'Flames of Tradition': Filim Boorama lagu sameeyay oo Venice lagu soo bandhigayo

Xigashada Sawirka, Circle 24 Films
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
- Reporting from, Nairobi, Kenya
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Filim Soomaali ah oo gebi ahaanba lagu duubay Borama ayaa lagu soo bandhigay magaalada Venice ee Talyaaniga, isaga oo qayb ka ahaa barnaamij filimo Soomaali ah oo lagu qabtay markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay yeelato National Pavilion rasmi ah oo ka tirsan Venice Biennale.
Soo saaraha filimka, Zakaria Abshir, ayaa BBC Somali u sheegay in safarka filimku ku gaaray Venice aanu macnaheedu ahayn inuu lumiyay aqoonsigii iyo deegaankii uu ka soo baxay, oo dhul Soomaaliyeed ahaa.
Filimka, oo uu qoray isla markaana agaasimay Hussein Boon, ayaa lagu soo bandhigay Palazzo Caboto ee Venice 12-kii September, isaga oo qayb ka ahaa barnaamijka filimada ee Somalia National Pavilion. Barnaamijku wuxuu socday 11 ilaa 13 September, waxaana lagu soo bandhigay filimo ay sameeyeen Soomaali ku nool gudaha Soomaaliya iyo qurbo-joogta.
Bandhigyada filimada ayaa waxay ku soo beegmeen maalmahihii ugu dambeeyay ee bandhigii 83-aad ee Venice International Film Festival, laakiin kama mid ahayn xulashada rasmiga ah ee festival-kaas. Waxay ahaayeen barnaamij madax-bannaan oo hoos yimaada Somalia National Pavilion oo qeyb ka ah bandhiga 61-aad ee International Art Exhibition ee La Biennale di Venezia.
Jacayl ku dhex beermay colaad la kala dhaxlay
Sheekada filmka Flames of Tradition waxay ka dhacaysaa deegaan miyi ah oo laba reer, Reer Guleed iyo Reer Sultan, ay wada deggan yihiin, balse uu ka dhexeeyo loollan la xiriira awoodda, khayraadka iyo gaar ahaan helitaanka biyaha.
Reer Sultan ayaa awood siyaasadeed ku leh deegaanka, halka Reer Guleed ay ku dhibtoonayaan helitaanka waxyaabaha aasaasiga ah, oo uu ku jiro ceelka keliya ee tuulada.
Xaaladdaas waxaa dhexda uga soo baxaya Dagan, oo ka soo jeedda Reer Guleed, iyo Hamse, oo ka dhashay Reer Sultan. Labada dhallinyaro ayaa xiriir jacayl yeesha inkasta oo ay kala qaybsanaanta labada dhinac sii xoogaysanayso.

Xigashada Sawirka, Circle 24 Films
Marka khilaafka ku saabsan biyaha iyo tabashooyin hore ay isku biiraan, xiriirkoodu wuxuu dhex galayaa xaalad ay hareeyeen cabsi, cadaadis bulsho iyo aargoosi. Weerar dhiig ku daato ayaa ugu dambayn khilaafka u beddelaya xaalad halis ugu jirta inay labada dhinac u jiiddo colaad ka sii weyn.
Hamse waxaa markaas la hor dhigaa go'aan ku saabsan inuu raaco aargoosiga laga filayo qoyskiisa iyo inuu isku dayo inuu jebiyo silsiladda colaadda.
"Farriinta filimku ma aha eedayn loo jeedinayo dhaqanka Soomaalida, oo kuma soo koobayno khilaaf iyo qabyaalad, mana aha sheeko loo sameeyay colaadda lafteeda," ayuu Zakaria Abshir u sheegay BBC.
Waxa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay leedahay dhaxal ku saabsan bulsho-wadaag, suugaan, nolosha xoolo-dhaqatada, qoys iyo adkaysi, kuwaas oo sidoo kale ka mid ah dunida uu filimku doonayo inuu muujiyo.
