You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Booqashada Trump ee Shiinaha ayaa tijaabo u ah dagaalka ganacsi ee labada dal
Beijing ayaa xaqiijisay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu toddobaadkan u safri doono Shiinaha si uu ula kulmo Xi Jinping.
Trump oo booqashadiisu ku aadan tahay inta u dhexeysay 13 ilaa iyo 15-ka May ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee madaxweyne Maraykan ahi ku tago Shiinaha muddo ku dhow toban sano, waxayna ku soo aadeysaa xilli muhiim u ah xiriirka labada dal ee ugu dhaqaalaha weyn adduunka.
Maamulayaasha qaar ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Maraykanka oo ay ku jiraan Boeing, Citigroup iyo Qualcomm ayaa la filayaa in ay Trump la safraan, iyadoo laga yaabo in ay heshiisyo la galaan shirkado Shiinees ah. Sidoo kale, waxay booqashada noqon doontaa tijaabo muhiim ah oo lagu eegayo dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Washington iyo Beijing.
Bishii Abriil 2025-kii, Trump wuxuu canshuuro ku soo rogay alaabaha dibadda looga keeno dalka ee ka yimaada dalal badan oo isugu jira cadaw iyo saaxiib.
Saameynta ugu weyn ee ka dhalatay siyaasaddaas waxay ahayd dagaal ganacsi oo is-daba joog ah oo u dhexeeyay Maraykanka iyo Shiinaha, kaas oo labada dhinac midba kan kale uu saaray canshuuro ka badan 100%. Canshuurahaas waa la hakiyay kaddib kulankii ugu dambeeyay ee fool-ka-fool ahaa ee Trump iyo Xi ku yeesheen Kuuriyada Koonfureed bishii Oktoobar. Hase yeeshee hanjabaadaha labada dhinac ma aysan joogsan oo way sii socdeen.
Sidee ayuu ku billowday dagaalka ganacsiga?
Doorashadii 2016-kii wuxuu Trump ballanqaaday in uu ganacsiga ka dhigi doono mid u wanaagsan Maraykanka isla markaana uu shaqooyinka warshadaha dib ugu soo celin doono dalka.
2018-kii ayuu ku dhawaaqay canshuuro lagu soo rogay badeecooyin Shiine ka imaanaya oo qiimahoodu yahay $250 bilyan taasoo falanqeeyayaal badan ay ku tilmaameen bilowga dagaalka ganacsiga.
Isla sannadkaas, Trump wuxuu canshuuro ku soo rogay dalal saaxiibo la ah Mareykanka sida Mexico, Canada iyo Yurub, isagoo sheegay in ay iyaguna ka faa'iidaysanayeen Maraykanka.
Tallaabooyinkan waxay ahaayeen lama filaan, gaar ahaan Shiinaha, sida ay sheegtay Ning Leng oo ah cilmi-baare siyaasadeed oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown.
"Waa markii ugu horreysay ee ay si dhab ah ula macaamilaan Trump, waxaana laga yaabaa in aysan fileyn in uu dhab ahaan hirgelin doono," ayay Leng tiri.
Markii uu Mareykanka soo rogayay canshuuraha, Shiinuhu wuxuu si weyn ugu tiirsanaa ganacsiga uu la lahaa Maraykanka.
Maraykanku wuxuu ahaa suuqa ugu muhiimsan ee alaabaha warshadaysan ee Shiinaha, taas oo khatar gelineysay shaqaalaha Shiinaha haddii dadka Maraykanku ka leexdaan sababo la xiriira canshuuraha Trump.
Shiinaha waxaa haystay dhibaatooyin dhaqaale oo gudaha ah sida iibka gudaha dalka oo hooseeyay, shaqo la'aan iyo dhibaato dhanka guryaha iibkooda ah.
Alaabaha Shiinaha u iibgeeyo Maraykanka waxay badbaado u ahaayeen shaqooyinka Shiinaha, balse Trump awgiis arrintaasi hadda khatar ayey gashay.
Markii Joe Biden uu Trump xilka kala wareegay 2021-kii, wuxuu sii waday cadaadiska Beijing.
Maamulkiisu ma uusan qaadin canshuurihii Trump ku soo rogay Shiinaha, isagoo la wadaagay aragtida ah in Maraykanku u baahan yahay in uu xaddido koboca dalka tartanka kula jiro sida ay sheegtay Leng.
