Maxaad ka ogtahay Siyaasiinta Muslimiinta ah ee Ilhaan Cumar ku jirto ee Mareykanka ka abuuray hadal haynta?

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Sanadihii u dambeeyay, siyaasiyiin Muslimiin ah ayaa bilaabay inay xilal sare ka qabtaan siyaasadda Maraykanka, arrintaas oo dood xooggan ka dhex dhalisay taageerayaashooda iyo dadka ka soo horjeeda.

Waxaa ka mid ah xildhibaan Ilhaan Cumar, duqa magaalada New York Zohran Mamdani iyo Cabdul El-Sayed, oo dhawaan ku guuleystay kursi Aqalka Senate-ka.

Kororka siyaasiyiinta Muslimiinta ah ayaa muujinaya sida ay Muslimiinta Maraykanku uga dhex muuqanayaan siyaasadda dalka, inkastoo ay jiraan caqabado ay la kulmaan.

Haddaba, maxaa arrintan ka dhigaya mid muran badan dhalisa?

Shakigii ka dhashay weerarradii 11-kii Sebtembar iyo aqbalaadda

Kaddib weerarradii 11-kii Sebtembar 2001, Muslimiinta Maraykanka ayaa meelo badan kala kulmay takoor iyo shaki, iyadoo lagu tuhmayay inay xiriir la leeyihiin weerarradii.

Waqtigaas, caqabadda ugu weyn ee ay la kulmayeen waxay ahayd sidii ay u xaqiijin lahaayeen in diintooda Islaamku aysan caqabad ku noqon xuquuqdooda muwaadinimo ee buuxda.

Si kastaba ha ahaatee, soo ifbaxa hoggaamiyeyaal Muslimiin ah oo siyaasadda ku cusub ayaa muujinaya in bulshada Muslimiinta Maraykanku ay maanta helayso aqbalaad ka badan tii hore. Hoggaamiyeyaashan ayaa xoogga saaraya arrimaha saameeya nolosha bulshada, sida dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Siyaasadda Maraykanku ma isbeddelaysaa?

Khubarada arrimahaan falanqeeya ayaa aaminsan in kororka siyaasiyiinta Muslimiinta ah iyo saamayntoodu ay muujinayso sida siyaasadda Maraykanku u sii noqonayso mid ka tarjumaysa bulshooyinka kala duwan ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, guulahooda ayaa weli waxaa ku dheehan dood, gaar ahaan dadka ka soo horjeeda oo aaminsan in qaar ka mid ah siyaasaddooda ama aragtiyahoodu aysan la jaanqaadayn jihada siyaasadeed ee Maraykanka.

Hase yeeshee, soo ifbaxa siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ilhaan Cumar, Zohran Mamdani iyo Maxamed Cabdul El-Sayed ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Muslimiinta Maraykanku ku leeyihiin xarumaha awoodda, taas oo si tartiib ah u beddelaysa muuqaalka siyaasadda dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar

Waxaa jiray muranno dhowr ah oo dhexmaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo xildhibaanadda Ilhaan Cumar kuwaas oo la xiriiray arrimaha socdaalka, Islaamka, midabka, argagixisada iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Ilhaan Cumar oo gobolka Minnesota ku metesha Aqalka Wakiillada Maraykanka, waa Soomaali Maraykan , waxayna ka mid tahay dadka sida weyn u dhaliila Trump.

Sannadkii 2019-kii, Trump ayaa bartiisa X, ku qoray hadallo meel ka dhac ah oo u jeediyay Ilhaan iyo saddex xildhibaan oo kale oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, kuwaas oo dhammaantood ahaa haween madow ah ama asal ahaan ka soo jeeda dalal kale.

Wuxuu sheegay in haddii aysan ku qanacsanayn Maraykanka ay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, si ay marka hore u xalliyaan dhibaatooyinkooda ka hor inta aysan dhaliilin Maraykanka.

