You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mandheera: Faahfaahin kasoo baxaysa dhacdo naxdin leh oo lagu laayay dad rayid ah
Fal naxdin leh ayaa ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari kenya, kadib markii meleeshiyaad hubeysan ay wadada u galeen dad rayid ah oo saarnaa gaari isla markaana ay halkaa ku dileen lix qof oo ay ku jireen haweeney xaamilo ahayd iyo nin waayeel ahaa.
Dadkaan oo isku qoys ahaa ayaa la sheegay in ay u socdeen meel madal qur'aan aqris ah oo sanad walba la qabto.
Marka laga yimaada lixda qof ee geeriyootay waxaa dhaawac soo gaaray ilaa toddobo qof oo kale, kuwaas oo qaar dhaawacoodu yahay halis, iyadoo kuwa qaba dhaawacyada daran loo qaaday magaalada Nairobi, halkaasi oo hadda lagu daweynayo.
Dhowr qof oo weerarka ka badbaaday ayaa la sheegay in ay daaqadaha gaariga ka baxeen, waxaana dadkaas ka mid ah darawalkii baabuurka waday.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta arrintaan ka dambeysay laakiin xildhibaan Xuseen Waytaan, oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya lagana soo doorto bariga Mandheera, ayaa BBC-da u sheegay in ay fahamsan yihiin dadka ka dambeeya hase-yeeshee wuxuu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo.
Haddaba halkaan ka dhageyso waraysi uu kaga hadalay dhacdadaas-naxdinta leh: