Waa sidee xaaladda kadib dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay Colombia?

Qoraalka Muuqaalka, Daawo muqaalka markii uu dhacayey dhul-gariirka
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ugu yaraan 132 qof ayaa ku dhintay, waxaana lagu dhawaaqay degdeg ah, kaddib markii Colombia uu ku dhuftay mid ka mid ah dhulgariirradii ugu xoogga badnaa ee dalka ka dhacay sannadihii u dambeeyay.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay kororto, iyadoo laga cabsi qabo in dad kale ay ku hoos jiraan dhismayaal dumay.

Dhulgariirka oo cabbirkiisu gaarayey 7.4 ayaa dhacay, kaas oo dhacay abaare 07:34 subaxnimo waqtiga dalkaasi, wuxuuna ka dhacay god qoto-dheeri dhan 103 kiiloomitir, sida ay sheegtay hay'adda cilmiga dhulka ee Colombia. Dhulgariirka ayaa laga dareemay dhul aad u ballaaran oo boqolaal mayl ah, gaar ahaan galbeedka Colombia.

Dhimashada ugu badan ayaa laga soo sheegay magaalada Pereira oo ku taalla gobolka Colombia ee caanka ku ah beeraha qaxwada. Magaalooyinka ku dhow iyo gobolka Valle del Cauca ayaa sidoo kale saameyn weyn gaartay

Tuulada San José del Palmar ee gobolka Chocó ayaa ahayd goobta saxda ah ee uu ka dhacay. hase yeeshee, duqa deegaanka León Fabio Marín Moncada ayaa sheegay in aan wax dhimasho ama dhaawac ah looga soo sheegin halkaas.

Inkastoo waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa deegaanka ay waxyeelloobeen oo ay qaarkood burbureyn.

Magaalada Pereira oo qiyaastii 55 kiiloomitir u jirta xuddunta dhulgariirka ayaa ka mid ahayd meelaha uu burburku ugu daran yahay.

Muuqaallo ay BBC xaqiijisay ayaa muujinaya ugu yaraan hal dhisme oo ku dumay Plaza Bolívar, oo ah fagaaraha weyn ee magaalada.

Mas'uuliyiinta maxalliga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen agagaarka magaalada Pereira, iyadoo 65 dhisme ay dumeen. Waxaa la rumeysan yahay in 15 ka mid ah dhismayaashaasi ay dad ku hoos jiraan.

Qaybo ka mid ah magaalada waxaa laga dhaqan geliyay bandow soconaya ilaa 05:00 subaxnimo ee Talaadada, waqtiga maxalliga ah.

Magaalada Cali oo qiyaastii 160 kiiloomitir koonfur ka xigta Pereira, isla markaana 200 kiiloomitir u jirta barta dhulgariirka, waxaa ku dumay 32 dhisme.

Waxaa sidoo kale dhimasho laga soo sheegay magaalooyinka Manizales, Quibdó iyo Medellín, iyo guud ahaan gobollada Chocó iyo Valle del Cauca.

Dhismayaal burbburay magaalada Manizales

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dhismayaal burbburay magaalada Manizales
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay magaalada Manizales.

Angélica Ávila oo la hadashay BBC World Service ayaa sheegtay inay hoteel ku sugneyd markii ay musiisabadu dhacaysay, iyada oo sheegtay in markii dhulgariirku dhacay ay dildilaacyo ka soo muuqdeen darbiyada.

"Qof walba wuu qaylinayay... Waxaan arkayay boor ka soo baxaya dhismayaasha deriska ah", ayay tiri.

Suxufi iyo khabiir saadaasha hawada ah Luis Felipe Molina, oo ka soo jeeda Manizales, ayaa sheegay in dhulgariirro hore oo magaalada ka dhacay awgood, Manizales ay leedahay "xeerarro aad u adag oo ku saabsan dhismayaasha u adkaysta dhulgariirrada", sidaas darteed dhismihiisu uu awood u yeeshay inuu u adkaysto saameynta dhulgariirka.

"Waxaan haystaa 450 buug, waxaana khaanadaha ku haray oo keliya dhowr ka mid ah. Waxaad maqli kartay muraayadaha oo burburaya iyo dadka oo qaylinaya," ayuu BBC Mundo u sheegay.

Hay'adda duulista rayidka ee Colombia ayaa sheegtay in waxyeello soo gaartay garoomo diyaaradeed oo dhowr ah oo ku yaalla gobollada dalka, kuwaas oo ay ku jiraan garoomada Pereira, Manizales, Quibdó, Armenia, Cartago iyo Buenaventura.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay dildilaacyo ka muuqday dhismayaal, balse ilaa hadda lama soo sheegin waxyeello culus oo gaartay kaabayaasha magaalada.

Gariirka dhulgariirka ayaa laga dareemay ilaa dalalka deriska la ah ee Venezuela, Ecuador iyo Panama.

Dhulgariirkan ayaa dhacay wax ka yar laba bilood kaddib markii laba dhulgariir oo is xigay ay burburiyeen waqooyiga Venezuela, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 6,300 oo qof.

Tobonnaan dhismayaa ku dumay magaalada Cali

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Tobonnaan dhismayaa ku dumay magaalada Cali
Khariirad

Madaxweynaha Colombia, Abelardo de la Espriella, ayaa ku dhawaaqay in dalka uu wajahayo xaalad musiibo qaran, taas oo dowladda siinaysa awoodo gaar ah oo ay uga jawaabto xaaladda degdegga ah, iyadoo dib loo habeenayo miisaaniyadda dowlada.

Madaxweynaha cusub oo xilka la wareegay Jimcihii oo keliya ayaa isla markiiba wajahaya dhacdo saamayn weyn ku yeelan karta muddada uu xilka hayo.

Marka laga soo tago dadka dhintay, wuxuu xaqiijiyay in in ka badan 1,500 guri ay waxyeello soo gaartay.

Iyadoo baaxadda burburka ay sii kordheyso marba marka dambeysa, hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa bilaabay inay muujiyaan taageero.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Washington ay "si dhow ula socoto" dhulgariirka, isla markaana ay "diyaar u tahay inay taageerto" Colombia.

Dhanka kale, madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in dayax-gacmeedka Copernicus ee Midowga Yurub loo adeegsanayo hawlaha samatabbixinta.

Madaxweynaha El Salvador, Nayib Bukele, ayaa farriin garab istaag ah u diray shacabka Colombia, isagoo sidoo kale u fidiyay shaqaale iyo qalab loogu talagalay hawlaha samatabbixinta.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Sahanka Juqraafiyeed ee Maraykanka (USGS), waxaa lagu qiyaasay in ku dhowaad 1.5 milyan oo qof ay dareemeen gariir ku dhow cabbirka 7.

Hay'addu waxay sheegtay in dhulgariirrada ka dhaca meelaha qoto dheer, sida kii Isniintii dhacay, ay caadi ahaan ka khatar yar yihiin dhulgariirrada ka dhaca meel u dhow oogada dhulka.

Hase yeeshee, dhulgariirrada noocan ah waxay sii dayn karaan tamar waxyeello u geysata dhismayaasha, iyadoo laga yaabo in gariirrada daba socda ay yaraadaan tiradooda, balse ay noqdaan kuwo xooggan.