You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo jawaabta Iiraan ku tilmaamay "mid gebi ahaanba aan la aqbali karin"

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay jawaabta Iran ay ka bixisay soo jeedinta Mareykanka ee ku aadan joojinta dagaalka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Goorta uu Trump aadayo Shiinaha oo la xaqiijiyay

    Beijing ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu toddobaadkan u safri doono Shiinaha si uu ula kulmo Xi Jinping.

    Booqashadan, oo bilaabanaysa 13-ka ilaa 15-ka Maajo, waxay noqon doontaa tii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah uu ku tago Shiinaha muddo ku dhow toban sano - waxayna ku soo beegantay xilli muhiim u ah xiriirka labada dhaqaale ee ugu waaweyn adduunka.

    Madaxda shirkadaha ugu waaweyn Mareykanka - oo ay ku jiraan Boeing, Citigroup iyo Qualcomm - ayaa la filayaa inay la safraan Trump, si ay heshiisyo ula galaan shirkadaha Shiinaha. Waxay sidoo kale calaamad u noqon doontaa tijaabo muhiim ah oo ku saabsan xabbad-joojinta ganacsi ee jilicsan ee u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

    Bishii Abriil 2025, Trump wuxuu shaaca ka qaaday canshuuro badan oo saaran waddamada adduunka oo dhan, saaxiib ama cadow.

    Saamaynta ugu weyn ee siyaasaddaas waxay ahayd dagaal ganacsi oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Shiinaha kaas oo keenay in ay isku dhuftaan canshuuro gaaraya 100%. Canshuuraha ayaa la joojiyay ka dib markii Trump iyo Xi ay kulan fool ka fool ah ku yeesheen Kuuriyada Koonfureed bishii Oktoobar. Laakiin hanjabaadaha labada dhinac ayaa sii socday.

    Sidoo kale akhri

  2. Diyaarad Turkish Airlines ah oo rakaabkii laga daadgureeyay

    Rakaabka saarna diyaaradda Turkish Airlines ayaa si degdeg ah loo daadgureeyay ka dib markii qiiq la arkay qalabka degitaanka diyaaradda, ka dib markii ay ka degtay caasimadda Nepal ee Kathmandu, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha, taasoo qasabtay in garoonka diyaaradaha la xiro muddo saacad ah.

    Hay'adda Duulista Rayidka ee Nepal (CAAN) ayaa hore u sheegtay in dab uu ka kacay taayirka dambe ee midig ee diyaaradda A330.

    Dhammaan 277 rakaab ah iyo 11 shaqaale ah oo saarnaa diyaaradda ayaa laga daadgureeyay iyadoo la adeegsanayo meelaha laga baxo ee degdegga ah, mana jirin cid wax ku noqotay, sida ay sheegeen hay'adda maamusha duulista hawada iyo shirkadda diyaaradaha.

    Qiimeyntii ugu horreysay waxay muujinaysaa in qiiqu uu sababay cillad farsamo oo ku timid tuubo haydarooliga ah," Yahya Ustun, madaxweyne ku xigeenka sare ee shirkadda diyaaradaha, isgaarsiinta, ayaa sidaas ku yiri baraha bulshada ee X.

    Duulimaad kale ayaa la qorsheeyay si rakaabku u soo laabtaan, ayuu raaciyay.

  3. Iiraan oo farriin digniin u dirtay Ingiriiska iyo Faransiiska

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in dalkiisu "uusan qorsheynayn" inuu ciidankiisa badda geeyo marin biyoodka Hormuz laakiin uu siin doono hawlgal nabad ilaalin ah "iyadoo lala kaashanayo Iiraan.

    Sabtidii, Ciidamada Badda ee Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay maraakiibtooda u dirayaan Bariga Dhexe, si ay uga qayb qaataan hawlgal caalami ah oo lagu ilaalinayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee ka socda Gacanka Hormuz.

    Raysal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Madaxweynaha Faransiiska ayaa si wadajir ah u muujiyay taageerada ay u hayaan waxa loogu yeero howlgalka caalamiga ah.

