Maxay tilmaamaysaa aamusnaanta aan caadiga ahayn ee Al Qaacida ka aamustay dagaalka Iiraan ay kula jirto Maraykanka iyo Israa'iil

Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Ururka Al-Qaacida ayaa si gaar ah uga aamusay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo iyo saameyntiisa ballaaran.

Tani waa wax aan caadi ahayn, maadaama al-Qaacida iyo kuwa raacsan ay si caadi ah uga jawaabeen dhacdooyinka waaweyn ee Bariga Dhexe.

Gaar ahaan xilli colaadaha noocaan ah lagu falanqeynayo gudaha kooxaha xagjirka ah, sida markan la arkay.

Sannadkan, hal bayaan oo keliya ayaa kasoo baxay hoggaanka dhexe ee Al-Qaacida, 4-tii bishii Febraayo, xilligaasi oo Mareykanku uu kordhinayay joogitaankiisa milateri ee Bariga Dhexe, kaddib xiisadda kala dhexeysa Iiraan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in weeraro lagu qaado saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil, taasi oo ururro badan oo xag jir ah ay u arkeen inay si dadban u taageersan yihiin Iiraan.

Aamusnaantan Al-Qaacida waxa laga yaabaa inay qayb ka tahay qorshe si fiican looga fakaray.

Ururka ayaa hadda ku jira xaalad adag. Hogaamiyeheeda Saif al-Adl iyo saaxiibadiisa dhow ayaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin Iiraan.

Kadib weeraradii 9/11, qaar badan oo ka mid ah hogaamiyayaasha muhiimka ah ee Al-Qaacida iyo qoysaskooda ayaa ka qaxay Afgaanistaan iyo Pakistan oo u sii gudbay Iiraan.

Liiska FBI-da ee "Argagixisada aadka loo doondoonayo" ayaa sidoo kale lagu sheegay in Saif al-Adl "uu joogo Iiraan".

Dhinaca kale, Al-Qaacida ayaa laga yaabaa inay rabto inay ka fogaato inay ka caraysiiso Iiraan, waana sababta aanay si cad ugu biirin kooxaha xagjirka ah ee ka digaya inay taageerto Iiraan oo Shiicada u badan.

Dhowr kooxood oo noocan oo kale ah ayaa ku dhawaad si wadajir ah ugu baaqay Muslimiinta Sunniga ah inaysan la safan dhinacna, gaar ahaan si ay uga fogaadaan inay garawshiiyo u muujiyaan Iiraan.

Dhanka kale, ururka ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu qaato istaraatiijiyad uu kaga fogaanayo inuu sameeyo hadallo kale oo ka dhan ah Mareykanka ama Israa'iil, sidii uu sameeyay Febraayo 4.

Sababtoo ah samaynta sidaas ah ayaa loo arki karaa inay si dadban u taageerto Iiraan, taas oo dhaawici karta sumcadda ay ku dhex leedahay taageerayaasheeda.

Marka la eego fikirka jihaadiga ah ee xagjirka ah, Shiicada Iiraan waxaa lagu tiriyaa cadawga soo jireenka ah ee Islaamka Sunniga iyo khatar weyn.

Al-Qaacida ayaa aamusnaan la mid ah ka dhigtay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iiraan bishii Juun 2025.

Taas bedelkeeda, Daacish oo loo arko inay la tartamayso Al Qaacida, ayaa si gaar ah u firfircoon oo si adag u dhaleecaysay labada dhinac.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa soo bandhigtay baaqii Al-Qaacida ee ahaa 'jihaadka' ka dhanka ah Mareykanka 4-tii Febraayo si ay u noqoto 'caddeyn' in Al-Qaacida ay si tartiib tartiib ah u noqonayso 'Saaxibka ugu daciifsan' ee Iiraan.

Micnaha ay samaynayso aamusnaanta hogaanka

Al-Qaacidda ayaa sidoo kale muddo dheer ka aamustay xaaladda hoggaankeeda, iyadoo ka aamusnaanta colaadda Iiraan ay iyaduna arrintan la xiriirto.

