Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo diiday in galo dalka Maraykanka

Omar Artan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cumar Cartan
    • Author, Mike Peter
    • Role, BBC Sport journalist
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Garsoore Cumar Cartan oo Soomaali ah oo lagu waday in uu noqdo garsoorihii ugu horeeyay ee ka socda dalkiisa ee dhex dhexaadiya fianaalka Koobka Adduunka ayaa loo diiday inuu galo dalka Mareykanka.

Cartan oo ah garsooraha sanadka 2025 ee xiriirka kubadda cagta Afrika ayaa laga mamnuucay inuu dalka soo galo isaga oo ka dagay garoonka diyaaradaha Miami International Airport, waxaana uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga.

Ma jirto sabab oo ku saabsan dib u celinta Cartan oo ay sheegtay laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska wadamo laga mamnuucay socdaalka Maraykanka kaa oo uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.

Cartan ayaa ka mid ah 52 garsoore oo ay Fifa ku dhawaaqday inay dhexdhexaadin doonaan fianaalka koobka adduunka ee Canada, Mexico iyo Maraykanka, kaasoo socon doona inta u dhaxaysa 12 June ilaa 19 July.

Cartan oo ka mid ahaa saraakiishii Horyaalka Soomaaliya ee Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sanadkii 2018 soo noqday Garsoore Fifa, waxaana uu soo dhex dhexaadiyay Koobka Qaramada Afrika.