Laakiin filimku wuxuu isla markaas su'aal gelinayaa waxa dhaca marka qaabab dhaqameed oo jiilal badan soo jiray ay duruufo cusub ku abuuraan sinnaan-la'aan ama khilaaf.
"Waxa uu filimku isweydiinayaa in jiilka cusub uu sawiran karo waddo kale oo la jeexi karo iyadoo ay jiraan waxyaabaha ay bulshadu ka filayso," ayuu yiri.
'Xushmad ayaan u haynaa dhaqanka, laakiin su'aal waa la gelin karaa'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhaqanka iyo sida uu qofka u qeexo ayaa ka mid ah mawduucyada ugu waaweyn ee Flames of Tradition.
Soo saarayaasha filimku waxay sheekada ku dhex dhiseen muuqaalka Borama iyo deegaannada ku xeeran. Dhagaxa, boodhka, dabaysha iyo biyaha ayaa qayb ka ah qaabka sheekada loo tebinayo, iyadoo biyuhu yihiin khayraad ay dadku ku muransan yihiin, isla markaana noloshoodu ku tiirsan tahay.
Zakaria wuxuu sheegay inay doonayeen inay ka fogaadaan laba meelood oo iska soo horjeeda: in dhaqanka si buuxda loo diido ama in loo arko wax aan su'aal la gelin karin.
"Waxaa jira qaybo dhaqanka ka mid ah oo xanbaarsan aqoonsi, xusuus iyo isku-xirnaanta bulshada, waxaana jira kuwo kale oo marka aan la su'aalin keena caddaalad-darro."
Waxa uu sheegay in ujeeddadiisu aanay ahayn in daawadayaasha loo dhiibo jawaab hore loo diyaariyay.
"Waxaan jeclaan lahaa in daawadayaasha Soomaaliyeed ay filimka kala baxaan su'aalo ka badan jawaabo: dhaqammadee ayaan rabnaa inaan ilaalino? Kuwama ayaa u baahan inay isbeddelaan? Yaase go'aankaas iska leh?"

Xigashada Sawirka, Zakaria Abshir
Bandhigga filimka ayaa ku yimid xilli Soomaaliya markii ugu horreysay ay leedahay National Pavilion rasmi ah oo ka tirsan La Biennale di Venezia.
Pavilion-ka Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Saddexleey, magac laga soo qaatay qaab maanso Soomaaliyeed oo ku dhisan saddex qaybood.
Bandhigga rasmiga xaruntiisu waxaa eey tahay Palazzo Caboto ee Venice. La Biennale waxay sheegtay in Saddexleey uu qaabka saddexleyda ah ee maansada Soomaalida u adeegsanayo isku xirka codka, muuqaalka, qoraalka iyo farshaxanka.
Flames of Tradition wuxuu ahaa mid ka mid ah dhowr filim oo Soomaaliyeed oo saddexda maalmood lagu soo bandhigay.
Waxaa ka mid ahaa Muna oo ay samaysay Warda Mohamed, Growing Pains II oo ay sameeyeen Wasima Farah iyo Bakar Elmi, iyo Isn't This What I'm Supposed to Feel oo uu sameeyay Abdimalik Ahmed.
Waxaa sidoo kale barnaamijka ka mid ahaa Warya oo ay samaysay filim-sameeyaha Somali-Australian-ka ah Miski Omar, A Journey Back to Allah oo ay sameeyeen Qasim A. Ali iyo Feisal Mohamed, I'll Wait for You by the Sea oo ay samaysay Rasia Yusuf, Surffice (Deeqa) oo uu sameeyay fanaanka Aar Maanta, iyo Gacal, oo ah wax-soo-saar Soomaaliya iyo Kenya ah.
Isku darkaas filimada gaagaaban, kuwa dhaadheer, dokumenteriyada iyo shaqooyinka tijaabada ah ayaa keenay filim-sameeyayaal ka kala imanaya gudaha Soomaaliya iyo qurbo-joogta.
Shineemo Soomaaliyeed oo dib isu raadinaysa
Joogitaanka filimada Soomaalida ee Venice wuxuu imanayaa iyadoo sannadihii u dambeeyay filim-sameeyayaal Soomaali ahi ay marar badan ka soo muuqdeen fagaarayaasha caalamiga ah.
