Xabbad joojintii Maraykanka iyo Iran: Netanyahu miyuu gaaray hadafkii uu ka lahaa Iiraan?

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Markii Ra'iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, uu ku dhawaaqay bilowga howlgal militari oo ay wadajir u wadeen Israel iyo mareykanka oo ka dhan ah Iran dhammaadkii Febraayo, wuxuu adeegsaday cod adag oo kalsooni leh.

Laakiin codka ka soo baxayay xafiiskiisa—markii la gaaray xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran—wuxuu ahaa mid aad u taxaddar badan, isagoo si cad u muujinaya in go'aanka uu gaaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Bayaankaasi sidoo kale wuxuu si weyn uga duwanaa hadallada guusha sheeganaya ee ka imanayay Mareykanka iyo Iran, kuwaas oo labaduba ku andacoonayay inay gaareen guulo waaweyn kadib shan toddobaad oo dagaal ah.

Hadal uu jeediyay habeenkii Arbacada, Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay howlgalka mid guul ah, balse wuxuu sheegay in xabbad-joojintu aysan ahayn dhammaad, isla markaana Israel ay weli leedahay yoolal kale oo ay doonayso inay gaarto—ha noqoto heshiis ama dib u bilaabista dagaalka.

go'aan noocee ah ayuu dagaalkani dhigay Israa'iil iyo Raysal-wasaarihiisa?

Bilowgii dagaalka, Benjamin Netanyahu ayaa yiri: "Ujeeddada howlgalkaan waa in la soo afjaro khatarta ka imaanaysa nidaamka Ayatollah ee Iran," isagoo adkeeyay, "Howlgalkani wuu socon doonaa inta loo baahdo."

Laakiin ujeeddooyinkaas weli lama gaarin: ciidamada qalabka sida ee Iran waxay sii wadeen dagaalka, nidaamka culimada ee dalkaasna wali wuu jiraa, inkasta oo Hoggaamiyaha Sare Ali Khamenei iyo masuuliyiin kale oo sare lagu dilay weerarro ay fuliyeen United States iyo Israel.

Sidoo kale, xaaladda barnaamijka nukliyeerka ee Iran iyo kaydkeeda uranium-ka la hodmay wali lama xallin. Inkasta oo awoodda gantaallada ballistic-ga ee Iran ay daciiftay, haddana dalkaasi wuxuu sii waday inuu gantaallo ku garaaco Israel intii uu socday dagaalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilligaas oo habeenkii ka socday Jerusalem, xitaa kadib markii Madaxweynaha Donald Trump uu ku dhawaaqay heshiiska, digniino gantaallo iyo qaraxyo ayaa la maqlayay, waxaana militariga Israel ay sheegeen in dhowr gantaal laga soo riday Iran.

Waxay u muuqataa in Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu uu si weyn u qiyaasay awoodda Israel iyo Mareykanka ay ku burburin karaan ciidamada Iran isla markaana ay ku beddeli karaan nidaamka xukunka dalkaas.

Suxufiga reer Israel ee khibradda leh, Anshel Pfeffer, ayaa sheegay in Netanyahu uu si cad uga hadlay kaliya "hakinta" dagaalka kahor wada-hadallada Mareykanka iyo Iran, balse uusan si furan u qiran in dagaalku dhammaaday.

Wuxuu sheegay in fashilka Netanyahu ee gaarista ujeeddooyinkiisa "uusan ahayn war wanaagsan isaga," isagoo intaa ku daray in haddii xabbad-joojin la gaaro iyada oo Israel aan si firfircoon uga qayb qaadan, ay jiri karto "khilaaf kala dhexeeya Mareykanka."

Inkasta oo ay muuqatay in Netanyahu iyo Madaxweynaha Donald Trump ay si muuqata u midoobeen, haddana hadda waxaa laga yaabaa in yoolalkoodu aysan si buuxda isu waafaqsanayn.

Hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa yiri: "Taariikhdeena oo dhan ma dhicin masiibo siyaasadeed sidan u weyn," isagoo ku daray in Israel aysan xitaa miiska wada-hadallada ku jirin marka go'aannada amniga ugu muhiimsan la gaarayay.

Wuxuu sidoo kale sheegay: "Ciidanku waxay sameeyeen wixii laga rabay, shacabka waxay muujiyeen adkaysi cajiib ah, balse Netanyahu wuxuu ku fashilmay siyaasad ahaan, istaraatiiji ahaan, mana gaarin mid ka mid ah ujeeddooyinkii uu dejiyay."

Sanadkan doorasho ayaa Israa'iil ka dhacaysa, taasoo la macno ah in Mr. Netanyahu laga yaabo in uu xilka ku waayo dhawrka bilood ee soo socda.

Benjamin Netanyahu

Xigashada Sawirka, Reuters

Shira Efron, oo madax ka ah siyaasadda Israel ee xarunta cilmi-baarista ee RAND Corporation, ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu uu u ballanqaaday Israa'iiliyiinta in ololahan militari uu horseedi doono dhammaadka nidaamka Islaamiga ah, isla markaana "marka madaxa Maska la gooyo" uu dagaalku tirtiri doono khatar jiritaan oo Israel wajahaysay.

Wuxuu intaa ku daray: "Laakiin Maskii wuxuu isu beddelay mid madaxyo badan oo mid kasta oo la gooyo uu mid kale ka soo baxo.

Wuxuu sheegay in iibinta dagaalka ee shacabka Israel ay noqotay mid adag, maadaama aysan jirin isbeddel ku yimid nidaamka Iran, Iran-na ay weli haysato uranium la hodmay, isla markaana khatarta gantaalladeedu weli jirto.

"Barnaamijka gantaalladu weli waa taagan yahay, dadka Israa'iilna, xitaa haddii awooddiisa la yareeyay 70–80%, kuwa toddobaadyadii la soo dhaafay gabaadka galay, isbeddel muuqda ma dareemin," ayuu yiri.

Dhanka kale, Yossi Kuperwasser, oo hore uga tirsanaa sirdoonka militariga Israa'iil, haddana ah agaasimaha Machadka Istaraatiijiyadda iyo Amniga ee Jerusalem, ayaa sheegay in Israa'iil ay kala saarto "ujeeddooyin la gaari karo" iyo "ujeeddooyin hammi ah oo la rabay balse aan la dammaanad qaadi karin."

Wuxuu sheegay in "ujeeddooyinka la gaari karo si buuxda loo fuliyay," sida beegsiga xarumaha nukliyeerka ee Iran iyo gantaallada ballistic-ga, iyo in awoodda militari iyo hoggaamintaba si weyn loo wiiqay.

Laakiin "ujeeddooyinka hamiga ah" ee aan la gaarin waxaa ka mid ah isbeddel nidaam oo ka dhasha kacdoon shacab, in si militari lagu saaro uranium-ka aadka loo hodmiyay, iyo in gebi ahaanba la joojiyo awoodda Iran ee gantaallada.

Ugu dambayn, waxaa la filayaa in xubno garabka midig ee aadka u adag ee ku jira xukuumadda isbahaysiga ee Benjamin Netanyahu ay diidi doonaan wax kasta oo xabbad-joojin ama dhammaadka dagaalka ah, taas oo abuuri karta caqabad siyaasadeed oo culus oo hortaalla.

Duqeymo cirka ah oo mowjado ah ayaa ka billowday guud ahaan Lebanon kadib ku dhawaaqistii xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran.

Waxaa sidoo kale jira khilaaf culus oo ku saabsan in heshiiska xabbad-joojinta ay ku jirto Lebanon, taasoo halis gelinaysa gebi ahaanba xabbad-joojinta.

Iran, iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo ka mid ahaa dhexdhexaadiyeyaasha heshiiska, ayaa labaduba sheegay in heshiisku sidoo kale ku jiro Lebanon, halkaas oo Israel ay dagaal kula jirto Hezbollah, oo ah koox militari oo Iran taageerto.