Taageerayaasha Arsenal, Liverpool, Man-United iyo Chelsea maxay ka dheheen tegista Pep Guardiola?

Guardiola

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Xifaaltan la jeclaan karo oo noqday "cadow la qadariyo", isla markaana ah nin leh "saameyn toos ah" oo uu ku yeeshay kooxaha ku xeeran.

Waa dhisada koox "awood weyn" noqotay, balse aan weli loo arkin tababaraha ugu weyn taariikhda Premier League.

Waxaa jirta rajo laga qabo in awoodda Manchester ay is beddesho, halka qaar ka mid ah taageerayaasha Merseyside ay rajaynayaan in bixitaanka Pep Guardiola ee Manchester City uu yarayn karo farqiga.

Taageerayaasha kooxaha xafiiltamaan ayaa u sheegay BBC Sport sida uu Guardiola u saameeyay heerar ciyaareedkooda, u qaabeeyay kooxahooda, iyo laga yaabaa inayna layaab ahayn sababta ay u jiri doonto nafis dhinac kasta ah marka la arko isagoo tagaya.

"Layaab ma leh inaan ku faraxsanahay inaan aragno isagoo dhabara jeediyey"

Alex Turk oo ah taageere Manchester United ah,

Ma sidan baa dareenku yahay?

May 8, 2013, dunida kubadda cagta ayaa dabbaaldegay markii ay soo baxday warka sheegaya in Sir Alex Ferguson uu ka fariisanayo Manchester United, isagoo noqonaya hawlgab. Ka dib 38 koob oo uu ku guuleystay 27 sano gudaheed, waa la fahami karay nafiska ay taageerayaasha kale dareemeen.

Haddaba, iyadoo kooxda City ay xaqiijisay in Guardiola uu qarka u saaran yahay inuu baxo, dareenkaas oo kale ayaa dib u soo laabtay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Amaan kasta oo loo fidinayo wax kasta oo la xiriira City waxa raaca shaki, iyadoo 115 eedeymo oo la xiriira jebinta xeerarka maaliyadeed ay weli dul hoganayaan, balse u haraadananta Guardiola ee ku aaddan ku guuleysiga koobabka, iyo saameyntiisa aan la dafiri karin ee kubadda cagta Ingiriiska, la iskama indho tiri karo.

Wadarta 20 koob oo uu ku guuleystay 10 sano gudaheed waa inay ka dhigtaa wax aan layaab lahayn inaan ku faraxsanahay aragtida bixitaankiisa. Ma gaarsiisna heerkii Ferguson, dhiirrigelinta ah in Guardiola loo aqoonsado tababaraha ugu weyn Premier League-gana waa mid ku dhalatay dhiiranaan dareen oo kumeelgaar ah.

Iyadoo taasi ay jirto, haddana waxaa run ahaantii jira lakab ixtiraam ah oo mar naadir ah oo dibadda u soo baxa. Guardiola wuxuu arkay afar tababare oo yimid Manchester United ah oo haddana u muuqday inaysan guuleystay intii uu joogay Manchester City , haddana wuxuu had iyo jeer u muujiyay kooxdan weyn ixtiraamka ay mudan tahay.

Arrinta kale aya ahayd in la doortay David Moyes halkii isaga la eegi lahaa Taasi maxay na gaarsiin lahayd?

Waa wax ku habboon sida, 15 daqiiqo ka hor xaqiijinta bixitaanka Guardiola, United ay ugu dhawaaqday magacaabista Michael Carrick tababaraha rasmiga ah.

"Xaqiiqdii waxaan ku koray inaan xoogaa jeclaado codowgeena"

Josh Sexton oo ah taageere Liverpool ah,

Waxay noqotay wax la yaab leh marka cadowgagii muddada dheer uu yiraahdo waa waqtigii la dhaqaaqi laha, adiguna aad si yar u dareento murugo.

Waxay u muuqataa in cutub dhan oo ka mid ah kubadda cagta Ingiriiska uu si dhab ah u xirmayo.

Waxaan runtii bilaabay inaan jeclaado Pep Guardiola, dareenkan waxaa fududeeyay in Liverpool aysan si dhab ah tartan ula gelin kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Inta u dhexeysa siyaasaddiisa naxariista leh iyo shirarkiisa jaraa'id ee sii noqonaya kuwo qosol leh, ninkii noqday dhibka ugu weyn ee na haystay wuxuu bilaabay inuu noqdo qof si fudud loo jeclaado.

Haa, waxaa jira waxyaabo la isweydiin karo oo ku saabsan guusha Manchester City, laakiin shaki yar ayaa ka jira weynida tababare Pep Guardiola.

Pep Guardiola

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka dib markii Jürgen Klopp uu ka tagay Anfield 2024, waxay u muuqatay mid dabiici ah in ninkii uu muddo dheer la tartamayay uu isna si dhow u raaci doono.

Runtu waxay tahay in heerarkii ay dejinayeen labadaas tababare ay qalloociyeen fahamkeenna waxa loo arko dhibco "caadi" ah oo lagu guuleysto horyaalka.

Arsenal ayaa ka hormartay Guardiola xilli ciyaareedkan Premier League, laakiin waxay ku guuleysteen iyagoo helay ugu badnaan 85 dhibcood, hoos u dhac marka loo eego waagii Liverpool iyo City ay si joogto ah u gaari jireen 90+ dhibcood.