Laakiin taariikhda filimada Soomaaliya waxay leedahay kala go' weyn.
Soomaaliya waxay lahayd hay'ado iyo dhaqan shineemo kahor dagaalkii sokeeye. Hay'adda Somali Film Agency waxaa la aas-aasay 1975, xilli dalal badan oo Afrika ahi ay dhisayeen hay'ado qaran oo taageera wax-soo-saarka iyo qaybinta filimada.
Muqdisho sidoo kale waxay lahayd hoolal shineemo iyo dhaqan ay dadku habeenkii ugu bixi jireen riwaayado, filimo iyo bandhigyo kale.
Dagaalkii sokeeye ee bilowday 1991 ayaa burburiyay qayb weyn oo ka mid ah kaabayaashaas.
Sannadkii 2021, Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho ayaa martigeliyay bandhiggii filim ee ugu horreeyay muddo 30 sano ah. Habeenkaas waxaa lagu soo bandhigay laba filim oo gaagaaban oo uu sameeyay agaasimaha Soomaaliyeed Ibrahim CM, Hoos iyo Date from Hell.
Dhanka kale, qurbo-joogta Soomaalida ayaa samaysay qaabab kale oo filim-samayntu ku sii noolaato. Warbixin UNESCO ah ayaa xustay waxa loo bixiyay "Somaliwood", oo ka hanaqaaday magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee Maraykanka, halkaas oo filim-sameeyayaal Soomaali ahi ka soo saareen filimo iyo dokumenteriyo loogu talagalay bulshooyinka Soomaalida.
Sanadkii 2024, filimka The Village Next to Paradise ee agaasimaha Somali-Austrian-ka ah Mo Harawe ayaa gaaray qaybta Un Certain Regard ee Cannes Film Festival.
Filimkaas, oo ka dhacaya Soomaaliya, wuxuu ahaa filimkii ugu horreeyay ee dheer oo Mo Harawe leeyahay, wuxuuna ku jiray Official Selection-ka Cannes.

Xigashada Sawirka, Circle 24 Films
Zakaria Abshir wuxuu qabaa in muuqaalka hadda jira aanu ka dhignayn in Soomaaliya ay mar hore lahayd warshad filim oo si buuxda u shaqaynaysa.
Waxa uu sheegay in filim-sameeyayaasha Soomaalidu wali kala dhantaalan yihiin, halka maalgelinta, tababarka, qaybinta filimada iyo goobaha lagu daawado ay aad u kooban yihiin.
Balse, waxa uu rumaysan yahay in burburka kaabayaasha aanu meesha ka saarin rabitaanka sheeko-sheegidda.
Waxa hadda isbeddelaya, ayuu sheegay, waa awoodda filim-sameeyayaasha Soomaalida inay sheekooyinkooda ka gudbiyaan daawadayaasha ugu dhow oo ay geliyaan wada-hadallo caalami ah.
Waxa uu Flames of Tradition tusaale uga dhigay filim-sameeyayaal ku shaqaynaya agabka ay heli karaan halkii ay sugi lahaayeen in marka hore la dhiso warshad filim oo dhamaystiran.
"Hibadu way jirtaa. Waxa u baahan inay la jaanqaadaan waa kaabayaasha."
Soo-saare Zakaria Abshir, sidaas darteed, Venice uma arko oo keliya meel uu hal filim gaaray. Wuxuu u arkaa inay isaga iyo saxiibadiis u xaqiijinayso in sheekooyin xeru-dhalan u ah Soomaalida ay haddana dunida kale macno u sameyn karaan.
Flames of Tradition wuxuu Venice geeyay muuqaalka Borama, biyaha la isku hayo, jacaylka laba dhallinyaro ah iyo su'aalo ay bulshooyin badan oo Soomaali ahi weli ka doodayaan, oo ah: waxa la dhaxlo, waxa la ilaalinayo iyo waxa jiil cusub xaq u leeyahay inuu dib u eego.












