Hooyo cadow ah: 'waxay igu qasabtay inaan bukaan noqdo sanado badan'

Nina Blom waxay ku dhalatay Nederland sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, waxayna u muuqatay ilmo caadi ah. Waxay jeclayd muusikada, heesaha iyo qoob-ka-ciyaarka, waxayna leedahay xusuus wanaagsan oo ah in ay kula ciyaari jirtay walaasheed guriga.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiyadaas farxadda leh way yaraayeen oo way kala fogaayeen.
Waxaa loo oggolaaday inay guriga ka baxdo dhowr jeer oo keliya, markii ay siddeed jir aheed, hooyadeed waxay ku qancisay inay aad u xanuunsanayso. Hooyadeed waxay si joogto ah u geyn jirtay isbitaalka si loogu sameeyo baaritaanno iyo daaweyn.
Nina waxaa la dhigay in ka badan 15 jeer lix isbitaal oo kala duwan muddo dhowr sano ah. Kadib, waxaa lagu qasbay inay ku socoto kursiga curyaamiinta waxaana loo sheegay inay qabto cudur muruqaha ah oo aan la daweyn karin oo ay ku dhowdahay inay geeriyooto.
Sannado badan, xirfadlayaal caafimaad oo badan ayaa baaray, laakiin midkoodna ma uusan sharxin dhibaatadeeda. Ugu dambeyntii, dhakhtar taxaddar leh ayaa isku duba riday sheekada Nina wuxuuna ogaaday isha dhabta ah iyo tan cabsida leh ee "xanuunka gabadha": hooyadeed.
Been-abuurka Xaaladda Carruurta (PCF), oo sidoo kale loo yaqaan Cudurka Fabricated or Induced (FII) ama Munchausen Syndrome by Proxy, waa nooc ka mid ah xadgudubka carruurta ka dhanka ah kaas oo daryeelaha, badanaa waalid, si ula kac ah u buunbuuniyo, u been abuurto, ama u sheego calaamado cudur ilmaha ah oo aan jirin. Sababaha ay daryeelayaasha qaar u sameeyaan tan weli ma cadda.
Markii koobaad ee isbitaal la geeyo

Xigashada Sawirka, Courtesy of Nina Blom
Markay Nina siddeed jir ahayd, waxay muuqatay inay la ildaran tahay calool xanuun joogto ah iyo miisaan lumis.
Markii isbitaalka la dhigay, waxaa la siiyay maraq tufaax laga sameeyay, si la yaab leh ayay u bilowday inay soo roonaato.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhakhtarkii waxa uu yiri, 'Nina way fiican tahay gurigana way aadi kartaa'."
Laakiin Nina hooyadeed waxay ku adkaysatay inay ku noqdaan cusbitaalka waxayna ka codsatay gabadha inay u sheegto dhakhaatiirta in caloosheeda ay wali xanuunsan tahay, inkasta oo aanay run ahayn taasi.
Xaaladdani ayay sii waday inay soo celceliso marar badan sannadihii xigay hooyada dhashay gabadha.
Maalin maalmaha ka mid ah, xilli ay qoyskeedu dalxiis ku jireen, Nina waxay ka cabatay inay dareentay xanuun dabaasha ka dib. Hooyadeed waxa ay isla markiiba go'aansatay in waxa hayaa ay muruqo xanuun yihiin oo ay u baahan tahay in mar kale cusbitaalka loo qaado.
Nina markii ay diiday, hooyadeed ayaa ku tiri, "Ha iga dhigin mid doqon ah, waad xanuunaysaa, waana waxa aad u sheegi doonto dhakhtarka."
Nina, xaaladdu waxay ahayd mid aad u jahawareersan.
"Waxaan dareemay xumaan sababtoo ah waxaan qol la jiifay caruur qaba kansar, kuwaas oo runtii xanuunsanaya, waxaan naftayda u sheegayay, inaan wax dhib ah qabin."
Wiil sariirta dhinaceeda ah jiifay ayaa dhintay iyadoo weli isbitaalka ku jirta, taasoo sii kordhisay dareenkeeda.
'naxariis ma la hayn
Nina waxay martay baaritaanno badan, oo ay ku jiraan qalliinno xanuun badan sida qaadashada muunad dhuuxa lafta loogu talo galay. Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirtu wax dhibaato ah ma aysan ku arag gabadha.
Hooyadeed had iyo jeer way garab taagnaayeen, mar kasta oo ay aragto Nina oo dhoola cadeynaysa, way xanaaqi jirtay oo way jirtay.
Afar toddobaad ka dib markii ay isbitaalka ku jirtay, dhakhaatiirtu ugu dambeyntii waxay go'aansadeen inay Nina guriga tagto. Isla markii ay guriga yimaadeen, hooyadeed waxay ku riday kursiga curyaamiinta, waxay ka saartay iskuulkii, waxayna ku qasabtay inay sariir ku seexato qolka fadhiga ee gurigooda.
Looma oggolaan inay aragto asxaabteeda, hooyadeedna waxay ka joojisay muusiggii ay jeclayd inay dhegeysato. Raaxada kaliya ee ay haysatay waxay ahayd tolmada cirbada, laakiin gacmaheeda ayaa bilaabay inay daalaan oo xanuunaan.
Hooyadeed isla markiiba waxay ku adkaysatay inay jirto dhibaato halis ah waxayna gacmiheeda ku duubtay faashado aad u adag.
Faashadaha aad bay u adkaayeen kuwaa oo gacmaheeda iyo faraheeda ka dhigay kuwa aan dareen lahayn. Taasi waxay u muuqatay inay ka farxisay hooyadeed.
"Ma cabiri karo sida aan uga murugaysanahay inaan arko hooyaday oo u eg sidii inay ku raaxaysanayso xaaladda."

