Maxaa ka jira in Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta ay duqeeyeen Suudaan?

Afhayeenka ciidamada Sudan Sareeye Guuto Asim Cawad Abdelwahab

Xigashada Sawirka, SUNA

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kadib markii Suudaan ay sheegtay in uu jiro weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo ay fuliyeen Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, kaas oo lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Khartuum, Itoobiya ayaa si adag u beenisay eeddaas.

Eedeynta ay Suudaan hadda soo bandhigtay ayaa lagu tilmaamay mid ujeedkeedu yahay in la sii xumeeyo faragelinta dalal shisheeye ee dagaalka ka socda Suudaan.

Afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Suudaan, Sarreeye Guuto Caasim Cawaad Cabdilwahaab, ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay haysato "caddeymo ku filan" oo muujinaya in Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ay si toos ah gacan uga geysteen weerarkaasi.

Waxaa kale oo uu sheegay in weerarkaasi uu sababay in garoonka diyaaradaha Khartuum la xiro lana joojiyo adeeggiisii muddo 72 saacadood ah.

Illaa iyo hadda wax jawaab ah kama bixin Imaaraadka Carabta eedeynta Suudaan, hase yeeshee Itoobiya waxay soo saartay bayaan ay si cad ugu beenisay eedahaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa maanta bayaan ku daabacday baraha bulshada, waxayna ku sheegtay in eedeymaha ay si wadajir ah u soo bandhigeen Ciidanka Suudaan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan iyo afhayeenka ciidamada Suudaan ee ka dhanka ah Itoobiya ay yihiin "kuwo aan sal iyo raad toona lahayn".

Bayaanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in "shacabka Itoobiya iyo Suudaan ay wadaagaan xiriir taariikhi ah iyo saaxiibtinnimo xooggan", iyadoo xustay in si loo ilaaliyo dhaqankaas, dowladda Itoobiya ay muddo dheer si qarsoodi ah uga aamusi jirtay "falal dembiyeedyo ah oo ka dhaca xudduudda Itoobiya kuwaas oo ay sababeen dagaalka Suudaan".

"Si loo ilaaliyo xiriirka shucuubta labada dal, dowladda Itoobiya waxay ka gaabsatay in ay bannaanka keento falal dambiyeedyo iyo xadgudubyo ay geysteen kooxo ka soo tallaabay xudduudda Itoobiya xilligii uu socday dagaalka sokeeye ee Suudaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxay sidoo kale sheegtay in falalka amni darrada ah ee ka dhacaya xudduudda Itoobiya ay fuliyaan "xubno ka tirsan TPLF".

Waxay ku eedeysay Ciidamada Suudaan in ay fududeeyeen dhaqdhaqaaqa kooxdaas ee galbeedka Itoobiya iyagoo siinaya hub iyo dhaqaale.

Bayaanku wuxuu sheegay in ay tahay arrin si weyn loo ogyahay in wakiillada TPLF ay si firfircoon uga hawlgalaan gudaha Suudaan, isla markaana ay jiraan "caddeymo badan oo la taaban karo" oo muujinaya in Suudaan ay hoy u noqotay kooxo wada colaado oo ka soo horjeeda Itoobiya.

"Dhaqdhaqaaqyada hubeysan iyo eedeymaha ay hadda iyo horayba u soo jeediyeen saraakiisha ciidamada Suudaan waxay leeyihiin ajende ay wadaan quwado shisheeye oo doonaya inay fuliyaan danahooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ku celisay sida ay uga go'an tahay in ay garab istaagto shacabka Suudaan xilligan adag, isla markaana ay sii xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Ugu dambayn, bayaanka dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan inay joojiyaan dagaalka, khilaafaadkoodana ku xalliyaan wadahadal nabadeed, si xal loogu helo dhibaatada ba'an ee ay ku jiraan shacabka Suudaan.

Ma aha markii ugu horreysay ee Suudaan ay eedeymo noocan oo kale ah u jeediso dowladda Itoobiya.

Horayba, Suudaan waxay ugu eedeysay Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta (UAE) inay taageeraan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF).

Dowladda Itoobiya horey ayay u caddeysay in eedeymaha uga imaanaya ciidamada Suudaan ay yihiin "been abuur iyo kuwo aan sal lahayn", iyadoo mar kale xaqiijisay in aysan wax kaalin ah ku lahayn dagaalka sokeeye ee Suudaan.

Dhinaceeda, Imaaraadka Carabta ayaa si buuxda u beenisay eedeymaha sheegaya inay RSF siisay hub, dhaqaale iyo taageero kale, waxayna caddeysay inaysan haba yaraatee ku lug lahayn dagaalka Suudaan.

Afhayeenka ciidamada Suudaan ayaa ku adkeystay in "ficillada ay sameeyeen Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin weerarro si toos ah loogu qaaday Suudaan".

Wuxuu intaas ku daray in falalka noocaas ah "aan la iska indho tiri karin", isaga oo diray farriin digniin ah.

Ka dib eedeynta la xiriirta weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha Khartuum, Suudaan waxay tallaabo u qaadday in ay arrintaas kala xaajooto iyada oo dib ugu yeertay safiirkeedii Itoobiya.

Bishii Febraayo ee la soo dhaafay, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in xerooyin tababar oo lagu tababarayo kumannaan askari oo RSF ah laga dhisay gudaha Itoobiya.

Sidoo kale, bishii hore Jaamacadda Yale ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in RSF ay garoonka diyaaradaha ee Asosa u adeegsanaysay in ay ka fuliso weerarro loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Itoobiya ayaa si rasmi ah u beenisay dhammaan eedeymahaas.