You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Iiraan oo jawaab ka bixisay eedeynta uu Trump usoo jeediyay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay jawaabta Iran ay ka bixisay soo jeedinta Mareykanka ee ku aadan joojinta dagaalka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Madaxwaynaha iyo rai'sul wasaaraha Lubnaan oo codsi u diray Mareykanka

    Madaxweynaha Lubnaan iyo Ra’iisul Wasaarihiisa ayaamaanta ka codsaday safiirka Maraykanka ee Beirut inuu cadaadis saaro Israa’iil si ay u joojiso weerarrada ka socda dalka, inkastoo uu jiro heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Hezbollah iyo Israa’iil.

    Maamulka Lubnaan ayaa Isniintii sheegay in tirada dhimashada ee ka dhalatay duqeymaha Israa’iil ee dalka tan iyo 2-da Maarso ay gaartay 2,869 qof, iyagoo xusay in tiradan ay ku jiraan dad badan oo dhintay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay 17-kii April.

    Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Ra’iisul Wasaare Nawaf Salam ayaa si gooni-gooni ah ula kulmay safiirka Maraykanka Michael Issa, iyagoo isku diyaarinaya kulan saddexaad oo toos ah oo dhex mari doona wakiillo ka kala socda Lubnaan iyo Israa’iil, kaas oo lagu waday inuu ka dhaco Washington Khamiistii iyo Jimcihii hore.

    Salam wuxuu sheegay inuu Issa ka codsaday “in cadaadis la saaro Israa’iil si ay u joojiso weerarrada iyo xadgudubyada socda, si loo suurtogeliyo in xabbad-joojin dhab ah la dhiso.”

  2. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo la kulmi doono guddiga amniga qaranka

    Bogga wararka ee Maraykanka ee Axios ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Isniinta la kulmi doono guddiga amniga qaranka si ay uga wada hadlaan tallaabooyinka xiga ee dagaalka Iran, oo ay ku jirto suurtagalnimada dib loogu bilaabayo howlgal militari, kadib markii wada-xaajoodyadii Tehran ay gaareen meel xiran.

    Wariyaha boggaas, Barak Ravid, ayaa soo xigtay ilo aan la magacaabin oo sheegay in Trump uu weli raadinayo heshiis lagu soo afjaro dagaalka, balse diidmada Iran ee dalabyo badan oo uu soo jeediyay iyo diidmadeeda inay sameyso tanaasulaad weyn oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ay mar kale soo celisay ikhtiyaarka militari.

    Sida uu sheegay Axios, kulanka Isniinta waxaa la filayaa inay ka qeyb galaan Madaxweyne Ku-xigeenka J.D. Vance, ergayga Aqalka Cad Steve Witkoff, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada General Dan Keane, Agaasimaha CIA John Ratcliffe, iyo saraakiil kale oo sare.

  3. Wall Street Journal: Imaaraadka Carabta ayaa si qarsoodi ah duqeymo militari u geystay Iran

    Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, Imaaraadka Carabta ayaa si qarsoodi ah uga qayb qaatay weerarro militari oo ka dhan ah Iran, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah,.

    Haddii la xaqiijiyo warkan waxay Imaaraadka ka dhigi karta dhinac si toos ah ugu lug leh colaadda Iran.

    Ilo ku dhow arrintan oo la hadlay WSJ ayaa sheegay in weerarrada, oo Imaaradka aysan si rasmi ah u xaqiijin, ay ka mid ahaayeen duqeyn lagu beegsaday warshad sifeynta shidaalka oo ku taal Jasiiradda Labuan ee Gacanka Faaris.

    Horraantii April, isla waqtigii uu Donald Trump ku dhawaaqayay xabbad-joojin, waxaa sidoo kale dhacay duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday xarumo shidaal oo Iran leedahay oo ku yaalla jasiirado iyo dhulalka xeebaha ee shirkadda National Iranian Oil Company, taasoo sababtay dab ballaaran isla markaana qayb weyn oo ah warshadda Lavan ka saartay adeegga muddo bilo ah.

    Iran ayaa markaas sheegtay in warshadda lagu beegsaday “weerar cadow ka yimid,” waxayna ku jawaabtay iyadoo gantaallo iyo drones ku garaacday Imaaraadka iyo Kuwait.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Maraykanka uusan si weyn uga caroon weerarka, maadaama xabbad-joojintu aan weli si buuxda u hirgelin, iyadoo WSJ ay intaas ku dartay in “Washington si gaar ah u soo dhawaysay ka qaybgalka Imaaraadka.”

