Dabagalka taleefoonka oo lagu ogaaday sida ay calooshood u shaqaystayaal u taageereen kooxda RSF ee Suudaan, iyo raad soo galay Soomaaliya

    • Author, Barbara Plett Usher
    • Role, Weriye BBC
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Shabakad calooshood u shaqeystayaal Colombian ah oo uu taageero Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa caawinaad muhiim ah siisay ciidamada Dacmu-sariic oo sidoo kale loo yaqaano (RSF) taasoo awood u siinaysa inay qabsadaan magaalada El-Fasher ee galbeedka ku taal sannadkii hore, sisa lagu sheegay warbixin cusub.

Baaritaanka oo ay sameysay hay'adda falanqeynta amniga ee kooxda isku dhafka ah ee loo yaqaan 'Conflict Insights Group' (CIG), ayaa adeegsatay xog laga helay dabagalka taleefannada gacanta ee dagaalyahannada Colombia.

Imaaraatka Carabta ayaa in muddo ahba diiday in ay taageeraan jabhadda RSF oo muddo saddex sano ah dagaal kula jirtay ciidamada caadiga ah ee Suudaan.

Dhacdadii El-Fasher waxay ahayd mid ka mid ah marxaladihii ugu arxan-darnaa ee colaadda, taas oo horseeday masiibadii bini'aadantinimo ee ugu xumayd adduunka oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, malaayiin kalena lagu khasbay inay ka cararaan guryahoodii.

CIG waxa ay si dhaw ula socotay cadaymo muujinaya in imaaraatka Carabta uu kaalmo badan siiyay RSF, balse "tani waa cilmi baaristii ugu horeysay ee aan ku caddeyn karno ku lug lahaanshaha Imaaraadka si dhab ah" ayuu yiri agaasime Justin Lynch.

"Waxaan dadweynaha u soo bandhigaynaa wixii ay dowladuhu muddo dheer ogaadeen oo ah inuu jiro xiriir toos ah oo ka dhexeeya Abu Dhabi iyo RSF.

"Calooshood u shaqeystayaasha ku lugta leh howlgallada dayaaradaha aan duuliyaha lahayn waxay xitaa ku magacaabeen shabakadooda wi-fi-ga magacooda cutubka ayagoo ku xiriiriyey shirkad laga maamulo Imaaraadka".

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa laga soo xigtay sannadkii hore inuu ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaasha "ruuxaanta dhimashada" wuxuuna ku sifeeyay qaabka askaraynteeda sidii askartooda inay tahay "qaabka tahriibinta dadka".

BBC-da ayaa waydiisatay dowladda Imaaraatka inay jawaab ka bixiso arrimahaas soo baxay.

Imaaraatka Carabta ayaa horay u soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin waxa ay ugu yeereen "eedeymo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn" oo ah in ay taageeraan RSF isla markaana waxay „si adag" u cambaareynayeen xasuuqii El-Fasher.

Falanqeeyayaasha ayaa isku raacay in taageerada shisheeye ee labada dhinac ay fure u ahayd sii socoshada iyo ballaarinta dagaalka sokeeye.

CIG waxa ay sheegtay in ay adeegsatay tignoolajiyad ganacsi ahaan loo heli karo oo loogu talagalay in ay xayeysiiska shakhsi ahaaneed ay adeegsadeen si ay ula socdaan in ka badan 50 taleefoonnada gacanta ah gudaha Suudaan intii u dhaxaysay Abriil 2025 iyo Jannaayo sannadkan, kuwaasoo ay ku dhaqaynayeen calooshood u shaqeystayaal Colombian ah, waxaana ku jira meelaha ay gacanta ku hayaan RSF oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga soo xabadeeyey.

Waxa kale oo ay adeegsatay xogta la socodka duulimaadka, sawirrada dayax-gacmeedka, muuqaallada warbaahinta bulshada, wararka iyo maqaallada cilmiyeysan si ay u taageerto falanqaynteeda.

Warbixintu waxa ay sheegtay in xogteeda ay joogitaanka calooshood u shaqaystayaasha ee goobo kala duwan oo laga soo dullaan tago gobolka, oo ay ugu muhiimsan tahay xarun tababar milatari oo Imaaraadku ku leeyahay - Ghayathi oo ku taalla Abu Dhabi.

Waxay raacday hal teleefan oo ka yimid Colombia ilaa garoonka caalamiga ah ee Abu Dhabi ee Zayad, ka dibna xarunta, halkaas oo ay sidoo kale heshay afar qalab oo kale oo loo qaabeeyey qaabka Isbaanishka oo ah luqadda lagaga hadlo Colombia.

