You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tuugo maalin cad Matxaf ka dhacay katiinad qiimuheedu dhanyahay afar milyan oo doollar
Waxaa socda hawlgal caalami ah oo lagu raadinayo laba nin oo xaday katiinad lagu xardhay in ka badan 600 oo dheeman ah, taas oo laga qaatay matxaf ku yaalla magaalada Vienna, kadib markii ay iibsadeen tigidhka lagusoo galayey bandhigga lagu soo bandhigayay silsiladdaas.
Booliiska ayaa sheegay in labada qof ee looga shakisan yahay falkan ay galabnimadii Khamiistii burburiyeen sanduuq muraayad ah oo alaaboyiinka lagusoo bandhigo oo yiilay Matxafka Farshaxanka (MAK) ee Vienna kadibna ay qaateen katiinad ka samaysan platinum iyo dheeman, taas oo la rumeysan yahay inay qiimaheedu ka badan yahay 4 milyan oo doollar.
Silisika katiinadan, oo loo sameeyay qoyskii hore ee boqortooyada Masar, ayaa qayb ka ahayd bandhig ku saabsan shirkadda dahabka ee Van Cleef & Arpels, kaas oo ka soconaya matxafka MAK ilaa bisha Sebtembar.
Xatooyadan ayaa ah tii ugu dambeysay oo ah taxane dhac cajiib ah oo lagu sameeyay matxafyada Yurub.
Booliska Vienna ayaa soo bandhigay sawirrada labada tuhmane, kuwaas oo laga qaaday weji xirka, sawirradaas oo aay qabteen kamaradaha amniga. Dadweynaha ayaa laga codasay inay soo gudbiyaan wixii warar ah ee hayaan.
Booliiska bayaan ay soo saareey ayey ku sheegeen in mid ka mid ah dadkii falka geystay la rumeysan yahay inuu watay wax loo malaynayay inay ahaayen hub dhab ah.
Boolisku waxa kale oo ay sheegeen in ka dib markii ay katiinada qaateen ay u baxsadeen dhanka "Vienna Stadtpark" oo ku taal dhanka koonfureed ee matxafka.
Lilli Hollein, oo ah Agaasimaha Guud ee MAK, ayaa tiri "xatooyada qayb dahab ah oo qiimo aad u sarreeya leh... ayaa si weyn noo saameysay".
Waxa ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in MAK ay diyaarisay qorshe dhanka amniga ah oo ay la kaashatay shirkadda Van Cleef & Arpels, gaar ahaan bandhiggan, iyadoo raacisay: "Arrimaha amniga si dhab ah ayaa looga fikiray, dhammaan tallaabooyinka amniga-na si taxaddar leh ayaa loo diyaariyay."
Hollein waxa uu sheegtay in shaqaaluhu ay si deggan uga fal celiyeen oo ay raaceen habraacii loo dejiyay markii "shilka hubaysan" uu dhacay, mana jirto cid wax ku noqotay.
Waxay intaas ku dartay in MAK ay dib u eegis ku samesyay tallaabooyinkeeda ammaanka ka hor bandhigga, "gaar ahaan marka la eego shilalka matxafyada waaweyn ee sannadihii u dambeeyay".
Sidoo kale maalintii Khamiista, waxa matxaf ku yaalla dalka Spain laga xaday mid ka mid ah kaydka ugu muhiimsan ee dahabka iyo agabka taariikhiga ah ee xilliyadii hore.
Bilowgii bishan ayaa matxaf ku yaalla Sicily laga xaday afar sawir-gacmeed oo taariikh ahaan kasoo jeeda xilligii Dib u cusarshada, halka horraantii sanadkana matxaf ku yaalla Parma laga qaatay saddex sawir-gacmeed oo ay sameeyeen Renoir, Cézanne iyo Matisse, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo malaayiin Yuuro.
Xatooyadan ayaa timid ka dib weerarkii geesinimada iyo ku-dhiirashada lahaa ee maalin cad lagu qaaday matxafka Louvre ee magaalada Paris, kaas oo ay koox waji-xiran ku xadeen dahab iyo jawharad qiimo aan la qiyaasi karin ah bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Xatooyada is daba joogga ah ayaa su'aalo ka keenay amniga hay'adaha dhaqanka ee Yurub.
Europol waxay sheegtay in xatooyada matxafyada ay "noqonayso mid sii kordheysa oo saa'id ah, iyadoo loo adeegsanayo habab rabshado iyo xoog leh", iyadoo intaas ku dartay "inay muujin karto ku lug lahaanshaha shabakada cusub oo dambiilayaal ah".
Katiinada laga xaday Vienna Jimcihii waxaa loo soo sameeyay qoyskii hore ee boqortooyada Masar, waxaana xirtay Boqorad Nazli sannadkii 1939-kii guurkii gabadheeda Fawzia ee dhaxal suguhii Shaha Iiraan, Mohammad Reza Pahlavi.
Van Cleef & Arpels waxay ku tilmaameen "dahab gaara oo cad". Dheemanka ku lagu xardhay katiinadda ayaa miisaankiisu ka badnaa 200 oo karat.
Markii la xaraashay toban sano ka hor, waxay lahayd qiima lagu qiyaasay $3.6m-$4.6m.
Cutubyo ka tirdan booliiska eeyahaha ayaa laga daadgureeyay Vienna iyo gobolka Lower Austria, halka khubarada dambi baaristuna ay baarayaan caddaymaha iyo muuqaallada CCTV.
Bandhigga ayaa hadda dib loo furay.