You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa kuwee saxiixyada ugu muhimsan ee kubadda cagta ee dhacay 2026? iyo xiisaha suuqa kala iibsiga
Ka hor inta aysan bilaaban xilli-ciyaareedka kubadda cagta, tartamada iyo loollanka garoomada dhexdooda, waxaa jiray tartan iyo loollan xooggan oo u dhexeeyay kooxaha ugu waaweyn caalamka, balse waqtigaas waxay ahayd mid ka dhacaysay xafiisyada maamulka kooxaha iyo laamaha bangiyada, iyadoo la isku dayayay in la soo xero-geliyo xiddigaha kubadda cagta ee ugu muhiimsan.
Rodri, Morgan Rogers, Mohamed Salah, Omar Marmoush iyo xiddigo kale oo badan ayaa ahaa kuwo ay doonayeen kooxo ka kala socda daafaha dunida, iyagoo rajeynaya inay xirtaan funaanadahooda, isla markaana ay kooxahaas cusub u dhaliyaan goolal oo ay kula guuleystaan koobab.
Suuqa kala-iibsiga ciyaartoyda, oo sidoo kale loo yaqaan "Mercato," ayaa goobjoog u ahaa isbeddello waaweyn oo ku yimid waayihii ciyaareed ee xiddigo badan oo caan ah, u-guurista magacyo waaweyn ay u guureen horyaalka Sacuudiga, iyo dabcan, diiwaangelinta tirooyin iyo rikoodho cusub oo ku saabsan qiimaha heshiisyada kala-iibsiga.
Waxaan eegi doonnaaheshiisyada ugu waaweyn iyo tirooyinka cusub ee dhanka dhaqaalaha ee ugu muhiimsan ee laga diiwaangeliyay "suuqa kala iibsiga ciyaartoyda", kaas oo waddamada Yurub badankooda ku eg maalinta koowaad ee bisha Sebtembar.
Morgan Rogers, waa ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee Ingiriis ah taariikhda
Heshiiskii lagula soo wareegay ciyaaryahanka Ingiriiska ah ee Morgan Rogers, oo 23 jir ah, ayaa xagaagan si gaar ah u soo jiitay dareenka kubada cagt, maadaama uu ahaa midkii ugu qiimaha badnaa dhanka lacagta ee abid laga sameeyo Ingiriiska.
Ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara ee Rogers ayaa wacdarro dhigay xilli ciyaareedkii hore isagoo u ciyaarayay Aston Villa; wuxuu dhaliyay 10 gool, wuxuuna caawiye ka noqday lix kale 37 kulan oo horyaalka ah, taasoo ka dhigtay mid bartilmaameed u ah kooxaha horyaalka Premier League. Ugu dambeyntii, ciyaaryahanka ayaa ugu biiray Chelsea heshiis lagu qiimeeyay 157.95 milyan oo dollar.
Elliott Anderson, ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda Manchester City
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingiriiska Elliott Anderson ayaa wacdaro ka dhigay kooxda Nottingham Forest xilli ciyaareedkii hore, ka dibna u ciyaaray xulka "Three Lions" Koobka Adduunka, ka hor inta uusan u wareegin kooxda Manchester City heshiis lagu qiimeeyay 156.6 milyan oo doollar.
Anderson wuxuu ahaa ciyaaryahankii kubadda cagta ee ugu qaalisanaa taariikhda Britain ka hor inta uusan dhaafin Rodgers, kooxda Citizens-kuna waxay heshiiskan ku jebisay rikoodhkoodii ugu sarreeyay ee kharashka lagu iibsado ciyaartoyda.
Yann Diomande, ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda Real Madrid
Ciyaaryahan garabka ka ciyaara oo u dhashay Ivory Coast ayaa ku guuleystay abaalmarinta Ciyaaryahanka Sanadka ee ugu Da'da Yar ee Bundesliga ka dib markii uu dhaliyay 12 gool isla markaana uu caawiyay sideed gool kooxdiisa RB Leipzig.
Diomande oo 19 jir ah ayaa soo jiitay dareenka kooxo waaweyn oo Yurub ah, ugu dambeyntiina wuxuu ku biiray Real Madrid heshiis qiimihiisu gaari karo ilaa 162 milyan oo dollar.
Kooxda 'boqortooyada' ayaa sidoo kale xagaagan ku dartay safkeeda ciyaartoy kale oo caan ah, sida daafaca garabka ee reer Spain Marc Cucurella, daafaca garabka ee reer Holland Denzel Dumfries, daafaca dhexe ee reer France Ibrahima Konate, iyo khadka dhexe ee reer Portugal Bernardo Silva.
