Waa Kuma Aadan Madoobe, huggaamiyaha cusub ee Koonfur-galbeed?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sheekh Adan Maxamed Nuur oo ku magac dheer Adan Madoobe ayaa maanta baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed u doorteen xilka hugaamiyaha ee dowlad goboleedka sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlmaanka ee dowlad goboleedka.
Sida ay iclaamiyay guddoomiyuhu, cod qarsoodi ah oo ay dhiibteen xubnaha baarlamaanka ayuu Aadan helay 88 cod, kaa oo uu ku noqday hugaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.
Gudoonku waxa uu sheegay in hal cod uu qasaaray.
Musharaxa la tartamayay Aadan Madoobe ayaa afhayeenka goluhu ku dhawaaqya in uu helay 1 cod oo kaliya.
Waxaa kula tartamayay xilka hugamiyenimada musharrax Cabdicasiis Maxamed Cismaan Jawaari, halka Shariif Xassan Sheekh Aadan oo isna musharax ahaa uu ku dhawaaqay in uu ka haray tartanka sababo la xiriira "heshiisyo lagu xadgudbay".
Waxa uu sheegay in la jabiyay heshiis ay la galeen guddiga doorashada iyo huggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Koonfur galbeed kaa oo ahaa sida uu sheegay 'in aan xildhibaanadu aysan la galin taleefanada gacanta goobta codbixinta'.
Muuqaal muujinaya kursiga musharrax Shariif Xasan oo maran ayay baahisay warbaahintu.
Guddiga doorashada iyo maamulka kumeel gaarka ah ee Koonfur galbeed labaduba wali kama aysan hadlin eedaan.
Shariif waxa uu horay u soo noqday madaxwaynaha dowlgoboleedka Koonfur-galbeed, ka hor inta uusan iska casilin sanadkii 2018 kii bishiis November.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada qaar ayaa u hambalyeeyay Sheekh Aadan Madoobe guusha uu ka gaaray doorashada.
Kadib ku dhawaaqista natiijada ayaa isla hoolka ay ka dhacday doorashadu waxaa lagu dhaariyay Sheekh Aadan Madoobe.
Waxaa goobjoog ka ahaa goobta saraakiil ka socota xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale guddiga doorashooyinka madaxbanaan ee Soomalaiya.
Waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aadan madoobe ayaa afartii sano ee la soo dhaafay ahaa afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo galaha hugaaminayay golaha wax ka badalo dhowr ah ku sameeyay dastuurka Soomaaliya. Wax kabadaladaas ayaa noqday kuwa dhaliyay muran badan oo siyaasadeed iyo dasturuba oo ka dhex qarxay mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu horay u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Bidhii Janaayo ee sanadkii 2017kii isaga oo badalay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kaga horeeyay xilkaas.
Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008 iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009, Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.
Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra'iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Madoobe uu iscasilo kadib markii baarlamaanka uu markii dambe uuu u codeeyay in xilka laga qaado.May 25, 2010, Shariif Xasan ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah, isagoo bedelay Madoobe.
Bishii January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo u magacaabay Raysal Wasaare Cabdiweli Seekh Axmed.
Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa dhinaca mucaaradka, sida ay falanqeeyayaashu qabaanna taasi u sahashay in mucaaradkii u dhami u wada tanaasulo oo sidaa cod tiro ah ugu guulaysto guddoonka Golaha Shacabka.
Madaxda kala duwan iyo mucaaradka ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ka dhigan in muddo xaalka madaxtinnimada Soomaaliya ay ahayd mid hubanti la'aana ay hadda u muuqato in hawshaasi soo dhammaatay oo ay xigi doonta muddaynta doorashadii madaxtinnimada.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.
Aaden Maxamed Nuur Madoobe, waxa uu ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo.