Xigashada Sawirka, Courtesy of Nina Blom
'waad dhimaneysaa
Sanado badan kadib sheekadii hooyadeed ayaa is beddeshay. Waxay u sheegtay Nina,
"Haddii aan ogaado inaadan xanuun qabin oo aad waxaas oo dhan aad u aliftay naftaada, waan ku ciqaabi doonaa."
Nina waxay noqotay mid aad u jahawareersan oo waxay tiri " way wareertay."
Maadaama ay waqti badan sariirta ku qaadatay gacmaheedana faashado ku duubnaayeen, waxay si tartiib tartiib ah u lumisay xooggii jireed. Ugu dambeyntii, dhakhaatiirtu waxay u direen xarun baxnaanin si loogu daweeyo jirkeeda.
Intii ay halkaa joogtay ayay haddana baratay socodkii oo ay xataa caashaqday wiil isagana bukaan ku ahaa xarunta.
Markii ugu horreysay sannado badan, waxay bilowday inay dareento farxad.
Laakiin mar kasta ay rugta caafimaadku u ogolaato inay guriga aado dhamaadka usbuuca, hooyadeed ayaa ku qasabi jirtay inay xirato faashado aad u xanuun badan oo gabi ahaanba u diiday inay sariirta ka degto.
Hooyadii waxay u sheegtay in wadno xanuun hayo, maalin ayay ku tiri waad dhimanaysaa.
"Taasi waxay ahayd markii ugu horreysay oo aan kalinimo dareemo," Nina ayaa tiri, "sida in aan ku dhacayo god madow oo aan dhammaad lahayn."
Waa la badbaadiyay

Xigashada Sawirka, Courtesy of Nina Blom
Dhaqtar lagu magacaabo Vrienten ayaa isku aadiyay dhammaan dhacooyinkii la xiriiray xanuunkeeda wuxuuna ogaaday waxa runtu tahay, ka dibna wuxuu la xiriiray hay'adaha ilaalinta carruurta.
Maalin maalmaha ka mid ah, haweeney ayaa soo gashay qolka Nina waxayna u sheegtay inay geynayso isbitaal kale. Nina ayaa bilwoday inay ku calaacasho,
"Maya, fadlan. I dhaaf aan iska dhintee."
Waxay aragtay in hooyadeed ay argagaxsan tahay. Laba sarkaal oo booliis ah ayaa ag taagnaa.
Wax yar ka dib, Nina waxaa la saaray sariir waxaana lagu qaaday ambalaas.
Faashadaha ayaa laga furay gacmiheeda iyo cagaheeda. kaamiro muuqaal ah ayaa qolkeeda la dhigay.
Laba maalmood, ma aysan arkin cid aan ahayn waalidkeed.
Markii ugu dambeyntii ay u yimaadeen, Nina waxay sii waday inay u sheegto:
"Ma xanuunsanayo."
Hadalkaas ayaa ku celcelisay 18 jeer guud ahaan.
Hooyadeed waxay illowday kaamirada duubeysay wayna xanaaqday, taasoo caddayn u ahayd waxa dhacayay sannadahaas oo dhan.