Sandro Tonali, ciyaaryahanka Talyaaniga ah ee ugu qaalisan
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani Sandro Tonali ayaa magac xooggan ku yeeshay horyaalka Ingiriiska isagoo u soo ciyaaray Newcastle United, ka hor inta uusan cutub cusub ka bilaabin kooxda Tottenham Hotspur, kuwaasoo si qaali ah u kharash gareynayay xilli ciyaareedkan.
Heshiiska waxaa lagu qiimeeyay 124.875 milyan oo doollar, iyadoo ay jirto suurtagalnimo ah inuu gaaro 135 milyan oo doollar; taas oo ka dhigtay ciyaaryahankii Talyaani ahaa ee ugu qaalisanaa taariikhda, iyo waliba ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee abid soo mara kooxda Tottenham.
Ku biirista Tonali ee Tottenham ayaa timid ka dib saddex xilli-ciyaareed oo uu la qaatay Newcastle United, tan iyo markii uu kooxdaas kaga soo biiray Milan bishii Luulyo 2023 lacag dhan 74.25 milyan.
Ayoub Bouadi
Bandhiggii heerka sare ah ee xiddigga da'da yar ee reer Morocco, Ayoub Bouadi oo 18 jir ah, uu ku sameeyay horyaalka Faransiiska iyo Koobka Adduunka ee 2026-ka ayaa horseeday inuu heshiis weyn ugu wareego kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska, isagoo ka imaanaya kooxda Lille ee dalka Faransiiska.
Qiimaha bilowga ah ee ciyaaryahanka heerka caalami ee reer Morocco ayaa ahaa 109.89 milyan oo doolarka Mareykanka ah, iyadoo ay jirtay suurtagalnimada in lagu daro 5.67 milyan oo doolar oo dheeraad ah oo ku imaanaya qaab gunnooyin ah.
Bouadi wuxuu noqday heshiiskii ugu qaalisanaa taariikhda ciyaartoyda Carabta, iyo sidoo kale taariikhda ciyaaryahan ka soo wareegaya koox ka dhisan horyaalka Faransiiska.
Gonzalo Ramos, ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee ay AC Milan la soo wareegto taariikhdeeda
Ka dib markii uu tababaraha reer Portugal ee Ruben Amorim la wareegay shaqadiisa cusub ee tababarenimada kooxda AC Milan, ciyaaryahan kale oo reer Portugal ah, Gonzalo Ramos (oo 25 jir ah), ayaa ku biiray kooxda Rossoneri.
Weeraryahanka reer Portugal ayaa Milan ugu soo wareegay kooxda Paris Saint-Germain heshiis lagu qiimeyey 81.27 milyan oo doolar, taas oo ka dhigtay heshiiskii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda Talyaaniga.
Ramos ayaa 45 gool u dhaliyay kooxda reer Paris muddo saddex xilli ciyaareed ah, isagoo u saftay 131 kulan.
Falanqeeyaha ciyaaraha Issa Al-Mismar ayaa u sheegay BBC-da in saxiixyada ciyaartoyda ee ugu caansanayd Yurub xagaagan ay ahaayeen Yann Diomande, Morgan Rogers iyo Elliott Anderson.
Heshiisyada kale ee la xusi karo
Rodri, oo ah ciyaaryahankii ugu fiicnaa Koobka Adduunka, ayaa ku biiray Barcelona
Heshiiskan ayaa ka mid ahaa heshiisyadii xagaaga ee ugu caansanaa caalamka.
Kabtanka reer Spain ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid, balse ugu dambeyntii wuxuu doortay Barcelona iyo qaab-ciyaareedkeeda ku dhisan weerarka wadajirka ah; wuxuuna kooxda reer Catalonia kaga soo biiray Manchester City heshiis lagu qiimeeyay 87.75 milyan oo doollar.
Ciyaaryahankan khadka dhexe, oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa Koobka Adduunka ee 2026 iyo abaalmarinta Ballon d'Or ee sanadkii 2024, ayaa kooxda da'da yar ee Barcelona ku soo kordhin doona khibraddiisa, awooddiisa jireed, iyo fahamkiisa qoto-dheer ee ciyaarta iyo sida kubadda dib loogu soo ceshado.
Falanqeeyaha ciyaaraha Issa Al-Masar, oo la hadlayay BBC-da, ayaa ku tilmaamay tallaabada uu Rodri ugu biirayo Barcelona mid "aad u macquul ah oo xooggan" u ah kooxda reer Catalonia.