    Axadda, wasiirada difaaca ee ka kala socda in ka badan 40 waddan ayaa la filayaa inay kulmaan, si ay uga wada hadlaan qorshayaasha hawlgal ay hoggaaminayso UK si loo ilaaliyo marin biyoodka Hormuz.

    Tehran ayaa gebi ahaanba xirtay dhuumaha shidaalka qaada shan meelood meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee adduunka, tan iyo markii Mareykanka iyo Israa'iil ay dagaal bilaabeen 28-kii Nofeembar,

    Afhayeenka militariga Iiraan, Mohammad Akraminia, ayaa ka digay in "tallaabo adag" laga qaadi doono maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz, haddii aysan marka hore la shaqeyn Iiraan.

    Sidoo kale akhri

  4. 10-ka dal ee leh hubka ugu badan Afrika

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

  5. Nafaqada muhiimka ah ee laga helay lugaha digaagga

    Ma ka fikirnay waligeen sida ay faa'iido u leeyihiin cagaha digaaggu?

    Dad badan waxay u haystaan in cagaha digaaggu aanay wax faa'iido ah lahayn sida maqaarkiisa, balse dalka Singapore cagaha digaagga waxaa lagu iibiyaa afar doolar oo Singapore ah halkii kiilo. Lacagta Pakistan marka loo beddelo waxay noqoneysaa qiyaastii 900 rupees halkii kiilo.

    Xitaa waxay ka qaalisan yihiin hilibka digaagga dalal ay ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo Mexico.

    Cagaha digaagga ayaa si weyn looga doonayaa dunida oo dhan. Dalal sida Vietnam, Shiinaha, iyo Uzbekistan ayaa soo dhoofsada tiro badan oo cagaha digaagga ah si ay u daboolaan baahidooda cunto. Sannadkii 2022, Maraykanku wuxuu Shiinaha u dhoofiyay qiyaastii 133,000 oo ton oo cagaha digaagga ah.

    Maxaa ka dhigaya cagaha digaagga, oo inta badan loo arko qashin lana tuuro, kuwo qiimo badan ka jooga meelo kale oo adduunka ah? Nafaqooyin noocee ah ayaase laga helaa?

  6. Dal labaad oo si qarsoodi ah u dhexdhexaadinaya Mareykanka iyo Iiraan

    Inkasta oo fursadaha wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay weli yihiin kuwo aan la hubin, haddana Shiinaha ayaa si tartiib tartiib ah u noqonaya dhexdhexaadiye awood leh oo ka shaqeeya si qarsoodi ah, iyadoo Washington iyo Tehran labaduba ay doonayaan dhexdhexaadinta Beijing si loo soo afjaro dagaalka.

    Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ee Beijing 6-dii May, xilli Washington ay soo bandhigtay soo jeedin cusub oo nabadeed, ayaa falanqeeyayaashu u fasireen isku day lagu doonayo in lagu helo taageerada Shiinaha ee wada-hadallada.

    Arrinta Iran ayaa la filayaa inay noqoto mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo safarka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Shiinaha iyo kulankiisa Madaxweynaha Xi Jinping 14-ka iyo 15-ka May.

    Marka la eego warqadda, Beijing waxay adeegsan kartaa saamaynteeda Iran si ay u fududeyso heshiis dhammaystiran oo waara, sida ay ku sameysay wada-hadalladii Islamabad, iyadoo ku cadaadinaysa Tehran inay aqbasho xabbad-joojin, taasoo inkasta oo aad u jilicsan haddana sii jirta.

  7. Weligeen cadoowgeena uma foorarin doono madaxeena

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Peshkeshian ayaa yiri, "Weligay madaxeena uma foorarin doonno cadowga."

    Qoraal uu ku qoray boggiisa X, ayuu ku yiri: "Wadahadalada ama gorgortanku macnaheedu maaha in la qirto guuldarro ama dib u gurasho, laakiin ujeedadu waa in la gaaro xuquuqda qaranka Iiraan iyo in la difaaco danaha qaranka."

    Iiraan waxay jawaabteeda u dirtay soo jeedimaha ay soo bandhigtay maamulka.