Labo ka mid ah taleefoonnadaas ayaa markii dambe u safray gobolka Suudaan ee Koonfurta Darfur iyo mid ka mid oo aaday caasimadda RSF ee Nyala, halkaas oo ay galeen shabakado wi-fi ah oo lagu magacaabo "ANTIAEREO" (macnaha "lidka dayaarada" ee luqadda Isbaanishka) iyo "AirDefense".

Nyala waa xarun caan ah oo calooshood u shaqeystayaal Colombian ahi joogaan iyo meel howlgallada aan duuliyaha lahayn ee RSF laga fuliyo, sida ay warbixintu shegtay. CIG waxay diiwaangelisay dhaq-dhaqaaqyo muhiim ah oo ah dayaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayadoo aqoonsatay in ka badan 40 aaladaha Isbaanishka.

Xaalad kale ayaa CIG waxay raad raacday taleefoon ka yimid Kolombiya kuna socday Nyala ka dibna el-Fasher oo ka tirsan gobolka Waqooyiga Darfur, intii lagu jiray bishii Oktoobar ee la soo dhaafay markii RSF ay la wareegtay magaalada ka dib go'doomin 18 bilood ah.

Intii lagu jiray el-Fasher, aaladda ku xiran shabakad wi-fi ah oo magaceedu yahay "ATACADOR" ("weeraryahan" ee Isbaanishka), sida ay tiri warbixintu. Waxay ku dartay in CIG ay aqoonsatay aaladaha kale ee la xiriira calooshood u shaqeystayaasha Colombia ayagoo sidoo kale joogay inta lagu guda jiray la wareegidda RSF.

Burburkii magaalada waxaa barbar socday gabood-fallo ballaaran oo lagu qiimeeyay inay u dhigman dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada sida uu sheegay dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC) oo ay baarayaasha Qaramada Midoobay ku tilmaameen mid xambaarsan "calaamadaha xasuuqa".

"CIG waxay qiimeysaa in shabakadda calooshood u shaqeystayaasha Iimaaraadka iyo Colombia ay qaadayaan mas'uuliyadda" ayaa lagu yiri warbixinta.

"Baaxadda xad-gudubyada iyo go'doominta el-Fasher ma dhaceen la'aantood hawlgallada aan duuliyaha lahayn ee calooshood u shaqeystayaasha ay bixiyeen," Lynch ayaa ku daray, isagoo xusaya caddaynta inay sidoo kale gacan ka geysteen taageeridda go'doominta ay RSF gaysteen.

Sida warbixinta lagu sheegay, calooshood u shaqeystayaasha ayaa ka tirsanaa guutada Desert Wolves, iyagoo qaban jiray shaqooyin ay ka mid yihiin duuliyayaal, askarta madaafiic iyo macalimiin.

Mid ka mid ah wuxuu ku xiran yahay shabakadaha wi-fi ee loo yaqaan "DRONES" iyo "LOBOS DEL DISIERTO" (macneheedu waa "Desert Wolves" ee Isbaanishka).

Guutada waxaa hogaaminaya Colonel Alvaro Quijano oo shaqada askarta Colombia ka fariistay, sida laga soo xigtay shabakada wararka ee Colombia ee La Silla Vacía. Waxa uu fadhigiisu yahay Imaaraadka, waxaana cunaqabatayn ku soo rogay dowladaha Mareykanka iyo UK, ka dib markii uu qorayay dad Colombian ah oo ka dagaallama Suudaan.

The Desert Wolves ayaa waxaa lacag iyo shaqooyin siiyey shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta oo xiriir la leh saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka, sida laga soo xigtay La Silla Vacía iyo dukumentiyo ay heshay CIG, sida ay warbixintu sheegtay.

CIG waxa kale oo ay sheegtay in ay ogaatay aalado ku qoran luqadda Isbaanishka oo yaalla deked ku taalla Soomaaliya oo xiriir la leh Imaaraadka Carabta, iyo magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya oo la rumeysan yahay in ay tahay xuddunta saadka ee hubka loo diro RSF, oo la sheegay in ay fududeeyeen Imaaraadka.

Tirada dagaalyahannada Colombia ee ku sugan Suudaan ayaa hore lagu qiyaasay boqollaal.

Mareykanka ayaa laba jeer cunaqabateyn ku soo rogay muwaadiniin Colombian ah iyo shirkado xiriir la leh qorista calooshood u shaqeystayaasha si ay uga dagaalamaan Suudaan, bishii Disembar iyo mar kale todobaadkii hore.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalyahannada Colombia ay taageereen qabsashada RSF ee El-Fasher balse ay joojiyeen in ay xiriir toos ah la sameeyaan Imaaraadka.