Sida drones-ka Iiraan ay u beddeleen awoodda dagaalka caalamiga ah

k

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ndege isiyo na rubani aina ya Shahed 136 ni ndege ya Iran.
    • Author, Ahmed Rawaba
    • Role, BBC
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Isra'iil oo dhinac ah iyo dhanka kale Iiraan ayaa khabiir ka faalooda arrimaha milatariga oo la ydhaahdo Akram Khareef waxa uu daabacay buuggiisa Markhaatiga Dahsoon, kaas oo uu ku sharaxayo asalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Wuxuu sidoo kale iftiiminayaa istaraatiijiyadda ay Iiraan u adeegsatay inay kaga hortagto cunaqabataynta Mareykanka islamarkaana ay ku xoojiso awooddeeda milatari ee caalamka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa si joogto ah laga arkaa hawlgallada Hezbollah ee xadka Isra'iil. Sidoo kale waxaa adeegsada Xuutiyiinta dalka Yemen. Bishii Sebteembar 2022, dunida ayaa la yaabtay wararka sheegaya in Iiraan ay siisay Ruushka tiknoolajiyadda diyaaradaha drones-ka.

Sidee ayay waddan muddo 40 sano ah ku jiray cunaqabatayn ugu suurtagashay in uu gaadho dhammaan arrimahaas?

Cunaqabataynta ayaa ku qasabtay hoggaamiyeyaasha Iiraan laga soo bilaabo 1979-kii in ay dib u eegaan fursadaha jira iyo waddooyinka ay uga gudbi karaan caqabadahaas, isla markaana ay qaataan go'aanno sax ah. Waxay sidoo kale ku qasabtay in ay ku kalsoonaadaan injineerradooda gudaha.

Markii Shah Mohammad Reza Pahlavi uu ka tagay Iiraan bishii Janaayo 1979, wuxuu ka tagay ciidan ka mid ahaa kuwa ugu xoogga badan gobolka, dhinaca hubka. Ciidanka cirka ee Iiraan ayaa markaas haystay diyaarado nooca F-14 Tomcat, F-4 Phantom, iyo F-5 Tiger.

Waqtigaas, ciidanka Iiraan wuxuu galay kaalinta shanaad ee adduunka marka la eego qalabka milatari, isagoo ku xigay ciidamada Mareykanka, Midowgii Soofiyeeti, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Faransiiska. Ciidanka cirka ee Iiraan wuxuu xitaa ka horreeyay Jarmalka, Shiinaha, iyo Isra'iil, isagoo haystay diyaaradda F-14 Tomcat oo markaas ka mid ahayd diyaaradaha ugu horumarsan dunida.

Hal-abuurka cusub ee Iran

Jaamacadda Isfahan oo ay ardaydu ka shaqaynayaan mashruuca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Xigashada Sawirka, Dans l'ombre du Shahed

Qoraalka sawirka, Jaamacadda Isfahan oo ay ardaydu ka shaqaynayaan mashruuca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Bishii Sebtembar 1980, ciidamada Ciraaq ayaa weeraray dhulka Iiraan. Dagaal culus ayaa ka dhex qarxay labada dal, kaas oo socday muddo siddeed sano ah. Intii uu socday dagaalka, waxaa la adeegsaday xeelado dil iyo burbur ba'an leh, oo ay ku jireen hub kiimiko ah. Ku dhowaad hal milyan oo qof ayaa ku dhintay.

Ciidamada Ciraaq waxay gaadheen guulo marxaladihii hore ee dagaalka, taas oo ay ugu wacnayd awooddooda dhinaca cirka. Ciidanka Ciraaq waxay ka iibsadeen diyaarado sahamin ah Midowgii Soofiyeeti, waxayna ka qaadi jireen sawirro cirka ah, kuwaas oo ka caawinayay in ay arkaan meelaha uu cadowgu joogo iyo dhaqdhaqaaqyadooda.

Diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliyaha lahayn

Diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliyaha lahayn

Xigashada Sawirka, Dans l'ombre du Shahed

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilligii dayrta 1983, qiyaastii meel 40 km u jirta jiidda hore ee dagaalka ayaa diyaaraddu waxay markii ugu horreysay dul martay ciidammada Ciraaq. Waxay kusoo laabatay iyadoo sidata sawirro muujinaya goobaha millatari. Kaddibna amar rasmi ah oo lagu bilaabayo samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la bixiyay.

Barnaamijku wuxuu ka guuray aqoon-is-weydaarsi ay ardaydu ku lahaayeen Jaamacadda Isfahan, wuxuuna gaaray gacanta saraakiisha milatariga ee Ilaalada Kacaanka Iiraan. Si loo helo qalabka lagu dhisayo diyaaradahaas, waxaa qasab noqotay inay ka dhuuntaan cunaqabataynta oo ay galaan suuqyada caalamiga ah.

Ilaalada Kacaanku waxay dhiseen shabakad shirkado ah oo ku sugan Dubai, waxayna adeegsadeen dad jooga Singapore si ay uga iibsadaan qalab dalal kala duwan. Qalabkaas waxaa loo soo raray Isfahan, halkaas oo lagu soo ururiyay. Waxaa xusid mudan in qalab laga sameeyay Maraykanka laga helay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Shahed-136, kuwaas oo lagu soo riday Ukraine.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay door weyn ka qaateen sahanka, waxaana ciidammada Iiraan u adeegsadeen dagaallo muhiim ah oo ay la galeen ciidamamda Ciraaq wixii ka dambeeyay 1983-kii. Si kastaba ha ahaatee, injineerrada iyo askartu waxay bilaabeen in ay ka fikiraan samaynta drones-kaasi ay ku leeyihiin dagaalka.

Haddii diyaarad aan duuliye lahayn oo sawir qaadaysa la hubeeyo, waxay awood u yeelan kartaa in ay weerarto oo burburiso bartilmaameedyo. Tani waxay u baahnayd tiknoolajiyad cusub, waxaana halkaas ka dhashay diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan "Muhajir," oo ay sameeyeen Cutubka Raad.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mar kale, khabiiradda Iiraan waxay si dhow ula socdeen dhacdooyinkii ka socday Lubnaan. Xulafadooda Xisbullah ayaa ka caawiyay ururinta xog sax ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil. Waxay ogaadeen in drones-kaasi aysan ahayn kuwo aad u casri ah, islamarkaana khubaradooda ku sugan jaamacadaha Tehran iyo Isfahan ay awood u leeyihiin in ay ku daydaan.

Falanqeeyayaasha milatariga ayaa warbixinno badan ku sheegay in nidaamyadii hore ee drones-ka Iiraan ay leeyihiin astaamo badan oo la mid ah diyaaradaha Scout iyo Mastiff ee Israa'iil. Waxay tilmaamayaan in injineerrada Iiraan ay ka faa'iideysteen tiknoolajiyada Israa'iil.

Laga soo bilaabo 1970-meeyadii, khubarada hubku waxay aaminsan yihiin in gantaalka ugu waxtarka badan uu yahay midka sida saxda ah u garaaca bartilmaameed gaar ah, halkii uu si aan kala sooc lahayn wax u beegsan lahaa.

Iiraaniyiintu waxay ku dareen fikraddan hubkooda: haddii dalkoodu uusan kula tartami karin kuwa kale horumarinta tiknoolajiyada, waa inuu kula tartamaa tirada iyo kharashka dhaqaale.

Diyaarad aan duuliye lahayn oo ku kacaysa qiyaastii $20,000 lama barbar dhigi karo gantaal qiimihiisu gaarayo $2 milyan. Laakiin haddii 100 drone la adeegsado, cadowgu wuxuu ku khasbanaanayaa inuu rido tiro la mid ah ama ka badan oo gantaallo ah.

Diyaaradaha aan cidi wadin ee yaryar ee Iiraan looma samayn weerarro waaweyn oo hal mar ah, balse waxaa loo naqshadeeyay inay daaliyaan nidaamyada difaaca cirka ee cadowga oo ay kordhiyaan kharashka. Weerarrada Iiraan waxay socon karaan waqti dheer, maadaama ay 10 ilaa 20 jeer ka jaban yihiin nidaamyada difaaca gantaallada.