    Donald Trump Axaddii iyada oo loo marayo Pakistaan. Sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Iiraan, Tehran waxay dalbatay in la aqoonsado madaxbannaanida Iiraan ee marin biyoodka Hormuz iyo magdhowga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

    Idaacadda dawladda ee IRIB,ayaa saaka ku warantay in Iiraan ay sidoo kale dalbatay in Mareykanka uu soo celiyo hantida la xayiray iyo in laga qaado cunaqabataynta.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday jawaabta Iiraan isagoo ku tilmaamay "mid aan gebi ahaanba la aqbali karin".

    Sidoo kale akhri

  8. Israa’iil oo sheegtay in askari laga dilay

    Ciidanka Israa'iil ayaa shaaciyay geerida mid ka mid ah askartooda.

    Sida laga soo xigtay Israa'iil, askariga ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay meel u dhow xadka Lubnaan.

    War-saxaafadeedka militariga Israa'iil ayaa lagu sheegay, in Alexander Golovaniov, oo 47 jir ah, uu ahaa darawalkii gaariga ciidanka, lana dilay Axadii shalay ahayd.

    Sidoo kale akhri

  9. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

    Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha.

    Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.

    Cilmi-baaris ay daabacday jaamacadda Harvard ayaa muujisay in nooca borotiinka ee loo yaqaan 'cytokine' la soo saaro tiro aad u badan marka dufanku ku ururo aagga caloosha. Barootiinkani waxa uu keenaa caabuqa jirka.

    Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.

  10. Trump oo jawaabti Iiraan ku tilmaamay wax aan la aqbali karin

    Madaxweyne Donald Trump ayaa diiday jawaabta Iran ka bixisay qorshaha Maraykanka ee wadahadallada nabadda ee suurtagalka ah. Qoraal uu ku daabacay bartisa bulshada ayuu ku sheegay in soo-jeedinta lidka ah ee Tehran ay tahay “gebi ahaanba mid aan la aqbali karin!”

    Qorshaha Iran ayaa la sheegay in ay ku jiraan talooyin lagu kala saarayo wadahadallada ku saabsan joojinta colaadaha ka socda Marinka Hormuz iyo arrimaha kale ee adag sida barnaamijka nukliyeerka ee Tehran

  11. Yaa ku guulaystay dagaalka?ma Iiraan mise Mareykanka?

    Dagaalka hadda u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran ayaa laga yaabaa inuu soo afjarmo. Ugu yaraan, taasi waa fariinta ka imanaysa Washington.

    Ka dib dhowr toddobaad oo xabbad joojin ah, Talaadadii, May 5-teedii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay in Howlgalka Epic Fury uu si wax ku ool ah u dhammaaday.

    Su'aasha dad badan maskaxda ku hayaan ayaa ah: Yaa guuleystay? Jawaabtu waxay ku xiran tahay cidda sheekada ka warramaysa.

    Dalka Iran, warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigaysa cadeyn ah in dalkaasi uu u istaagay kana adkaaday xulafada militari ee ugu awooda badan caalamka.

    Magaalada Washington, madaxweyne Donald Trump iyo maamulkiisa ayaa sidoo kale ku dhawaaqaya guul waxayna si joogta ah u sheegaan inay gaareen hadafkoodii.

    Laakiin marka laga reebo hadallada dadweynaha, wada-xaajoodyadu waxay noqonayaan kuwo ka muhiimsan dagaalka laftiisa si loo go'aamiyo halka guusha dhabta ah ay ku jirto.

  12. Hadaladii qallafsanaa ee Trump uu ugu jawaabay Iran oo qiimaha Shidaalka cirka ku shareertay

    Hadallada adag ee Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ee ku saabsan Iran iyo jawaabta Tehran ee soo jeedintiisa ayaa si degdeg ah u saameeyay suuqyada shidaalka ee Aasiya subaxnimadii Isniinta, iyadoo qiimaha shidaalku uu kor u kacay ku dhowaad 3%.

    Qiimaha Shidaalka Brent ee Badda Waqooyi ayaa gaaray $104.09 halkii foosto maanta

  13. Muxuu yahay gantaalka uu Turkiga sameystay ee xogtiisa la fashilay?

    Turkiga ayaa tijaabiyay gantaa, waana markii ugu horreyay ee uu sameysto hub awooddaas leh.