Liverpool way hoos u dhacday xilli ciyaareedkan, laakiin bixitaanka Guardiola wuxuu ka dhigan yahay in heerka loo baahan yahay si loo galo tartanka horyaalka uusan noqon doonin mid aad u sarreeya.

Sidaas darteed, taageerayaasha Liverpool waa in ay niyad u yeeshaan in ku soo laabashada sare aysan aad uga fogeyn, gaar ahaan iyadoo ay jiraan ciyaartoy tayo leh.

Waxaa laga yaabaa inaanan mar kale arkin heerarkii 2018–2022 muddo yar, laakiin taas waxaa qayb ahaan loo saari karaa Guardiola."

"Diidmadayda waa mid si saafi ah u ah masayr"

Laura Kirk-Francis oo ah taageere Arsenal ah

Waxay u muuqataa in laba culays ay iga dheceen maalmihii la soo dhaafay. Midka koobaad waa ku guuleysiga Arsenal ee horyaalka Premier League, midka kalena waa warka sheegaya in Guardiola uu ka tagayo kooxda. Riyadii xanuunka badnayd waa dhammaatay.

Marka hore, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Guardiola maadaama uu kooxda soo joogay muddo dheer oo ku filan si ay Arsenal ugu dambeyntii uga guulaysato, sababtoo ah taasi waxay guusha ka dhigaysaa mid aad u macaan. Kooxdiisa City waxay ii keentay murugo iyo dhibaato aad u badan, gaar ahaan xilli-ciyaareedyadii la soo dhaafay, taas oo keentay inaan u dabbaaldego bixitaankiisa.

Waan is-ogahay, waxaana garanayaa in inta badan dabeecadahayga taban ee ku aaddan Guardiola ay yihiin masayr saafi ah. Masayr aan ka qabo mashiinka guusha ee uu dhisay, ka hor toddobaadkan, had iyo jeer garaaci jiray Arsenal. Masayr aan ka qabo maskaxda guusha ee uu u muuqdo inuu ku abuuro mid kasta oo ka mid ah kooxihiisa.

Mararka qaarkood, kooxihiisa City waxay noqdeen xusuusin xanuun badan oo muujinaysa inta ay Arsenal u jirtay inay wax koob ah ku guuleysato.

Waa ay adag tahay in la qiyaaso horyaal aanu Guardiola joogin. Bixitaankiisu wuxuu ka tagayaa meel bannaan (vacuum) oo ay tahay in koox kale ay ku buuxiso awooddeeda gaarka ah iyo maamulkeeda. Waxaan aad u rajaynayaa in kooxdaasi ay noqoto Arsenal.

"Saameyn toos ah ku leh dhacdooyinka kooxaha ku xeeran"

Will Faulks oo ah taageere Chelsea ah,

Waa wax iska caadi ah inaad xusuusato meeshii aad joogtay marka ay dhacaan dhacdooyinka waaweyn ee adduunka , waana calaamad muujinaysa baaxadda warka weyn ee ahaa in Guardiola uu imanayo Premier League-ga, maadaama aan weli xusuusto inaan telefoonkayga eegayay inta u dhaxeysay ciyaar teniska ah markii warku soo baxay.

Taageerayaasha Chelsea, xilligii kooxda iyo guulaha Guardiola wuxuu ugu soo aaday xilli ay kooxdoodu hoos u dhacaysay.

In kooxdiisa City lagu garaaco garoonka Etihad xilli-ciyaareedkiisii koobaad waxay ahayd mid ka mid ah natiijooyinka ugu xusuusta badnaa taariikhda dhow ee Chelsea waxayna ahayd daqiiqaddii ay kooxdii Antonio Conte ku xaqiiqsatay horyaalka.

Waqtigaas waxaa jirtay in inkasta oo ay Chelsea u badnayd qaadista horyaalka haddana wajahday kooxda Guardiola oo aan dhammaystirnayn, taas oo aan dib u samayn doonin khaladaadkii oo kale.

Dareenkaas wuxuu noqday mid sax ah. City wixii ka dambeeyay waxay ku guuleysatay lix koob oo horyaal ah, halka Chelsea ayna marnaba u tartamin si dhab ah.

Saameynta baaxadda leh ee aan lala barbardhigi karin ee uu Guardiola ku yeeshay kubadda cagta guud ahaan waa mid si weyn loo diwaangeliyay, laakiin waxa ka yar cad waa saameyntiisa tooska ah ee ku aaddan dhacdooyinka ka dhaca kooxaha ku hareeraysan.

Sannadihii u dambeeyay, qaar ka mid ah tababarayaasha Chelsea waxaa loo ceyriyay inay ku fashilmeen inay la tartamaan isaga, halka kuwo kalena ay ku baxeen inay ku fashilmeen inay ku deydadaan qaabkiisa.

Warbixinnada ku saabsan tababaraha imaanaya ee Xabi Alonso ee toddobaadkan waxay sheegayaan in qodobka ugu weyn ee go'aanka lagu magacaabay uu ahaa in kubaddiisu ay xiriir toos ah la leedahay qaabkii uu u ciyaari jiray Enzo Maresca, oo isagu qaabeeyay kooxdan hadda jirta.

Maresca waa mid ka mid ah xertii Guardiola, horayna u ahaa caawiyihiisa.

Tani waa xusuusin ah in "aqoonsiga" ay maamulayaasha isboortiga ee Chelsea isku dayayaan inay dejiyaan uu yahay xiriir toos ah oo dib ugu laabanaya Guardiola iyo saameyntiisa baaxadda leh ee uu ku yeeshay kubadda cagta Ingiriiska.