Al-Qaacida ayaan wax hoggaamiye ah ku magacaabin hadallo fagaare ah tan iyo bishii Luulyo 2022. Tani waxay ahayd markii Mareykanka uu ku dhawaaqay dilka Ayman Al-Zawahiri, oo ahaa hoggaamiyihii ururka ee xilligaasi oo lagu dilay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul.

Waxaas oo dhami waxay dhaceen inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in ku xigeenka madaxa ururka, Saif al-Adl oo u dhashay Masar, uu la wareegay hoggaanka ururka.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Qaacida waligiis si rasmi ah uma xaqiijin mana beeninin wararkaas, inkastoo kooxaha jihaad doonka ah iyo taageerayaashooda ay qireen in Ayman al-Zawahiri uu dhintay, Saif al-Adl-na uu la wareegay hoggaanka.

Waxaa suurtogal ah in Al-Qaacida ay aamusnaantaas dooratay si aysan xaalad adag u gelin kooxda ay gacan saarka leeyihiin ee Taalibaan.

Isla mar ahaantaana, waxay sidoo kale dooneysaa inay ka fogaato su'aasha murugsan ee ah in madaxdeeda cusub ay ku nool yihiin Iiraan, taas oo goobaha jihaad doonka Sunniga ah ay u arkaan cadow weyn.

Horey, ilo wareedyo gudaha ah oo Al-Qaacida ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaar ka mid ah madaxda sare ee ururka ay joogaan Iiraan.

Tan iyo 2022, kooxda isku magacawda Dawladda Islaamiga waxay Al-Qaacida ku eedaysay inay hoos yimaadaan Iiraan waxayna daliil ahaan u soo qaateen joogitaanka Saif al-Adl ee Iiraan.

Taageerayaasha Al-Qaacida ayaa isku dayay inay sharaxaad ka duwan ka bixiyaan dhacdadan, iyagoo soo jeediyay in dhaqaalaha ururka uu yahay mid xaddidan iyo in Saif al-Adl uu dhab ahaantii ku jiray xabsi guri ama loo diiday inuu dalka ka baxo.

Waxay u muuqataa in al-Qaacida ay isku dayayso inay fuliso miisaan jilicsan: dhinac, waxay u diraysaa fariinta taageerayaasheeda inta badan ka soo horjeeda Iiraan, iyo dhinaca kale oo ah in aan laga xanaajin Iiraan.

In kasta oo ay jirto kala duwanaanshiyaha fikradeed ee Iiraan, qaar ka mid ah xubnaha ku jira gudaha al-Qaacida ayaa laga yaabaa in ay marmarsiiyo ka dhigtaan xiriirro istiraatiiji ah oo xaddidan oo Iiraan lala yeesho waqti ka waqti, sababo la taaban karo dartood.

Si la mid ah Xamaas ayaa samaysay, oo asalkeedu salka ku hayo Ikhwaanul Muslimiin.

Ka aamusidda muranka

Sanadkan, hal bayaan oo kaliya ayaa kasoo baxay hogaanka dhexe ee Al-Qaacida.

Bayaanka ayaa loogu baaqay Muslimiinta inay qaadaan tillaabo ka dhan ah joogitaanka ciidamada Maraykanka ee ku soo badanaya bariga dhexe.

Laamaha gobolka ee ururka sidoo kale wax war ah kama soo saarin dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israel iyo Iiraan.

Xataa Al-Qaacidada Jaziiratul Carab (AQAP) oo ah garabka Yemen ee Al-Qaacida, oo safka hore kaga jira soo gudbinta qisooyinka Jihaadka Adduunka ee sannadihii u dambeeyay la'aanta hoggaan dhexe dartiis, ayaan ka hadlin.

Kaliya laanta Koonfurta Aasiya ayaa fikradeeda ka dhiibtay arrintan.

