Haweeney Abaal-marinta Filimka Afrika usoo xiratay dhar ka sameysan 500 oo xabbo oo rooti

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Habeenkii xalay waxaa magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya lagu qabtay xafladda 12‑aad ee abaalmarinta Africa Magic Viewers' Choice Awards, taas oo loo aqoonsan yahay inay tahay mid ka mid ah habeennada ugu waaweyn filimada iyo faashiyonka Afrika.

Abaalmarintan Africa Magic Viewers' Choice Awards (AMVCA) ayaa si heer sare ah loo qabtay, iyadoo ay ka soo qaybgaleen jilayaal caan ah, xirfadlayaal warbaahineed iyo mas'uuliyiin sare oo ka kala yimid dalalka Koonfurta, Galbeedka iyo Bariga Afrika, oo ay ku jiraan xiddigo Nayjeeriya ah.

AMVCA waa xaflad abaalmarin oo lagu maamuuso dadka sameeya filimada, riwaayadaha telefishanka iyo dokumenteriyada ugu tayo sarreeya Afrika, kuwaas oo ay soo xushaan daawadayaasha iyo khubarrada farshaxanka.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad caan ah, xirfadlayaal filim iyo dad saameyn ku leh baraha bulshada, kuwaas oo lagu arkay dhar qurux badan oo kala duwan.

Xafladdan oo lagu qabtay Lagos, oo ay soo qabanqaabisay shirkadda weyn ee madadaalada MultiChoice Africa, ayaa noqotay goob ay dadka caanka ahi ku muujiyaan dhaqamada Afrika, isla markaana ay ku tartamaan dhanka labiska.

Habeenka abaalmarinta oo ka dhacay Eko Hotel ee Lagos, ayaa dharka kala duwan ee la soo bandhigay noqday mowduuca ugu weyn ee la hadal hayey.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dadka caanka ah ee goobta joogay, dharka ay xiratay hal fannaanad telefishan ayaa noqday mid si gaar ah loo hadal hayo.

Atariishada caanka ah ee Queen Mercy Atang, oo caan ku noqotay barnaamijyada dhabta ah, ayaa timid iyadoo xiratay goonno weyn oo laga sameeyay in ka badan 500 oo xabbo oo rooti ah.

Roogga Cas oo isu beddelay foorno

Iyadoo ay labada dhinac ka caawinayeen shaqaale, kana helaysay taageero kaabayaal badan si ay ugu socoto roogga cas, Queen Mercy waxay si dhib leh u muujisay dharkaas weyn.

In kasta oo ay ku adkayd inay si xor ah u dhaqaaqdo sababo la xiriira dharka ka samaysan rootiga, haddana waxay noqotay qofkii ugu hadal haynta badnaa habeenkaas.

Atang ayaa sheegtay in goonnada laga sameeyay rootiga ay u xiratay si ay u xayeysiiso ganacsigeeda dubista rootiga, isla markaana uusan ujeedkeedu ahayn inuu abuuro yaab, balse uu yahay suuq‑geyn.

Waxay tiri: "Ma jiro waqti ka habboon xafladdan abaalmarinta marka loo eego in aan ku xayeysiiyo ganacsigayga."

Dharka waxaa naqshadaysay Toyin Lawani, oo ah milkiilaha Tiana Empire, taas oo ku sheegtay boggeeda Instagram in ay billowday olole hal-qabsigiisu yahay "Qof kastaa ha xirto ganacsigiisa."

Dharkaas ayaa si degdeg ah u qabsaday baraha bulshada, halka qaarkood ay ku ammaaneen hal‑abuurkiisa, kuwo kalena ay dhaliileen.

Qaar ayaa sheegay in ay muujinayso muhiimadda ganacsiga qofka, halka qaar kale ay ku eedeeyeen in ay tahay khasaarinta cunto.