.

    Wareysiyo ay siisay Fox News ayay ku sheegtay in loo shaqaaleysiiyey arrimaha xiriirka iyo isgaarsiinta, ee aan loo qorin shaqo sharciyeed.

    Dhanka kale, xisbiga Dimuqraadiga oo ka faa’iidaysanaya bixitaankeeda, iyagoo u arka calaamad muujinaysa fashil ka dhex jira Aqalka Cad ee Jamhuuriga.

    Bixitaanka Zacharia ayaa noqonaya kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ka dhaca kooxda warbaahinta ee Aqalka Cad intii uu Trump xilka hayey. Xilligii madaxweynenimadiisii koowaad, Anthony Scaramucci ayaa xilka agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad kaga tagay kaddib 10 maalmood.

    Si aad wax badan u akhrido:

  17. Trump oo hakiyey canqabataynno la saari lahaa Ruushka

    .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa adeegsaday awooddiisa madaxweynenimo si uu u hakiyo cunaqabataymo dhowr ah oo ka dhan ah Ruushka, laba maalmood ka hor inta aan la dhaqan gelin.

    Cunaqabataymahan waxaa ansixiyey Kongareeska Mareykanka, waxaana Trump saxiixay bishii Sebtembar. Hase yeeshee, habeenkii Jimcaha ayuu soo saaray amar madaxweyne oo uu ku sheegay in hakinta qaar ka mid ah cunaqabataymaha ay tahay mid dan u ah Mareykanka. Tallaabadan ayaa dhalisay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah xildhibaannada Mareykanka.

    Go’aankan ayaa imanaya iyada oo uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, gaar ahaan heshiis muran dhaliyey oo Mareykanku toddobaadkii hore Ruushka kula galay soo dejinta naaftada.

    Labada hoggaamiye ayaa toddobaadkan is-weydaarsaday hadallo kulul. Zelensky ayaa si dadban u dhaliilay Trump, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo “hoggaamiyeyaasha dhabta ah” intii uu ka qaybgalayey shir madaxeedka Midowga Yurub. Tani waxay timid kaddib markii Trump uu sheegay in Zelensky uu ka adag yahay la macaamilkiisu marka loo eego Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

    Sharciga cusub ee cunaqabataymaha Mareykanka ayaa sidoo kale Trump siinayey awood uu canshuur gaadheysa 100% ku soo rogi karo badeecadaha ka yimaada shanta dal ee ugu badan ee iibsada shidaalka iyo gaaska Ruushka, gaar ahaan Shiinaha iyo Hindiya.

    Cunaqabataymaha ayaa sidoo kale lagu beegsaday mas’uuliyiin sare oo Ruush ah, oo uu ku jiro Putin, hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka iyo maraakiibta loo yaqaan “shadow fleet” ee loo adeegsado in lagu hareer maro cunaqabataymaha jira.

  18. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah. Waa maalin sabti ah, bisha October ay tahay 17. Halkan nagala socda, mahadsanidiin.