    Soo saaridda gantaalkan oo sannado badan socotay ayaa si qarsoodi ah loo fuliyay.

    Lifaaqa hoose ku dhufo faahfaahinta

  14. Gobolka Bariga Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay galay xaalad sii xumaaneysa

    Gobolka Bariga Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay galay xaalad sii xumaaneysa oo isku mar ka taagan dhowr jiho, iyadoo duqeymaha Israel ay sii socdeen koonfurta Lebanon, isla markaana ay jireen weerarro is dhaafsi ah oo u dhexeeya Hezbollah iyo ciidanka Israa’iil.

    Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in tirada dhimashada tan iyo 2-dii Maarso ay gaartay 2,846 qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafeen 8,693 qof.

    Isla waqtigaas, xiisadda marinka Hormuz ayaa sii korortay kadib digniino Iran ay u dirtay dalalka fulinaya cunaqabateynta Mareykanka, iyadoo sheegtay inay la kulmi karaan dhibaatooyin dhinaca isu socodka badda ah.

    Tehran ayaa sidoo kale xaqiijisay inay jawaabteeda ku saabsan soo jeedintii ugu dambeysay ee Mareykanka ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka u gudbisay dhexdhexaadiyaha Pakistan, iyadoo sheegtay in jawaabtaasi ay diiradda saareyso:

    • joojinta dagaalka dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan,
    • iyo sugidda amniga isu socodka maraakiibta.

    Dhanka caalamka, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in jawaabta Iran ay tahay “mid aan la aqbali karin,” isagoo carrabka ku adkeeyay in ikhtiyaarka militari ee ka dhanka ah Iran uu weli miiska saaran yahay.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna sheegay in “dagaalka Iran uusan wali dhammaan.”

    Dhanka kale, Qatar ayaa ku dhawaaqday in ra’iisul wasaaraheedu uu la yeeshay mas’uuliyiin Mareykan iyo Iranian ah wadahadallo ku saabsan dadaallada dhexdhexaadinta iyo dejinta xiisadda gobolka.

  15. Iran oo sheegtay inaysan xiisaynayn inay ka farxiso Trump

    Wakaaladda wararka Tasnim News Agency ayaa soo xigatay ilo xog ogaal ah oo sheegay in muujinta ah in aanu ku qanacsanayn Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, qorshe la soo jeediyay ay “suurtagal tahay inay calaamad u tahay in qorshuhu uu ka wanaagsan yahay sidii loo maleynayay.”

    Isha warkan ayaa intaas ku dartay in falcelinta Trump aysan “saameyn go’aamisa ku yeelan karin xisaabinta Iran,” iyadoo la sheegay in Tehran aysan ka shaqeyneynin qorshe lagu doonayo in lagu raalli geliyo Madaxweynaha Mareykanka.

    Sidoo kale, ilo-wareedka ayaa tilmaamay in Iran ay si adag ugu dheggan tahay habkeeda wada-hadallada, iyadoo xiisadda gobolka iyo is-weydaarsiga fariimaha la xiriira jawaabta Iran ee soo jeedinta Mareykanka ay weli socoto.

  16. 10-ka dal ee hubka ugu badan soo dejista Afrika ee ka hooseysa Saxaraha

    nkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Ku dhufo lifaaqa hoose faahfaahinta

  17. Trump: Waxaan akhriyay jawaabta Iran, ma jecli, gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu akhriyay jawaabta Iran balse uu u arkay “mid gabi ahaanba aan la aqbali karin.”

    Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray: “Waxaan hadda akhriyay jawaabta waxa loogu yeero ‘wakiillada’ Iran. Ma jeclaysan — waa mid gebi ahaanba aan la aqbali karin!”

    Tani waxay imaanaysaa iyadoo mas’uul Iran ah uu u sheegay Al Jazeera in jawaabta Tehran ee soo jeedinta Washington ay tahay “mid togan oo dhab ah,” isla markaana ay keeni karto “hab degdeg ah oo wada-hadal ah” haddii Mareykanku diyaar u yahay.