Gabdhaha walaalaha Gaza ee ku guuleystay abaalmarin iyaga oo burburka u beddelay leben dib loo isticmaali karo

Xigashada Sawirka, The Earth Prize
- Author, Danny Aeberhard
- Role, BBC World Service
- Author, Maia Davies
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Labo gabdhood oo walaalo ah oo da'yar kana soo jeeda Gaza ayaa ku guuleystay abaalmarin deegaanka ah kadib markii ay burburka u beddeleen leben dib loo isticmaali karo, iyagoo sheegay inay rabeen inay "burburka u rogaan wax faa'iido leh."
Farah iyo Tala Mousa, oo ku nool teendho isla markaana si isdaba joog ah u barakacayay tan iyo markii gurigooda la duqeeyay, ayaa loo magacaabay ku guuleystayaasha gobolka Bariga Dhexe ee abaalmarinta Earth Prize ee loogu talagalay dhalinyarada.
"Kadib markii magaalada oo dhan ay isu beddeshay burbur, wax kasta oo nagu hareereysan waxay nagu riixayeen inaan ka fikirno xal," ayay Tala oo 17 jir ah u sheegtay BBC.
Walaalaha ayaa qorsheynaya inay abaal‑marintooda oo dhan $12,500 (£9,245) u adeegsadaan inay dadka kale baraan sida loo sameeyo lebenkan, iyo inay "ka qeybqaataan dib‑u‑dhiska iyaga laftooda, halkii ay kaliya sugi lahaayeen gargaar dibadeed," ayay tiri Farah oo 15 jir ah.
Qaramada Midoobay waxay qiyaaseysaa in 1.9 milyan oo qof oo ku sugan Gaza — ku dhowaad 90% dadweynaha — ay barakaceen tan iyo markii uu dagaalku bilowday 2023, kaas oo ka dhashay weerarkii ay hoggaaminaysay Xamaas ee koonfurta Israa'iil 7‑dii Oktoobar. Israa'iil ayaa taas kaga falcelisay iyadoo bilowday olole milatari oo ka dhan ah Xamaas gudaha dhulkaas.
Horraantii 2025, burburka ka dhacay marinka Gaza waxaa lagu qiyaasay $70 bilyan (£51 bilyan), iyadoo malaayiin tan oo burbur ah ay yaallaan waddooyinkeeda.
Farah iyo Tala ayaa ku sameeyay lebenkan meel u dhow teendhada ay ku noolaayeen kadib markii gurigooda la burburiyay bishii Agoosto.
Lebenkani waxaa la sameeyay iyadoo la burburiyo qashin‑dhagxaanta, la shaandheeyo, kadibna lagu daro walxo sida dhoobo, dambas iyo budo dhalo ah. Gabdhaha ayaa tijaabiyay iyagoo ka caawinayay deriskooda inay teendhada ku dhisaan marka ay cimiladu xumaato.
Iyagoo ah kuwo jaban oo fudud, lebenkan waxaa loogu talagalay "in loo isticmaalo meelaha aan culays qaadin, sida laamiyada, darbiyada kala qaybinta iyo beeraha yaryar," ayay Farah u sheegtay barnaamijka Newsday ee BBC World Service.

Xigashada Sawirka, The Earth Prize
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Walaalaha — oo lumiyay muunaddii tijaabada ahayd markii ugu dambeysay ee la barakiciyay — ayaa sheegay in ay dhiirrigelin ka qaadeen "burburka" ku hareeraysan.
"Xitaa aragtida ka muuqata daaqadda teendhadeenna ayaa noqotay dhiirrigelinta ugu weyn," ayay tiri Tala.
"Waxaan u beddelnay wax waxyeello leh wax wanaagsan annagoo diidnay inaan burburka u aragno oo keliya astaan muujinaysa halaag iyo khasaaro."
Waxay intaas ku dartay: "Halkii aan u arki lahayn dhammaad, waxaan isku daynay inaan u aragno billowga wax cusub."
Waxay qorsheynayaan inay lacagta abaalmarinta u adeegsadaan qabashada tababaro lagu barayo qiyaastii 100 dhallinyaro ah sida ay iyagu u samayn karaan lebenkan, iyagoo hiigsanaya inay soo saaraan ugu yaraan 200 leben.
Abaalmarinta Earth Prize — oo la siiyo xalalka la xiriira caqabadaha deegaanka — ayaa horey u shaacisay ku guuleystayaasha gobollada Yurub iyo Afrika.
Wiil 18 jir ah oo ka soo jeeda Ireland ayaa ku guuleystay isagoo sameeyay balaastiig si caadi ah u burburaya, halka laba dhallinyaro ah oo 17 jir ah oo Kenyan ah ay heleen abaalmarinta kadib markii ay sameeyeen nidaam rakhiis ah oo qiiqa baabuurta sifeynaya, iyagoo adeegsanaya filtarro ka samaysan walxo dabiici ah.
Afar gobol ayaa wali la filayaa in lagu dhawaaqo. Kadibna codbixin dadweyne ayaa go'aamin doonta kan guud ahaan ku guuleysta.
Dagaalka Gaza ayaa ka dhashay weerarkii ay hoggaaminaysay Xamaas bishii Oktoobar 2023, kaas oo lagu dilay qiyaastii 1,200 qof, halka 251 kalena lagu afduubay.
Intii uu socday ololaha milatari ee Israa'iil ee Gaza tan iyo markaas, in ka badan 72,700 oo qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan 856 qof tan iyo markii xabbad‑joojin ay dhaqan gashay Oktoobar 2025, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas.
Xabbad‑joojintaas, oo qayb ka ah qorshaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, ayaa sidoo kale ballan‑qaadday dib‑u‑dhiska dhulka "si ay uga faa'iideystaan dadka Gaza." Si kastaba ha ahaatee, hay'adaha gargaarka bani'aadamnimo ayaa sheegay in hawlgal ballaaran oo noocaas ah uusan weli bilaaban.












