Markab weyn oo nooca raaxada ah kaas oo la sheegay inuu leeyahay qof ku dhow Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka gudbay Marinka Hormuz, iyada oo ay xannibaadda socota.
Markabkan oo dhererkiisu yahay 142 mitir laguna magacaabo “Nord” ayaa loo tirinayo Alexei Mordashov, oo ah maalqabeen Ruush ah oo cunaqabateyn saaran tahay.
Markabku wuxuu ka soo shiraacday Dubai kuna, waxa uuna sii jeeday Muscat dhammaadkii toddobaadkan, wuxuuna ka mid ahaa maraakiib yar oo gaar loo leeyahay oo ka gudba marinkan bilihii u dambeeyay.
Iiraan waxay toddobaadkan gashay wada-hadallo heer sare ah oo ay la leedahay Ruushka, iyadoo weli uu socdo khilaafka u dhexeeya dalkaas iyo Maraykan ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz.
Mr Mordashov, oo xiriir dhow la leh Putin, si rasmi ah looma oga inuu yahay milkiilaha markabka, balse diiwaannada Nord waxay muujinayaan in markabka la diiwaangeliyay sannadkii 2022 iyadoo lagu qoray shirkad ay leedahay xaaskiisa.
Qiimaha doontan raaxada ah ayaa lagu qiyaasay in ka badan 500 milyan oo doolar.
Xogta Marine Traffic waxay muujineysaa in markabka calanka Ruushka sita uu ka baxay Dubai habeenkii Jimcaha, isla markaana uu gaaray Al Moj, oo ah deked ku taal caasimadda Cumaan, subaxnimadii Axadda.
Isu socodka maraakiibta ee marinkan Gacanka Faaris ayaa hadda aad uga hooseeya heerarkii ka hor dagaalka.