Hadalladaas ayaa dhaliyay cambaareyn, iyadoo dad kala duwan ay ku eedeeyeen Trump cunsuriyad iyo hadallo naceyb hurinaya.

Ilhaan Cumar ayaa dhankeeda Trump ku eedeysay inuu taageero fikirka sarreynta dadka caddaanka ah, isla markaana uu kala qaybinayo shacabka Maraykanka.

Intii uu Trump khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax olole oo ka dhacay Greenville, gobolka North Carolina, taageerayaashiisa ayaa ku dhawaaqay halkudhigga ah "Dib u celiya!" iyagoo ula jeeday Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa sidoo kale wajahday dhaleeceyn kaddib khudbad ay kaga hadashay weerarradii 11-kii Sebtembar 2001, taas oo ay ku tilmaantay in "dad qaar ah ay wax sameeyeen".

Waxay hadalkaas ku sheegtay iyadoo ka hadlaysay sida Muslimiinta Maraykanku ay weerarrada kaddib ula kulmeen dhaleeceyn, shaki iyo takoor sii kordhay.

Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada ayaa markii dambe u codeeyay in Ilhaan Cumar laga saaro guddiga saamaynta weyn ku leh ee arrimaha dibadda.

Jamhuuriyiintu waxay sheegeen in tallaabadaasi la xiriirtay hadallo ay hore uga jeedisay Israa'iil, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo naceyb Yuhuudda ah xambaarsan.

Ilhaan ayaa raalli-gelin ka bixisay qaar ka mid ah hadalladeedii hore, balse waxay sheegtay in tallaabada laga qaaday ay ahayd mid siyaasadeed, ee aysan ku salaysnayn hadalladeeda.

Waxay sidoo kale ku doodday in lagu takoorayo inay tahay haweeney Muslimad ah, iyadoo sheegtay in diinteeda iyo asalkeeda awgood si gaar ah loo bartilmaameedsanayo marka loo eego xildhibaannada kale.

Zohran Mamdani

Zohran Mamdani, oo tan iyo Janaayo 2026 ahaa duqa magaalada New York, ayaa wajahaya eedeymo la xiriira colaadda Israa'iil iyo Falastiin, eedeymo naceyb Yuhuudda ah, adeegsiga awoodda xad-dhaafka ah ee booliiska iyo aragtidiisa u janjeerta furfurnaata dimuqraadiga ah iyo siyaasaddiisa dhaqaale.

Mamdani ayaa taageera xuquuqda Falastiiniyiinta, wuxuuna dhaliilay siyaasadaha dowladda Israa'iil ee Qaza iyo Daanta Galbeed. Taasi waxay keentay in kooxaha taageera Israa'iil iyo siyaasiyiin qaarkood ay ku eedeeyaan inuu dhinac u janjeero.

Dadka dhaliila ayaa sheegay in hadalladiisa ku saabsan Israa'iil iyo taageeradiisa cadaadiska lagu saarayo ay abuureen walaac la xiriira naceybka bulshada Yuhuudda ah. Mamdani ayaa eedeymahaas beeniyay, isagoo sheegay in dhaleeceynta siyaasadda dowladda Israa'iil aysan la macno ahayn naceybka Yuhuudda.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la dhimo qaar ka mid ah miisaaniyadda booliiska magaalada New York, lana kordhiyo maalgelinta guryaha, waxbarashada iyo adeegyada bulshada. Dadka ka soo horjeeda waxay ka digayaan in tallaabadaasi wiiqi karto amniga, halka taageerayaashiisu ay aaminsan yihiin inay wax ka qaban karto sababaha asaasiga ah ee dambiyada.

Mamdani oo taageera hantiwadaagga dimuqraadiga ah ayaa doonaya in dowladda ay door weyn ku yeelato dhaqaalaha. Arrintaas ayaa keentay in Jamhuuriyiinta iyo qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta dhexdhexaadka ah ay ku eedeeyaan inuu taageerayo siyaasad ballaarinaysa awoodda dowladda.