  4. Lataliyaha Hogaamiyaha Sare ee Iran oo u sheegay Trump: "Waxaan kugu jabinay goobta dagaalka

    Cali Akbar Velayati, oo ah la-taliye u ah Hoggaamiyaha Sare ee Iran arrimaha caalamiga ah, ayaa fariin adag u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo yiri: “Waxaan idinka adkaanay goobta dagaalka, markaa ha u malaynina inaad ku guulaysan doontaan diblomaasiyadda,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

    Velayati wuxuu intaa ku daray: “Trump wuxuu leeyahay Iran mar dambe ma qosli doonto, wuxuuna ku faanaa xabbad-joojin buuq badan leh, laakiin isagoo sameynaya hanjabaado nukliyeer oo qarsoon, wuxuu u muuqdaa inuu rumaystay beenta Pentagon-ka ee lagu qarinayo tirada badan ee askarta Maraykanka ee la dilay.”

    Wuxuu sii raaciyay: “Mr. Trump, waligaa ha u malayn inaad Beijing u geli doonto adigoo guuleystay adigoo ka faa’iidaysanaya deggenaanshahan hadda jira.

    Marka hore baro aasaaska nidaamka cusub ee juqraafiyeed ee Galbeedka Aasiya!” ayay ka soo xigatay IRNA.

  5. Shirkadda sameysay nidaamka difaaca ee Iron Dome oo ka hadashay tayada gantaalada

    Madaxa shirkadda dowliga ah ee Israel ee samaysa nidaamka difaaca ee Iron Dome ayaa sheegay in nidaamku uu “ku dhowaad 99%” guul ka gaaray qabashada gantaallada ay ku soo rideen Hamas iyo Xisbullah, sidoo kalena uu qabtay inta badan gantaalladii laga soo riday Iran.

    Yuval Steinitz, oo ah madaxa Rafael Advanced Defense Systems, ayaa sheegay in tan iyo weerarkii Hamas ee 7-dii Oktoobar 2023, ay Xams iyo Xisbullah ay Israa’iil ku rideen qiyaastii 40,000 gantaal.

    Wuxuu yiri: “Iron Dome wuxuu qabatay inta badan gantaalladaas, iyadoo heerka guushu aanu ahayn 100%, balse aad ugu dhow.”“

    Qiyaastu waa ku dhowaad 98% ilaa 99%,” ayuu Steinitz sheegay.

    Madaxa Rafael ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay tan iyo 2024 Israa’iil ku ridey ku dhowaad 1,500 gantaal oo ballistic ah, kuwaas oo uu sheegay in “kaliya dhowr iyo toban” aan la qaban.Wuxuu ku adkeystay in “aysan jirin gabaabsi ah gantaallada hawada uga hortaga hubka la soo rido”

  6. Qalibaf: Iraan "waxay cashar siin doontaa cidda ku soo gardarroota"

    Afhayeenka Baarlamaanka Iran Maxamed Baqer Qalibaf ayaa sheegay in dalkiisu “cashar u dhigi doono cid kasta oo ku soo gardaroota,” kadib hadalladii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya labada dhinac uu noqday mid aad u daciif ah.

    Qalibaf, oo hoggaaminayay wafdiga dalkiisa intii lagu jiray wada-hadalladii Washington ee ka dhacay Islamabad bishii hore, ayaa yiri: “Ciidamadeenna qalabka sida waxay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan oo ay cashar u dhigaan marka ay jirto gardarro kasta.”

    Wuxuu intaa ku daray qoraal uu ku daabacay barta X: “Istaraatiijiyad xun iyo go’aanno xun mar walba waxay keenaan natiijooyin xun, dunida oo dhanna way garowsatay taas,” isagoo sii raaciyay: “Waxaan diyaar u nahay xaalad kasta oo iman karta.”

    Trump ayaa hore ugu tilmaamay heshiiska xabbad-joojinta, oo dhaqan galay 8-dii Abriil, inuu “ku jiro qeybta daryeelka degdegga ah,” maadaama Tehran ay ku adkeysatay mowqifyadeeda jawaabta ay ka bixisay soo-jeedintiisa lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka.

  7. Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay shaqsiyaadka iyo hay'adaha "xidhiidhka la leh" Iran

    Maraykanka ayaa cunaqabateyn saaray 12 qof iyo shirkado lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Tehran, iyadoo lagu eedeeyay inay fududeeyeen iibinta iyo dhoofinta shidaalka Iran ee loo dirayo Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP.

    Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa lagu yiri: “Ilaalada Kacaanka Iran waxay ku tiirsan yihiin shirkado magac-u-yaal ah oo ka shaqeeya deegaan dhaqaale oo dabacsan si ay u qariyaan doorkooda iibinta shidaalka iyo wareejinta dakhliga loo gudbinayo dowladda Iran.”

    Bayaanka ayaa magacaabay dhowr qof oo ku sugan Iran iyo shirkado saldhigoodu yahay Imaaraadka Carabta iyo Hong Kong, kuwaas oo ka mid ah dadka iyo hay’adaha lagu soo rogay cunaqabateynta.

  8. Lithuania oo ka fikiraysa in ay dirto ciidan milatari si ay Maraykanka uga caawiyaan marin biyoodka Hormuz

    Lithuania ayaa ka fiirsaneysa inay ciidamo militari dirto si ay uga caawiso Maraykanka Marinka Hormuz.

    Golaha Difaaca Qaranka ee Lithuania, oo uu guddoomiye u yahay madaxweynaha dalka, ayaa maanta baarlamaanka u gudbiyay soo-jeedin arrintan la xiriirta.

    Qorshahan ayaa sheegay inuu doonayo in Lithuania loo oggolaado inay dirto ilaa 40 askari iyo shaqaale militari ah si ay uga taageeraan Maraykanka howlaha ka socda Marinka Hormuz.

  9. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran oo 24 saac gudahood 2 mar wacay Sacuudiga

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi ayaa laba jeer 24 saac gudahood telefoon kula hadlay dhiggiisa Sacuudiga, Faisal bin Farhan.

    Sida ay sheegtay IRNA, wada-hadalladan telefoonka ah waxay diiradda saareen xaaladaha gobolka iyo geeddi-socodka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.I

    RNA waxay sheegtay in Araghchi iyo Faisal bin Farhan ay sidoo kale ka wada hadleen horumarka ugu dambeeyay ee wadahadalladaas, kuwaas oo lagu sheegay inay ku lug leeyihiin dhexdhexaadin ay wado Pakistan.10-kii May.

    Araghchi wuxuu sidoo kale telefoon kula hadlay wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Qatar, iyo Nederland, isagoo kala hadlay xaaladaha muhiimka ah ee gobolka iyo horumarka siyaasadeed ee socda.

  10. Saynisyahanada oo ka digaya: Isku dhaca Bariga Dhexe wuxuu kordhin karaa isku dhaca maraakiibta iyo Nibiriyada

    Saynisyahanno ayaa ka digay in colaadaha ka socda Bariga Dhexe ay kordhin karaan khatarta ay Nibiriyada isku dhaci karaan Maraakiibta xeebaha koonfureed ee Afrika, sababo la xiriira isbeddelka ku yimid marinnada maraakiibta.

    Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in maraakiibta loo leexiyay hareeraha Koonfur Afrika tan iyo sanadkii 2023 — kadib markii kooxda Xuuthiyiinta ay afduubteen markab ay lahaayeen shirkado British ah meel u dhow Yemen — taasoo si weyn u kordhisay suurtagalnimada isku dhacyada maraakiibta iyo xayawaannadan badda ku nool ee gobolka.

    Xaaladda ayaa sii xumaatay kadib dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil dhinac, iyo Iran dhinaca kale, taasoo keentay in tiro badan oo maraakiib ganacsi ah oo badeecooyin u kala qaada Aasiya iyo Yurub ay maraan hareeraha Afrika si ay uga fogaadaan marista Bariga Dhexe.

    Else Vermeulen, oo ah saynisyahan sare oo ka tirsan qeybta daraasaadka Nibiriyada ee Jaamacadda Pretoria, iyo kooxdeeda ayaa natiijooyinkooda u gudbiyay Guddiga Caalamiga ah ee Kalluumeysiga Nibiriyada.

  11. Trump oo sheegay inuu ka fikirayo bilaabidda hindise Maraykan ah oo lagu galbinayo maraakiibta shidaalka

    Wareysi uu siiyay Fox News, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo dib u bilaabidda hindise Maraykan ah oo lagu galbinayo maraakiibta shidaalka iyo maraakiibta kale ee ganacsiga ee mara Marinka Hormuz, balse uusan weli gaarin go’aan kama dambeys ah.