Biden wuxuu sidoo kale xayiraado ku soo rogay shirkado Shiinees ah, oo ay ku jirto shirkadda tiknoolajiyadda Huawei, taas oo si weyn looga saaray suuqa Maraykanka sababo la xiriira amniga qaranka. Wuxuu sidoo kale baaritaan geliyay TikTok, iyadoo hawlaheeda Maraykanka ugu dambayn la joojiyay.
Baabuurta korontada ku shaqeeya ee Shiinaha ayaa sidoo kale laga xanibay suuqyada Maraykanka kaddib canshuuro culus oo uu Biden saaray.
"Badanaa waxaan u maleynaa in Trump uu ku adag yahay Shiinaha, laakiin waxaa jirta dood dhaheysa Biden ayaa ka sii darnaa Trump," ayuu yiri dhaqaaleyahan Tang Heiwai oo ka tirsan jaamacadda Hong Kong.
Markii Trump uu xafiiska ku soo laabtay sanadkii hore ee 2025-kii, wuxuu sii laba jibbaaray siyaasaddiisa canshuuraha.
Wuxuu saaray Shiinaha canshuur gaareysa 20 boqolkiiba, isagoo ku eedeeyay in ay ogolaadeen in maandooriyaha loo yaqaan Fentanyl uu soo galo Mareykanka.
Canshuurahaasi waxay gilgileen ganacsiyada Shiinaha, waxayna sababeen in badeecooyin badan ku ururaan bakhaarro, halka shirkadaha Maraykanku ay ku mashquuleen helitaanka alaabo kale oo taas lagu beddelo.
Beijing si degdeg ah ayay uga jawaabtay tallaabooyinkaas, waxayna dhankeeda ku soo rogtay Mareykanka canshuuro taas oo saameysay beeraleyda oo ah taageerayaal muhiim u ah Trump.
Trump ma fahamsaneyn in Shiinaha u xiran tahay oo aan lagula tartami Karin macdanta naadirka ah ee muhiimkau ah waxwalba laga bilaabo taleefoonada ilaa iyo diyaaradaha
Markii dambe, Washington waxay meesha ka saartay qayb ka mid ah canshuurihii ay ku soo rogtay Shiinaha sababo la xiriira walxo loo isticmaalo samaynta daroogada fentanyl.
Canshuuro la doonayay in la kordhiyay ayaa sidoo kale la hakiyay. Toddobaadyadii xigayna waxaa la qaaday xayiraado ku saabsan iibinta aaladaha muhiimkau ah taleefonada iyo qalabka kale ee elektaroonikada.
Maxay yihiin qodobada ajandaha
Inkastoo heshiis laga gaaray canshuuraha sanadkii hore, hadana xal rasmi ah oo joogto ah lama gaarin.
Maalgelinta badan ee Shiinaha ku sameeyay warshadaha waxay ka dhigan tahay in shirkadihiisu aysan haysan doorasho badan oo aan ahayn in ay dibadda wax ku iibiyaan, maadaama isticmaalka gudaha uu weli yar yahay, ayuu yiri Tang.
Si kastaba ha ahaatee, Beijing waxay kulankan ku gelaysaa iyadoo meel adag taagan.
Alaabaha Shiinaha uu dhoofiyo ayaa kordhay waxaana taas sabab u ah saaxiibo ganacsi oo cusub uu Shiinaha yeeshay maadama xiriirkii Mareykanka kala dhexeeyay uu hoos u dhacay.
Trump waxaa la filayaa in uu Beijing ku cadaadiyo in ay kordhiso iibsashada badeecooyinka Maraykanka ka imaanaya sida dallagga beeraha iyo diyaaradaha.
Booqashadan waxay sidoo kale ku soo beegmaysaa xilli Trump uu wajahayo dib-u-dhac siyaasaddiisa ganacsiga kaddib markii Maxkamadda Sare ee Maraykanku ay laashay canshuurihiisa.
Iran ma laga hadlayaa
Shaki ayaa laga qabaa in dagaalka Iran iyo Mareykanka lagu soo qaadayo kulanka madaxweyne Trump iyo dhigiisa Xi meeting.
Maadama Shiinuhu haysto keyd shidaal oo badan iyo tamar kale, wuxuu u muuqdaa in uu ka badbaaday dhibaatada si ka duwan dariskiisa.
Shiinuha waxa uu leeyahay shidaal badan. Shidaalka uu dibadda ka keeno inta badan waxa uu ka helaa Ruushka
Waxaa suuragal ah in Beijing iyo Washington ay daneynayaan in colaadda la soo afjaro iyadoo labada dhinac ay aragtiyo aad u kala duwan ka qabaan Iran.