Koox xul ah oo garaacday shaqsiyaad laacibiin ah - Isbayn iyo Faransiiska

Xigashada Sawirka, AP
- Author, Cabdishukri Heybe
- Role, Weriye BBC
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Isbaaniya waxay soo bandhigtay ciyaar heer sare ah oo si buuxda ay u maamushay, taasoo u suurtagelisay inay u gudubto kama gunaanadka Koobka Adduunka markii labaad taariikhdooda. Sida dhibka yar ee jawareerka inta loogu riday loogana badiyay Faransiiskii soo bandhigaayay caaro dheerida iyo carcarta ayaana dunida ku noqotay af kala qaad.
Dhammaadka daqiiqadii 21aad ee ciyaarta waxaa Gool ku laad helay xulka Spain kadib khalad u galay difaaca xulka Faransiiska, 29 sano jirka reer Spain Mikel Oyarthabal oo weerarka ciyaara ayaana goolka dhaliyay.
Faransiisku qaybta koobaad waxayba u muuqdeen kuwo daalan oo maba aysan samayn isku dayadii looga bartay ciyaartana waxaa ku dhamaatay qaybtii hore hal gool iyo eber, daqiiadii 58 aad ee ciyaarta waxaa gool labaad dhalisay Spain, Pedro Porro oo laad xoogan ku darbeeyay goolka Faransiiska.

Xigashada Sawirka, Reuters
Arrimaha kale ee ciyaartan cajiibka ku ahayd waxaa kamid ah.
In Spain kaliya kulankaan uma ahayn mid ayka badiyeen Faransiiska ee waxay gaadheen diiwaankii kaliya u yaalay xulka aan waayahan la maqal ee Talyaaniga oo haystay tirada kulamada caalamiga ah ee ugu dheer oo aan laga badin taas oo ahayd in aan dhinacooda dhulka la dhigin 37 kulan oo is dabayaal waa diiwaan haddeer Spain ay haystaan.
Dhanka kale Lamine Yamal waligiis lagama adkaan kulan uu u saftay xulka Isbaaniya. Sidoo kale, wuxuu safka hore kaga soo bilowday 12 kulan oo isugu jira Koobka Adduunka iyo Koobka Qaramada Yurub (Euro), dhammaantoodna Isbaaniya way guuleysatay. Taasina waxay ka dhigeysaa ciyaaryahanka Yurub ee leh boqolkiiba 100 guulo marka uu kulamadaas ku soo bilowdo—waana rikoodhka ugu wanaagsan labada tartan.
Isbaaniya waxay noqotay xulkii ugu horreeyay taariikhda Koobka Adduunka ee hal tartan gudahiis ilaashaday shabaqa goolkiisa oo aan waxba laga dhalin.
Halbeegga xG ee qeexa (goolasha la filayay) ee Faransiisku sameeyay kulankan waxay ahayd 0.3, taasoo ah tiradii ugu hooseysay ee abid ay xul qaran sameeyaan kulan nus-dhammaad (semi-final) ah oo Koobka Adduunka tan iyo markii Brazil ay sidaas oo kale ku dhacay ciyaar Sweden la lahayd sanadkii 1994.
Waxayba wajihi doonaan kolba midka kasoo baxa ciyaarta caawa dhex mari doonta Ingiriiska iyo Argentina.
Tabaraha xulka qaranka Faransiiska Didier Deshamp ayaana sidaas ku helay macasalaamayn aan cidi rabin, jidiinka mari karin hase yeeshee mur iyo deebaaq ah.
Cayaarta kama dambaysta ah ayaa ka dhici doonta New york Axadda ay Luulyo tahay 19, waxayna dhex mari doontaa Isbayn iyo kii soo badiya Arjantiin iyo Iglan.