    Hindisahan oo loo bixiyay “Operation Freedom” ayaa bilowday 6-da May, balse waxaa la joojiyay wax ka yar laba maalmood kadib.

    Maraykanka ayaa Iran u diray shuruudo lagu dejinayo xiisadda, kuwaas oo diiradda saaraya in Tehran laga hor istaago ballaarinta barnaamijkeeda nukliyeerka. Dhammaadkii toddobaadka, Iran ayaa soo bandhigtay soo-jeedinno kale oo uu Trump ku tilmaamay weriyeyaasha Isniintii “wax aan qiimo lahayn.”

    Trump wuxuu ku adkeystay in ismari-waaga hadda jira aanu ka dhignayn in Maraykanku dib u guranayo, isagoo yiri: “Waxaan gaari doonnaa guul buuxda.” Wuxuu intaa ku daray: “Iran waxay u malaynaysaa inaan ka daali doono arrintan, ama aan ka caajisi doono, ama cadaadis la iga saari doono. Laakiin wax cadaadis ah ma jiro.”

  12. Mojtaba Khamenei oo soo saaray 10 qodob oo ku saabsan Gacanka iyo marin biyoodka Hormuz

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay 10 qodob oo “aad muhiim u ah” oo istiraatiiji ah oo ku saabsan “Gacanka Faaris iyo Marin-biyoodka Hormuz,” sida lagu daabacay fariimo ay baahisay Fars News Agency..

    Tobanka qodob ee uu soo bandhigay Mojtaba — oo aan weli si rasmi ah uga soo muuqan fagaaraha tan iyo markii loo doortay inuu beddelo aabbihii — waxay ahaayeen sidan:

    • Joogitaanka iyo isku ururinta ciidamada Mareykanka ee dalalka ku yaalla “Gacanka Faaris” waa sababta ugu weyn ee amni darrada gobolka.
    • Saldhigyada Mareykanku ma awoodaan inay dammaanad qaadaan ammaankooda gaarka ah.
    • Gobolka “Gacanka Faaris” wuxuu leeyahay mustaqbal ifaya oo ka fog Mareykanka, kana shaqeynaya horumarka, barwaaqada iyo wanaagga shucuubtiisa.
    • Mustaqbalkeenna wuxuu si dhow ugu xiran yahay kan deriskeenna ku nool biyaha “Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan”.
    • Meesha keliya ee ajaanibta “sharka leh” ay ku habboon yihiin Gacanka Faaris waa gunta hoose ee biyihiisa.
    • Guulaha isdaba-joogga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee “Gacanka Faaris” waxay gogol xaarayaan nidaam cusub oo gobolka iyo dunidaba ka hanaqaada.
    • Sugidda ammaanka gobolka “Gacanka Faaris” waxay u baahan tahay in si “ficil ah loogu mahadceliyo” guusha Iran ee maamulka Marin-biyoodka Hormuz.
    • In la joojiyo ka faa’iidaysiga “cadowga” ee Marin-biyoodka Hormuz.
    • In la xaqiijiyo raaxada iyo horumarka shucuubta gobolka iyada oo loo marayo sharciyo waafaqsan iyo hirgelinta maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.
    • Shacabka Iran waxay ku faraxsan yihiin faa’iidooyinka dhaqaale ee ka dhashay maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.
  13. Madaxweynaha Iran ayaa ku baaqay in la dhameystiro "guusha militari" ee dalkiisa iyadoo loo marayo diblomaasiyad.

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa mar kale xaqiijiyay in Tehran ay u furan tahay wada-hadal ay la yeelato Maraykanka isla markaana ay diyaar u tahay inay u hoggaansanto heshiis kasta oo la gaaro.

    Waxaa uu xusay in Iran ay tahay inay “guusha ay ciidamada qalabka sida ka gaareen goobta dagaalka ku dhammaystirto diblomaasiyad,” sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Iran 11-ka May.

    Pezeshkian ayaa intii uu kulan la lahaa saraakiil sare oo booliis ah sheegay in dalka uu wajahayo saddex doorasho: “in si sharaf leh loo galo wada-xaajood iyadoo la ilaalinayo danaha qaranka,” in lagu sii jiro xaalad “aan dagaal iyo nabad midna ahayn,” ama in la sii wado “wadada dagaalka iyo wada-xaajoodka” isku mar.

    Wuxuu sharxay in doorashada koowaad ay tahay tan ugu wanaagsan Iran.