Dhanka kale, ma aha oo kaliya taageerayaasha Israa'iil iyo Jamhuuriyiinta kuwa dhaliila Mamdani. Qaar ka mid ah taageerayaasha Falastiiniyiinta ayaa iyaguna ku eedeeyay inuusan mowqifyo adag ka qaadan arrimo gaar ah.

Arrimahan ayaa Mamdani ka dhigay mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu hadal-haynta badan New York, iyadoo mowqifyadiisu ay dood ka dhex abuureen dhinacyada siyaasadda ee kala duwan.

Maxamed Cabdiraxmaan El-Sayad

Cabdul El-Sayed, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, dhakhtar iyo guddoomiyihii hore ee guddiga caafimaadka magaalada Detroit, ayaa sannadkii 2026 noqday mid ka mid ah siyaasiyiinta Muslimiinta ah ee ugu hadal-haynta badan Maraykanka.

Waxa uu wajahay eedeymo uga yimid Jamhuuriyiinta oo ku saabsan xiriir uu la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar, balse wuu beeniyay, isagoo sheegay in aanay jirin wax caddeyn ah oo muujinaya inuu ururka xubin ka ahaa.

Waxaa sidoo kale lagu dhaliilay inuu taageero ka helay falanqeeye siyaasadeed Xasan Piker, oo hore hadallo muran dhaliyay uga sheegay weerarradii 11-kii Sebtembar. El-Sayed wuxuu sheegay in aragtiyaha Piker aanay ka tarjumayn ololihiisa.

Bishii Maarso 2026, hadal uu ka jeediyay weerar lagu qaaday sunagogga Temple Israel oo ku yaalla duleedka Detroit ayaa dhaliyay muran. El-Sayed ayaa markii dambe raalli-gelin ka bixiyay hadalkiisa, isagoo sheegay inuu ku hadlay xilli aan munaasib ahayn.

Intii uu ku jiray tartanka hordhaca ah ee kursiga Aqalka Senate-ka ee gobolka Michigan, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu hadallo liidid ah ka sheegay haweenka, eeddaas oo uu isagu diiday.

Aragtidiisa ku saabsan dagaalka Qaza ayaa iyaduna muran dhalisay. Wuxuu dagaalka ku tilmaamay xasuuq, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo taageerada militari ee Maraykanku siiyo Israa'iil.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna weeraray intii uu ololaha ku jiray, isagoo ku tilmaamay xagjir Jihaadi ah, isla markaana su'aal geliyay ku habboonaantiisa xilka sababo la xiriira diintiisa Islaamka.

El-Sayed wuxuu sheegay in diintiisa laga dhigayo arrin siyaasadeed, halkii laga doodi lahaa qorshayaashiisa dhaqaale iyo arrimaha bulshada.

Doodaha ku xeeran El-Sayed waxay iftiiminayaan arrimaha Islaam naceybka, colaadda Israa'iil iyo Falastiin iyo matalaadda Muslimiinta ee siyaasadda Maraykanka.

Sababaha kordhiyay aqbalaadda siyaasiyiinta Muslimiinta ah ee Maraykanka.

Professor Tukur Cabdulqaadir oo ka tirsan Jaamacadda Kaduna ee dalka Nigeria ayaa sheegay in dhowr arrimood ay sabab u yihiin aqbalaadda sii kordhaysa ee siyaasiyiinta Muslimiinta ah ee Maraykanka.

Wuxuu sheegay in baraha bulshada ay dadka u suurtageliyeen inay helaan xog ka duwan tan ay hore uga heli jireen warbaahinta, taasoo uu ku eedeeyay inay faafin jirtay dacaayado ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta.

Wuxuu sidoo kale xusay in Islaamku sii caan baxayo gudaha Maraykanka, halka taageerada Washington ee Israa'iil iyo siyaasadaha Trump ay dad badan ku abuurtay niyad-jab.