You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Pakistan oo loo haysto dilka dad Afghaanistiyiin ah xilli ay dalal kale dhexdhexaadinayso
Weerar ay Pakistan ku qaaday bariga gobolka Kunar ee Afghanistan ayaa lagu dilay ugu yaraan toddoba qof, halka 75 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan arday iyo macallimiin ka tirsan Jaamacadda Kunar, sida ay ilo kala duwan u sheegeen BBC.
Sida ay sheegtay dowladda Taliban, 30 ka mid ah dadka dhaawacmay waa arday jaamacadeed.
Wasaaradda warfaafinta ee Pakistan ayaa beenisay inay weerartay jaamacadda iyo goobaha la deggan yahay, iyadoo sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah.
Wararka ku saabsan weerarrada Kunar ayaa imanaya toddobaadyo kadib duqeyn cirka ah oo Pakistan ka fulisay xarun dhaqan-celin daroogo oo ku taal caasimadda Afghanistan ee Kabul, taas oo sida ay Qaramada Midoobay sheegtay ilaa iyo hadda la og yahay in lagu dilay 269 qof.
Taliban waxay sheegeen in madaafiic iyo gantaallo loo adeegsaday weerarka lagu qaaday gobolka Kunar, halka ilo kale ay BBC u sheegeen in diyaarado dagaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn la isticmaalay.
Barafasoor aan magaciisa la shaacin oo wax ka dhigayay Jaamacadda Kunar ayaa BBC u sheegay inuu maqlay qaraxyo cabsi leh oo ka dhacay guud ahaan xarunta jaamacadda.
Matiullah Shahab, oo ah wariye madax-bannaan iyo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha kana sugan magaalada Asadabad, ayaa BBC u sheegay inuu hal kiiloomitir u jiray goobta weerarka jaamacadda, isla markaana uu maqlay dhawaqa duqeyn culus abbaaraha 14:00.
Wuxuu sheegay inuu arkay dad ka cararaya bartamaha magaalada intii uu socday weerarku, isla markaana uu arkay dhowr qof oo rayid ah oo ku dhaawacmay loona qaaday isbitaalka si loo daweeyo.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda tacliinta sare ee Afghanistan ayaa lagu sheegay in dhismayaasha jaamacadda iyo agagaarkeeda ay soo gaareen burbur ballaaran.
Boqolaal qof ayaa la dilay ama lagu dhaawacay dagaallo xuduudaha ka gudbay oo u dhexeeyay Pakistan iyo Afghanistan bilihii la soo dhaafay.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib dhexdhexaadin uu sameeyay Shiinaha oo keentay wadahadallo dhex maray labada dhinac oo ka dhacay Urumqi horraantii Abriil, xabbad-joojin jilicsan ayaa inta badan sii jirtay.
Intii ay socotay xabbad-joojintan, hoggaamiyeyaasha dowlad Taliban ayaa go'aansaday inaysan si fagaare ah uga hadlin Pakistan ama duqeymihii hore si aysan u wiiqin wadahadallada.
Aamusnaantaas ayaa si cad loo jebiyay, iyadoo afhayeenka dowlad Taliban, Hamdullah Fitrat, uu sheegay inay u arkaan duqeymaha Kunar "dembiyo dagaal oo culus oo aan marmarsiiyo lahayn, fal cad oo naxariis darro ah, iyo tallaabo kicin ah."
Pakistan oo sidoo kale door dhexdhexaadin ah ka qaadatay dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, ayaa hore u sheegtay in duqeymaheedu bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha hubeysan ee Afghanistan.
Pakistan waxay hore u ahayd taageere weyn oo Taliban ah, balse xiriirka ayaa xumaaday kadib markii Islamabad ay ku eedeysay kooxda inay gabaad siiyaan kooxda Talibaanka- Pakistan, oo hubeysan oo ka soo horjeeda ciidamada dowladda.
Dalka Pakistan waxaa lagu ammaanay dadaallada nabdeed ee ay ka dhex waddo Tehran iyo Washinton, iyadoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin wajigii koowaad ee wadahadallada oo ka dhacay Islamabad.
Sidoo kale waxaa muuqata in Pakistan aysan saaxiib la aheyn oo xiriirkoodu aanu wanaagsaneyn dalalka deriska la ah ee Afghanistan iyo Hindiya oo dhowr jeer ay dhex mareen dagaallo gaystay khasaare xooggan.