Eedeynta ah in Iiraan ay dardargelineyso horumarinta hubka Nukliyeerka ayaa mar walba lagu tilmaamaa inay tahay sababta ugu weyn ee Washington ay u galayso dagaalka, inkastoo ay Tehran marar badan beenisay.
Ugu yaraan si cad, saraakiisha Maraykanku waxay u muuqdaan inay aaminsan yihiin in khasaarihii ka dhashay dagaalkii 12-kii maalmood ee la soo dhaafay iyo duqeymaha hadda socda ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku filan yihiin in ay Iiraan waqti dheer ku qaadato dib u dhiska barnaamijka nukliyeerka ee khatarta leh.
Si kastaba ha ahaatee, shaki ayaa weli ka jira qiyaasta 440 kg ee uranium-ka aadka loo xoojiyey ee Iiraan ay weli haysato.
Uranium-ka oo uu Trump inta badan ugu yeero " habaaska ", ayaa la rumeysan yahay in lagu hoos xabaalay burburka Xarunta Cilmi-baarista iyo Tignoolajiyada Nukliyeerka ee Iiraan ee Isfahan, ka dib weerarradii ba'naa ee sanadkii hore lagu qaaday xarunta.
"Habaaskeeda ayaa si qoto dheer u aasay, waxaana la ilaaliyaa 24 saacadood maalintii," Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa u sheegay suxufiyiinta Arbacadii.
"Ma jiri doono hub nukliyeer ah oo Iiraan leedahay. Khalaas. Waa dhamaadka sheekada".
Iiraan waxay ku adkeysaneysaa in heshiis kasta oo mustaqbalka ah uu aqbalo xaqa ay u leedahay in la tayeeyo Uranium-ka si waafaqsan isticmaalka rayidka ah, sida uu dhigayo heshiiska Nukliyeerka ee NPT.
Cumaan oo dhexdhexaadin ka dhex waday labada dhinac wax yar ka hor intii uusan dagaalku dhicin ayaa sheegtay in heshiis wax ku ool ah miiska saarnaa.
Maraykanku haddaba ma yeeli doonaa inuu ogolaado nooc kasta oo tayeynta ah?
Qorshaha Madaxweyne Trump oo ka kooban 15 qodob ayaa la sheegay in ay ku jireen dhowr shuruudood oo muhiim ah: in Iiraan ay burburiso dhammaan xarumaha waaweyn ee Nukliyeerka, in ay joojiso tayeynta Uranium-ka ee dhulka Iiraan, in kaydkeeda Yuraaniyaamta la tayeeyey laga saaro dalka, iyo in ay aqbasho kormeero caalami ah.
Laakiin markii si toos ah wax looga weydiiyay, Pete Hegseth wuxuu si fudud u sheegay in Iiraan "aysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ah ama awood ay ku horumariso". Taas oo ah jawaab waxooga ka yara duwan arrinka.