    Madaxweynaha Iran ayaa tilmaamay in heshiis kasta oo suuragal ah oo lala gaaro Maraykanka ay tahay inuu tixgeliyo walaacyada Hoggaamiyaha Sare Mojtaba Khamenei iyo danaha qaranka Iran, isagoo intaa ku daray in Tehran ay fulin doonto ballanqaadyadeeda haddii heshiis noocaas ah la gaaro.

  14. Maamulaha guud ee Aramco: Xaaladda suuqa Shidaalka caadi kuma soo noqon doonto ka hor 2027

    Amin Nasser, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda shidaalka ee Sacuudiga Aramco, ayaa Isniintii sheegay in colaadda Iran ay sababtay “jugta ugu weyn ee abid soo marta sahayda tamarta caalamka.”

    Isagoo la hadlayay maal-gashadayaasha, Nasser wuxuu ka digay in suuqyada shidaalku aysan ku laaban doonin xaaladdii caadiga ahayd ka hor 2027 ugu yaraan, xitaa haddii Marinka Hormuz si dhakhso ah dib loo furo.

    Wuxuu intaa ku daray in geeddi-socodka nabadeed ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka uu gaaray meel la is mari la'yahay, maadaama soo jeedinnada ay kala soo bandhigeen Iran iyo Maraykanka ay labada dhinacba u arkeen kuwo aan la aqbali karin.

    Qiimaha Shidaalka ayaa mar kale kordhay Isniintii, iyadoo ay jirto hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka xabbad-joojinta iyo xirnaanshaha sii socda ee Marinka Hormuz.

  15. Trump oo sheegay in xabbad-joojinta Iran ay halis ku jirt

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay jawaabta Iran ee ku saabsan soo jeedinta dalkiisa ee lagu joojinayo dagaalka mid “doqonimo ah”.

    Trump wuxuu sheegay in Iran aysan ku xusin jawaabteeda in aysan doonaynin inay hesho hub nukliyeer ah.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in xabbad-joojinta u dhexeysa dalkiisa iyo Iran ay ku jirto xaalad halis ah, isagoo sheegay in heshiiska uu “ku jiro qeybta xaaladda degdegga ah.”

    Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad, Trump wuxuu ku ballanqaaday inuu gaari doono “guul buuxda” oo ka dhan ah Iran.

  16. Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

    Maxamed Asasa oo markaa guriga ku soo noqday kadib markii uu soo aasay aabbihii Xuseen oo 80 jir ahaa, wax yar kadib carruur yar yar ayaa guriga yimid iyagoo ku qaylinaya in qabrigii ay qodayaan dadka deegaameynta ka samaystay halkaa: Waxey ku dhahayeen "Dadka degaanka waxay qodayaan qabriga!"

    Tuulada Asasa oo ku dhow magaalada Jenin ee Daanta Galbeed, Xuseen wuxuu ka ahaa nin si weyn looga qadariyo ka hor intuusan geeriyoon Jimcihii hore sababo la xiriir xanuun.

    Sida dhaqanka Islaamka uu yahay odeyga oo hore uga shaqeyn jiray ganacsiga xoolaha isla markaana lahaa 10 carruur ah, waxaa lagu aasay qabri fudud oo ku yaal xabaalaha tuulada, buur yar dusheeda.

    Maxamed wuxuu sheegay inuu ka walwalsanaa in dhibaato dhacdo, sidaas darteed wuxuu xitaa fasax ka qaatay saldhig ciidamada Israa'iil oo u dhow si aaska aabbihii uu si nabad ah ugu dhaco.

    Laakiin wax ka yar nus saac kadib, Maxamed iyo walaalihiis waxay ku noqdeen xabaasha iyagoo naxsan. Waxay arkeen koox ka mid ah bulshada Yuhuud ah ee deegaamaynta ka sameystay halkaa oo qaarkood hub haystaan isla markaana qodayaan qabrigii cusubaa iyagoo adeegsanaya qalab culus.

  17. Iiraan oo u jawaabtay Mareykanka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in soo jeedinta Tehran ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda hadda jirta laguna furo marjinka Hormuz ay ahayd “mid mas'uuliyad leh oo deeqsinimo leh.” Waxay ku eedaysay Washington inay soo jeedisay dalabyo aan macquul ahayn.

    Hadallada afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Esmaeil Baghaei, ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Trump uu diiday soo jeedinta beddelka ah ee Iiraan ee ku aaddan qorshaha Mareykanka ee wadahadallo nabadeed.

