Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Waa maxay luuqadda Jaceylka, maxayse idinkaga dhigan tahay?
Luuqaddeyda jaceylka waa "ereyada mahadnaqa iyo qaddarinta", ninkayguna sidaas oo kale ayuu leeyahay. Sidaa darteed, waxaan u qaadannay in tani tahay luqadda jacaylka ee aan wadaagno.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo labadeenuba aan jecelnahay in nala ammaano, haddana labadeenuba wax yar ayaan ka xishoonnaa marka nala ammaanayo.
Natiijadeennu waxay noqotay mid cad markii aan samaynay tijaabadii ugu horeysay ee internetka lagu sameeyo, taas oo loo yaqaan Luuqadda Jaceylka. Waa tijaabo shakhsiyadeed oo uu daabacay wadaad Maraykan ah oo lagu magacaabo Gary Chapman, kaas oo markii ugu horreysay sannadkii 1992-dii soo bandhigay fikradda ah in jacaylka lagu muujin karo, laguna heli karo shan hab oo kala duwan.
Waan ka shakisanaa. Aragtidan ma waxay bannaanka keeneysaa wax badan oo nagu saabsan marka loo eego wixii aan soo marnay tobankii sano ee aan isqabnay?
Luuqaddan jaceylka waxaa ka kooban tahay shan jumladood oo jaceyl ah, waxayna kala yihiin, in waqti tayo leh oo gaar ah la wada qaato, in adeegyo iyo caawimo loo sameeyo qofka kale, in la muujiyo qaddarin iyo mahadnaq, in hadiyado la helo, in la muujiyo kalgacal taabasho jireed ah.
Dadka ka qaybqaatay barnaamijyada shukaansiga ah ayaa isweydiiya luqadda jacaylkooda, halka weedha ah "Luqadda jacaylkaygu waa..." ay noqotay weedh caadi ah oo dadka isticmaala barnaamijyada shukaansiga laga codsado in ay dhammaystiraan.
Sida ku cad bogga internetka ee Luuqadda Jaceylka, aniga iyo ninkaygu waxaan ka mid nahay in ka badan 150 milyan oo qof oo sameeyay tijaabadan gaarka ah.
"Dadku weli way xiiseeyaan fikraddan"
Si ka duwan aragtiyaha kale ee ka hadla xiriirrada, sida aragtida ku saabsan habka qofku ugu xirmo dadka kale, fikradda luqadaha jacaylku kuma salaysna mabaadi'da cilmiyeed.
Chapman wuxuu sheegay in fikraddani maskaxdiisa ku dhalatay kaddib markii uu u kuurgalay lammaanayaal kala duwan intii uu ku jiray kulamadii la-talinta ee uu ka qaban jiray kaniisaddiisa.
Dr. Sarah Emerson, oo ku takhasustay cilmi-nafsiga ayaa BBC-da u sheegtay in weli si joogto ah loogaga hadlo fikradda luqadaha jacaylka kulammada la-talinta ee ay qabato.
Dadka qaarkiis, ka hadalka Luqadaha Jacaylku wuxuu noqon karaa meel wanaagsan oo laga bilaabo fikirka ku saabsan sida ay baahidooda ugu sheegaan lammaanahooda.
Georgina Stormer, oo ah dhakhtar ku takhasustay cilmi-nafsiga, ayaa sheegtay in fikraddani dadka ay ka caawiso in ay ka fikiraan "waxyaabaha ay dhab ahaan ka jecel yihiin xiriirka, iyo waxyaabaha ay dadka kale jecel yihiin."
Sanadihii u dambeeyay, dhakhaatiir badan oo ku takhasusay daaweynta cilmi-nafsiga ayaa sidoo kale ka digay in tusaalooyinka uu Chapman bixiyo ay inta badan ku salaysan yihiin qoraallada diinta iyo qaababka xiriirrada aan sinnayn.
Buuggiisa Luqadaha Jacaylka, Chapman wuxuu kaga sheekaynayaa sida uu talo u siiyay haweeney lagu magacaabo Anne. Haweeneydaas ninkii ay is qabeen muddo 10 sano ayaa si cadowtinimo leh ula dhaqmi jiray.
Anne waxay Chapman u sheegtay in luqadda jacaylka ee ninkeeda ay tahay taabashada jireed, gaar ahaan galmada.
Anne waxay u sheegtay Chapman in ay taasi ku adag tahay balse wuxuu kula taliyay in ay Alle rumeyso si ay nafteeda ugu qasabto taas.
Tusaalahani wuxuu sidoo kale muujinayaa dhibaato kale oo ah suurtagalnimada in luqadaha jacaylka loo adeegsado in lammaanaha lagu cadaadiyo in ay jacaylka u muujiyaan ama u qaataan siyaabo aysan ku qanacsanayn.
"Khatar ayey noqoneysaa marka qof yiraahdo, luqadda jacaylkaygu waa helitaanka hadiyado, sidaas darteed waa in aad mar walba hadiyado i siisaa" ayuu yiri Georgina Stormer.
Hadaba maxay lammaanayaashu sameyn karaan hadii ay doonayaan in ay isfahmaan iyo in ay naftooda fahmaan?
Marka hore dhageyso lammaanahaaga. Dr. Emerson waxay ku talisay, "Ha sugin oo kaliya inta ay kaaga imanayso fursadda aad ku hadli lahayd, balse isku day in aad dhageysato waxa uu qofka kale sheegayo si aad fahanto dareenkiisa." Sidoo kale waxay sheegtay Dr. Emerson, "Haddii aad hadalkaaga dib u habayso oo aad ku bilowdo in aad sheegto dareenkaaga, waxay kaa caawinaysaa in aad sharaxdo waxa dhacaya adigoon qofka kale dareensiin in uu yahay qof la dhaliilayo."
Xusuusnow in khilaafku yahay wax caadi ah ayey tiri Dr. Emerson, "Xiriirrada caafimaadka qaba badanaa waxaa ka dhaca muran iyo kala aragti duwanaansho. Caqabaddu ma ahan in la iska ilaaliyo khilaafka, balse waa in la helo habab lagu xalliyo laguna hagaajiyo, taas oo xiriirka sii xoojin karta."
Ugu dambeyn waxay sheegtay Dr. Emerson in loo baahan yahay in la doorto waqtiga ku habboon ee looga hadlo arrimaha adag, "yey noqon habeen dambe, sidoo kalena yaanay noqon isla marka uu lammaanahaagu guriga yimaado."