Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar lagu qaaday Tagsiile Soomaali-Mareykan ah gobolka Minnesota

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Nin looga shakisan yahay weerar lagu qaaday darawal Soomaali-Mareykan ah oo ka shaqeeya shirkadda Uber, laguna magacaabo Maxamed Yuusuf, ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin isku day dil darajada labaad ah iyo afduub baabuur.

Xafiiska xeer-ilaaliyaha ayaa Talaadadii weerarka ku tilmaamay mid aad u naxariis daran.

Maxamed Yuusuf ayaa Sabtidii weerar kala kulmay qof rakaab ah oo gaarigiisa saarnaa, magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xeer-ilaaliyeyaashu.

Qoyskiisa ayaa sheegay inuu ilaa imika uu kooma ku jiro.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Degmada Hennepin, Mary Moriarty, ayaa sheegay in Samit Apurva Patel oo 25 jir ah lagu soo oogay hal dacwad oo ah isku day dil darajada labaad ah iyo hal dacwad oo ah afduub baabuur darajada koowaad ah, kuwaasoo la xiriira weerarkii dhacay 14-kii Nofeembar.

Patel ayaa gacanta lagu dhigay maalimntii Sabtidii ka dib markii uu ka baxsaday goobtii uu weerarka ka dhacay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters qoyska Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in weerarka uu salka ku hayay nacayb.

U-doodayaasha xuquuqda madaniga ah ayaa iyaguna walaac ka muujiyay hadallada siyaasadeed ee sii kordhaya ee ka dhanka ah Soomaalida iyo Muslimiinta Mareykanka, waxayna dalbadeen in weerarka baaritaankiisa lagu saleeyo dembi naceyb ku salaysan.

Booliiska ayaa Isniintii sheegay in baarayaashu ay eegayaan in naceyb ama eex ay door ku lahayd weerarka.

Hase yeeshee, xafiiska xeer-ilaaliyaha Mary Moriarty ayaa sheegay inaysan jirin caddeymo ku filan oo lagu qancin karo xeerbeegti, shaki macquul ahna ka baxsan, in falka Samit Patel uu ku salaysnaa naceyb gaar ah.

Dacwadda ay xeer-ilaaliyeyaashu gudbiyeen ayaa lagu sheegay in tuhmanuhu uu Maxamed Yuusuf weydiiyay magaciisa, kaddibna uu sheegay inuusan jeclayn magacaas.

Arrintan waxaa xeer-ilaaliyeyaasha u sheegay walaalka Yuusuf, kaasoo taleefanka kula hadlayay xilliga weerarku dhacayay.

Dacwadda ay xeer-ilaaliyeyaashu gudbiyeen ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu walaalkii u sheegay in tuhmanuhu u muuqday qof khamri cabsan.

Dukumentiga dacwadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Yuusuf uu ka jabay feeraha iyo lug, dhaawacyo-na ay ka gaareen laf-dhabarta, sambabadiisuna ay burbureen, isla markaana uu dhiig-bax xooggan oo gudaha ah ka soo gaaray dhowr xubnood oo jirkiisa ka mid ah, kuwaas oo qaarkood ay dhakhaatiirtu qasab ku noqotay inay ka saaraan.

Mary Moriarty ayaa weerarka ku tilmaantay mid aad u naxariis daran, iyadoo sheegtay in Yuusuf lagu ceejiyay suunka gaariga.

Waxay wariyeyaasha u sheegtay in Yuusuf sida muuqata gaariga laga soo jiiday, uuna taagnaa markii Patel uu gaariga dul mariyay, isla markaana ay suuragal tahay inuu dib ugu soo laabtay oo mar kale dul mariyay.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale ka hadashay hadallada siyaasadeed ee sii kordhaya ee ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka.

Waxay sheegtay in xaaladda ay ku nool yihiin Soomaalida gobolka ay tahay mid cabsi weyn leh, isla markaana ay uga sii dartay hadallada Madaxweynaha Mareykanka, mas'uuliyiin badan oo ku xeeran iyo dad kale oo gobolka ku nool, kuwaas oo ay ku eedeysay inay si ula kac ah bulsho dhan u sumcad dilayaan.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay hadallada ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka ee Madaxweyne Donald Trump iyo xulafadiisa, waxayna cambaareeyeen tallaabooyinka adag ee maamulka Trump uu ka qaaday dadka soo-galootiga ah ee ku nool gobolka Minnesota.

U-doodayaasha xuquuqda aadanaha ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta uu sii kordhayay in ka badan labaatankii sano ee la soo dhaafay, kaddib weerarradii 11-kii Sebtembar 2001.

Waxay sheegeen in arrintan ay sidoo kale sii xoojiyeen siyaasadaha adag ee ka dhanka ah soo-galootiga, kororka dhaqdhaqaaqyada sarreynta caddaanka iyo saameynta dagaalka Israa'iil ee Qaza.