    Mr. Baghaei ayaa ku adkaystay in dalabkooda – oo ay ku jirto in la sii daayo hantida Iiraan ee ku xayiran dibadda – ay yihiin “xuquuq sharci ah” oo Tehran leedahay.

    Qiimaha saliidda ayaa mar kale kacay kadib ismariwaaga cusub ee u dhexeeya Tehran iyo Washington, iyadoo ay jirto niyad‑jab isa soo taraya oo ku saabsan rajada ah in dhawaan la fududeeyo xayiraadaha saaran maraakiibta ka gudbaya marinka Strait of Hormuz.

    Sidoo kale akhri:

  18. Cayilka: Maxay ka dhigan tahay in qofku u muuqda caato haddana gudaha ka cayilanyahay?

    Caatanimada waxay ka dhigan tahay caafimaad wanaagan. Tani waa fikrad caan ka noqotay bulshooyin badan oo casri ah, waxaana sii xoojiyay warbaahinta, internet-ka iyo baraha bulshada. Laakiin maxaa dhacaya haddii miisaanka iyo muraayaddu kaa dhigaan caato balse aysan arrintu sidaa aheyn? Ma jiraa qof caato ah oo leh baruur qarsoon oo caafimaadkiisa khatar gelineysa?

    Hadaba waa maxay cayilkan, khatartase maxay tahay, iyo sidee meesha looga saari karaa?

  19. Raysal wasaaraha Hindiya oo dadka ugu baaqay inay yareeyaan iibsiga dahabka

    Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku boorriyay shacabka Hindiya inay dib ugu noqdaan ka shaqaynta guryaha, yareeyaan iibsiga dahabka, isla markaana yaraystaan safarrada dibadda si ay ula tacaalaan kororka qiimaha tamarta caalamiga ah ee ka dhashay colaadda ka socota Bariga Dhexe.

    Modi ayaa sheegay in tallaabooyinkan dhaqaale, oo la mid ah kuwii la qaaday xilligii COVID‑19, ay ka caawin doonaan Hindiya inay yareyso isticmaalka saliidda isla markaana ay keydiso lacagta qalaad.

    Hindiya waxay soo dejisaa ku dhawaad 90 boqolkiiba saliiddeeda, waxaana kharashaadka saliiddeedu ay kordheen balaayiin doollar kadib dagaalka uu Maraykanka iyo Israa’iil kula jiraan Iiraan, halka marinka istaraatijiga ah ee Hormuz, oo ah waddo ciriiri ah oo maraakiibta saliiddu maraan, uu xirnaa in ka badan laba bilood iyo bar.

    Falanqeeyayaal ayaa sheegay in baaqa Modi, uu ka jeediyay isu soo bax ka dhacay Hyderabad ee koonfurta Hindiya maalintii Axadda, uu ka mid yahay tallaabooyinka ugu adag ee uu abid soo jeediyay.

    “Waddaniyaddu kaliya ma aha inaad naftaada u hurto xudduudda. Xilliyadan, waxay tahay inaad si mas'uuliyad leh u noolaato kana gudato waajibkaaga qaran nolol-maalmeedkaaga,” ayuu yiri Modi.

    “Xaaladdan hadda jirta, waa inaan si weyn diiradda u saarno ilaalinta lacagta qalaad,” ayuu intaas ku daray.

    Sidoo kale akhri:

  20. Iiraan oo hambalyo iyo erayo dareen leh u dirtay Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka

    Iiraan ayaa hambalyo u dirtay afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Caroline Levitt, kadib markii ay noqotay hooyo, iyagoo sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Donald Trump.

    Caroline Levitt ayaa dhalashada gabadheeda ku shaacisay barta Instagram-ka 7-dii May. Safaarado Iran leedahay oo ku yaalla dalal kala duwan ayaa ka falceliyay qoraalkaas.

    Safaaradda Iran ee Armenia ayaa dib u faafisay qoraalkeeda, waxayna tiri:

    "Hambalyo ayaan kuu soo direynaa. Carruurtu waa kuwo aan waxba galabsan oo qurux badan. 168 carruur ah oo lagu dilay iskuulka Minab oo uu weeraray madaxaaga Donald Trump, adiguna aad taageertay, iyaguna waxay ahaayeen carruur."

    Waxay sidoo kale intaa ku dartay safaaraddy:"Markaad dhunkato ilmahaaga, xusuuso hooyooyinka carruurtaas."