Aragtidani waxay ka soo baxday maqaal lagu daabacay joornaalka AQIS ee 'Nawa'i Ghazwat-ul-Hind' 8-dii Maarso, kaas oo ka tarjumayay dareen yar oo loo qabo Iiraan.

Al-Qaacida waxay inta badan ka falcelisaa marka ay dhacdo dhacdo weyn oo ka dhacda caalamka Islaamka.

Tusaale ahaan, Al-Qaacida waxay soo saartay bayaan cad oo ku saabsan colaadda Qaza, halka kooxda isku magacawda Dawladda Islaamiga aysan u muuqan mid firfircoon.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah bayaannada Al Qacida ee ku aaddan iskahorimaadka Qaza ayaa loo arkay inay taageero u yihiin Xamaas.

Xaaladdan oo kale hadallada la soo saarayo waxa loo tixgaliyey inay ku xiran yihiin Shiicada Iiraan ee saamaynta ku yeesheen ' kooxaha wax iska caabinta '.

Ka dib tacsidii geerida hogaamiyayaasha Xamaas, kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ayaa si gaar ah ugu eedeysay Al-Qaacida inay saameyn ku leedahay Iiraan.

Marka la eego xaaladdan jilicsan, al-Qaacida waxay guud ahaan ka fogaatay inay si cad u ammaanto Xamaas, taas beddelkeedana waxay diiradda saartay 'Mujaahidiinta' Falastiiniyiinta ama garabka milatari ee Xamaas, guutada Izz ad-Din al-Qassam.

Waxa lagu tiriyaa in uu ka muran yar yahay dhinacyada jihaadka marka loo eego hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas ee taageersan Iiraan.

Al-Qaacida iyo xulafadeeda ayaa ka aamusay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Mareykanka iyo Israa'iil ku dhexmarayay Iiraan bishii Juun 2025, laakiin markan aamusnaanta ayaa sii kordheysa.

Sababtoo ah markan khilaafku wuu ka weyn yahay saameyntiisuna waa ka sii badan tahay.

Inta badan kooxaha mayalka adag ayaa ku adkaystay in taageeridda Iiraan ay khalad tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira kooxo Islaami ah oo ka hadla inay taageeraan Iiraan, laakiin tiradooda ayaa xaddidan.

Soo bixitaanka kooxaha u janjeera Al Qaacida

1-dii Maarso, laba maalmood ka dib markii uu dagaalku billowday, waxaa soo baxay koox jihaad doon ah oo dahsoon oo isku magacawday 'Ajnad Bayt al-Maqdis' (askarta Qudus).

Kooxda ayaa loo badinayaa in ay ka howlgasho dalka Suuriya, waxaana ay ku dhawaaqday in ay daacad u tahay Al-Qaacida.

Kooxdu waxay sheegtay in taas loo sameeyay inay noqoto jawaab celin codsi ka yimid al-Qaacida, oo sida muuqata tixraacaysa fariintii 4-tii Febraayo.

Ka dib, kooxdan cusub ayaa sheegtay inay afar weerar oo yaryar ay ku qaadeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Israa'iil ee ku sugan gudaha Suuriya iyo hareeraheeda.

Ilaa hadda, al-Qaacida kama aysan aqbalin hadallada Ajnad Bayt al-Maqdis mana aqoonsanin, mana taageerin ku dhawaaqista daacadnimadeeda.

Taageerayaasha kooxda isku magacawda Dawladda Islaamiga ayaa diiday kooxdan oo ay ku tilmaameen kuwo ay leedahay Iiraan.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa sheegaya in haddii ay kooxdu dhab ahaantii taageerto ama ku xiran tahay al-Qaacida, ay sii xoojinayso sheegashadooda ah in Al-Qaacida ay hadda ku dhaqmeyso baaqyada Iiraan.

Tuhunkan ayaa sii xoogaystay ka dib markii kooxaha shiicada ah ee taabacsan Iiraan ee ka hawlgala Suuriya ay sidoo kale sheegteen masuuliyadda qaar ka mid ah weerarada ay sheegatay kooxdan cusub.