Diyaarad ay ku dhinteen 132 ruux oo la ogaaday in si kutala gal ah shidaalka looga jaray

Diyaaradda burburkeedii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Diyaarad Boeing 737 ah oo ku dhacday buur ku taalla Shiinaha sanadkii 2022, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 132 qof ee diyaaradda, ayaa la sheegay in shidaalka laga jaray xilli ay hawada sare ku jirtay, sida lagu sheegay xogta cusub ee ay soo saareen Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka ee Mareykanka (NTSB).

Natiijooyinka ay soo saartay NTSB ayaa sheegaysa in labada dhuumood ee shiidaalka siiya matoorka diyaaradda "la xiray" iyada oo ku socotay joog sare oo ah 8,839m – sida ay muujisay in shilku ahaa mid ula kac ah.

Shilkan diyaaradeed ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaasi muddo tobanaan sano ah, inkastoo sababta shilkan ay ahayd mid aan la qarin karin.

Shiinaha ayaan weli soo saarin warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan dhacdadan, iyadoo la tixraacayo walaaca amniga qaranka.

Warbixinta NTSB, oo lagu sii daayay sharciga xorriyadda macluumaadka, ayaa lagu sheegay in xawaaraha matoorka MU5735 uu "hoos u dhacay ka dib markii shidaalka la xiray".

badhamada shiidaalku waa kuwa kantaroola xaddiga shidaal ee matoorada diyaaradda gaaraya, kuwaas oo ay isticmaalaan duuliyayaashu si ay xiraan ama u fasaxaan shidaalka gaaraya matoorka diyaaradda.

Xogta cusub ee la sii daayay ayaa laga soo qaatay mid ka mid ah waxa loogu yeero "sanduuqa madow" ee diyaaradda, kaas oo diiwaangeliya dhammaan macluumaadka la xiriira duulimaadka. Sanduuqa madow ayaa laga soo saaray burburkii diyaaradda, waxaana loo diray shaybaarka NTSB ee magaalada Washington DC si loo baaro.

Bishii Maarso 2022, diyaaradda ayaa ka soo ambabaxday Kunming, caasimadda Yunnan, waxayna ku degi lahayd Guangzhou isla galabnimadii.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa ay hawada ku jirtay in ka badan hal saac oo ay ku soo dhawaatay halkii ay ku socotay markii ay si lama filaan ah uga soo dhacday joogga ay ku socotay diyaaraddu - iyada oo xogta raadraaca duulimaadka ay muujinaysay in ay kumanaan mitir hoos ugu dhacday wax ka yar saddex daqiiqo.

Sida laga soo xigtay madasha FlightRadar24, diyaaradda ayaa ku socotay joog gaaraya 29,100ft (9,000m), laakiin laba daqiiqo iyo 15 ilbiriqsi ka dib waxaa la arkay iyada oo ku socota 9,075ft. Xogtii ugu dambaysay ee laga helay duullimaadka ayaa muujisay in ay dhacday 14:22 wakhtiga maxalliga ah, iyadoo jooggeedu ahaa 3,225ft.

Maadama shilku uu ka dhacay Shiinaha oo ay ku lug lahayd shirkad diyaaradeed oo Shiineys ah, Maamulka Duulista Rayidka ee Shiinaha (CAA) ayaa hormuud u noqday baaritaannada. In kasta oo Boeing 737 lagu nashqadeeyey laguna dhisay Maraykanka, si kastaba ha ahaatee, NTSB waxay magacawday baare sare oo badbaadada hawada si uu u caawiyo baaritaanka.

Baarayaasha waxaa laga filayey inay eegaan dhowr sababood oo suurtagal ah - oo ay ku jiraan fal ula kac ah, khalad duuliye, ama arrimo farsamo sida burburka qaabdhismeedka ama isku dhaca hawada dhexe.

Wax yar ka dib shilka, Zhu Tao, oo ah agaasimaha xafiiska badqabka duulista ee CAA ayaa u sheegay warfidiyeenka in aysan haynin qiimeyn cad oo ku saabsan sababta keentay shilka.

Maamulayaasha hawada ayaa marar badan wacay diyaaradda intii ay soo degeysay balse wax jawaab ah kama aysan helin, ayuu raaciyay.

Laakiin CAA waxay ku adkaysatay in shaqaaluhu ay haystaan shati sax ah, si ku filan loo nasiyay oo ay u gudbeen hubinta caafimaadka maalinta duulimaadka.

Warbaahino badan ayaa horey u saadaaliyay in shilka diyaarada uu ahaa mid si ula kac ah u geystay qof ku sugnaa qolka diyaarada laga hago - balse wali lama xaqiijin.

CAA ayaa hore u soo saartay diidmo iyada oo la isla dhexmarayay in shilku uu ahaa kiis uu duuliyahu is dilay.

"Wararkan xanta ah… waxay si dhab ah u marin habaabiyeen dadweynaha waxayna faragaliyeen baaritaanka shilka," Wu Shijie, oo ah sarkaal ka tirsan CAA, ayaa ku sheegay shir jaraa'id Abriil 2022.

Shiinaha ayaa lagu dhaleeceeyay inaysan sii deyn warbixin kama dambeys ah oo ku saabsan dhacdada, halka CAA ay ka digtay in "daahfurka [shilka] laga yaabo, haddii la sii daayo, inay halis gelineyso amniga qaranka iyo xasilloonida bulshada".

Shilalka diyaaradeed waa naadir gudaha Shiinaha, halkaas oo badbaadada hawada iyo heerarka duulista ay aad u soo fiicnaadeen tobannaankii sano ee la soo dhaafay.